SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



 Tiisa daryeela tu kale ku dara! 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
 
Waxaa la yiri "xaqa haddii Afka laga daboolo feeruhuu ka dilaaca!
 
Itoobiya dhulkeena ma joogto, ciidankeedana ma soo galin gudaha Jamhuuryaddii xorta aheyd ee Soomaaliya, farahana kulama jirto arrimaha siyaasadeed ee dalka haddii  aad shalay la'eyd cid runta kaaga sheegta ama shaki kaaga jiray, dagaal oogeyaalka Soomaliyana ay inkirijireen maanta iyadoo mas'uulkii ugu sareeyey qirtay runso. Wuxuu yiri Cali Maxamed Geedi" Hadaan been la sheegeyn dowladdii C/qaasim waxaa burburiyey Itoobiya" hadalkan markuu sidaas leeyahay duqa waxaa loo sheegay in dowladii isaga ka horeysay dharaar cad la cabay fuudkeed tiisana aan loo daaheyne uu aayar danaha laga leeyahay dalka fuliyo haddii kale sheekadiisu noqoneyso" Isha Cali ka lulato"

Haddaba indhawaale waxaa taagneyd dood ku saabsan xorreynta Soomaali galbeed iyo NFD goorta ay xor noqonayaan, sidoo kale waxaa iyadana taagneyd aqoosi uu sheegay in proff aan aqoontiisa dhaafin xoolaha uu ku fududaay inuu siinayo Somaliland haddii waxa u ku sheegay beesha caalamka ay siinayaan. Doodahan waa kuwo siyaalo kale duwan ay aragtidooda uga dhiibteen bulshada weynta Soomaaliyeed.

 
Xaqiidiise intaan la gelin doodaha kusaabsan Somaliland, Soomaali galbeed iyo NFD, waxaa mudan marka hore in runta la isku sheego lana abaaro xaqiiqda jirta iyo sidii xal loogu heli lahaa. La iskuma diidana in dalka uu jiro marxalad xun oo aan weligeed soomarin. Taariikhda madow ee Soomaalida waxey waqtigan sheegeysa in hogaankii ummadda laga arrimiyo Addis Ababa taasina sidey waxey ku dhacday markii talada dalka loo dhiibay kuwo aan wadani aheyn soona dhaweystay cadowgii soo jireenka ahaa, shacabka Soomaaliyeed markaas ayaa igoo nool la duugay intaan la gaarin tii dhabta aheyd.
Soomaali galbeed dadka ku nool in badan oo iyaga kamid ah dooonimayaan iney la xoroobaan Soomaaliyadii xorta aheyd, shalay markii laga qaaday heeryaddii gumeysiga marna lagama maqal mas'uulinta dhulkaas iney walaalahood ku biirayaan. Maantana haddii lahelo ilama ahan labaddii gobol ee xorta ahaa oo hada is qoonsaday iney ku soo biirayaan sababo jiro awgeed.

Somaliland maamulkeed maahan kuwa hada diyaar u ah iney koonfur la midoobaan iyagoon laga daweyn boogta ku taal ee koonfuri u geysatay. Midna waxaa u dheer iney si toosan iyo si dadbanba ay usoo dhaweysteen cadowgoodii gaar aheeneed iyagoo ka raadsanaya aqoonsi. (Tusaale waxaa kuugu filan dekada Barbara waxaa maalin walba ku soo xirta maraakiib u raran cadowga Itoobiya iyadoon abaal looga heyn, halka Amxaaro taagan tahay lafo maroodi iyagaa midba mar la isku jabshaa)

 
Koonfur dadka siyaasadeeda siddii dameerihi isku hirdinayana maahan kuwa doonaya iney nabad helaan hadey taasi timaadana waxey ogyihiin iney cadaalad hor imanayaan, marka nabaddeey weligaaba ha iman bey taagan yihiin. NFD- laftooda waa lamid kuwa Soomaali galbeed ku nool ma rabaan iney xor noqdaan, mana doonayaan waqtigan nin gurigiisa gubinaya iney iyagana ku gubtaan, Allow sii dhameystir bey mareysaa xaalkoodu.
 
Itoobiya iyo Kenya waa kasiman yihiin arrinka ah Illaahow adigaa cadowgeenii noo jashay Allow luguha ha u kabin. Xasuus waxaa mudan maalintii doorashaddii madaxweynimada kooxda Embgathi in wargeyska Daily Nation uu qoray, maqaal uu ku sheegayo inaaney Itoobiya iyo Kenya marna rabin nabad guud oo ka islaaxda dalka Soomaaliya, sidoo kale madaxweynihii hore ee dalkaas Moi waa kii jaamacad ku taal Washington ka sheegay in Keenya iyo Itoobiya ay geed dheer u koreen siddii aaney u dhalan dowlad awood badan oo xagga Soomaaliya ka timaada , taasoo ay u arkaan iney jirtaankooda dhul ahaaneed  boobka gumeystihii foosha xumaa ee Ingiriis ku siiyey halis yihiin.
 
Haddaba intaas aan soo sheegay iyo kuwo kale iyadoo ay jirto dhibaataddii dalkii xorta ahaan wax laga qaban siddee meelo kale loo haweysan karaa? Horey waxaa loo yiri "Miro gunta ku jira mirro geed saaran looma daasho" Soomaaliya maanta uma baahan iney ka hadasho qadiyadaha Soomaali Galbeed iyo NFD, taasi markey timaado dowlad awood badan u babac dhigi karta cadowgan mindiyaha soofeysanaya ayaa qeybaha maqan la soo dhacsan karaa. Hana la ogaado nimaan heysan waran iyo gaashaan in aanu libaax neef geel ah ka ridi karrin.

Waqtigan anagaa is dilnay waxaan u baahanahay nabaradaan isku dhifanay inaan iska dheyno markaan caafimaadnana aan awood u yeelan karrno inaan waxkasta sameyno. Haddii kale sheekadu dhaafimeyso" habar fadhiso legdin la fududaa"
ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkeyga soomaali waxey tiri" Tiisa daryeela tu kale ku darra" Axmaaro iyo Keenyaati waxaad u babac dhigi kartaan markaad kasoo kabataan jabka idiin ku dhacay ee yaan la haweysan meelaan la hanan karrin, dowladahan awood waqtigan kuma dhamin shalayna nagumeeysan dhameyn,beritana waan heleynaa awoodeeni shalay iyo mid kasii badane ee ha isku calool fiyoobaado hana laga hortago cadowga halista u ah dhulka hada xorta ah haddii kale weligeed lagama baxayo  duliga maanta na saaran.

 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD