SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Daabaco Boggan | Print
wiil1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....


Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga


Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa?

C/Shakuur Cali Mire
shakuur111@hotmail.com


Asadow saaxiib waan ku salaamay waan akhriyey qoraalkii iyo caradii markii kuugu horesey aad kula dhacdey qoloda aad ugu yeertay kooxda Mbagathi waxaan filayaa waxaad daba joogtay su`aalihii tooska ahaa ee ay dhagaystayaashu  ka weydiinayeen Idaacadda British Broadcasting Corporation la`aanta afka Soomaaliga. Ra`iisul-wasaare Cali Maxamed Geeddi run ahaantii barnaamijkaas asagoo dhameystiran ayaan dhageystay dareenka iyo carrada aad ka qaadeyna mid la mid ah ayaan ka qaadey. 

Waa sax in Geeddi qaabkii uu uga jawaabey su`aalihii ku saabsanaa gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya iyo maamulka hargeysa ee dowladnimada aan la gaareyn sheegtay  inay ahaayeen jawaabo khilaafsan sida uu Axdiga KMG ahi u qeexayo midnimada Soomaaliya,   waxaanse annigu isku qanciyey adigana kugu qancinayaa inaysan Ra`iisul-wasaarre Geeddi ka aheyn inuu qabo arragti ah in Soomaaliya laka la googooyo amaba uu Waqooyi galbeed u aqoonsado dowladda jirta  balse anniga waxaa ii muuqatay in Ra`iisul-wasaarre Geeddi ay intaas gaarsiisan tahay  khibaradiisa siyaasadeed tamarna ay dhaafi wayedey hadalka ah  “haddii la aqoonsado waa aqoonsanaynaa” waxaa daliil kuugu fillan Geeddi waxaa uu garan waayey asaga iyo madaxweynaha midna inaysan aqoonsan karin ama wax ka badali karin Dastuurkii ay ummadda Soomaaliyeed aftida ku ansixiyeen  sanadkii 1960-kii kaasoo sharci ahaan uusan jirin dastuur kale oo afti loo qaadey oo badalay. 


Prof. Galayr

Prof. Geeddi
NFD iyo SOOMAALI GALBEED (Ogaden) ma ku hoos jiraan Gumeysi?
Cali Maxamed Geedi muxuu ka yiri? HALKAN KA DHEGEYSO

Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com

Asadow saaxiib waxaad kale oo aad xustay mowqifkii dowladdii carta ay iska taagtay  midnimada Soomaaliya iyo arrimaha gobolada waqooyi galbeed saaxiib waxaan umalaynayaa inay fiicnaan layahad inaad isku barbardhigto labada ra`iisul-wasaare ee kala hogaaminayey dowladdaas iyo dowllada hadda jirta halkaas waxaad ka heli kartaa jawaab kugu filan waa Prof: Cali Khaliif Galaydh iyo Prof: Cali Maxamed Geeddi. 

Waxaad kale oo aad Asadow ku saxantahay annigoo og inaad aad uga soo horjeedey inbadan oo ka mid ah siyaasadihii C/qaasim haddana adigoo caddaalada eegaya inaad u qirtay mowqifkii shariifka ahaa ee uu iska taagey goboladda waqooyi galbeed oo la dhihi karo waxaa uu sii adkeeyey rajadii maamulka hargeysay ka qebey in qaar ka tirsan dowladdaha aduunku aqoonsansadaan taasna waxaan filayaa in ay ummadda Soomaaliyeed xaq ku tahay inay uga mahadceliyeen C/qaasim Saalad Xasan iyo Cali Khaliif Galaydh oo labaduba meel cad  ka istaagey arrintaas. 

Asadow Saaxiib waxaan maqaalkeyga kusoo gabagebaynayaa inaad qalbiga ku dagsato inaan Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf inkastoo aanan madaxweynaha war dabacsan oo kusaabsan waqooyi galbeed aannan annigu marna kamaqal intuu idaacadaha ka hadlayey haddana labadooduba  waxaan ku kalsoonahay inaysan wax weyn ka badali Karin, waxaad kale oo Asadow ogaataa inta Sool iyo Sanaag ay ku dhaganyihiin mowqifka midnimadana walwal weyn ha qabin Geeddina waxaad uga qanacdaa waa darawal la yirri Diyaarad Duulli bal sawir markuu hawada galayo waxa dhici kara ama intuusan diyaaradda dhaqaajinba ninkii gaarri wadi jirey oo la yiri diyaarad duulli culayska soo wajihi kara waad dareemi kartaa (Dee Saaxiib nin ku waa dhaqtar xoollo) Jamhuuriyad si loo hogaamiyo wax fudud maahan.

Saaxiib waxaan kugu boorinyaa halkaas kawad halganka midnimo iyo difaaca qaranimada dalka..

W.Q.C/shakuur Cali Mire
shakuur111@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2005

QORAALKII ASAD HALKAN KA AKHRI... GUJI...


 ISBARBARDHIGA LABA CALI: GEEDDI IYO GALAYDH | Fahad


Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan ama halkan


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA.....


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare
.



HTML CD