SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



Geeddi: Haddii Somaliland Go’do waxba kama Qabno; Madaxda Puntland: Wuxuu Aabbe (korneylku) Qabo baan Qabnaa 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
London, UK

Hadalka Geeddi wuxuu ka dhiganyahay haddii Banaadir go’do waxba kama qabo! Maxaa yeelay waxaan xisaabta kusoo baranay haddii B = T; T = J sidaas darteed B = J. Geeddi iyo wasiirradiisa oo Jowhar jooga baa gobollada Soomaaliyeed u qeybiyey lix waaxood oo Somaliland iyo Puntland ka mid yihiin. Geeddi sida uu Banaadir waax gooni ah uga dhigay buu Somalilandna uga dhigay. Micnuhu waa labada qeyboodba isagaa ra’iisulwasaare u ah. Laakiin waxaa dadkii ka yaabiyey markuu British Broadcasting Corporation ka yiri haddii adduunku aqoonsado Somaliland waxba kama qabo. Taasi waxay ka dhigantahay haddii adduunku Banaadir aqoosado; Geeddi waxba kama qabo.

Runtii qofkii fikraddiisa dhiibta qof dheh sida Geeddi. Maaddaama Soomaaliya qaab qabiil wax loo qeybsaday, ceeb ma leh inaan magacyo qabiil xusno. Meeye xubnihii xildhibaannada iyo wasiirrada uga jiray reer Puntland? Kuwii Harti uga jiray? Maaddaama ra’iisulwasaaraha dowladda federaalka ku-meelgaarka ah uu arrintaas yiri, waxaa la rabay iney u jawaabaan wasiirrada iyo xildhibaannada ku jira dowladdaas ee maahayn iney u jawaabaan madaxda maamul-gobolleedka Puntland. Waxaan ilaa hadda maqley in madaxweyne-ku-xigeenka Puntland mudane Xasan Daahir Af-qurac uu ka dhiidhiyey hadalka ra’iisul wasaaraha. Mahad haka gaarto Af-qurac, waxaadna mooddaa inuu leeyahay:

“Dirquu igu qabsaday hadalka inaan anigu dooxaaye”

Waraaqaha uu Geedi marna ku diidey, marna ku ogolaaday heshiiska shiidaalka Puntland ka akhri halkan....

Sidoo xildhibaanno iyo wasiirro Xamar jooga, qorayaal iyo dadweyne badan ayaa arrintaas khiyaamo qaran ku sheegay. Neynaasta Af-qurac, isaga ama aabbihiis ama awoowgiis hala haadee waa mid ka tarjumeysa, siday ila tahay, nin hadal adag oon la gabban fikraddiisa; sidoo kalana kaga xanuujiyey dad badan. Geeddi wuxuu ka midyahay dadka uu muday hadalkaasi. Geeddi wuxuu magaalada Brussels ka sheegay sida Somalitalk qoreen inuu dadweynaha Soomaliyeed ku yiri ma jirto maamul-gobolleed soo faragashankara shidaalka iyo macdanta Soomaaliya; waxaana ka  hadlikara oo keliya dowladda federaalka ah! Somalitalk waxay soo bandhigeen warqaddii Geeddi u saxiixay maamulka Puntland markey Jowhar kula kulmeen Geeddi isagoo si cad u sheegay inuu ogolyahay in Puntalnd iyo shirkadahaasi baaritaan ka sameeyaan Puntland. 

Waxaan aad u yaabay markaan maantadan (18/11/05) ku arkey Allpuntland akhbaar sheegeysa in maamulka Puntland ka dalbadeen UN-ka in mucaawanada ku socota Sool iyo Sanaag la soo mariyo Garoowe (Puntland). Inkastoo Af-qurac ahaa ninka shirkaas guddoominayey oo isagu ka hadlikaro arrinta Sool maaddaama  uu Geeddi u jawaabay laakiin meeye kuwii kale? Ma markay cunto iyo hiil joogto baa Sool, Howd iyo Sanaag-Bari isku dad nahay? 

Maxay qabaan siyaasiyiinta Puntland ka soo jeeda?

Markaan ka hadleyno kuwa ku jira dowladda federaalkaa, ma ahan kuwa leh meel loogu soo hagaago ama qaddiyad leh. Waxba ma diidi karaan sidoo kalana waxna ma yeeli karaan. Wax kastoo dhaca, waxay ku dabofeylaan aabbahood, korneylka. Waxay iila midyihiin sheeko la sheego markii reer Banaadirka la dacaayadeynayo. Waxaa la sheegaa in wiilal ay aabbahood weydiiyeen inta naas oo geelu leeyahay. Aabbahaas Soomaaliyeed wuxuu ilmihiisii u sheegay inuusan aqoon laakiin uu adoogiis oo iyaga awoow u ah uu weydiindoono. Markii odaygii oo da’ ah loo tagay oo qisadii loo sheegay buu iska ooyey! Markii la weydiiyey waxa odaygu la ooyayo buu ku jawaabay: haddaan dhiman lahaa yaa idiin sheegi lahaa? Markaasuu odaygii yiri: geelu hal naas buu qabaa! Odayga laftiisu wuxuu arki jiray awrta siyaarooyinka iyo tacsida loo qali jiray! Hadda, haddii madaxweynihii la lahaa isagaa Soomaali wax ka qabankara oo ay arrintaas aammineen siyaasiyiinta reer Puntland uu hadda ra’iisulwasaarihiisii leeyahay waxba kama qabo haddii Soomaaliya la kala gooyo? Soow micnuhu maaha reer Sool oo intaas Soomaalinimo raadinayey oo la leeyahay: idinka waxaa nooga weyn waxa adduunku qabo. Hadday berri  Xabashidu aqoonsato Somaliland waxaan aamminsanay inaan C/hi iyo Geeddi midna wax ka dhihi karin.

Marar badan baa dad korneylka taageersan oo qaarkood ka soo jeedo Sool, Howd iyo Sanaag-bari igu dhihi jireen waxaad tahay nin dadkiisa iyo dhulkuu ku dhashay neceb. Anigu, sheekada Geeddi internetka iyo idaacadaha Soomaaliyeed qaarkood baan ka radiyey. Marka ninkii aan mantoo kale difaaci karin geyiguu ku dhashay iyo Soomaaliweyn guud ahaan baa nacab ah. Marka waxaan maqaalka kusoo xirayaa: 

Aw-Muuse mooyee af gabay haatan agab beelye

haddii erayo laga oran lahaa kiisa laga oogye 

Marka hadda waxaan ka ahayn Xasan Daahir Af-qurac  oo Puntland ka soo jeeda oo siyaasiyiin ah oo qaddiyad leh oo wax laga qoro ma leh.

Mar baa Xuseen-dhiqle wuxuu ari isagu daray Ilaah iyo Sayidka mar uu dhurwaa la hadlayey wuxuuna yiri:

Ariga Eebbaa leh

Eebbe iyo ustaadkaa leh

Sayidku arrintaas wuu dhibsaday wuxuuna xusay inaan Eebbe iyo qof kale wax la isagu darin. Marka haddii korneylku Puntland iyo dadkeeda leeyahay waa la arkidoonaa. 

Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
London, UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD