SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


GEFKII GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaaraha Dawladii Soomaalida loogu soo dhisay Kenya oo gumeysata NFD oo ah dhul Soomaaliyeed ayaa sheegay in NFD & SoomaaliGalbeed  aysan Gumaysi ku jirin, hadalkaas markii uu yiri safarkii ugu horeysey ee uu Jawhar kaga ambabaxo waxa uu u aadey Itoobiya oo Gumeysata SoomaaliGalbeed. Fikradaada ka dhiibo arintaas.. Haddii aad u baahatid emailka Geedi in aad koobi qoraalkaaga ah u dirtid Emailkiisu waa:
premiersom@wananchi.com  [DHEGEYSO HADALKII GEEDI]

HADALKII GEEDI OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA DHEGEYSO.....

Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD:

Daabaco Boggan | Print

Suldaan C/llahi Max'ud Suldaan C/salaan (bidix) iyo Caaqil Axmed Cabdi Madoobe (midig) oo ka hadlay hadalkii Ra'iisul wasaare geedi ee la xiriirey Midnimada Soomaaliya ka Dhegeyso halkan



Email: premiersom@wananchi.com

::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
 
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Nov 14, 2005


abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG

Mudane Madaxweyne.

Asalaamu Calaykum.

Maanta waa maalin Isniin ah bishuna tahay 14/11/2005. Waxaan ahay nin Soomaaliya midnimadeeda u danqada. Waxaan ahay nin goob-joog ka’ahaa maalintii ay Soomaali kuu dooratay inaad Madaxweyne u noqoto, guushii aad heshay nin ujeeday baan ahay.

Waxaad tahay dastuur ahaan qofka ugu sareeya dalka. Waxaad tahay sida ku cad Axdiga KMG ah astaanta midnimo ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Waxaad tahay Hogaamiye aan wali afkiisa laga maqal isagoo si dadban ama si cad usheegay inuu raali kayahay kala-goynta Jamhuuriyada Soomaaliya.

Intaasba hadaad tahay sow xaq umalihin inaan kuu dacwoono? Sow gar ma’ahan inaan kusoo gaarsiino dareenka ay bulshadu qabto? Sow waajib nooguma lihid taladii wanaagsan inaan kusiino? Sow Madaxweynuhu ma’ahan hay’adda ugu sareysa ee looga dacwoodo qofkii khiyaamo qaran ku dhaca? Haday intaasba dhab tahay, weyba tahayee, waxaan kaa codsanayaa inaad dacwadaan dhagaysato, kadibna wixii rabi kaa waafajiyo aad ku go’aan-qaadato.

Taarikhdu markay ahayd 11/11/2005 ayaa waxaa British Broadcasting Corporation laga waraystay Awga aad u magacawday sanadkii hore R/Wasaare inuu kuu noqdo, oo uu hawlaha fulinta kaa xigsado.

Hadaba wuxuu waraysigaa kasiidaayey hadalo aad u dhawacaya mustaqbalka dowlada aad madaxda utahay, sidoo kale wuxuu af-mugiii ugu hadlay arimo shacabka Soomaalida agtooda muqadas ka’ah oo uu qaab khiyaano qaran ah ugu dhacay.

Mudane Madaxweyne yaanan kugu daalin inaan dib kaaga kuugu celiyo ceebtii maalintaa dhacday, oo aan ku eekaado inaan codsigayga sheegto.

Waxaan kaa codsanayaa Madaxweyne laba qodob inaad yeesho. 

1.    Inaad xilka ka qaado Cali Maxamed Geedi sababaha aan codsigaas kuugu soo gudbinayana waa kuwan.

A: Axdi Qarameedka qoran waxa ku yaal in Midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay, oo Jamhuuriyada Soomaaliya ay hal tahay. Qodobkaas ninka khilaafay waa hogaamiye aan Axdiga ku dhaqmaynin, sidaas awgeed wuxuu mudan-yahay xilka-qaadis.

B: Axdigu wuxuu qorayaa in Madaxweynuhu yahay astaanta midnimo ee Jamhuuriyada Soomaaliya, Geedina wuxuu ogolaaday in Somaliland ay go’i karto, walibana uu aqoonsanayo hadii ay go’do.

Taas macnaheedu waxaa weeye in Geedi uusan Madaxweynaha u aqoonin inuu yahay astaan qarameed, ee uu u qabo iney tahay midnimada qaranka hawl xukuumada u taal.

C: Wuxuu meesha ka saaray loolankii dhuleed ee udhaxeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya iyo dowladaha dariska ah, waana qorshe uusan wali isku afgaran shacabka Soomaaliyeed, taasoo iyana udhiganta u adeegid dano shisheeye. 

2.    Inaad saartid Maxkamad qaran, laguna xukumo inuu yahay khaa’inul-wadan, lana tuso shacabka Soomaaliyeed in dawladaadu tahay dowlad midnimo, qofkii taas ka horyimaadana uu noqonaya khaa’inul-wadan. Sidaasna waxaan kaaga codsanayaa sababahan. 

A: Wuxuu muujiyey inuusan dhib u arag Jamhuuriyadii burbursanayd hadii lasii kala jaro, wuxuu si cad u yiri. Somaliland hadday dunidu aqoon-sato anaguna waan aqoon-sanaynaa.

Hadalka intaas le’eg hadduu oran lahaa muwaadin iska caadi ah wuxuu ku mutaysanayaa hadii lagu xukumo Dastuurkii shacabka aftida looga qaaday inuu yahay khaa’in heer qaran ah, kadibna toogasho mudan.

Hadii uu maanta yahay ninka hadalkaas leh qof sita maamuska R/Wasaare Soomaaliyeed muxuu isagu xukunkiisa noqon-doonaa? Madaxweyne adiga ayey kuu taalaa arintaas.

B: In Cali Geedi yiraahdo waanu aqoonsanayaa Somaliland haday go’do, waa hadal aan kashido yarayn kii Cumar Carta Qaalib yiri isagoo R/Wasaare Soomaaliyeed ah, ee ahaa “Ciidamada qalabka sida hubkooda haku warejiyeen jabhadaha” waana hadalkii Soomaali kala-diray ee sida ay maanta utaal ka dhigay.

Sidoo kale hadalka Cali Maxamed Geedi wuxuu noqonayaa hadal kaas ka culus oo uu R/Wasaare Soomaaliyeed ku dhawaaqo oo ah in Gobol kasta oo Soomaali ah uu xaq uleyahay inuu go’, waliba isagoo R/Wasaare ah uu u aqoonsanayo sidaas, xitaa haday rabto jawhar kaliya haku soo hartee.

Waxaan rajaynayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu tallaabo cad kaqaado Cali Maxamed Geedi. Waxaan ogahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolka aad marka hore xilka ka qaado Geedi, kolka xigana aad kiiskiisa u gudbiso Maxkamad sare oo heer qaran ah.

Dad badan oo qoraalkan akhrinayaa ayaa is oranaya miyaad waalantahay marka aad codsi sidaas ah udirayso Madaxweynaha? Mase tuhunsan-tahay in warkaada wax ka soo qaad yeelanayo?

Waa midda horee: Madaxweynaha intaan maqlay isagoo hadlay ma’aanan arag isagoo hadal dabacsa xitaa ka leh arinta midnimda Jamhuuriyada Soomaaliyeed, cadaaladuna waxay dhigaysaa inaan ruux waliba wuxuu ku wanaagsan-yahay aan u qirno. Sidaas awgeed shaki iigama jiro in Madaxweynuhu uu kun jeer ka wadanisan-yahay Geedi.

Waa midda labaadee: Waxaan si xog ah ku hayaa in Madaxweynuhu uu si kulul u canaantay Geedi isagoo u muujiyey inuu ka xunyahay hadaladii-saas uu Idaacada kasiidaayey, waxanse warqadan ugu diyrayaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha in khaladkan oo kale aysan canaan kaliya ku filneyn ee ay mudantahay xil kaqaadis wajiga hore ah  iyo xukun saaris wajiga labaad ah.

Anoo rajo kaqaba in codsigayu meel mar noqdo, waxaan sii tilmaamayaa hadii aan taladaas layeelin, oo waliba tan hore aan lagu-dhaqaaqin, in si’aan shaki lahayn ay iigu muuqato in C/Laahi Yuusuf uu mari-doono halkii uu maray Cali Mahdi. Sidoo kale Cali Geedina mari-doono halkii uu Camar Carte maray.

Rabbow Soomaali adaa u maqan.


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD