SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


GEFKII GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaare Geedi oo sheegay in NFD & SoomaaliGalbeed  aysan Gumaysi ku jirin, ayaa u Amabaxay Dawlada Itoobiya oo Gumeysata Dal iyo Dad Soomaaliyeed.. Maxaa Akhristaha La Gudboon::: Email u dir Ra'iisul wasaaraha aad fikradaada arintaas ku aadan ku muujineysid. Emailkiisu waa:
premiersom@wananchi.com  [DHEGEYSO HADALKII GEEDI]

DHEGEYSO::: Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD:

Daabaco Boggan | Print

Suldaan C/llahi Max'ud Suldaan C/salaan (bidix) iyo Caaqil Axmed Cabdi Madoobe (midig) oo ka hadlay hadalkii Ra'iisul wasaare geedi ee la xiriirey Midnimada Soomaaliya ka Dhegeyso halkan



Email: premiersom@wananchi.com

::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



JUFADA JAWHAR MARKUU JAHAWAREER SIYAASAD LA SOO GUDBOONAADO MAXAY ETHOPIA UGU CARARAAN:          In the hararghe province, a number of muslim community learders, elders and religious teachers were tortured and killed in early dec 1986...Witnesses told how the men's tongue were cut out before they were shot in front of their students.......

 A secret policy document (1981) noted it was ' necessary to employ new method and tactics to destroy the muslin (index on Censorship Apr 1987: p .33)

AFRICA BETRAYED: by George B. Ayittey
      Arintaan kor ku qoran ma aha mid waqtigaas ku kooban , dadka kalinka shanaad ee muslimiinta ah ee dega Ethiopia waa ogyahay qof kastoo Soomaliyeed dadkay yehiin , dadkaas oo sida xun loo kumaado kuma eka macalimiinta diinta waa arin ay ka wada siman yihiin Soomalida ay Gumaysato Ethopianka oo ilaa maanta aan xor ahayn , oo si ula kaca ay Dawlada Ethopia ay rabto in ay uga cirib tirto dadkaas Soomaliyeed , Ceelashooda ayay sun ugu daadiyaan si dadka iyo Xoolahooda biyo la'aan u ledaan , dadkaan oo maalin kasta ka soo baxa Telefeshinada aduunka ayaa silic ku nool , loona qaaday Heestii caanka ahayd WE ARE THE WORLD , si mucaawino loogu aruuriyo , mar kasto aad aragto oo Telefeshoonada aduunka ka hadlaayaan dadkaan dhiban ay ku hadlaan Af Soomaali , ma xaqbaa in shaqsi Soomalino sheeganaaya uu yiraahdo dadkaan lama gumaysto ama dhib ma haayo , shaqsiyaadkaas oo sheeganaya in ay masuuliyiin soomaliyeed yihiin oo ay rabaan in ay wax ka qabtaan dhibka haysto Soomalida kale ee Ethopianku xukumo.

Cabdulaahi Yuusuf oo loo soo doortay Madaxwayne ayaa mar arintaan la waydiiyay yiri Anigu Ethopian ayaa ahay , wax dhul oo Soomaliya ka maqan ma jiraan , siyaasadaasna waa siyaasad Gaboowday oo waqtigeedii la soo dhaafay , maalmo dhowayd oo Prof Geedi oo loo xilsaaray in uu yahay Raysal wasaaraha Soomaliyeed mar la waydiiyay su'aashii la waydiiyay Cabdulaahi yuusuf sanad iyo bar ka hor , ayaa isugana waxuu ku jawaabay in ay jirin dhul ka maqan Soomaliya oo ay Ethopia iyo Kenyo haysato , dadkaas Soomalida ahna ay yihiin dad Soomaliyeed oo wadamaas u dhashay , ayna dawlada uu xakuumadeeda xukumana ayna faragalinayn arimo ku saabsan dadkaas wadamaadaas u dhashay ayna waxba ka qabanayn, aqristoo waxaa laga yaabaa in aad is waydiinayso maxaan u tarnaa Soomalida aan kor ugu hadlaayo , anagiibaa dawlad lahaynoo oo dhib na haystaaye , miyayna Fiicnayn in marka hore Dawlad dhisano , kuwaan keenya lagu soo dhisay aan raacno si ay nabada wadanka ugu soo rogaan , kabacdina markay shanta sano la soo dooortay ay dhamaato aan dawlad shacbigu u dhan yahay aan doorono , dawladaas oo raadin doonta xaqa Soomalida la Gumaysto ka maqan , horta aqristoo waa runtaa oo hadii soomalida ay hesho hogaan xaq ah oo wax ka qabta dhibaataday ku jirto maanta waxaa laga yaabaa in ay wax u qabtaan walaalohooda dhibaataysan , laakiin su'aasha meesha taala ayaa ah kuwaan Jawhar saldhiga ka dhigtay oo raba in ay Soomalida ka dhaadhiciyaan in ay Ethopia raadinayso danaha umada Soomaliyeed intay ayna xukumin , taaso mecneheedu uu la mid yahay siday Soomalidu tiraahdo Ninkaad rabto in aad kabo ka tolodo , kabihiisaa la fiiriyaa , marka haday Ethopia ay si waxuushnimo ula dhaqanto Soomaliday Gumaysto ( raali ha iga noqdaan Cabdulaahi iyo Geedi oo arintaan maqli karin ) maxay aqristoo kula tahay hadii ay u soo gacan gasho Soomalida kale , ma waxaan sugnaa in hees macaawino layguna raadinaayo in noo loo qaado waqtigaan la joogo . 

    Cinwaanka qoraalkaan ayaa waxuu i soo xasuusiyay riwaayad ay ku wada jireen Oday cabdule iyo Aw kuuko , aw kuuko ayaa waxuu ka helay gabar ay daris yihiin , gabartaas oo soo marta jidka guriga Awkuuko maalin kasta markay rabto in ay ka soo adeegto suuqo , Awkuuko oo aan aqoonin am karti u lahayn in uu gabadha la hadlo , asagoon aqoonin waxuu u sheegii lahaa , ayaa waxuu dhibka haysta u sheegtay saaxiibkiis Oday Cabdule , saaxiibkiis oday cabdule ayaa Awkuuko u sheegay siduu uu ula hadli lahaa gabarta uu jeclaaday , maalintii ku xigtay ayuu Awkuuko gabadhii oo jidka maraysa salaamay , salaantii markii laga qaaday , ayaa waxuu bilaabay in uu la hadlo gabadhii asigoo isticmaalaaya ereyadii uu u sheegay Oday Cabdulle , gabadhii oo dhagaysanaysa si xiiso leh isna leh ninkaan ku jeclaaday bal iska hubso ayay su'aal waydiisay , su'aashii ayuu Ow kuuko si u u ugu jawaabo garan wayay maadaama ayna kujirin waxuu Oday cabdule u sheegay , arintii markay meeshaas marayso ayuu intuu Awkuuko indhaha mirig mirig ka siiyay ayaa intuu u jawaabi lahaa gabartii ka orday asoo hadal dhihin , maalintii ku xigay ayaa Oday cabdule waxuu waydiiyay Aw Kuukoin uu Gabartii soo guri galiyay ,  Awkuukoo ayaa u sheegay Oday Cabdule siday arintu ku dhamaatay , Oday cabdule oo is dhahaayay fiilo kasta waa xir xirtay ayaa la yaabay waxuu Aw Kuuko ugu guulasysan waayay guri gaynta gabartaas , Awkuuko oo ay lilaahi ka tahay ayaa ugu jawaabay sababta guuldaradiisa in uu Oday Cabdule u sheegin jawaabtii uu ugu jawaabi lahaa su'aasha gabarta waydiisay , marka sheekada ku dhacday Awkuuko ayaad u malaysaa in ay haysato Xulufada isku baheestay Jawhar oo mar kastoo siday wax u wadeen car qalad hor timaado in ay Ethopia ay ku caraaraan si loogu soo sheego siday carqaladaas uga hor tagi lahaayeen.

Jufadaan jawhar joogta oo siyaasadoodi ka gadmi ladahay Soomaliya , marka laga reebo Jawhar oo san dule ku haysto Maxamed dheere , kuwa isku sheega in ay yihiin aqoonyahano oo xitaa aan qori karin hal maqaal oo maquul ah oo aan ka hayn nabad ayaa la rabnaa iyo kuwa xamar jooga waa argagixiso , nabadna ma rabaan , waa gacan ku dhiigle , waa dawlad diid oo ilaa iyo hada ka hadlin siday dawladu u gaari lahayd meel aan jawhar ahayn oo maalin kasta ka hadla xafiis Cusub oo la furay iyo shirka jawhar lagu qabtay iyo sida loo godoomiyay kuwa xamar jooga ayaa taageerayashaan ayna midnimo Soomaliyeed ku jirin iyo Jufada Jawhar oo laga soo hago Ethopia ayaa markay garwaaqsadeen in ay jawhar dhaafi karin ayaa si ay xukunka ugu sii dhagnaadaan ayaa waxay bilaabeen in dastuurkii lagu soo heshiiyay ay inkiraan oo dawladii lagu soo heshiiyay mahee ay dawlad kale ay ku maleegaan Jawhar, ayna yiraahdaan dawadu federaal maahin , oo siduu Prof Geedi sheegay in shan sano kabacdi ay dad waynaha Soomaliyeed ay dooron doonaan in lagu dhaqo hab Federaali ah ama han jamhuuriyeed , mawliid maacaninia uu sheegay in labo sano iyo bar kabacdi la waydiin doono dadwaynaha soomaliyeed in ay dawlad Federal rabaan iyo in kale , marka dawlada magaceedu waa dawkada federaalka ku meel gaar ah.

Dasruurkuna waxuu cadaynaayaa in ay dawladu federaal tahay oo haday xakuumada lagu soo dhisay Keenya iyo dastuurka lagu soo heshiiyay uu sheegaayo hadii dawlada gobalda soomaliyeed oo dhan ay ka hir galin waydo hab faderaali oo gobal kasta uu leeyahy xubno baarlamaan oo xukumo oo dadka gobalkaas ay soo doorteen sida dawlad federaal ay qabaan ayaa waxaa jufada joogta Jawhar intay raaci laahayeen qawniin iyo sharcigu siduu qabo, ayaa  markay arkeen in ayna dhaafi karin jawhar in ay dastuukii ay raaci lahaayeen intay iloobaan ay ethopia ay orad isugu xaabiyaan si loo soo faro waxay samayn lahaayeen , soomalida inta kalo aan rabin in ay ethopia ay u gacan gasho soomailya ay ku tilmaamaan Argagixiso, AlQaa'iida, dagaal oogo iyo dawlad diid. 

WAAD MAHAD SAN TIHIIN.

A.N.GELLE
agelle@shaw.ca

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare
.



HTML CD