Raysal wasaaraha dawladii 
						dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa 
						sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la 
						aqoonsado waa siduu hadalka u dhigaye. 
						
						
						Asad Cadaani Ibraahim
						e-mail: 
						
						
						assadlaska@yahoo.com 
						Laascaanood, Soomaaliya
						
						Geedi ayaa su’aalo laga 
						weydiinayey Idaacadda British Broadcasting Corporation 
						Laanteeda afsoomaaliga ku sheegay in uu diyaar u yahay 
						in ay dawladiisu la shaqayso haddii la aqoonsado 
						maamulka Hargeysa. 
						Dadweynaha Soomaaliya 
						ayaa aad ula yaabay hadalka ka soo yeedhay Cali Maxmed 
						Geedi raysal wasaaraha Soomaaliya oo aan mawqif cad iska 
						taagin midnnimada Soomaaliya oo su’aal la weydiiyey kuna 
						saabsanayd Maamulka hargeysa in haddii xaalku soomaliya 
						sidan ku sii socdo , oo la aqoonsado la shaqayn doonaan, 
						isaguna uu kun  jawaabay in ay la shaqaynayaan haddii la 
						aqoonsado. 
						Waxaa iyana baryahan 
						soo baxaysay in maamulka C/lahi Yuusuf madaxweynaha ka 
						yahay uu Soomaaliya u qaybiyey lix qaybood , kuwaas oo 
						dhamaantood la qeexay gobolada ay ka kooban yihiin marka 
						laga reebo Puntland iyo maamulka Hargeysa, oo iyaga aan 
						la qeexin gobolada ay ka kooban yihiin , taasi oo shaki 
						ku abuurtay bulsha u dhalatay gobolada 
						Sool,Sanaag,haylaan iyo Cayn, iyo dhamaan ummadda 
						Soomaaliyeed. 
						
						Hore ayaa waxa iyaguna 
						u jiray warar sheegayey in dawlada federaalku ay u 
						aqoonsatay Somaliland Gobolada Sool, Sanaag ,Togdheer, 
						W/qooyi Galbeed iyo Awdal, arrintaas oo lagu raali 
						galinayo beelaha dirta waqooyi, taas oo kaliftay in 
						aanay dawlada federaalku ka gaabsato in ay wuufuud 
						heersare ah u soo dirto gobollada Sool,Sanaag ,Hayland 
						iyo Cayn, horena waxaa looga soo tabiyey madaxweynaha 
						Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed in uu ku tiraabay in ay 
						aduunwaynuhu ka codsadeen dhulkii hore loogu yaqaanay 
						Somaliland in aanay u gudbin. 
						Xaaladahan marka laysu 
						wada geeyo waxaa muuqata in dawlada federaalka ee haatan 
						ku godoonsan Jawhar aanu cadeyn mawqifkeeda ku wajahan 
						midnnimada Soomaaliya, halka maamulkii Carta lagu soo 
						dhisay hayskaba itaal daraadee meelkasta uu C/qaasim la 
						taagnaan jiray midnnimada Soomaaliya waa Muqadas Min 
						Raas gaanbuuni , ilaa Raas Casayr, iyo lowyacado. 
						Waxaa iyana la yaab 
						noqotay xubnaha ugu jira gobolada Sool,Sanaag, Hayland 
						iyo Cayn golaha xukuumada iyo kan baarlamaanka maamulka 
						Jawhar ee aan iyagu kaba hadlin dhacdooyinkan, hore mar 
						wax looga weydiiyey wasiirka boostada iyo Isgaadhsiinta 
						maamulka Imbigaati Cali Axmed Jaamac Jangali in ay 
						booqasho ku tagayaan Gobolada ay ka soo jeedaan ayuu ku 
						jawaabay in maamulka Hargeysa Cadhoonayo hadaanu tango 
						goboladayadaa,taas oo uu aad u danaynayo C/laahi 
						Yuusuf. 
						Markii warkaas uu 
						sheegay wasiirka boosta iyo isgaadhsiintu Mr. Jangali la 
						nashriyey buuqna uu abuuray ayey wafti caato ah oo uu 
						hogaaminayo mr. Jangali booqasho  ku yimaadeen magaalada 
						Laascaanood kuna sugnaa halsaac oo aad moodeysay in uu 
						dhuumanayo. 
						Waxa kale oo Soomaali 
						fajac iyo amkaag ku noqotay markii uu ku dhawaaqay geedi 
						in aanay jirin dhul Soomaali ka maqan oo cadow gacanta 
						ugu jira, waxayna ka cadhaysiisay qofkasta oo u 
						diirnaxaya qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya Taas oo 
						markii Soomaalidu meel ay joogaanba Canbaareeyeen. 
						Bulshada u dhalatay 
						Gobollada Sool,Sanaag Haylaan iyo Cayn iyo guud ahaan 
						Soomaaliweyn  waxaa la gudboon in ay si deg deg ah uga 
						tashadaan khatarta ku soo fooleh mustaqbalkooda iyo 
						aayahooda siyaasadeed iyo kooda dhuleedba maadaama C/laahi 
						Yuusuf Kursigii uu u bukay ku fadhiistay,(kursigaasaan 
						Caashaqayeey, madaxweyne madaxweyne kol idhaha eey). 
						Cali Geedina waxaa la 
						gudboon in uu ama cudur daar ka bixiyo hadalkaas aan 
						marnaba loo dulqaadan Karin ama uu iscasilaa(Maba 
						dhalane dhawrtaysan ogaa)?. 
						Asad Caddaani Ibraahim
						Laascaanood Sool.
						Jamhuuriyada Soomaaliya.
						
						
						assadlaska@yahoo.com 
						Afeef: Aragtida 
						qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
						Faafin: SomaliTalk.com 
						| Nov 12, 2005
						
						
						
						MAGACA 
     SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA | 
  
 						
      
     Fahad
						
						
						
						
						
						
						