SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



FAHAD YAASIIN TALO IGA HOO

Jama Abdilahi Suleiman
cigaal215@hotmail.com

Tan Iyo Intii Ay Idaacada British Broadcasting Corporation Laanteeda Afsomaligu La Yeelatay Waraysiga Furan Oo Shacabku Si Tooosa Uga Weydiinayeen Idaacada Su’aalo Kala Duwan Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi Taariikhdu Markay Ahayd Bishan November 11, 2005 Waxaa Waraysigaasi Ladh Iyo Dacar Uu Ku Kiciyey Kuwa Cadawga U Ah Somaliland Kuwaas Oo Ah Haad Geed Waayey Laakiin Isu Haysta In Ay Dadka Ka Horeeyaan Kana Aragti Dheer Yihiin Kuwa Noocaas Ah Waxaa Ka Mida Nin La Yidhaahdo Fahad Yaasiin Oo Shebekada Somalitalk Wax Ku Qora Run Ahaantii Anigu Ninkan Aqoon Uma Lihi Laakiin Waxaan Sidaa U Leeyahay Waxaan Akhristay In Badan Maqaalada Uu Qoro Kuwaas Oo Aad Moodo Gole Ka Fuul Aan Daraasad Dhab Ah Lagu Sameyn Isagoo Aad Moodo Inuu Keligiis Sax Ka Yahay Dadka Soomaaliyeed Ayuu Wuxuu Qoray Maqaal Uu Leeyahay Ilaah Baan Kugu Dhaariyee Cabdilaahi Yuuusufow Ra’iisal Wasaare Geedi Xilka Ka Qaad Xataa Ninkan Suxufiga Sheeganayaa Ma Oga In Distuurka Uu Leeyahay Geedi Ayaa Jebiyey Aan Madaxweynuhu Lahayn Awood Uu Ra’iisal Wasaaraha Xilka Kaga Qaado Sababta Xilka Qaadistana Wuxuu Ku Sababeeyey Ra’iisal Wasaaraha Oo Sheegay In Aanu Waxba Ka Qabin Hadii La Aqoonsado Somaliland.

Kala Maan Ahaa Kaaga Sii Darane Mudo Iminka Laga Joogo Labo Sanadood Wuxuu Qoray Maqaal Kale Oo Uu Leeyahay Somaliland Waa Beerkii Qadada Lagu Sugayey Wuxuuna Hadana Dhinaca Kale Ka Qiray In Dadkani Yahay Dad Wax Qabsaday Wuxuu Yidhi Somaliland Waa Meesha Ugu Nabad Gelyo Fiican Geeska Africa Cidina Kama Cabsato In La Dilo Iyo In La Dhaco Midna Waxaana Ka Jira Maamuul Shacabku Taageersan Yahay Oo Uu Madaxweyne Ka Yahay Daahir Riyaale Kaahin Oo Sife Sharci Ah Lagu Soo Doortay Wuxuu Warbixintiisa Ku Sii Daray Dhamaan Shacabka Somaliland Waa Taageersan Yahay Dawlada Halkaas Ka Jirta Oo Xataa Hadii Warqada Yeedhista Maxkabada Qofka Loogu Geeyo Suuqa Ama Gurigiisa Wuxuu Soo Raacayaa Kii Soo Dacweeyey Isagoo Sharciga U Hogaansan Dhinaca Kalena Wuxuu Leeyahay Siyaasiyiinta Ayaa Wata Mabda Gooni Isu Taaga Ee Shacabku Lama Qabo Waana Diidan Yahay Oo Waa Ka Soo Hor Jeedaa Markaas Ninka Sidaa Hadaladiisu Isaga Hor Imanayaan Maxaa Lagu Tilmaami Karaa Waa Yaabe Hadii Shacabku Diidan Yahay Gooni Isu Taaga Maxay Hadana Ugu Hogaansan Yihiin Xukunka Siyaasiyiinta Iyo Maamulka Siyaasiyiintu Hagayso Isaga Ayaa Inooga Jawaabi Doona.

Hadaan U Soo Noqdo Maqaalkan Danbe Ee Uu Ku Tuugsanayo In Cali Geedi Xilka Laga Qaado Horta Hadaan Ku Weydiiyo Fahad Yaasiinoow Su’aal Maxay Kala Yihiin Somaliland Iyo Somaliya Waxaan Hubaa In Aadan Ka Jawaabi Karin Laakiin Kaaga Jawaabi Maayo Aniguye Ee Waxaan Kuu Soo Qaadanayaa Jawaab Uu Hore U Bixiyey Hal Abuurka Weyn Ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) Meeshu Waa Dirir Dhabe Taariikhdu Waa 1991 Bishu Waa December Waxaa Waraystay Odayga Wargeysii Codka Hargeisa Oo Waagaas Hargeisa Ka Soo Bixi Jiray Weriyihii Wuxuu Weydiiyey Su’aal Ah Hadraawi Waxaa Had Iyo Jeer Lagu Murmaa Hadraawi Wuxuu Aaminsan Yahay Midnimada Somaliya Iyo Maahee Wuxuu Aaminsan Yahay Gooni Isu Taaga Somaliland Markaa Adiga Mowqifkaaga Noo Sheeg Waa Su’aal Da Weynoo Madaxa Daalinaysee Adigoo Degan U Fiirso Dhego U Yeelo Sida Abwaanku Uga Jawaabay Wuxuu Yidhi Waa Su’aal Xiiso Leh Hadaan Kaaga Jawaabana Somaliland Iyo Somaliya Labadu Waa Xuruuf Laysu Geeyey Laakiin Waxay Micno Samaynayaan Oo Qiime Yeelanayaan Mark Wax Laga Dhigo Wuxuu Weriyihii Sii Raaciyey Maxaad Ula Jeedaa Mark Wax Laga Dhigo Adiguse Hadraawi Ahaan Xagaad Taageersan Tahay Duq Gaboobay Iyo Wiil Yar Baa Loo Dedaa Hadale Hadraawi Oo Kale Maaha Nin Weriye Hadal Ku Xadi Karo Wuxuu Ku Jawaabay Anigu Waxaan Taageersanahay Cidii Wax Qabsata Ee Wax Noqota Ee Khayrkeed Higsata Laakiin Magac Waxba Ii Tarimaayo.

Hadaad Qirtay Fahadow In Somaliland Wax Qabsatay Oo Aad Tidhi Waxay Ugu Horeeyaan Geeska Afrika Yaa Wax Noqday Ma Soomaaliya Mise Somaliland Dadka Indheer Garadka Iyo Kuwa Aqoon Yahanka Ahina Waa Isku Aragti Meel Ay Joogaanba Markaa Cali Maxamed Geedi Wuxuu Qiray In Ay Mudan Tahay In Lagu Taageero Kuwa Wax Qabsaday Sida Somaliland Oo Kale Dhankaan Ka Hadlay Qamaan Waakaas Dhaafay Hadalkiiye Adiguna Waxaad Dhayeysaa Milil Guudkii Waxaana Aad La Joogtaa Xuruuf Laysu Geeyey Oo Aan Laga Hooseyn Markaasad Weliba Isu Haysataa Inaad Tahay Ka Ugu Cilmiga Iyo Caqliga Badan Xigmad Ayaa Tidhaahda Maaha Sida Aad Isu Taqaano Ee Waa Sida Laguu Yaqaano Barashadaanana Maqaaladaada Bilaa Iidaanka Ah Ayaa Nagaga Filan Waxaan Ku Soo Gaabinayaa Fahadoow Aniga Magaca Somaliland Wax Buu Ii Gooyey Adigaana Ka Markhaati Furay Laakiin Adiga Macaga Soomaaliya Horta Wax Ha Kuu Gooyo Waxaa La Yidhi Ninkii Tiisa Daryeelaa Tu Kale Ku Dara Intaadan Somaliland Soo Gaadhin Wax Kaleba Ha Sii Joogaane Waar Adigu Wax Noqo Lagaagama Baahna In Aad La Joogto Erayo Laysu Geeyey Ee Waxaa Lagaaga Baahan Yahay Ficil Dhaba Oo Aad Ku Soo Celiso Amarkii Iyo Kala Danbeyntii Isla Markaana Ku Higsato Khayrkaa, Waxaana Aan Ku Leeyahay Maanta Wax Sheegmo Iyo Talo Waxaa Kaaaga Baahan Degalkaaga Intaad Sidaa Tahayna Hadal Kuuma Banaana.

Jama Abdilahi Suleiman
cigaal215@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Nov 19, 2005

WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Fahad Yaasiin.... Guji...

 


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD