SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



Waan baahanahay Baqtiga looma Cuno 


Sawirkan sidaas uu yahay waxaa soo tebiyey qoraga maqaalkan...

Dalka soomaaliya oo ah dalkeenii hooyo ayaa waxaa wax laga naxo ah xaalada maanta uu ku sugan yahay, sida muuqatana uma jeedno rajo wanaagsan oo aan ka sugeeyno dowlada eey madaxda ka yihiin C/hi Yuusuf  iyo Cali Max’ed Geedi, oo iyagu si cad ugu adeega dowlada Itoobiya, waa arin murugo leh in hogaamiyayaashii  15;ka  sano ka qeeyb qaadanaayay burburka dalka oo eey ka midka yihiin Muuse Suudi,  Qanyare Cismaan Caato, Barre Hiiraale, Indhacade & kuwakale, oo dhawanahaan ku qaraabanaayay shaar cusub oo ah in eey dalka ka difaacaayaan Itoobiya oo dowlada C/hi Yuusuf dooneeyso ineey Soomaaliya gacanta u galiso eey arintaas fashilinto, waa kuwo cadeeystey in eey danahooda qaaska ah fiirsanayeen. 

Waxaa jirta siyaasad qadiim ah oo ay ku shaqaynayso Dowlada Tigreega ee Addis Ababa,  waxa eey taariiqda ugu dhigaan caruurtooda in soomaalidu yihiin Itoobiyaan ka go’ay  dalka Itoobiya,  oo ay qasab tahay in dib loo soo celiyo, waxa ay taliska tigreegu aduunka u sheegaan in soomaalidu tahay dad waagii dabaysha xoriyadu socotay oo reer galbeedku Africa kaguurayeen si qalad ah ku heshay xoriyada,  oo ay yihiin dad aan u qalmin in ay madax banaani helaan,  mana ahan dad is maamuli kara. Waxaan kaloo xasuusin mudan in hada kahor wasiir itooobiyaan ah (C/majiid) British Broadcasting Corporation weydiisay danaha ay ka leeyihiin soomaliya, oo uu yiri “ Soomaaliya danta aan kaleenahay waa iska muuqataa oo Badwayntii Hindiya ayaa ka shishaysa waa wax iska cad oo qof kastaa fahmikaro”

Hadaba si loo hirgeliyo siyaasadahaas qadiimkaa ee cadawga umada Soomaaliyeed waxay Itoobiya heshay fursad qaali ah kala daadsanaanta soomaalida owgeed, lagamana yaabo in eey waligeed wanaageena ka taliso arimahaan soo socdo darteed,  markohore  Soomaalidu waa dad muslimiin ah oo diin ahaan cadaw ayeey nagu tahay, sida lugu muujiyey tirikoobkii  ugu danbeeyey shacabka itoobiya 70% waa muslimiin meesha diintu uga soo maaxatayna waxaa la sheegay ineey tahay Soomaaliya, sidaas daraadeed taliska tigreegu arintaas ma aqbali karo, midakale Itoobiya dhul ayey naga haysataa waxayna og tahay in hadii soomaalidu noqoto qaran dhisan aysan sii haysan doonin.

 Isku soo duuboo aqristoow hakudeeqo hadalkii  madax waynihii hore ee Kenya oo ahaa” anaga iyo Itoobiya madoonayno in Soomaaliya nabad noqoto”. 

Cudur daar in itoobiya la siyaa ma haboona | Cadaani | 2001

Si fudud waxaad ku fahmikartaan in 18.11.05 Cali Max,ed geedi uu cadeeyey in dawladii Carte itoobiya fashilisay,  mana jiro nin soomaali ah oo itoobiya saaxiib latahay ama Jeceshahay, ee danteeda ayey ku fushaneeysaa,  midkii danteeda diidana dhankasta wey kala dagaalamaysaa, hadaba aqristoow iyadoo xaalku sidaas yahay ayaad ogtihiin in Jawhar Itoobiya lugula saxiixday wax lugu sheegay heshiis iskaashi, bal is waydii iskaashiga na dhex mari karaa muxuu yahay xiligaan ??. Ayadoo weliba lasheegay in waxyaabaha lugu heshiiyey ay kujiraan iskaashi ciidan. 

Dhamaan dadka soomaaliyeed ee ay ku jirto cabsida eebe waxaan dhihi lahaa waan baahanahay baqtiga looma cuno. oo yaan la raacin Dowlada ku sheega cusub ee itoobiya dabada ku heeyso iyo hogaamiye kooxeedyada dhiig cabayaasha ah. 

Wariye:- Mustafa Indhoos 
talaado@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Nov 19, 2005

 


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD