Madaxweynuhu 
						Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa... 
						Ilaah baa mahad leh. 
						Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato 
						
						 Cabdulwaaxid 
						Khaliif
Cabdulwaaxid 
						Khaliif  
						 
						
						cabdulwaxid@hotmail.com 
						
						London, UK | Nov 14, 
						2005
						Waxaa jirtay in markii 
						la magacaabay ra’iisalwasaaraha in labada dhinac laga 
						kala dhigay labo nin oo kala ah “Professor” Juriille iyo 
						Baribari. Juriille wuxuu u raacaa meel kasta oo uu 
						Geeddi aadayo sidii isagoo usha u haya halka Baribari uu 
						“carrabka u hayey” oo uu afhayeen u ahaa sidii markii uu 
						ka hadlayey qaraxii garoonka Istaadiyo Muqdisho. Waxaan 
						ku jiray dadkii ugu hor qeyliyey oo lahaa maxaa Geeddi 
						labadan nin loogu daray laakiin markaan dhegeystay 
						jawaabtii uu Geeddi ka bixiyey arrimaha Somaliland 
						markii British Broadcasting Corporation wareysatay ayaan ogaaday in Geeddi u 
						baahnaa af-hayeennimada Baribari. Wuxuu yiri: haddii 
						Somaliland la aqoonsado waan aqoonsaneynaa!
						Inkastoo waddaniyiin 
						badani arrinkaas ka hadleen ayaa waxaa si cad qoraallo u 
						soo saaray dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Sool, 
						Ceyn, Howd iyo Sanaag qaarkeed iyagoo dalbanaya in 
						ra’iisulwasaaruhu is celiso sidoo kalana raalligelin 
						bixiyo. Waxaase iga yaabiyey, weli jawaab lagama hayo 
						madaxda, siyaasiyiinta, xildhibaanada Puntland inteeda 
						kale! Xataa boggagga internetka ee Puntland inteeda kale 
						wax kama oran arrintaas marka laga reebo Asad Caddaani 
						oo Radio Laascaanood lagu yiqiin. 
						Hadalka Geeddi kasoo 
						yeeray, qofkii caqli lehina waa ogyahay kii doqon ahna 
						loo sheegimaayo. Marar badan oon ka hadlayey qiimaha 
						waddanka iyo qarannimada ayaan sheegay inaan Soomaali 
						badan aysanba fahmin sharafta iyo qiimaha waddanka. 
						Waxaa taas u daliil ah siday u aammusanyihiin 
						siyaasiyiin badan oo u dhalatay Puntland marka laga 
						reebo kuwa gobolladaan soo sheegnay. 
						Maaddaama ay awal 
						jireen xildhibaanno ka soo horjeeday siyaasadda Geeddi 
						ayaa waxaa fiican inay hadda kusoo biiraan kuwa ka 
						damqanaya hadalka Geeddi ee ku aaddanaa Somaliland iyo 
						sidoo kale dhulka Soomaaliyeed ee ku hoosjira gumeysiga. 
						Micnuhu maahan in xildhibaannadu raacaan fikradda 
						qolyaha Xamar jooga ee waa la isku danaystaa. Marka si 
						Geeddi hadalkaas loogu ciqaabo waa in jagadaas laga 
						ceyrshaa. Arrintaas waxay rabtaa in loo diyaariyo doodo 
						iyo shirar si xildhibaannada loogu iftiimiyo in Geeddi 
						galay khiyaano qaran isagoonba meelna xukumin. Marka 
						hadda laga bilaabo, qof kastoo Soomaaliyeed oo waddani 
						ah waxaa laga rabaa inuu ka dhiidhiyo arrintaas oo uu ka 
						qeybqaato jawaab-ka-bixinta arrintaas. Barbarkey ka 
						baxdaa waa bakeylo qaleen. 
						Inta xildhibaannadu u 
						jawaabayaan Geeddi ayaa waxaa madaxweynaha laga rabaa 
						inuu magaaco afhayeen u hadla Geeddi amaba uu Baribari 
						usoo cesho si khalad noocaas ahi  u dhicin. Maaddaama uu 
						madaxweynuhu Geeddi keenay isna waa inuu sii toshaa 
						kaftantiisa ileyn mooshinka ku xiga ayaa waxaa la 
						helayaa xildhibaannadii Geeddi taageersanaa oo u diyaar 
						ah iney ridaan madaxweynaha.
						
						Cabdulwaaxid 
						Khaliif  
						 
						
						cabdulwaxid@hotmail.com 
						Afeef: Aragtida 
						qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
						Faafin: SomaliTalk.com 
						| Nov 14, 2005
						
						
						
						
						
						