SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

WAA DRAFT:
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad | schedule.1

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA 

JULY 2003 
NAIROBI

Hordhac 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim 

ANNAGOO AH DADKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, waxaanu isla gaarnay in aanu dhisno Dowlad Federal ku Meel Gaarka oo madaxbannaan, haddaba annagoo :- 

AQOONSAN : Kala duwanaanshaha dalka dhinnacyada dhaqanka iyo beelaha, maskaxdana ku haynna baahida nabad ku wadanoolaanshaha, qaran xor ah, madaxbannaan, mid ah, qeybsami karin 

XUSUUSAN: Dhibaatada dadka, dagaalka sokeeya, haaraha, arxandarada, nabadgelyo la’aanta iyo ku-tagrifalka awoodda Dowladihii xukunku dhexda ku urursanaa ee dadkeena iyo dalkeena horey loogu fuliyey iyo dareenka in la abuuro jawi lagu noolaado sinnaan, ku-dhaqanka sharciga, caddaalad bulsho, sharafta, kalsoonida shakhsiga iyo qaranka, dimuqraadiyadda dhammaan ragga iyo haweenka dalkeena. 

GARWAAQSANAY: Xaqa doonista in la dhiso dowlad federal ku meel gaar ah madax-bannaan oo ay Soomaaliya yeelato ay tahay nooca xukuumadda la aqbali karo in lagu dhaqo dalkeena aynu jecelnahay oo ku fadhida mabaadi’da dimuqraadiyadda – Xornimo, Walaaltinimo iyo Caddaalad. 

GO’AANSANAY: Ku dhaqanka habka waddaniyadda, dastuurka iyo xukun wanaagga iyo mabaadi’da la xisaabtanka, furfurnaanta iyo qarsoodi la’aanta 

KU KALSOON: Khayraadka dabiiciga iyo qaranimada – Dhulka, Macdanta, Webiyada iyo Kaymaha dalkeenu leeyahay. 

AYAAN WAXAAN HALKAN KU ANSAXINAY, KUNA QAADANAY AXDIGAN.

QEYBTA 1AAD: MADAXBANNAANIDA IYO XUDUUDDA SOOMAALIYA 

QODOBKA 1.0

MADAXBANNAANIDA DADKA SOOMAALIYEED 

1. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa qaab-xukuumadeed Federaal ah, waxaana loogu yeeri doonaa Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah oo ah mid madaxbanaan lehna xorriyad buuxda oo ku salaysan sinnaan, caddaalad, nabad, midnimo iyo ku-dhaqanka sharciga.

2. Dhammaan awooda xorriyadda waxaa leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana si toos ah ama si dadban u fulin kara ha’adaha wakiilka ka ah, sida uu qabo Axdigani iyo Shuruucda kale ee dalka.

3. Xorriyadda ku-dhaqanka madaxbannaanida looma xilsaari karo qof, koox ama dabaqad mana jiro qof iskiis/iskeed isugu xilsaari kara, ama fulin kara awood dowladeed oo aan ka soo jeedin Axdiga

4. Dowladda ayaa metesha dhaqamada, xeerka iyo caadooyinka bulshada Soomaalida

QODOBKA 2.0

XUDUUDAHA SOOMAALIYA

1. Midnimada, mid ahaanshaha dhuleed, xorriyadda siyaasadeed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqadis lama qaybshaan ah

2. Madaxbannaanida xudduuudeed waxay ka kooban tahay dhulka, jasiiradaha, xudduuda badda, dhulka hoostiisa, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal.

3. Xudduudaha: Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay leedahay xudduudaha soo socda:-

1. Waqooyi:  Gacanka Cadmeed
2. Waqooyi Galbeed: Jamhuuriyadda Jabuuti
3. Galbeed: Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya
4. Koonfur iyo Koonfur Galbeed:  Jamhuuriyadda Kenya
5. Bari: Badweynta Hindiya

 

QODOBKA 3.0

SAMAYNTA SHARCIGA

1. Jamhuuriyadda Federaalka ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya waxaa lagu dhisay sarraynta sharciga, waxaana lagu dhaqi doonaa Axdiga

2. Axdiga Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka waa xeerka ugu sareeya oo ay hoos yimaadaan dhammaan hay’adaha iyo qof kasta waxaana meelmarinaya sharciga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo dhan. Xeer kasta oo aan la socon karin ama ka horimaanaya Axdigan wuxuu noqonayaa wax kama jiraan

3. Jiritaanka, sharcinimadiisa ama habka fulintiisa ama faafinta Axdigan, ma jirto maxkamad, waax ama wakaalad (Hayad) dowladeed oo ka horiman karta.

QODOBKA 4.0

XOOJINTA AXDIGA

1. Axdiga waxaa loo tarjamayaa sidatan:

1. Hirgelinta qayimka xukunka wanaagsan

2. Horumarinta sharafta, xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah iyo dhaqanka sharciga

2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu maxkamad hor keeno cabasho la xiriirka in sharci la faafiyey nuxur ahaan ama qeyb ahaan uu yahay mid ka hor imaanaya Axdiga.

3. Maxkamaduhu waxay awood u leeyihiin in ay bixiyaan amar ama ay qaadaan talaabada ku haboon baaqa faqradda (2).

QODOBKA 5.0

DIFAACA AXDIGA

 

1. Isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso xukuumad ka hor imaaneysaa Axdigan, wuxuu noqonayaa mid sharci daro ah

2. Xeerka Golaha Shacabku meelmariyo haddii uu meel ka dhac ku yahay xorriyadda, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya, wuxuu noqon doonaa mid aan sharci ahayn

3. Golaha Shabka wuxuu meel marin karaa sharci lagu fulinayo qodobkan

Qaybta 2aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD