| 
 
 Fahadow: Geeddi ma Zenaawi baa Eryi Kara Mise 
Cabdillaahi Yuusuf?
 
	
		| Aragtidii Dadweynaha SOOL, 
		SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001... KA AKHRI HALKAN... GUJI....
 
 XASUUQII WAGALA 
		:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo 
		nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay 
		ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey 
		dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,  
		Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998.. 
		
		EEG HALKAN 
 
		
		ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |  
	Waxaan u malaynayaa in aan maanta muran ka 
	taagnayn, in soomaali meel kastooy joogto ay u gacan gashay taliska ka 
	arrimiya Addis-ababa, ee uu garwadeenka ka yahay Meles Zenawi.Horaan u iri 
	gabaladaii soomaaliya badi gacanta ayuu ku soo dhigaye tolow Muqdisho 
	manoogu imaanayaa Ato- Meles Zenawi. Nasiib darro waxuu hadda Meles noo soo 
	fariistay kaabiga oo Jawhar isagaa ka taliya, Muqdishana wakiilo yaryar 
	aanse taaba qaadin ayaa u fadhiya, har iyo habeena ku qarwa in maruun noo 
	yimaado xukunka Ato Meles Zenawi.  
	  
	Ayaamahan waxaa dad badan ka argagaxeen 
	hadalkii uu yiri Mr.Geedi ee ahaa: "Haddii la aqoonsado Somaliland waxba 
	kama qabno". Dad badan ayaa qaylo afka shubtay oo yiri waa in xukunka la 
	qaada Geeddi. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Saaxiibka wayn ee Fahad Yaasiin oo 
	waliba codsi uu qortay Cabdillaahi Yuusuf; uu kaga dalbanayo inuu shaqada ka 
	tuuro Geeddi. waxaanse la yaabay Fahad oo xaaladda Soomaaliya war u haya iyo 
	waliba waxa lagu soo dhoodhoobay Embgathi goob joogna uu u ahaa  wixii 
	meeshaas lagu unkay.iyadoo qoladii lagu aas-aasay Nasaret ee loo yiqiin SRRC, 
	loo bedelay magacii looguna wanqalay magac dawaladeed.  
	  
	Walaal Fahad ma u malaynaysaa cabdillaahi iyo 
	Geedi inay ku yimaadeen rabitaanka ummadda soomaaliyeed, mise kula tahay in 
	ay yihiin niman xor ah oo ka madax banaan awaamiirta Melez zenawi. Sow 
	shalayto markii lawaraysanayy Cabdillahi Yussuf kii lahaa ma-ahayn: Melez 
	Zenwi iyo xukunka itoobiya Cadow ma-aha ee cadow waxaa aha soomaalida iyo 
	kuwa garka dheer. Sidoo kale, ma umalaynaysaa in Geedi uu iska yiri hadalkii 
	cuslaa ee qeexayay kala gogooynta soomaaliya. Waxaad ku seexataa in Geeddi 
	la yiri raac waddadaas hana ka hor imaan, Cabdilaahina la ogayahy waxaas iyo 
	wax kasii darran, iyagoo ay kala wayntahay magacaas baas ee loogu yeerayo ee 
	ah madexweyne iyo ra-iisalwasaare. 
	  
	Madexweyne waxaa Cabdillaahi Yuusf ugu yeera 
	Itoobiya iyo saxaafadda soomaalida, laakiin haddaad eegto saxaafadda 
	caalamka waxay ugu yeeraan" Ethiopian backed Prisedent". Intaas ayaa kaaga 
	filan nuxurka dawladda aan sheegsheegayno, oo wali lama arag dawlad maqaar 
	saar uah dalk kale oo taabba gasha.  
	  
	  
	Hadalkii Geeddi uu yiri waxuu galaya 
	diiwaanada waawayn ee lagu xisaabtamo. Xagga adduunka garowshiiyo wayn ayuu 
	siinayaa kuwa ku haminayay in la qayb-qaybiyo dhulka soomoalida, waayo waxaa 
	la leeyahay kuwii ku dhegganaa ee looga gabanayay haddii ayna waxba ka qabin 
	maxaan innagu u hortaagan nahay. Maanta miisaska UN-ka iyo Au-da waxaa yaal 
	falanqayn wayn oo ku saabsan dabacsanaabta ay ku dhawaaqeen kooxda Jawhar. 
	Xagga soomaalida waxuu galayaa taariikh madow oo jiilalka dambe la odhan 
	doono kooxdii ugu horaysay ee ku dhawaaqda inkiraadda qoomiyadda 
	soomaaliyeed banaysana in xaq tahay in la gumaysto lana kala qoqobo intii 
	xorowday. 
	  
	Haddii nin masuul sheeganaya uu afkiisa kasoo 
	baxo hadal aan u cuntamin dadwaynaha amase caalamka, hadal burinayana aayna 
	kasoo yeerin masuul kasareeya muddo 48 saac, hadalkaasi wuu hirgalaa waxaana 
	lagula xisaabtamaa maamulkaas oo dhan. waxaan u malaynayaa in laga joog 
	maalintii uu Geedi ku dhawaaqay dullaynta ummadda soomaaliyeed 6 maalmood, 
	wax ka hadlay oo buriyay warkiisana ma- hayno. Sidaas daraadeed wuxuu 
	noqonaya mid kuu yaal ee ku xisaabtan. 
	  
	Dadku masinna ee waxaa xussid mudan qofkii u 
	horeeyay ee naqdiya hadalkaas, isla markaana qiyaamo qaran ku tilmaamay waa 
	garyaqaan Xasan Dhimbil oo xildhibaan ka ah Wixii lagu soo unkay Embgathi. 
	Dhimbil waa qofkii u horeeyay ee isku kalsoonaada kana hibaysan Itoobiya iyo 
	inta moodda inuu Meles wax ka dhigi kar, halka Cismaan Caato uu ka gaabsday 
	oo afka xirtay marlii la waydiiyayna ka baqay inuu wax ka yiraahdo. 
	  
	
		Geeddi waraysigii uu bixiyay waxuu dadka baray 
	wuxuu yahay, wuxuu is jeclaysiiya aduunyo, waxuu ka leexday xaqa iyo 
	awaamiirta Eebbe. Markii loo bandhigay aayadaha quraanka waxuu ku xanaaqay 
	wariyihii isagoo dhibsanaya dalaaisha Eebbe kuna doodaya in meel kale 
	mowjadda loo leexiyo. Geeddi waxuu soo qufay siro duugan oo taxan dheresanna 
	min hubka kasoo degaya Bebera ilaa Addis-ababa, kuna soo afjarmaya Jawhar 
	gacmo hoosena la isdhaafsaday, kaasoo kartadiisa uu dhigayo Meles Zenawi. 
	Kaartadaasi waxaa laabta loogu qaboojinaya Hargaysa laguna leeyahay waxaan 
	idinka qaboojiyay mintidkii midnimada koofura,anna (Meles haddan ahay) anaa 
	iska leh Dekadda Berbera,waxna laima waydiin karo. Kooxda Jawhar kuwa idin 
	neceb ee idinka soo horjeeda ayaan idnka qaban xukunkana idinkaa haysan 
	koofur ee ku ekaada halkaas, dadka i neceb ee wadaniyiinta ahna soo laaya.
			| Ingiriisi:
			Toddobaadkii hore markii bamku kugula qarxay Muqdisho, 
			dowladdaadu dhowr af bay ku kala hadashay. Dadka loo maleynayo inay 
			ka dambeeyeen qaraxaas, Madaxweynuhu si kale ayuu uga hadlay, adigu 
			si kale ayaad uga hadashay, Wasiiru dowlahaaguna wuxuu sheegay inay 
			ka dambeeyaan Maxaakiimta. Miyaanay dowladdu hal af ku wada hadal? 
			Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
			GUJI.... |  
	  
	1987kii markii waddanka Kenya  uu sida xun u 
	tarxiilayay soomaali badan oo degganayd wadankaas , hantidii dadkaasna la 
	dhacay ayaa Wasiirkii Ganacsiga waagaas oo ahaa Cabdi qaasin Salaad Xasan 
	waxuu yiri: Kenya soomaalida waxay ula dhaqmaysaa sida Yuhuuddu ula dhaqanto 
	Falastiin". Dawladdii Siyaad Barre oo aan waagaas doonayn inay isku soo 
	jeediso Kenya ayaa in ka yar 24 saac ku burisay hadalkiisii tirina: waa 
	hadal isaga u gaar aha mana matalo dalka soomaliya( Ogow booqasho dawlladeed 
	ayuu ku joogay markaas Nayrobi). Hadalkaas la burinayana waxuu ahaa mid 
	qoomiyadda soomaaliyeed u hiilinayay laakiin dawladdu si ay u xajiso 
	xiriirkii Kenya waxaa buriyay raisalwasaare ku xigeenkii ahaana wasiirka 
	arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Jaamac Barre. Maanta Cabdillaahi Yuusuf oo 
	haddii uu ka dhiidhiyi lahaa hadalkii Geeddi geli lahaa diiwaanka taarikhda 
	mutaysanna lahaa in loo aqoonsado geesi dalkiisa iyo dadkiisa Jecel ayaa 
	asbuuc dhan ka aamusan oo bustaha Meles Senawi ku huwan Jawhar. 
	  
	Saaxiibkay Fahadow Maanta Qabri dahare ayaa 
	waayamihii Tigregu ku xasuuqeen maatadii soomaaliyeed ee gacanta gumaysgii 
	tii u xumayd xilligan ku jira. Hore wax cambaareeya ayaan xitaa maqli jirnay 
	laakiin bedelkeedii Kuwa awaamiirtooda fuliya ayaa magaceenii ku fariistay, 
	ee sidaa uga qanac codsigaaga aan cidna kaa hoos qaadayn. 
	Cabdi Xasanabdi172@hotmail.com
 Afeef: Aragtida 
								qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 
								Faafin: 
								SomaliTalk.com | Nov 16, 2005 
 
								
								 WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY:
					
					Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin
					Guji... 
  
						
						 
 
						
						 
						
						 |