| 
 
 
	
		
			|  Daabaco 
			Boggan | Print |  
			| Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
			GUJI.... |  
			|  |  
			|   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa 
			wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo 
			Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. 
			Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo 
			waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu 
			wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee 
			Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
 |  
 GEEDIYOOW 
SOOMAALI GEFBAAD KA GASHAY  Rabbiga ina ahaysiiyeybaa mahad leh magaciisa 
ayaanan ku bilaabayaa naxariis iyo nabad gelyo korkisa ha ahaato Rasuulkeenii 
suubanaa Tan iyo maalintii gumaystayaashu ay soo galeen 
geeska Afrika Abbaarihii 1880naadkii waxa ay shacabka soomaligalbeed ee ku 
dhaqan Ogadenia ku jireen dil, xidhay, jidhdil, nolol xabaal iyo in la waayo 
jaan iyo cidhib meel ay dhigeen hanado iyo gabdho lagu hanwaynaayi dhibkaas oo 
ay Itoobiya oo xoog ku haysataayi. Waxaa lagu hayey ilaa hadana lagu hayaa dhamaan 
wax kasta oo lagu dulayn lahaa jiritaanka shacabka, haba ugu danbayso 8 ruux oo 
todobaadyadii ina dhaafay isku mar lagu dilay magaalada Famadaw ee gobolka 
Dhagaxbuur iyada oo aysan jirinba wax ay galabesadeeni. Hadaba dhibaatooyinka ka jira Ogadenia oo ah 
mid aad udaran kana warhayaan dhamaan soomaali ayaa waxa qaadan waa noqotay 
hadalii Geedi kaga jawaabay suaal uu waydiiyey muwaadin soomaaliyeed, taasi oo u 
dhignayd mawqifka xukuumadiisu ka qaadatay dhulalka soomaaliyeed ee wadamada 
dariska ahi xooga ku haystaan. Runtii inkastoo aysan jawaabtii Geedi ka 
bixiyey suaashaas aysan wax is bedel ah ku keenayn maskaxda soomaaliga fayoow 
ayaa  waxa weeyaan mid ka dhawaajinteeda laga xumaado ahna meel ka dhac aad u 
wayn, waayo waxaa dareemi kara dhib ka uu leedahay hadalkaas hawlyaraanta uga 
soo yeedhay Geedi soomaaliga lagumaysto maalikan maanta ah iyo walaalkiisa 
dhifka ah ee si wayn u ogaa xaalka uu ku waabariistay subaxaas, bal qiyaas sida 
uu uga murugooday walaalka Itoobiya dubaha madaxa kala dhacaysaayi hadalkaas? Runtii aad ayay maanta noogu darantahay in 
madaxda Soomaaliyeed ee aan hiilka ka sugaynaayi na dhahaan way xornimo qaateen 
kana been sheegaan xaalada dhabta ah ee aan ku suganahay maanta, waxaan jirina 
ka sheego xaalada aanku jirno garab iyo dhiiri gelin aad u wayna u hooyo cadawga 
aan ifka ku leenahay ee aan uga bara kacnay dunida halkii Eebe nagaga beeray ee 
ay awoow yaasheen ku dhasheen. Waxa ah arin aan la iloobi karin xaalada saaka 
lagaga waabariisto Godey iyo sida uu walaalka soomaaliyeed ee madaxda noo ah 
ahna ninka keli ah ee aan maanta sugaynaayi si jees jees ah nooga sheego wax aan 
jirin naaguna sii cadaadiyo cadaabka ifka  xaalada la odhan karo ee aan ku 
suganahay. Runtii hadalkaas aadbaanu uga xunahay waxaanan 
leeyahay geediyoow weli maanaan xoroobin belse way dhowdahay insha allaah, tabar 
aan lahaanaba inta aan ifka joognona waan u dagaalamaynaa xoriyada dayna maayo 
walaalka fayoow ee soomaaliga ahi hiilimaadka uu nala garabtaagan yahay ilaa aan 
helayno xoriyad buuxda waxaanse Geedi uga digi in uusan taariikh xumo kala tegin 
jagada hada uu ku magacaaban yahay waxaanan leeyahay maadan fahminba haybada 
dhulka( teritorial integrity of somalia) waayo iska daa Ogaden  iyo NFD oo ka 
mid ah dhulka soomaliyeed ee maqan e, kii joogayba maadan dhahdeen waan 
aqooonsan hadii aad fahamsantahay Axdiga dalka waxaanan ku leeyahay GEEDDIYOOW SOOMAALI 
GEFBAAD KA GASHAY waana mid kuu taala abidkaa. xoriyada Geedi nagu sheegay
Halkan 
ka akhri waa in yar oo kamid ah cadaadiska Itoobiya ku hayso shacabka 
Ogadenia. 
								Hereri Haji
								hereri01@hotmail.com
 
								Faafin: 
								SomaliTalk.com | Nov 17, 2005 
  
						
						 
 
						
						 
						
						 |