| 
 
 
	
		
			|  Daabaco 
			Boggan | Print |  
			| Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
			GUJI.... |  
			|  |  
			|   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa 
			wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo 
			Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. 
			Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo 
			waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu 
			wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee 
			Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
 |  
 
	
	
		Xasuuq Ba,an 
		oo ka dhacay Qabridaharre.
	
		 Sababta 
		keentay gadoodka maxaabiista.
	
		 Siday 
		dadwaynuhu dhibaatadan u dareemeen.
	
		 Telefoonnadii 
		Qabridaharre oon shaqaynaynin.
	
		 Bayaan 
		JWXO ka soo saartay xasuuqa.
	
	 
	
	======================     
	  
	
		Wariyaha Radio 
	Xoriyo uga soo warama dalka Ogaadeenya ayaa soo sheegay in aminga magaalada 
	Qabridaharre uu weli cakiran yahay, ka dib markay ciidamada Wayaanuhu 
	talaadadii bisha Nofember 15-ka ahayd xasuuq u gaysteen maxaabiis ku 
	xidhnayd magaalada Qabridaharre iyo dadwayne rayad ah oo magaalada ku noolaa.
			| HADALKII GEEDI EE MACNIHIISU AHAA:: 
			OGADEENYA (S/GALBEED) iyo NFD waxay xoroobeen gobanimo doonkii... 
			Sabatii hadalkaas ka keentay email ku weydii Geedi: emailkiisu waa: 
					
					
					premiersom@wananchi.com 
  |  
 Xasuuqan waxaa ku dhintay dad aad u 
	fara badan, oo maxaabiis iyo dadwayne caadi ahba isugu jira, waxaa sidoo 
	kale ku dhaawacmay dad kale oon tiradooda la haynin.
 
 Maxaabiistan sida xaq-darrada ah loogu hayay xabsiga magaalada Qabridaharre 
	ayaa gadood sameeyay, ka dib markii ay yaqiinsadeen in gawaadhi lagu gurayo 
	iyaga iyo dhalinyaro kale oo meelo kala duwan laga soo raafay, isla markaana 
	loo qaadayo dhinaca xadka Eritereya, si ay miino-baadh loogaga dhisgo 
	dagaalka gardarrada ah ee taliska Addis Ababa uu doonayo inuu ku qaado dalka 
	Eritereya.
 
	  
	
	Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa caalamka u sheegay in maxaabiistani ay 
	isku dayeen inay baxsadaan, ka dib markii ay laayeen askartii ilaalinaysay, 
	hase yeeshee warar xogogaal ah ayaa sheegaya in arrintaas ayna waxba ka 
	jirin, balse ay ciidammada Wayaanuhu ula-kac u laayeen maxaabiistan iyo 
	dadwaynahan caadiga ah, ka dib markii ka gadoodeen qorshihii raafka ahaa ee 
	ay la doonayeen. 
	Xukuumadda Itoobiya iyo wakiilkeeda 
	Ogaadeenya u qaabilsan ee xafiiska ku leh magaalada Jigjiga ayaa dhawaan 
	kala saxiixday heshiis ka dhigan in Ogaadeenya laga qaoro ciidammo ka qayb 
	qaata dagaalka Eritereya, iyadoo magaalo walba oo Ogaadeenya ku taalla laga 
	soo ururinayo 500 oo nin. Toddobaadyadii u denbeeyay oo dhan waxaa qaar ka 
	mid ah magaalooyinka Ogaadeenya, oo Qabridaharre ay ku jirto, ka socday raaf
 
	  
	Sababta keentay 
	gadoodka maxaabiista. 
	  
	Ciidammada 
	gumaysiga Itoobiya ayaa eedda xasuuqan dusha ka saaray dadkii la laayay, 
	sidii ay markii horaba eed oo dhan dusha uga saari jireen dadwaynaha ay 
	iyagu ku dul-nool yihiin, waxayna sheegeen in maxaabiistu fakad isku dayeen, 
	balse arrintaas waxaa beeninaya dad badan oo xogogaal ah, kuwaasoo 
	faahfaafin ka bixiyay qaabkii ay dhibaatadu ku billaabatay. 
	  
	Dadkan ayaa 
	sheegaya in dhalinyaro si xaq-darro ah ugu xidhnaa xabsiga Qabridaharre, 
	laga soo kexeeyay xabsiga, iyagoon loo sheegin meesha loo wado, waxaana la 
	keenay xero kale. 
	  
	Waxaa halkaas loogu 
	keenay dhalinyaro kale oo laga soo xasuuqay meelo kala duwan, kuwaasoo lagu 
	soo dhex-daray. Waxaa markaas ka dib loo sheegay inay imanayaan baabuur lagu 
	qaadi doono, iyagoo xaqiiqsaday in loo wado dagaalka la filayo in taliska 
	Addis Ababa ku qaado dalka Eritereya. 
	  
	Markaas ka dib ayay 
	dhalinyaradii faraha badnaa ee halkaas la isugu keenay go’aansadeen inay 
	baxsadaan, xilli ay ciidammada Wayaanaha intooda badani qado cunayeen, hase 
	yeeshee waxaa markiiba hareereeyay ciidammada Wayaanaha oo si naxariis 
	la’aan ah u xasuuqay, kuwaasoo markii denbana rasaas aan aaba-yeel lahayn ku 
	furay dadwaynihii caadiga ahaa ee magaalada. 
	  
	Siday dadwaynuhu 
	dhibaatadan u dareemeen. 
	  
	Tan iyo markii ay 
	ciidammada gumaysigu gaysteen xasuuqan nacabnimada, waxay magaalada 
	Qabridaharre ku hayeen argagixin joogto ah. Waxaa magaalada dhex-wareegayaa 
	ciidammo aad u hubaysan, waxaana habaynkii la baadhaa guryaha, iyadoo dadka 
	si kulul loogu hanjabo. 
	  
	Mar uu Radio Xoriyo 
	la xidhiidhay dadwayne deggan magaalada Qabridaharre waxay u xaqiijiyeen 
	argagaxa iyo caga-jgulaynta dadwaynaha lagu hayo. 
	  
	“Waligay ma arag 
	mayd sidaas u badan oo jidadka yaalla, oo dadku wada-bargaranayaan, sidaas 
	waxaa yidhi nin dhalinyaro ah oo goobjoog ahaa markii ay ciidammada Itoobiya 
	dadwaynaha ku xasuuqayeen magaalada Qabridaharre”. 
	  
	“Waxaan dhawrano oo 
	denbe ma jiro, waa inaan kulligeen dabka wada-qaadno, sidaasna waxaa yidhi 
	nin kale oo dhalinyaro, oo si wayn uga cadhaysnaa xasuuqa ay ciidammada 
	gumaysigu dadwaynaha u gaysteen”. 
	  
	“Waa markii ugu 
	horraysay ee magaalo Ogaadeenya ah dhexdeeda lagu xasuuqo dadwayne intan 
	dhan, iyadoo mid-mid loo ugaadhsanayo, sidaas waxaa yidhi nin kale oon 
	tilifoonka kula xidhiidhnay, isagoo jooga magaalada Qabridaharre, kaasoo 
	tilmaamay inay waajib tahay in dadkan iyo kuwii ka horreeyayba sida ugu 
	dhakhsaha badan loogu aaro”. 
	  
	Telefoonnadii 
	Qabridaharre oon shaqaynaynin. 
	  
	Laga soo billaabo 
	habaynimadii khamiistu soo galaysay ilaa iyo jimcihii waxaa bixi la’aa 
	tilifoonnadii magaalooyinka Qabridaharre iyo Godey, waxaana loo malaynayaa 
	in la gooyay. 
	  
	Xukuumadda 
	gumaysiga Itoobiya ayaa ka baqaysa in la ogaado denbiyada aadanaha ka dhanka 
	ah ee ay ciidammadeedu u gaysteen dadwaynaha rayadka ah, sidaas darted waxaa 
	loo badinayaa inay si ula-kac ah u goysay tilifoonnada magaalooyinkaas oo ah 
	qaabka kaliya ee lagula xidhiidhi karo. 
	  
	Waxay kaloo wararku 
	sheegayaan in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay dib u celiyeen koox ka 
	socotay Ururka Laanqayrta Cas oo arbacadii isku dayay inay galaan magaalada 
	Qabridaharre, si ay dhibaatadan wax uga ogaadaan. Ciidammada gumaysigu waxay 
	kooxdan ku amareen inay dib u noqdaan, waxayna ugu hanjabeen inay tallaabo 
	ka qaadayaan haddii ay isku dayaan inay magaalada galaan. 
	  
	Gadood dadwayne. 
	  
	Dadwaynaha ayaa 
	xasuuqan aad uga cadhooday, waxaana guud ahaan dalka Ogaadeenya, gaar ahaan 
	magaalada Qabridaharre ka billowday dhaqdhaqaaq lagaga dhiidhiyayo xasuuqan. 
	  
	Waxaa jira warar 
	sheegaya in dhalinyaro badan iyo qaar ka mid ah booliskii magaaladu ay 
	baxeen iyagoo u baxay dhulka miyiga ah. Waxaa toddobaadyadii u denbeeyay oo 
	dhan magaalooyinka ka baxayay dhalinyarada, ka dib markii ay ciidammada 
	gumaysigu billaabeen raaf ay dhalinyarada qasab ku ciidamynayaan. 
	  
	Bayaan JWXO ka 
	soo saartay xasuuqa. 
	  
	Dhinaca kale 
	Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa xasuuqan bayaan kulul ka 
	soo saartay maalintii arbacada ahayd, waxyna Jabhaddu si wayn u canbaaraysay 
	xukuumadda Addis Ababa, oo caadaysatay dilka iyo xadgudubyada ay u gaysto 
	dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. 
	  
	Jabhaddu waxay 
	bayaankan ku sheegtay in marka laga soot ago dadka xasuuqan ku dhintay ay 
	jiraan boqollaal kale oo ku dhaawacmay, kuwaasoo aan helin daryeel caafimaad 
	iyo gurmad. 
	  
	Jabhaddu waxay 
	beesha caalamka ugu baaqday inay canbaarayso xasuuqan waxshinimada ah ee 
	ciidammada gumaysiga Itoobiya gaysteen, isla markaana baadhayaal caalami ah 
	loo diro halkaas, si ay u soo badhaan denbiyada halkaas ka dhacay. 
	Jabhaddu waxay 
	tacsi u dirtay dhammaanba dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, gaar ahaan 
	qoysaskii iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen dadwaynihii lagu xasuuqay 
	magaalada Qabridaharre. 
	  
	Dhegaystayaal 
	faahfaahin kale oo xasuuqan ku saabsan waxaad ku maqli doontaan barnaamijka 
	Xogwarran. 
	  
	
	Radio Xoriyo 
	18 
	November. 
	
	2005 
	
	
	Axmed Gaal-Eri 
	  
	
	
	Info@radioxoriyo.com 
	
	raadioxoriyo@yahoo.com
 
	
	
	Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 
	9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari 
								Nov 18, 2005 
 Magaalada Qabri Dahare 
oo maanta ay Ciidamada Itoobiya dad ku xasuuqeen.
 Waxaa 15/11/2005, Abaarihii maqribnimo ka 
dhacay magaalada Qabridahare xasuuq aad u fool xun oo lagula kacay dadka 
shacabka ah, dadkan la xasuuqay waxay ka mid ahaayeen dad ku xidhan xabsi ku 
yaal magaalada Qabridahare. Dhimashada waxaa lagu sheegay 16 ilaa 18 tirdii ugu 
dambeysay, halka dhaawucu ka yahay 25, ilaa hadana ma cada in dadkii dhaawaca 
ahayd ay wax ka dhinteen iyo in kale.
 Xasuuuqa dadkan loo geystay ayaa ka bilowdey kadib markii Ciidamada Wayaanuhu 
bilaabeen in ay maxaabiista baabuur u keenaan loogu daad gureeyo Xuduuda Eritrea 
oo laga yaabo in dagaal ku dhaxemaro Itoobiyo iyo Eritrea.
 Hadaba dadka shacabka ah oo jeelasha ciidamada 
Itoobiya ee magaalada Qabri Dahare si sharci daro ah ugu jirey ayaa diiday in ay 
fuulaan baabuurtii loo keenay si loogu qaado tuulada Baadame. Kadibna Ciidamada 
Tigreaga ayaa rasaas ooda kaga qaadey. Waxaana halkaas ka bilowdey in 
maxaabiistii firxad bilaabaa oo qof walba meeshii ka hortiisa ahayd u nafta kula 
ordo. Intaas kadib ayaa Ciidamada Itoobiya ee magaalada ka hawl gala bilaabeen 
in ay magalaada rasaas ooda kaga qaadaan iyagoo halkaas ku laayey dad aad u tiro 
badan kuwa kale oo badana ku dhaawacey.  Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay magaalada 
guri guri u galeen, isla markaana bando ku soo rogeen, iyagoo maxaabistii 
dhamaantood suuqa magaalada uu maydkoodu wadhan yahay.  Waxaa kale oo na soo gaadhaya in laba Gabdhood 
oo ka mid ah dadka shacabka ah ee magalaada oo xabadu haleeshay dhaawcoodii 
Isbataalka magalada loo qaadey, balse ay Ciidamada Itoobiya kala baxeen 
Isbataalka labadii Gabdhood oo aan ilaa hadda la ogeyn waxa ay xaaladoodu ku 
sugantahay.
 QAFAAL KA SOCDA DHAMAAN GOBOLADA OGAADENIYA:
 
 Waxay Ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala Ogadeeniya bilabeen olole ciidamo 
aruurin ah. Ciidamadan oo la doonayo in la geeyo Xududa Eritrea iyo Itoobiya.
 
 Hadaba wararka naga soo gaadhaya meelo badan oo Ogadeniya ka mid ah ayaa 
sheegaya in bilaabeen in ay makarafoono qaataan oo ay dadka la dhaxmaraan, 
magaalooyinka waaweyn sida Qabridahare, Dhagaxbuur, Godey iyo meelo kalea.
 
 Ilaa hada ma jiraan wax u suurta galay oo weyn, laakiin waxay Ciidamada Itoobiya 
go'aan ku gaadheen in ay qafaalasho iyo raaf bilaabaan, waxayna ka bilaabayaan 
Ardeyda dugsiyada, laga bilabo fasalka sadexaad ilaa dugsiga sare iyo macadyada 
kala duwan intaba.
 Waxaa Shabakada Ogade Online u suurta gashay in 
ay la xiriirto dad ku sugan magaalada Godey, waxayna noo shegeen in uu joogo 
Madaxa ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ogaadeeniya, kaas oo ka soo 
tagay magaalada Qabri Dahare oo ay waxba uga suurta gali waayeen, wuxuuna la 
kulmay Odayaasha, shaqalaha, culumaa'udiinka, iyo ganacasatada, wuxuuna u 
sheegay in ay ciidamada ku qaadan doonaana lacag fiican gaar ahaan Ardeyda 
Dugsiydada Sare iyo wixii la midka ah, waxaana la sheegayaa in wax aan badnayn 
iska diiwaan gaiyeen xeyaha ciidamada. 
 Waxaa xusid mudan in dagaalkii 1998-2000 ee Itoobiya iyo Ertariya ay ka qayb 
qaateen kumanaankun oo ka soo jeeda Soomalida Ogadeniya, kuwaas oo ciidamada 
qortey kadib markii loo balan qaadey in laga dhigayo boolis ka hawlgala 
Goboladooda oo la siin doono mushaar aad u fiican. Balse dhalinyardaas ayaa loo 
xaabiyey dagaalkii Eritrea iyo Itoobiya dhexamray sanadkii 2000. Dagalakaas oo 
ay ku nafwaayeen in ka badan 70,000 (todobaatan kun) oo qof, kuwaas oo u badnaa 
dhinca Itoobiya.
 
 Hadaba dhalintaas oo ay Ciidamada Tigreegu isaga dhigeen xabada Erirea, 
meydkoodana ka dhigteen dhufeys ayaa si aad ah ugu le'day dagaalkaas xaq darada 
ahaa, intii ka soo bad-baadey dagaalkaas waxay hada ku silicsanyihiin xerada 
jajabka ama naafada ee ku taal bariga magaalada Jigjiga.
 
 Dhinca kale, dawladda Itoobiya waxay diiday in ay aqoonsato ama qaadato maydka 
dhalinyaradaas laga soo aruuriyey Ogadeniya, waxaana halkaas ku gablamay 
Hooyooyin badan, kuwa kale oo badana waxay la il daran yihiin daryeelka 
wiilashodo ku soo waxyeeloobey dagaalkaas.
 
 ITOOBIYA OO HUB AAD U BADAN KALA SOO DAGEYSA DEKDA 
BERBERA
 
 Wararka naga soo gaadhaya Gobolada Waqooyi Galbeed, gaar ahaan Magaalada Berbera 
ayaa sheegayn in dakada Berbera ay ku soo xirteen maraakiib sida shixnado hub ah 
oo ay Ioobiyada kala soo dagayso hub iyo rasaas.
 
 Waxaa la xaqiijiyey in xalay 150 gaari oo ina tareeyo ah laga raray magaalaada 
Bebera, goor habeen ahna la mariyey Hargaysa oo xuduudana la dhaafiyey isla 
xalayba.
 
 Sidoo kale caawa waxaa la bilaabay dajinta markab kale oo hub sidey, waxaana la 
diyaariyey 200 oo gaari oo hubkaas iyo saanadaas lagu qaadi doono isla caawa.
 
 Warku wuxuu intaas ku darayaa in dhamaan shaqaalihii ama xamaaligii dekada 
Berbera loo diidey in ay wax ka arkaan ama ka rogaan maraakiibtan, waxaana 
hubkan iyo saanadan milatari dajiyey ciidan Itobiyaan ah oo horay loogu sii 
diyaariyey dekada.
 
 
 Isha: Ogaden Online staff.
 Cid aan aniga 
		ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
 Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo 
		soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey 
		labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi... 
		
		Guji... Nov 
		16
 
  
						
						 
 
						
						 
						
						 |