Haddaan hadda laga 
								hortegin afkaarta Geeddi meel fog baa laga dooni ...
								
								....waxaan 
								soo jeedinayaa in lagu mudaharaado Geedi markuu 
								Caasimada Belgium yimaaddo....
								
								
								Sida aan lasocono 
								waxaa jira dad iyo dal ballaadhan oo ka maqan 
								Soomaaliya kaas oo xilliyadii waddammada 
								gumaysta iyo ciddii gacanta u geliseyba layaqaan 
								ahna wax aan markhaati maanta loo raadinayn. 
								
								
								Shacbiga ku nool 
								waddnkaa la gumaysto wuxuu soo maray welina ku 
								jiraa gumaysi iyo xasuuq aan la qiyaasi karin, 
								lana soo mariyey welina lagu hayo noocyada 
								cadaab leeyahay oo dhan sida dad nool oo daamur 
								lagu karkariyo iyo dumar qaarkood ummul yihiin 
								oo naasaha laga jaray deedna la silidiley iyo 
								wax kasii daran oo aanan hayn erey aan ku 
								cabbiro. Dadkaas waxaa lagala dagaallamaa wax 
								kasta oo horu mar ah sida aqoonta diini iyo 
								maaddiba, caafimaadka, dhaqaalaha iwm. 
								
								Dalkan maqan waxaa 
								u geeriyoodey kumanaan geesi oo culimo, 
								aqoonyahan, ciidankii waddanka soomaaliyeed iyo 
								muwaadiniinta dhulkaa degaba leh, isla markaa 
								dhammaan dawladihii dalka Soomaaliya soo maray 
								oo dhan siyaasad ahaan waxay ka shaqaynayeen 
								sidii dalkaa maqan uu maalin uun u xoroobi lahaa 
								oo aydadkaasi aayahooda uga tashan lahaayeen. 
								
								Nasiib darro Cali 
								Maxamed Geeddi oo aan wada ognahay sida uu ku 
								noqday ra’iisalwasaaraha DFK ah oo ah in ay 
								dawladda Itoobiya ka dambaysey ayaa hadda 
								caddaystay in dawladdiisu ay tahay maamulkii ugu 
								horreeyey ee soomaaliyeed oo tanaasul ka sameeya 
								dalkaa iyo dakaa maqan ee ku hoos nool cagta 
								gumaysiga, isla markaana dafiray in dadkaasi ay 
								gumaysi ku jiraan dalkaasina yahay dal ka tirsan 
								waddammada hadda gumaysta. 
								
								Ugu dambayn waxaan 
								dhammaan dadka soomaaliyeed ee muslimka ah lehna 
								damiirka wanaagsan usoo jeedinayaa in ay hadda 
								ka hor tagaan afkaarta khatarta ah ee uu wad 
								Geeddi iyo dawladdiisu. Sidoo kale waxaan soo 
								jeedinayaa in lagu mudaharaado markuu Beljamka 
								yimaaddo, arrintaana warbaahinta soomaalidu 
								qaybta ugu muhiimsan ha ka qaadato. 
								
								Maxammed Ibraahin, 
								Oslo Norway
								
								
								deeq64_1@hotmail.com 
								
								Afeef: Aragtida 
								qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
								
								Faafin: 
								SomaliTalk.com | Nov 15, 2005
								
								
								
								
					
					 HADALKII 
								GEEDI OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA DHEGEYSO.....
HADALKII 
								GEEDI OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA DHEGEYSO..... 
								
								
								
								Cabasho 
								Furan : Maxay BBC-du u dhalan rogtaa wararka 
								Ogaadeenya  |
								wq. Abdullahi 
								Maxamed
								
								LIFAAQ:
								HEERARKII 
								BBC-da (British
								Broadcasting Corporation) AF-SOOMAALIGA
								
									- 18kii 
									Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka 
									Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay 
									waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba 
									oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. 
									Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd 
									Gumaysi. 
									
									[1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen 
									Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay 
									Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar 
									ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey 
									xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo 
									in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. 
									April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu 
									wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu 
									xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey 
									ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya 
									xorowdey.] 
									
- 
									Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay 
									hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida 
									kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii 
									Soomaaliya. 
									[Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu 
									horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 
									90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku 
									guulaystey xisbigii SYL.]
									
- 1dii 
									Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano 
									kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa 
									lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. 
									
									[1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta 
									Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
									
- 25kii 
									Maarso 2000-kii, waa burburkii 
									Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii 
									lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 
									1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. 
									
									[August 
									26, 2000 
									waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, 
									Jabuuti] 
									
- 
									
									Sannadka 2002 
									waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo 
									daray saacado dheeraad ah eeg: 
									
									BBC.11:00 |
									
									BBC.14:00 |
									
									BBC.16:00 |
									
									BBC.18:00.[Waxaa 
									soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u 
									heshiisiinta Soomaalida]