Ra'iisal Wasaaraha dowladda Soomaaliya prof. 
	Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta yimid magaalada 
	Brussels ee waddanka Belgium. Ra'iisal Wasaaruhu, waxa uu martiqaad rasmi ah 
	ka helay Ururka Midowga Yurub. Caawa ayaan la kulmay Dr Geeddi, waxaana na 
	dhex maray wareysigan:
	Su'aal: Marka hore waxaan ku weydiin lahaa, booqashada aad ku timid 
	halkan (Brusseles), maxay la xiriirtaa?
	Jawaab: Waxaan u imid inaan 
	la kulmo madaxda Midowga Yurub. Waxaan berri la ballansanahay 25-ka safiir 
	ee EU-da. Waxaan kaloo la kulmi doonaa Commissioner-ka kaalmada dibadda u 
	qaabilsan Yurub, Louis Mitchel. Waxaan kaloo arki doonaa wakiillo ka socda 
	dowladda Sweden.
	S: Kulamadaas kala duwan kaddib, 
	maxaad filaysaa maxsuulku inuu noqon doono?
	J: Wax weyn ayaan ka filaynaa inay 
	ka soo baxaan. Waxaan filayaa inay na caawiyaan politically iyo financially, 
	gacanna ay nagu siiyaan sidii dalka aan u nabadeyn lahayn. Waxaan na sugeysa 
	inaan nabadgelyo dalka ku soo celinno, ciidammadana aan xareyno, kaddibna 
	caasimada nabadeyno.
	S: Dowladdaadu illaa iyo hadda wax 
	aqoonsi ah ma ka heshay Midowga Yurub?
	J: Waa nala aqoonsan yahay, waxaadna 
	ka aragtaa sida halkan la iigu soo dhoweeyey. Waxaan halkan ku imid 
	casuumaad lay soo casuumay. Sidoo kale shirka aan la galayo safiirada 25-ka 
	ayaa muujinaya in si rasmi ah na loo aqoonsan yahay.
	S: Dr Geeddi, waxaa jirta in dhowaan 
	dowladda Belgium ay safiirad u magacawdeen Soomaaliya. Ma u aragtaa 
	Bruxelles inay sida Roma oo kale idinla dhacsan yihiin?
	J: Waxaan ku faraxsanahay dowladda 
	Belgium inay tahay dowladdii ugu horreysay ee safiir u soo magacaabata 
	dowladdeyda. Safiirraddii la magacaabay waxay joogtaa Kenya, waxayna 
	sugeysaa inay Jowhar tagto oo ay waraaqaha u geyso Madaxweynaha. Dowladda 
	Belgium waan kaga mahadcelinaynaa arrintaas.
	S: Laakiin waxaad mooddaa in 
	dowladda Mareykanka iyo dalalka Carabtu aysan aqoonsi rasmi ah idin siinin 
	weli. Maxay kula tahay sababtu?
	J: Horta Carabtu shirkii ka dhacay 
	Algers bay nagu aqoonsadeen, wax dhib ahna dhinacooda kama jiro, waana na 
	aqoonsan yihiin. Dhinaca Mareykanka ayaa dhib ka jiraa iyo Ingiriiska oo 
	Mareykanka ka daba ordaya, iyagaa ka cagajiidaya. Ingiriisku maadaama uu ku 
	jiro Midowga Yurub waxaan filayaa inay mowqifkooda beddeli doonaan.
	S: Maxaad is leedahay Mareykanku waa 
	u diiddan yihiin inay idin aqoonsadaan?
	J: Mareykanku waxay ku socdaan 
	siyaasadda dhahaysa sug oo fiiri "wait and see policy." Laakiin waxaa noo 
	socda xiriir, mar walbana waa wada xiriirnaa oo waa isla soconnaa.
	S: Dr Geeddi, waxaad dhowaan ka dhawaajisay 
	inaad ku tala-jirto inaad xil-ka-qaadis ku sameyso Wasiirro ka tirsan 
	dowladdaada. Miyeysan habboonayn inaadan ku degdegin xil-ka-qaadis maadaama 
	dowladdaadu tahay mid dib u heshiisiineed?
	J: Tallaabadaas (xil-ka-qaadista) 
	waan ku tala-jiraa, waxaana fulinayaa marka waqtigu ii saamaxo. Hal sano 
	kaddib cidna lama sugayo. Dadka aan magacaabay waxaan iri xilalka ku 
	shaqeeya ee ma dhihin sidaad rabtaan ka yeela. Uguma dhiibin jagooyinka inay 
	annaga nagula soo jeestaan. Waxaanse kuu sheegayaa inaan xilka ka qaado kuma 
	degdegaayo. Waddooyin kale ayaa jiri doona.
	S: Dowladdii lagu soo dhisay Kenya, 
	bacdamaa lagu qaybsaday qabiil, miyaan la dhihi karin raggan kaa soo 
	horjeeda dooqaaga kuma soo gelin dowladda ee ama awooddooda ama 
	qabiilladooda ayay ku yimaaddeen?
	J: Qabiilladooda iyagaa qof beddela 
	keensanaya. Ma ahaanayso booskaan aniguu ii xiran yahay weligey. Waxaan 
	fiirinaynaa shacabka wixii u dan ah ee ma fiirinayno dan shaqsi.
	
		
			| Ingiriisi:
			Toddobaadkii hore markii bamku kugula qarxay Muqdisho, 
			dowladdaadu dhowr af bay ku kala hadashay. Dadka loo maleynayo inay 
			ka dambeeyeen qaraxaas, Madaxweynuhu si kale ayuu uga hadlay, adigu 
			si kale ayaad uga hadashay, Wasiiru dowlahaaguna wuxuu sheegay inay 
			ka dambeeyaan Maxaakiimta. Miyaanay dowladdu hal af ku wada hadal? 
			Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
 Fahadow: Geeddi ma Zenaawi baa Eryi 
			Kara Mise Cabdillaahi Yuusuf? Guji... | 
	
	S: Toddobaadkii hore markii bamku 
	kugula qarxay Muqdisho, dowladdaadu dhowr af bay ku kala hadashay. Dadka loo 
	maleynayo inay ka dambeeyeen qaraxaas, Madaxweynuhu si kale ayuu uga hadlay, 
	adigu si kale ayaad uga hadashay, Wasiiru dowlahaaguna wuxuu sheegay inay ka 
	dambeeyaan Maxaakiimta. Miyaanay dowladdu hal af ku wada hadal?
	J: Horta qofka afka dowladda ku 
	hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka 
	rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. 
	Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u 
	saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
	aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin.
	S: Haddaba, ma kula tahay Wasiiru 
	dowlahaagu inuu qaldamay markuu Maxaakiimta Islaamiga ah ku eedeeyey 
	qaraxaas inay ka dambeeyeen?
	J: Waa qalad in cid gaar ah farta 
	lagu fiiqo, laakiin maxaakiimtu iyagaa laba dhinac ku kala socda. Kuwo ku 
	fekeraya siyaasad gaar bay u socdaan, kuwo garsoorka howlihiisa keliya ku 
	howlana waa jiraan.
	S: Dr Geeddi, waxaa jirta in 
	diblomaasiyiinta ajnabigu sheegayaan in adiga iyo Madaxweynuhu aad dhowr mar 
	isku qabateen maamulka xukuumadda, kaddib markuu soo fara geliyey howlahaaga. 
	Ma jirtaa?
	J: Arrintaasi waxba kama jiraan, 
	diblomaasiyiintu iyagaa abuuranaya. Wax isku qabad maamulka ah nama dhex 
	marin Madaxweynaha.