| 
 
 
	
		
			|  Daabaco 
			Boggan | Print |  
			| Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
			GUJI.... |  
			|  |  
			|   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa 
			wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo 
			Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. 
			Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo 
			waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu 
			wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee 
			Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
 |  
 CAR WAA NINKA AASSA MEYDKA Noverber 15keedii ugu yaraan Labaatan ayaa 
toogasho lagu diley sadex kamid ahna iyaga oo nool ayaa la gubey, gabadhna dhiig 
bax ayay oogu dhimatay dhaawac soo gaadhay kadib markii magaaladaba laga waayay 
irbad dhiig joojin ah dhaawacuna tobaneeyo........ Halkee HALKEE-EE? Magaalada Qabridaharre! 
 Aadamuhu inta uu ifka joogo waxaa fiican in uu 
si wanaagsan, xor ah oo ay u dhamaystiran yihiin qaybaha muhiimka u ah nolosha 
bani'aadamku, helitaanka  qaybaha aasaasiga u ah bani aadamka ayaa waxaa uu ku 
helaa siyaabo kala duwan isaga oo usoo mara marxalado kala heer ah , waxa dhacda 
in qofka baani aadamka ah ay lasoo gudoboonaato caqabado kala heer ah oo u ah 
qofka imitaxaan isla markaana leh dariiqado looga baxo oo kuu haga dhanka furaha 
nolosha , Bulshada markaasi ay ku habsato masiibadaas 
waxaa la gudboon in ay si wada jir ah ay halmar ugu dhaqaaqaan sidii xal waara 
loogu heli lahaa xaaladdarradaas lasoo deristay si markaas ay si buuxda ugu 
noolaadaan halkii Eebe kaga beeray dhulka guudkiisa. Hadaba waxaa wax wax lagu qaato u ah shacbiga 
Ogadenya dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhacaya waddanka gudihiisa kuwasi oo 
cibro qaadasho ugu filan ruuxa caadiga ah . Waxaa ah arin naxdin leh in maantadan ay dunidu 
heerka aan ognahay gaadhay ay gabdhaha walaalaheen ah iyo maatideenu ugu 
dhintaan qabridaharre dhiig bax!, ha la laayo oo maalin walba Tigree ha naga 
dilo qof aan waxba galabsan balse inaga waxaa haboon inay noo ahaato dhacdo 
waliba cibro qaadasho isla markaana aanku dhaqaaqno wixii nagala so gudboonaada. Caalamka nin waliba qorshe wanaagsan ayuu u 
dejeyey maxastiisa oo ay ugu bedqabaan balse inga Tigree oo tiisii meel dhigtay 
ayaa teena walaaqaya  Waxaynu ogayn in shalay ay Tigree dileen DR 
Axmed Dheere dhakhtarkii magaalada Qabridaharre isaga oo ku hawlan u shaqaynta 
dadkiisa dhibaataysan jirrina wax danbi ah oo uu galayi keli ah ay ahayd sababta 
uu naftiisa u waayay seed ugu sheegi kartaa ciidanka maraykanka in cusbitaalku u 
baahan yahay dawooyin iyo adeega caafimaad ka ee muhiimka ah, balse walaalle 
inaga maxaa cibrro ah oo inoo soo kordhay ileen waan ogayn in hadii daawo ayaan 
u baahanahay na la inoo dili aan u dhimanayno dhiig bax e, ha kayaabin goojo 
maysan inoo soo kordhinin laba calina isma waydiin. Runtii geeridu marbay nolosha dhaantaa waxaa 
waajib inagu ah inan dhimano intii aan dulloobi lahayn dhimanna lahayn inaga oo 
ku dulnoole ah (parasite) maba arko anigu dulli nimo hada inoo laaban hadiiba 
aysan maalinkan maanta ah wiilashii barbaarta ahaa ee Qabri daharre joogay inta 
ka jidhidhicoodaan iskala garana waayaan rasaas aysan huwin Tigree markii ay 
dadka maatida ah inta suuqa wadheen yidhaahdeen car waa ninka aasid iska daaye l 
waa ruuxa dul yimaadda guryahana gubayeen. war waa halkee meeshu? waa 
Qabridaharre!! Wey cadho badanaa curadkii aabahaa dhalay oo 
lagu yidhi car aas,balse maaban ku agdhinto maxaa iga reebay. Ma dhicin inta ninna iskala garan waayo soo 
qaato dhuuma-dhuumoodka kashkaashka ku hoos jira dhulkana dhigo horin gaagaaban 
oo Tigre ah, seey u dhacday in guryaha maatida dab la qabadsiiyo si loo gubo qof 
walaalkeen ah isaga oo nool, Maxaase looga gubay midka aan isagu jeelka 
kasoo cararin ee gurigiisa dabka la qabadsiiyey lagana gubay intii uu hanti ka 
haystay, waa cadawtinimo aan kala sooc lahayn mana aysan kala jeclayn midka 
kasoo baxsaday ee ay xabsiga ku haysteen iyo midka gurigiisa nafta lala soo 
galay ee dabka laga sudhay, haba yaraatee ma jirto wax farqi ah oo u dhexeeyey 
sidaasna maba aysan sameeyeen Tigree hadi ay inaba karaamo naga rabaan saaka. Balse waxaa maanta inagu xaaraam ah nolosha 
inta maatideenu ay ku silcayaan halkii ay ifka kaga dhasheen dhiigbaxna ay 
walaasheen u dhiman inta aynaan u fikirin sidii ruux nool oo dareemayaal leh, 
yaanan hadalka kugu badin ee runtii tigree waa baraarug san yahay waa hore ayuu 
na caddeeyay go' aankiisa ee aan hadhka ka kacno boodhkana iska jafno qaadanano 
hal tub aanan isu dul qaadano waayo maanta waan ognahay mowqifka Tigreega 
awoodiisana waan la wada soconaa sida Itoobiya oo dhan loogaga kacsan yahay 
taliskooda ee yuusan tareenku inaga tegin ee aan toosno Waanan ogsoonahay oo shalay ayay ahayd tii 
odayaasheenu isku dayayeen in is afgarad lagu dhameeyey khilaafka jira balse 
markii ay ogaadeen in ONLF diyaar u tahay ay daaqada uga saareen gebi ahaanba 
mawduucii oo dhan ugana dhigeen wax doorashada la isku dhaafinayay uun. WALAALKAYGA SOOMAALIGA AHNA WAXAAN KA CODSAN 
INUU GARABKAYGA KA MUUQDO Hereri Haji hereri01@hotmail.com
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan 
								Faafin: 
								SomaliTalk.com | Nov 17, 2005 
  
						
						 
 
						
						 
						
						 |