SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



Jawaabihii Prof. Geedi dad bay jinni waalan ku rideen !!

Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

 
Waad Salaaman tihiin saaxiibada Webka iyo Netka Somaliyeed.
 
Summary.
 
Wasiirka kowaad ee Somalia jawaabihii uu ka bixiyay aqoonsiga JSL iyo Qoomiyadaha Somaliyeed ee Itoobiya iyo Kenya dad bay jinni waalan ku rideen oo qaylo af labadii kala qaaday weyna ku qaldan yihiin sida ay Somali badani qabto.
 
Analysis.
 
Siyaasaddu ma aha wax weligeed meel taagan. Waxa ay isku bedeshaa sida harka labadiisa gelin. Siyaasaddu cadow joogta ah ma leh sida aanay saaxiib joogta ah u lahayn. Waxay se leedahay dan joogta ah. Wasiirka 1aad ee Somalia Md. Prof. Cali Maxamed Geedi jawaabihiisu waxa ay ahaayeen qaar cilmiga ku fadhiya oo xaqiiqada ka run sheegahaya. Marka ay dunidu aqoonsato JSL haddii dawladda Muqdisho aanay aqoonsan JSL maxaa kale ee ay samayn lahayd ? Waxa ay dadka qaar ka xumaadeen ee Madaxweynaha Wasiirada Somalia lagu haysto waa intaas.
 
Dadku waxa aanay aqoon u lahayn waa u cadow. Waxa sidaas ka dhigan qofka aan maanta la socon dabaysha siyaasadda caalamku dhinaca ay u socoto ee aan la jaan qaadi karin. Qofka ay aqoontiisu hoosayso, garashadiisu liidato ama aan siyaasadda u dhuun daloolin waxa lagu gartaa caadifadda iyo hadalada dhowdhow ee sadxiga ah ee ka fog diploomaasiyadda iyo weerar qaawan oo qof shakhsiyadiisa oo gaar ah lagu weeraro illaa laga gaaro reerkiisa. Waxa kale oo lagu gartaa qofka aynu soo sheegnay maskaxdiisa ayuun buu weligii dib u jiidaa ama u ceilyaa oo wax laga soo gudbay oo aan diin ahayn ayuu weli ku dheggan yahay. Qaar baa waxa ay weli taagan yihiin Ina Cabadalla Xassan ayaa Ingiriis la dagaalay. Bal maxaa uga shan-iyo-toban ah siyaasadda maanta Ina Cabdalla Xassan. Bal se haba la dagaalo Ingiriis, waxa ay tahay su'aashu maxuu ka dagaalamay ama uu kula dagaalay ee uu Sayid Maxamed Cabdalla Xassan ka doonahayay Ingiriiska?
 
Diin ma wadin Ina Cabdalla Xassan oo dadku muslim isaga uga aqoon badan diinta ayay ahaayeen oo masaajidku waa dhisnaa marka laga reebo meelo ka mid ah dhulka hadda loo yaqan Puntland. Dawladnimo muu wadin oo waa kii diiday markii uu ingiriisku ugu yeertay magaalada ODWEYNE in uu dalka xukumo oo boqor ka noqdo Ingiriiskuna xeebaha u ilaaliyo intii muddo ah. Isticmaar iyo adoonsi ma jirin oo dadka Somaliyeed laguma hayn dhibaato ee iyaka ayaa la barayay nadaafadda, qaabka nolosha fiican iyo ilbaxnima - sida dharka loo xidho ee qaawanaanta looga gudbo ama musqulaha loo aado iwm. Dalka JSL (Ex.Somali Protectorate ) xubnaha Ingiriiska ah ee joogay waqtigaas kama ay badnayn dhammaan illaa toban ( 10 ) sarkaal iyo xaasaskooda oo dadka u adeegayay muqaabil la'aan sida waxbarshada, nabadgelyada, caafimaadka iyo maamulka xafiisyada ( administration ). Somalida ayaa kharash iyo lacag lagu bixinahayay in ay wax noqdaan. Sheekada Ina Cabdalla Xassan waxa dadka qaarkiis ka dhigteen sinaariyo ay maalinba meesha ay rabaan ula kacaan in ay ku maxaafsadaan oo xoolo ku raadiyaan ama ay kuwa awoodda helay iskaga dhaadhiciyaan sidii ku dhacday Siyaad Barre iyo Ingiriiska oo maanta lala maagan yahay in Taleex loogu yeero in uu xoolo keeno magdhow ah. Qaar baa waxa ay soo qoraan in Ina Cabdalla Xassan diidanaa qayb-qaybintii xududaha caalamiga ah ee 1884 heshiiska lagu gaaray iwm oo aan waqtiba ka dhaxayn.
 
Ingiriis isaga ayaa loo baahnaa joogistiisa sida maantaba loo hoos dhooban yahay guryihiisa LAAKIIN Ingiriis waxba ugama baahnayn Somalida sida aanu maantaba waxba uga baahnayn. Sidaas darteed dagaalkii uu qaaday Ina Cabdalla Xassan waxa uu ahaa mid aan cilmi ku fadhiyin. Waxa uu ahaa dagaal aan lib iyo ladnaan midna Somali u soo hoynin magac laga dhaxlayna ma jiro oo aan ahayn wadaadka ayaa dad gumaaday oo annaga ayuu ahaan jiray. Dadka lagu cambaareeyo in ay ka hor yimadeen halgan sax ah oo uu waday Ina Cabdalla xassan waxa ay ahayeen kuwii ugu horayn taageeray ka hor intii aanay ogaanin qalloociisa iyo maskax-falluuqa uu qabay sida kuwa hadda dilahaya ee laynhaya dadka ajnabiga ah ee u soo gurmaday wax-tarka dadka maatida ah ee dagaalka sokeeyay burburiyay ee cilmiga iyo caafimadka la daba socday. Wadaadku na waxba waa kii maqli wayay in uu dadka dhibaatada ka joojiyo. Taasina waxa ay natiijadeedi noqotay in la iska qabto oo ay ka jeestaan dadkii taageeray oo ay ugu horreeyeen kuwii xaruntiisa joogay oo cid walbo leh oo inta ay qabteen ay si gobonimo ku jirto isu dhaafiyeen iyaga oo ahaa kuwii hadana sii gelbiyay ee si nabagelyadiisu ku jirto isu dhaafiyay iyaga oo kari karayay in ay Ingiriis gacanta u geliyaan hadana ka xishooday in ay sidaas yeelaan Somali jacayl darteed iyo in ay ahaayeen dad hiddo iyo dhaqan u leh saamaxaadda iyo wanaag doonka dadnimada leh.
 
Waxa laga yaabaa in uu Ina Cabdalla Xassan dadka qaarkiis baray sida salaadda loo tukado oo aanay hortii aqoon u lahayn sida loo tukado. Haa ! kuwaasi waxa dhihi karnaan isaga ayaa sida loo tukado na baray oo waxa uu ahaa Darwiish Saalixiya ah oo MakKa ka yimid dadka janno geliye ahaa haddii aanu qofku xujoobin. Aniga oo aan ku sii dheeraanahayn sheekada wadaadka waxa aan ku soo koobayaa in uu ahaa nin ay dadka qaarkiis talo xun ku lugooyeen isaguna noqday kii markii danbe iyaka lugaha wada gooyay. Dagaalkiisu waxa uu ahaa mid naxariis daran oo macangeg ah oo aan dumarka iyo caruiurta u nixin. Kaas oo aan waxba ka duwanayn kii Siyaad Barre ( True copy ) ee ay qaadi jireen oo kale kuwii ahaa qabqablayaashii casriigii dhexe ee dunida ee xoolo doonka iyo madaxnimo doonka u weertay una waashay. Balwad geedda ah na waa lagu sheegi jiray wadaadka sida ku cad qaar ka mid ah gabayadiisa.
 
Awowgay Ducaale Hadal-Wanaaje oo ka mid ahaa raggii qaawiyay Ina Cabdalla Xassan tala xumada isaga iyo qaar ka tirsan reer abtigii ay wadeen ayaa ku tilmaamay su'aalo uu sayidku weydiiyay dhinaca qabyaaladda oo ka yaabisay Ducaale waxa Sayidka ku soo celiyay qabyaalad Somali uu lahaa waxbaan idiin qabanhayaa oo u sheeganhayay hogaamiye wax xoraynhaya ayaa ku tilmaamay su'aalaha Ina Cabdalla Xassan uu wediiyay qaar aan xayawaanka na la weydiin waxa uu na weydiiyay Sayidku!! 
 
Waxa loo soo qaatay tixraacan aragtidan kooban ee wadaadka ku saabsan in aay iska dhaafaan dadka qaarkiis maskaxda oo dib loo celiyo marmarsiinyo doon - arki jiray doon marka laga hadlayo waxa maanta jooga iyo mustaqbalka ummadda JSL iyo Somalia ama Somali guud ahaan oo waqti badan laga lumiyay hore na loo soo hoojiyay. Waxa ay dantu ku jirtaa oo la door-bidahayaa hor-u-socod iyo in dunida lala jaan qaado oo wax lala qabsado si loo gaadho nolol deggan oo aan cillad iyo caqabado lahayn. Waxa fiican in la ixtiraamo oo la aqoonsado dhammaan xuduudda caalimaga ah ee la isla ogolaaday 1884 iyo dawladihii ka dhashay, Jinsiyadda, dhalashada, Qaranimada, xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta dawliga ah. Qabiil keli ahi dhowr qaran ayuu ku kala noolaan karaa oo dunida oo dhan ka jirta. Fikrad saxan ma aha tolkay ayuun baan la dal iyo dawlad ahaanayaa. Meeshaasu talo ayay uga baahan tahay qayb ka mid ah dad ka tirsan JSL ee deggan meelo ka mid ah gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood. Weli waxa la isweydiinahayaa waxa ay Boorama garatay ee ay Laascaanood wada garan la'dahay !!
 
Maxay tahay macnaheedu marka kuwii shalay gaystay xasuuqa iyo dabargoynta dadka muslimka ah ee rayidka ah la difaaco ee madaxa la saarto dhagar qabayaal cuqdad jirta awgeed isla markaasna la cambaareeyo xukunka caddaaladda ah ee lagu fuliyay kuwa dunida fasaadka geliyay ee dadka gargaarka waday dilay iyaka oo gurigooda jooga. Kuwa wax dilaya oo aan lahayn ujeedo cad oo sharci ah oo ay sidaas u yeelahayaan. 
 
Si kastaba ha ahaatee marka loo soo noqdo jawaabta Md. Geedi, wasiirka kowaad ee Somalia waxa uu ka hadlay waa wax jira oo run ah oo waaqici ah. Marka sidaas loo eegona waxa uu ku sifoobay Md. Geedi in uu yahay aqoon yahan siyaasi cusub oo casri ah iyo geesi edeb leh oo runta ku dhawaaqay oo aan halkan la soo taagnayn indho caddayn, inkiraad iyo muran jaahilnimo. Waxa ay dadka qaar la doonahayeen in uu Md. Geedi yidhaahdo Somaliweyn ayaa maanta jirta oo aan gacanta idiinku hayaa oo uu halkaas waqtigu kaga dhaco sidii Jaalle Cabdo-Qaasim. Waxa nasiib darro ah kuwii Somaliweyn halkaas dhigay oo maanta ku canaananaya Md. Geedi in uu Somaliweyn samada ka soo dejiyo aan dariiq loo hayaa jirin maanta sida ay tahay oo uu sii wado beentii iyo fandhaalkii lagu dhex walaaqi jiray ummadda ee u diidi jiray in ay wax qabsato oo ay kala degto oo uu qof waliba meesha uu Ilaahay dhigay wax ku noqdo horta, markaasna wixii is qaadan karayay ay waxa ay rabaan isula yimaadaan. Midnimada macnaheedu waa in ay dhinacyo shuraakowbaan ee ma aha in uu dhinac isa siiyo dhinaca kale iyo wixiisa oo uu jeebka ku rito. Midnimadu waa in ay tahay mid si dhab ah dhinacba dhinaca kale ku qadariyo oo ay raali iskaga wada yihiin dan ku jirta awgeed. Dunida oo dhan ayaaba iska midaysan ( eeg kulanka ITU iwm ). Sida ay tahay midnimadu waxa ay imaan kartaa marka aanay jirin is-dhexyaac, is-ku-dul noolaansho xoog-xoog, khiyaano,. cabbudhin, ha i arkin aan kaa dul laliyo, aniga ayuun baa jira iyo edeb darro inteeda leeg oo lagu habsaamay in ku dhow nus qarni. Waxyaalaha aanay Somalidu dhiqi karin ee aanay ku wada shaqayn karin waxa ka mid ah shuraakada oo intii isku qoyska ahayd aysan weli waxba isku darsan karin ama aan qaadhaan la aruuriyo qof lagu aaminaa jirin oo uu yar yahay.
 
Culimada taqaan dhaqanka Waraabaha ( Habar-dugaag ) waxa ay dhahaan waraabe dhinacii loo eryaaba waa u toos ! Wixii uu afka la helaana waa u xalaal ! Ninkii shalay talo-xumadiisu jebisay Ina Cabdalla Xassan, Jebisay Siyaad Barre ee jebisay Somaliweyn dhab ah ( And not Daarood-weyne ) ayaa waxa uu doonayaa in uu maantana ku jebiyo talo-xumantii oo kale dawladda Md. Geedi ( Somalia ) oo lafaheeda u dhitinaysa khiyaano, mu'aamarado iyo ladqabo lagula dhex jiro awgeed. Haddii loo dhabbo galay mushkiladda Somalida haysata ninkii garanayow waxa ay noqotay maska laba madax leh. Somalida mar dhow iyo mar dheer toona waxba u hagaagi maayaan haddii aanay iska garan sida looga takhaluso maska labada madax leh ee doogga cagaarka isku dhex qarinhaya ( Somali weyn ) ee diidan in ay  Somalia iyo Somaliland horta is-aqoonsadaan oo ay wanaag iyo walaalnimo ku wada jaar noqdaan kuwa kale na ay ku raadiyaan dariiqad macquul ah oo ay kuwa la xuraynhayo ay ka dhab tahay in ay xoroobaan oo aanay noqon foosto gun la' oo goor walbo la dhaaminhayo. Kuwaas oo aan khasaarayn tacabka ay walaalahood goor walbo la garab taagan yihiin oo aanay Jan. Siyaad Barre, Col. Cirro, Col. C/Yuussuf iyo hal-iyo-Nirig aanay iska hor keenin sidii shalay dhacday ee la soo maray. Shacabku haddii uu is wada raaco waa dhab in wixii uu doonayhayo uu heli doono isaga oo aan cid kale iskuba hallayn.
 
Jawaabtii Md. Geedi ee ku saabsanayd siyaasadda dawladiisa ee ku wajahan J.Jibuuti, JSL, Somalida Galbeed iyo NFD ninkii ay jinni ku ridayow saalo iyo saan dhurwaah ( waraabe ) doono oo isku shid  sidaas baa Jinniga lagu bixiyaa xaafadda Gubta ee Ciise Cabdi Xamar ka raadso daawadaas!!! 
 
Wasiirka kowaad dawladda Somalia Md. Prof. Cali Maxamed Geedi waa geesi aqoon leh oo wax garad ah, nadiif ah, isku kalsoon, qabiil wanaagsan ka dhashay oo dhalad iyo nasab ah. Waxa gef ah in la xagxagto oo lagu mudmudo afkii dhererka badnaa ee dhuunta dheeraa ee la ogyahay itaalkiisa iyo inta uu gaari karo ee haw-hawda dadka ku dhego barjayn jiray.
 
J. Somalia waa in ay aqoonsato J. Somaliland sida ugu dhaqsaha badan dunida kale horteed oo aan libta looga dheerayn sidii ay u aqoonsatay J. Jabuuti taas oo ugu horaynta dan u ah Muqdisho iyo Hargaysa iyo inta ku dhex nool. Dadka Somalia qaarkood waxa lagu been abuuray in Somaliland shalay ogolayd midnimada ee waxa ay maanta ku diiday tahay dadka qaarkood oo aan la rabin madaxnimadooda iyo khuraafaad la mid ah. Taas oo aan sal iyo baar lahayn. JSL waxa ay xaq u leedahay in ay qaranimadeeda gaar u lahaato oo ay goonideeda isu taagto iyada oo qaran ah la mid ah Somalia iyo Jabuut oo aan la daalin..... Waxa ay rabtaa JSL in ay kala baxaan runta iyo beenta lagu soo jiray ilaa iyo 1960kii oo xalaal lagu kala baxo. Somalida waxa u fiican in ay iyaku xisaabtamaan inta aan cid kale xisaabin. Waxa fiican in laga tago qalaqa ama werwerka oo nolosha la bilaabo marba inta la hayo ee kula itaalka ah. 14 Dawladood ayaa Somalida soo maray intii ay gobonimda haysteen oo marba mid si dhaqso ah ku dumaysay ( A. Cadde, Cabdirashiid, Cabdirazaaq, Cigaal, Ina Siyaad-Cirib-weyn, Cali Mahdi, Caydiid, Cabdiraxmaan-Tuur, Cigaal, Cabdo-Qaasim, Cabdullaahi , Cadde Muuse, Rayaale, Cabdullaahi Yussuf oo xarafka caynka magacoodu ka wada kaco mid mooyee). Haddii si cilmiyaysan looga jawaabo sababta ay dawladnimada Somalidu la sal dhigi weyday waxa kuu soo baxaysa sees xumaanta midnimada loo dhigay iyo khiyaano goor walba ku dhex jirto. Waxa ay ka dhigan tahay guri seesku qallooco oo mar walba dabaqyo la kor saarayo kii hore dumay. Waa dabiici in uu gurigaasu dumo wayo seeska ayaa qallooc u dhigan si aldan. Waxa la garan la'yahay in seeska guriga sida uu u yaal dib loogu noqdo. JSL iyo Md. Prof. Geedi ayaa la oran karaa in ay sidaas garteen.
 
waxa ay shacbi weynaha Somaliyeed ( 5ta ) taageersan yihiin siyaasadda xakiimka ah ee uu adeegsaday Md. Geedi iyo xidhiidhka fiican, walaalaynta Somaliyeed iyo sida uu maanta ku jiro wanaagga ummadda Somaliyeed guud ahaan ee looga bixi karo tiiha iyo nolol xumada. Qof waliba waa ogyahay in Somalinimadu tahay wax la wada leeyahay LAAKIIN ay xaq tahay in lagu qadariyo  mid walba meesha uu leeyahay oo loo daayo talada sida uu dalkiisa ku maamulanhayo oo la iska dhaafo inkiraadda iyo indho caddaynta jinniga qabta.
 
Wa Allaahu Al-Muwafaq.
 
Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD