SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI

C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...

SomaliTalk.com oo Waraysi La Yeelatay C/Risaaq Xaaji Xuseen:::

Waraysiga oo Cod ah Halkan ka Dhegeyso:::

ama hoos ka akhri waraysiga oo qoraal ah:::

  • Cali Maxamed Geeddi: "haddii adduun weynuhu ictiraafo annagu waxba kama qabno 'Soomaaliland' in ay go'do"
     
  • C/Risaaq Xaaji Xuseen: waxaan rajayneynaa prime minister-ku arrintaas in uu yiraahdo 'Gef bey ahayd arrintaas, carrabkaana iga boobay..."
Abdirizak Haji Hussen [Somalia PM 1964-67]

Minneapolis, Minnesota, USA: Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya, mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacada British Broadcasting Corporation, markaas oo Prof. Geedi la weydiiyey su'aalo badan oo ay kamid ahayd su'aal oraneysey: maxaad u aqoonsan la'dahay dawlada isku magacawday 'Somaliland' maadaama aad ku dhawaaqday ama aad ka dhawaajisay in aysan wax gumeysi ah ku jirin dadka iyo dalalka ay gacanta ku haystaan Kenya iyo Itoobiya ee ay gumeystaan, maxaa diidaya hadaba ra'iisul wasaare, ayaa Geedi la weydiiyey, in aad aqoonsatid dawlada la magac baxday 'Somaliland'. Waxana uu Geeddi ku jawaabey 'Caalamku hadduu aqoonsado waxba kama qabno'

Haddaba waxaan C/Risaaq Xaaji Xuseen weydiiney: Mudane adigu sidee ayaad u aragtaa jawaabtaas uu ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) ka bixiyey su'aashaas la weydiiyey.

Qoraalka hoose oo dhan waa Jawaabtii C/Risaaq Xaaji Xuseen:

Arrintaas aad hadda i weydiisey, anigu shakhsiyan ma dhegeysan balse gadaal ayaan ka maqlay.  Marka su'aashaas u dambeysey ee ra'iisul wasaaruhu ka jawaabey, waxaan filayaa in ay ka horeeyeen in wax laga weydiiyey laba su'aalood oo kale oo isla mowduucaas ku saabsan, dhulkaas isku magacaabay "Republic of Somaliland", laakiin anigu aan ku magacaabayo Woqooyi Galbeedka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Wuxuu (Geeddi) ku jawaabey labadii su'aalood oo hore jawaabo raacsiisan mowqifkii xukuumadan Federaalka ee kumeel gaarka ah ay hadda kahor ka qaadatay, oo meelo badan ay kaga hadashay oo ahaa: annagu dhulkaas waa qireynaa in khilaafaad iska jiraan sidii ay u burburtay Jamhuuriyadii Soomaaliya sannadkii 1991kii, welina burburkii iyo kala tagii weli u jiro, ay ictiraafeen oo yiraahdeen dhulka hadda u daran oo xasilooni daridu ay hadda ka jirtaa waxaa weeye dhulka Koonfurta Jamhuuriyada, iyadaas ayaan hadda ku mashquulsan nahay intii la dhisay xukuumadan kumeel gaar ka ah, in iyadii aan xal u helo, markii sida la rajaynayo aan xal u helo ayaan u soo jeedsaneynaa khilaafaadka ka jira Woqooyi Galbeed iyo Jamhuuriyadda inteeda kale, anagoo ku dadaaleyna khilaafaadkaasi in si nabad ah aan ku dhamayno, oo aan xoog uusan jirin; ayaa awal xukuumadu sidaas ku dhawaaqday, labadii su'aalood ee hore jawaabohoodiina sidaas ayey waafaqsanaayeen.

Dabadeed mar dambe oo hadalku sii socday ayaa nin kale weydiiyey oo isla su'aasha kusoo noqday oo ka hadlay arrinta "Somaliland", meel kale ka taabtay oo yiri: haddii xukuumadan Federaalka ah oo maanta joogta ee Soomaaliyeed ay aqoonsatay laba wadan oo Soomaali deggan tahay oo dhul kale oo aan Soomaali ahayn oo Jamhuuriyada Soomaaliya xuduud la ah ku dhaqan, Kenya iyo Itoobiya, haddii Soomaalidu aqoonsatay dadkaasu in ay ka mid yihiin wadannadaas, oo ay ictiraafeen, oo su'aalo la weydiiyey sidii uu ra'iisul wasaaruhu uga jawaabey in labadaas waddan dadka Soomaalida ah oo ku nool xorriyad taam ah haystaan, wadamadaas ay deggan yihiin oo ay kamid yihiin, baarlamaankoodey ku jiraan, xukuumadoodey ku jiraan, sidaas darteed annagu uma aragno in ay gacan ajaanib ku jiraan ama dad aan xorriyad haysan in ay yihiin uma qabno buu yiri (Geeddi).

Marka ninkaan weydiiyey su'aashaan wuxuu tixraacay midaas oo uu yiri: haddii middaas ay xukuumadu mowqifkaas ka qaadatay labadaas dhul ee Soomaalidu deggan tahay oo wadano kale ku dhex jira, ku nool, maxaa xukuumada Soomaalidu u aqbali weydey wadankaan isku magacaabay "Republic of Somaliland" oo saddex isdoorasho ka dheceen, oo si nabad ah uga dheceen, oo si dimoqraadi ah uga dheceen, oo horukac meel kale oo jamhuuriyada Republic ah aan ka dhicin, oo horukac dhinac kastoo laga eego sameeyey intii 14ka sano ee dawladii Soomaaliya burburtay, Maxaa marka xukuumada Soomaalida ee Federaalka u ictiraafi weydey wadankan.?

Markaas su'aashaan dambe oo ninkaasu wadankaan ag dhigay wadannadaan kale, ra'iisul wasaaruhu say noqotoyba mowqifkiisii hore mid ka duwan ayuu ku jawaabey oo wuxuu yiri "Haddii adduun weynuhu ictiraafo 'aqoonsado' dhulkaa isaga ah annagu waxba kama qabno, laakiin inta ay weli doonayaan adduunweynaha ictiraafkiisa, oo ay raadinayaan, annagu weli dhulkaas iyo dadka deggan waxaan u arkeynaa in ay ka mid yihiin dhul Soomaaliyeed, oo goonidiisa isu maamulaya, oo goonidiisa nabad u ah.

Marka jawaabtan dambe waxaad moodaa "waxba kama qabno haddii adduun weynuhu ictiraafo - annagu waxba kama qabno" waxaad moodaa in ay is diidayaan mowqifkii hore ee ra'iisul wasaaruhu sheegay, ama xukuumadaan Kumeel Gaarka ah ee Federaalka ee Soomaaliya ay hadda ka hor ku dhawaaqday marar badan, ayaad moodaa in uu khilafsan yahay. Midaasuna waxay keentay dad badan oo Soomaali ah in ay la noqotay shey aan meesha ku jirin oo la qaadan waayey "haddii adduun weynuhu ictiraafo annagu waxba kama qabno". Marka anigu dadkaas ayaan ka mid ahay.

Anigu waxaan u malaynayaa Ra'iisul wasaaruhu eraygaan hadda dame oo jawaabta su'aashaas u dambeysa oo ninkaan walaalkay ah oo la yirahdo Xasan Guure oo jooga Sucuudi Careebiya uu weydiiyey, waxaan u malaynayaa markii la celceliyey carrabkaa ka boobay in uu yiraahdo "haddii adduun weynuhu ictiraafo annagu waxba kama qabno 'Soomaaliland' in ay go'do", carrabkaa ka boobay baan u malaynayaa, jawaabtiisu sida ay ku dhawaaqday in aysan ahayn baan filayaa. Laakiin haddee qof walba waxaa loo qabanayaa wixii uu yiri, ma ogtahay qalbiga nina ma daalacanayo.


QODOBKA 2.0
XUDUUDAHA SOOMAALIYA

1. Midnimada, mid ahaanshaha dhuleed, xorriyadda siyaasadeed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqadis lama qaybshaan ah

2. Madaxbannaanida xudduuudeed waxay ka kooban tahay dhulka, jasiiradaha, xudduuda badda, dhulka hoostiisa, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal.

3. Xudduudaha: Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay leedahay xudduudaha soo socda:-

1. Waqooyi:  Gacanka Cadmeed
2. Waqooyi Galbeed: Jamhuuriyadda Jabuuti
3. Galbeed: Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya
4. Koonfur iyo Koonfur Galbeed:  Jamhuuriyadda Kenya
5. Bari: Badweynta Hindiya

Axdiga DFKMG (Draft)

Markaa haddii Prime-Minister-ku hadalkiisa sidii uu u yiri aan tixraacno, aniga waxay ila tahay meesha ra'iisul wasaaruhu hadalkaas ka yiri "waxba kama qabno" in aysan meesha ku jirin ayaan u malaynayaa, xataa in ay kasoo hor jeedo dastuurka u deggan markan oo isagu uu Prime-Minister-ka ku yahay ee xukuumada Federaalka ah, inay ka soo hor jeedo oo jebineyso ayaan anigu is leeyahay.

Dastuurkaas maadadiisa labaad, ama article-ka labaad (qodobka 2aad) oo ka hadleysa dhulka Soomaaliya - haddaan af-igiriisi ku sheego (haddaan af ingiriisi ku hadlo) "The Territory of Somalia". Saddex qodob ayey ka kooban tahay, qodobka ugu horeeya waxa uu leeyahay Somali Republic dhulkeeda iyo gobanimada Soomaali Republic waxaa weeye kuwo aan qaybsami karin, kuwo qofna handadi karo oo jebin karo ma aha, mana qaysami karaan. Marka haddaan Af-Ingriisi (iyadoo ah) weliba ku celiyo maqaaladaas, ereygaas, qodobkaas, wuxuu leeyahay : The Territorial Integrity and Sovereignty of the Somali Republic shall be inviolable and indivisible. Waxaa weeye sida aan u iri.

Marka maqaaladaas dib loogama harin, marka Somali republic maxay tahay haddii lagu weydiiyo iyo goormay dhalatay. Somali Republic waxay dhalatay waxaa weeye markii 1960kii ay taariikhdu ahayd waxaa xorriyo qaatay labo wadan oo Soomaali ah oo siddeedan sano ama ka badan isticmaar kala haystey oo midna Ingriis haystey oo la oran jirey British Somaliland, midna Talyaani haysan jirey mardambena loo dhiibey gacanta Umam Al-mutaxida (Qaramada Midoobey) tobankii sano ee u dambeeyey oo loo yaqiiney Italian Somaliland ama Italian Somalia ama Soomaaliya.

Labadaas wadan ayaa sannadkii 1960kii xorriyo qaatay, markaas ayey hadana goosteen in ay midoobaan oo ay ku midoobaan hal dawlad ah oo Soomaali ah, baarlamaan mid ah, xukuumad mid ah in ay ku midoobaan, baarlamaankii labada meeloodba ay doorteen ayaa isu yimid oo dadku soo doortay oo si dimoqraadi ah lagu soo doortay, ayagii ayaa go'aamiyey in Jamhuuriyadu ay mid tahay oo kulanto, waxay ku heshiiyeen heshiis la yiraahdo "ACT OF UNION".  Act of Union; Dastuur ayaana la sameeyey, la isla ogolaaday, dastuurkaas ayaa misana dadweynihii loo bandhigay, dadweynihii ayaa dastuurkaas ogolaaday, (dadweynihii) aqlabiyadiisii oo aad u badan ayaa ogolaaday. Marka middaas weeye haddaad maqashay Somali Republic, halkaas ayey ka timid eraygaas Somali Republic.

Markii laga hadlo Somali Republic macneheedu waxaa weeye dhulkaa hadda isku magacaabay "Republic of Somaliland", laakiin anigu aan leeyahay waxaa weeye region-ka (gobolka) Woqooyi Galbeed, wuxuu ka mid yahay Somali Republic, wuxuu ka mid yahay dastuuriyan, sharcigu sida uu sheegayo.

Markaas ayaa haddana la xadeeyey oo waxaa la yiri: oo dhulkaas haddana xuduudskiisu muxuu yahay - Waxaan hadda akhrinayaa oo hortayda yaal waxaa weeye dastuurka hadda u degsan dawlada Federaalka ee uu Ra'iisul wasaaraha u yahay Cali Maxamed Geeddi, dastuurka u degsan weeye oo hortayda yaal oo aan akhrinayaa: Waxaa la yiri Jamhuuriyadaas Somali Republic xuduudkeeda waxaa weeye markii la aado Woqooyi - dhinaca loo tukado markii Soomaaliya la joogo - markii laga fiirsho xuduudku waxaa weeye baddaas Cadan iyo Soomaaliya u dhexaysa ee loo yaqaan Gacanka Cadan (Gulf of Aden). Marka laga aado dhinaca Woqooyi Galbeed markii laga fiirshona Somali Republic waxay xuduud la leedahay Jamhuuriyada Jabuuti (Republic of Djibouti).

Markii la yiraahdo Woqooyi Galbeed waxay Soomaali Republic xuduud la leedahay Jabuuti, micneheedu waxaa weeye Jabuuti wixii Koonfur kasoo xiga oo ay ka mid yihiin dhulka hadda iyagu isku magacaabay "Republic of Somaliland" in ay kamid tahay Somali Republic, saas ayuu cadaynayaa (Dastuurku).

Xuduudkii marka la soo aado dhinaca kale hadana Galbeedka Itoobiya ayuu xuduud la yahay. Markii la aado koonfurta dhabta ahna waxaa Somali Republic xuduud la leedahay Kenya. Markii la aado Qorrax ka soo baxda ama Bariga waxa xuduud la ah Indian Ocean (Badweynta Hindiya ama Muxiidul Hindi). Marka xuduudkii Soomaaliya sidaas ayaa loo habeeyey.

Waxay marka ku tuseysaa haddaan xuduudka sheegnay ama dastuurka maadada u horaysa sheegnay in dhulka Woqooyi Galbeed ama sida dad hada rabo in ay isku sheegaan "Republic of Somaliland" in ay dastuuriyan ka mid tahay Somali Republic uu hadda dastuurkani ka hadlaayo.

Marka anigu waxaa leeyahay dastuurkaas iyo sidaas loo habeeyey, wuxuu keliya oo kala go'a Soomaaliya uu dhici karaa waxaa weeye dhabihii awal loo soo maray midnimadooda, oo ahaa baarlamaan la doortay, dalka oo dastuur loo sameeyey, dadka oo dastuur referendum (afti) loo sameeyey ogolaaday, dhabahaas mid la mid ah ayaa banayn kara in Soomaali ay is haysato iyo inay kala go'do. Laakiin Ra'iisul wasaaruha iyo xukuumadiisu awood uma leh in uu yiraahdo, dastuuriyan ma uu oran karayo, ayey aniga ila tahay aqoontayda yarta ah, in uu yiraahdo 'annagu' - annagu marka uu yiraahdu waxay ila tahay in uu ka hadlaayo xukuumada Federaalka ah oo isagu Prime Minister-ka ka yahay (ayuu ka hadlayaa ayaan u malaynayaa marka uu yiraahdo annagu). Marka "annagu" haddii ay tahay xukuumadda, anigu waxaan leeyahay xukuumada awood dastuuriyan iyagu uma leh ay oran karto "annagaa ogolaanay Somaliland in ay go'do oo gooni noqoto" ma uu oran karaayo, aniga aragtidayda.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayey ku xiran tahay sidii goosashadaasi, hadeyba noqon karto, anigu aan rajaynayaa in aysan dhici karin, in haday imaan karto waxay ku imaan kartaa waxaa weeyey dhabihii awal loo maray midnimada in loo maro weeye, aniga aragtidayda.

Marka anigu waxaan rajaynayaa arrintaas, in kastoo aniga bil xaqiiqatan waqtiga hadda aan jawaabtan bixinayaa ay waqti dambe tahay oo ay haboonayd ayaamihii wuxuu dhaceen in aan ka jawaabo, oo aan ka xumahay in aan dib uga dhacay, calaa kulli xaal waxay ila tahay weli waqtigu waa iska munaasib in qof ra'yigiisa uu ka dhiibto maxaa yeelay arrintani muhiim weeye. Marka aniga aragtidayda prime minister-ku waxay ila tahay sidii aan hore u sheegay carrabkaa ka xaday.

Waxaa la rajaynayaa prime minister-ku geesinimo in uu u yeesho oo yiraahdo "arrintaas carrabkaa iga xaday, ee mabda'aygu kii hore oo aan jawaabihii hore ku bixiyey weeye ama waa midkii hore oo hadda ka hor meelo kale aan ka sheegay oo ahaa khilaaf waa jiraa laakiin khilaafkayaga nabad iyo is afgarad iyo wada hadal ayaan ku xallin doonaa", in uu yiraahdo, ee uu ka noqdo oo yiraahdo "ereygaas ahaa 'waxba kama qabno' carrabkaa iga boobay ee maahayn mid khilaafsan oo siyaas cusub ah oo ka duwan middii hore ee aan qaadanay." Aniga waxay ila tahay in uu yiraahdo Prime minister-ku, oo geesinimo sameeyaa, oo uusan noqonin ummada Soomaalida dad badan waxaa lagu yaqaanaa haddii qof qaldo in uu madaxa ku adkaysto oo uu yiraahdo 'ma adigaa oran kara waan qalday' .. Haa heeyo... Adduun weynaha oo dhan wuxuu la socon karaa dad madax oo waaweyn oo wadano waaweyn madax ka ah haddii gef dhaco waxay yiraahdaan gef ayaan samaynay oo carrabkaa iga boobay.

Marka waxaan rajayneynaa prime minister-ku arrintaas in uu yiraahdo 'Gef bey ahayd arrintaas, carrabkaana iga boobay, mabda'a xukuumadan Federaalku midkii hore weeye ee aan hore ugu taagneyn,' in uu yiraahdo weeye. Sidaas ayaan rajaynayaa anigu.

Kaasi waxa uu ahaa ra'uusul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/Risaaq Xaaji Xuseen oo SomaliTalk.com ku booqatay gurigiisa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, USA, isaga oo kajawaabayey hadal uu dhowaan bixiyey ra'iisul wasaaraha hadda ee dawlada Federaalka ee Kumeel gaarka ah mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi.

C/Risaaq Xaaji Xuseen waxaa lagala xiriiri karaa: Email: hussen100@yahoo.com

Waraysiga C/Risaaq Xaaji Xuseen ka Dhegeys.....

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2005

HADALKII GEEDI OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA DHEGEYSO.....


QORAALADA C/RISAAQ XAAJI XUSEEN:

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD