SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO


Daabaco Boggan | Print

Suldaan C/llahi Max'ud Suldaan C/salaan (bidix) iyo Caaqil Axmed Cabdi Madoobe (midig) oo ka hadlay hadalkii Ra'iisul wasaare geedi ee la xiriirey Midnimada Soomaaliya ka Dhegeyso halkan



Email: premiersom@wananchi.com

::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



Barnaamijkii Radio Xoriyo
15 November. 2005
 
Raaf Ogaadeenya ka socda iyo dagaallo cadowga lagu jabiyay.
 
 Shir Jaaliyadda Ogadenya ku yeelatay Qatar.
 
Dad lagu xidhxidhay gobolka Oromada.
 
Shir arrimaha Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Koonfur Afrika.
 
Diblumaasi Maraykan ah oo xukuumadda Zenawi aad u canbaareeyay.
 
Saraakiil Itoobiyaan ah oo jooga magaalada Jawhar.
 
Barnaamijkii aragtida Halgamaaga(Mar idage Alle Hadago) DHEGEYSO HALKAN....
 
======================   
 
 Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan dalka Ogaadeenya ayaa beryihii denbe oo dhan ka wada gobollada Ogaadeenya raaf ay dhalinyarada qasab ku ciidamaynayaan. Waxaa magaalooyinka qaarkood la raafay arday dugsiyada dhexe iyo sare ka tirsanaa. sidaas darteed dhalinyaro badan ayaa dhinaca miyiga u cararay, qaar kalana waxay ku dhuumanayaan xaafadohooda.
 
Tallaabadan raafka ah waxay ciidammada Wayaanuhu billaabeen, ka dib markii ay dadwaynaha marar dhawr ah ugu baaqeen inay soo ururiyaan dhalinayaro askar laga dhigo, hase yeeshee ay dadwaynuhu ay gabi ahaanba baaqyadaas ku gacan saydheen.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya uga digtay in mar kale shidaal looga dhigo dagaalka xaq-darrada ah ee xukuumadda Itoobiya ku qaadayso dalka ay deriska Eritereya. Jabhaddu waxay dadwaynaha ugu baaqday inay ka shaqeeyaan sidii ay u fashilin lahaayeen qorshaha cadowga ee ka dhigan in dhalinayradooda loo adeegsado dagaalka uu ku cimri-dheeraysanayo taliska xilligiisii gabaabsiga yahay ee Addis Ababa.
 
Dhinaca kale wariyaha RX uga soo warramaha xarunta Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr oo ay iska horyimaadeen ciidammada xoreynata Ogaadeenya iyo saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.
 
05/11/05 dagaal mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay ku qaadeen saldhig uu cadowgu ku leeyahay magaalada Gurdumi, waxay cadowga kaga dileen 4 askari, 6 kalana way kaga dhaaweceen.
 
06/11/05 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Laas-dhrkaynle, oo Dhanaan ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 6 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
08/11/05 duleedka magaalada Fiiq waxaa miino lagu qarxiyay baabuur Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo ciidammo saarnaa oo 50 askari gaadhaya.
 
Shir Jaaliyadda Ogadenya ku yeelatay Qatar.
 
Habaynkii Jimcaha ahaa ee 11/11/05 waxaa shir isugu yimid xubnaha jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Qatar, waxaana shirkaas lagu falanqeeyay arrimaha ku soo cusboonaaday dalka Ogadenya, Gumaysiga Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
 
Xubnuhu markii ay dhagaysteen xogwarran uu siiyay wakiilka jabhadda ee dalka Qatar, waxay guda-galeen inay ka doodaan qodobbadii horyaallay, isla markaana ay daraasad ku sameeyaan sidii ay u fuleen qorshayaashii Jaaliyadda u yaallay.
 
Xubunhu waxay ka wada maqsuudeen siada ay u socdaan hawlaha Jaaliyadda, waxay sidoo kale bogaadin u soo jeediyeen ciidammada iyo hawl-wadeennada Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo si fiican u buuxiyay himiladii dadwaynaha ee la xidhiidhay hab-sami u-socdsiinta hawlaha halganka Ogaadeenya lagaga xoreynayo gumaysiga Itoobiya.
 
Ingiriisi: Toddobaadkii hore markii bamku kugula qarxay Muqdisho, dowladdaadu dhowr af bay ku kala hadashay. Dadka loo maleynayo inay ka dambeeyeen qaraxaas, Madaxweynuhu si kale ayuu uga hadlay, adigu si kale ayaad uga hadashay, Wasiiru dowlahaaguna wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan Maxaakiimta. Miyaanay dowladdu hal af ku wada hadal?

Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....

Dad lagu xidhxidhay gobolka Oromada.
 
Booliska xukuumadda Itoobiya ayaa axaddii xabsiga u taxaabay in ka badan 33 qof gobolka Oromada. Dadkan waxaa lagu idhxidhay bariga gobolka Shawa, oo 100 kilo mitir dhinaca bari ka xiga magaalada Addis Ababa.
 
Booliska ayaa sheegay inuu dadkaas ku qabtay hub iyo rasaas kala duwan, wuxuuna tilmaamay in hubkan iyo rasaastan ay leeyihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee CUD, isla markaana la adeegsan lahaa marka ay mucaaradku qabanayaan bannaanbaxyada ay xukuumadda kaga soo horjeedaan.
 
In labo toddobaad ka yar ayaa laga joogaa markii ay bannaanbaxyada xukuumadda lagaga soo horjeeda ay ka billowdeen magaalooyin badan oo Itoobiya ku yaalla, isla markaana ay ciidammada taliska Addis Ababa u gaysteen xasuuq ba’an iyadoo la dilay dad aad u tira-badan, kumanaan kalana xabsiga loo taxaabay.
 
Shir arrimaha Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Koonfur Afrika.
 
Intii u dhaxaysay 8 – 11/11/05 waxaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu qabtay shir ay isugu yimadeen xubanha Jaaliyadda Ogaadeenya ee magaalada Cape Town, kaasoo lagaga hadlay arrimaha Ogaadeenya, isla markaana lagaga tashnayay sidii loogu diyaar garoobi lahaa burburka ku soo food-leh xukuumadda xilligeedii dhamaaday ee Itoobiya.
 
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee gobolka Westren Cape, waxaana ka soo qayn galay dad aad u badan, kuwaasoo warbixino dhaadheer ka dhagaystay masuul sare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya iyo masuuliyiin ka tirsan Jaliyadda Ogaadeenya ee dalka Koonfur Afrika, waxayna masuuliyintaasi ka xogwarrameen xaaladda Ogaadeenya iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa.
 
Masuuliyiinta Jabhadda ee shirkaas warbixinta ka jeediyay waxaa ka mid ah Cali Axmed Xasan oo ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Jabhadda, wuxuuna si waafi ah uga warramay meesha uu marayo halganka ay JWXO hormuudka ka tahay, iyo sida ay ciidammada xorenyta Ogaadeenya ugu awood sheegteen kuwo isu keen-keenka ah ee Itoobiya ku soo ururisay dalka Ogaadeenya.
 
Xubnaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee gobolka Westren Cape ayaa gabagabadii shirkaas ballanqaaday inay dadaalkooda sii labanlaabayaan, isla markaana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin JWXO iyo siyaasadeeda togan. Waxay sidoo kale xubnaha Jaaliyaddu salaan qaali ah u direen ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee geesinimada iyo daacadnimada ku caan-baxay.
 
Diblumaasi Maraykan ah oo xukuumadda Zenawi aad u canbaareeyay.
 
Danjire Herman Cohen, oo ah kaaliyihii hore ee arrimaha Afrika ee wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanka, ayaa ayaa sheegay inuu aad uga niyad jabay tallaabooyinka uu Meles Zenawi ka qaaday dadka xukunkiisa ka soo horjeeda, wuxuuna rumaysan yahay in xukuumadda Zenawi ay qaadday tallaabooyin aan mrnaba loo baahnayn.
 
Herman Cohen wuxuu yidhi; Tallaabooyin qalqallafsan ee xukuumadda Zenawi bannaanbayaasha ka qaaday waxay ka turjumayaan dhaqanka dabiiciga ah ee xukuumadda Zenawi.
 
Danjire Cohen wuxuu xukuumadda Zenawi ku canbaareeyay inay si aad ah ugu sii ekaanayso xukuumaddii millatariga ahayd ee Mingisto Xayle Maryam, oo uu gacan wayn ka gaystay sidii xukunka loogala wareegi lahaa sannadkii 1991.
Wuxuu kaloo intaas ku daray in xukuumadda Zenawi ayna marna isu saamixin inay noqoto horseedkii is-bedalka dimuqraadiyadeed ee Itoobiya.
 
Mr. Cohen wuxuu tilmaamay in, marka la eego tallaabooyinka ay xukuumadda Zenawi mucaaradka ka qaadday, la ogaanayo in Meles Zenawi uu siyaasad ahaan aad u liito, isla markaana uu u dagaallamayo sidii kursigiisa u badbaadin lahaa.
 
Danjire Cohen ayaa ku baaqay in beesha caalamka looga baahan yahay inay tallaabo ka qaado xukuumadaha ku xadgudba xuquuqda aadanaha, hannaanka dimuqraadiyadana is hortaaga, sida xukuumadda Zenawi oo kale, wuxuuna dawlada Maraykanka ugu baaqay inay kaalamada dhaqaale ee ay Itoobiya siiso u isticmaasho cadaadis ay ay xukuumadda Itoobiya ku cadaadinayso sidii hannaanka dimuqraadiyadu uga hirgeli lahaa dalka Itoobiya.
 
Saraakiil Itoobiyaan ah oo jooga magaalada Jawhar.
 
Maalintii axadda ahayd waxaa magaalada Jawhar ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya garabka madaxwaynaha gaadhay, saraakiil ka socda xukuumadda gumaysiga Itoobiya oo uu horkacayo safiirka taliska Addis Ababa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya C/casiis Axmed Aaden.
 
Ammaanka magaalada Jawhar ayaa aad loo adkeeyay markii uu waftiga gumaysiga Itoobiya ka socda imanayay magaalada, waxaana la joojiyay guud ahaanba baabuurtii isticmaali jirtay jidka laamiga ah ee dhexmara magaalada Jawhar. Waxaa sidoo kale aad loo baadhayay dadka magaalada soo galaya, iyadoo booliska garabka Jawhar ay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen dhalinyaro da’yar ah oo markii denbe la xaqiijiyay inayna wax dhib ah wadin.
 
Waftigan gumayisga Itoobiya ka socda ee Jawhar yimid ayaa la sheegay inuu u gogol-xaadhayo safar uu magaalada jawhar ku iman doono wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Zenawi, kaasoo heshiisyo kala duwan la saxiixan doona garabka Jawhar ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
 
Dhinaca kale ra’iisal wasaaraha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee Cali Maxamed Geedi ayaa mar si toos ah su’aalo looga waydiinayay idaacadda BBC markii taariikhdu ahayd 11/11/05, wuxuu inkiray inay jiraan gobollo soomaaliyeed oo wali gumaysi ku sii denbeeyay. Ra’iisal wasaaraha waxaa la waydiiyay siyaasada dawaladiisa ee ku aaddan dhulalka iyo dadka soomaaliyeed ee wali gacanta gumaysiga ku jra, wuxuu ku jawaabay;
 
”Dadka iyo dalka soomaaliyeed waxay maqnaan jireen waagii gobonimo doonka, laakiin sidii gobonimada dalku (Soomaaliya) u qaatay, dalalka deriska inala ah iyaguna gobanimo ayay qaateen, deegaannada soomaaliduna waxay ka mi yihiin dalalka Kenya iyo Itoobiya. Dadkaasu waxay ka mid yihiin dalalka deriska ah, gobanimona ku hadlaan, gumaysina kuma jiraan”.
 
Dad badan ayaa hadalka ra’iisal wasaaraha ka amakaagay, isla markaana yiqiinsaday in ra’iisal wasaaruhu uu yahay nin aan waxba u kala baxsanayn oo moodaya in dalalka Geeska Afrika oo dhan ay xornimada qaateen markii ay Soomaaliya xorowday.
Radio Xoriyo
15 November. 2005
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD