SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
AXDIGA - KUMEEL GAARKA

AXDIGA KU MEEL GAARKA AH 
DOWLADDA FEDERAALKA EE
 SOOMAALIYA   

QEYBTA 6AAD: AWOODDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH

Mabaadi’dda iyo qaab dhismeedka awood fulinta qara*

1.Mabaadi’da 

Awoodda fulinta waxaa loo isticmaalayaa sida ugu haboon una faa’iido badan shacabka iyo jamhuuriyadda Soomaaliya 

Inta lagu jiro muddada ku meel gaarka ah, madaxweynuhu xilka uu hayo wuxuu ugu adeegayaa shacabka, kumana awood sheegan karo, wuxuuna u isticmaalayaa awoodaas siyaabaha iyo ulajeedooyinka Axdiga ku qoran. 

Qaabdhismeedka 

Awoodka qaran ee Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay ka kooban tahay Wasiirka Koowaada iyo Golaha Wasiiradda sida ku cad Axdiggan 

MADAXWEYNAHA 

QODOBKA 41.0 

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya

1. Madaxa Dowladda, Taliyaha Ciidamaha, Gudoomiyaha golaha Ciidamada Qaran, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Qaran

2. Waa astaanta midnimada qaran. Mas’uuliyadiisa waxaa ka mid ah xoojinta midnimada qaran, ilaalinta madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, kor u qaadista iyo xormeynta kala duwanaanshaha shacabka iyo dhowrista xuquuqdooda aadanaha, sharafta, iyo xoriyaada aasaasiga ah.

3. Ilaalinta iyo xormeynta Axdiga iyo shuruucda.

2. Madaxweynaha awoodiisu wuxuu u isticmaalayaa si waafaqsan Axdiga iyo Shuruucda

3. Madaxweynuhu ma qaban karo xil kale

QODOB 42.0

DOORASHADA MADAXWEYNAHA

1. Inta laga gaarayo doorasho guud madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku soo dooranayo Golaha Shacabka caqlibiyad dhan seddex meelood labo (2/3) wareega hore, halka wareegyada dambe loo baahan yahay caqlibiyad (50+1) caadi ah

2. Wareega labaad ay ka qeyb galayaan lixda mushrax ugu horeysa iyadoo wareega seddexaadna ay ku tartamayaan jagada madaxweynaha labada musharax ee ugu horeeya.

QODOBKA 43.0

SHURUUDAHA

Qof waliba xaq waa u leeyahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu fuliyo shuruudaha soo socda:

1. Qofka dhalashadiisu waa inay tahay Soomaali

2. Yahay ugu yaraan afartan jir

3. Inuu yahay Muslim, isla markaana waalidkiisa yahay Soomaali, uusan qabin xaas ajnabi ah iyo inuusan guursan karin xaas ajnabi ah muddada uu hayo xilka

4. Inuu yahay qof maskaxdiisa dhan tahay oo aan xakuumadda dambi hore ku soo oogin

5. Inuusan hayn jago xafiis ama ku lug laheyn xirfad ama dhaqdhaqaaq ganacsi oo keeni karta iska horimaad danaha xafiiska

6. Inuu yahay qof xurmadiisa iyo dabeecadiisa sareyso

7. Inuu leeyahay waxqabad, karti iyo waayo aragnimo uu ku gudan karo waajibaadkiisa

QODOBKA 44.0

MUDDADA XILKA

1. Madaxweynaha wuxuu hay doonaa shaqada muddo afar sano laga bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo la waafajinayo dharta Axdiga lagu qeexay.

2. Madaxweynaha wuxuu xilka hayn doonaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu shaqada la wareego.

3. Xilka ka qaadista madaxweynaha – madaxweynaha waa laga qaadi karaa xilka hadii uu ku xad-gudbo Axdiga iyo eedeyn loo gudbiyo Golaha Shacbiga……?

Ay Shardi tahay:- 

a. Eedeyntaas lagu cadeeyo qoraal afar iyo toban (14) beri ka hor ayna saxiixaan ugu yaraan seddex meelood labo tirada guud ee Golaha Shacabka oo hadafkooda yahay in la gudbiyo xeerkaas.

b. Baaritaan waa in lagu sameeyaa dembiga ama sababta keentay dacwada, madaxweynuhuna xaq ayuu u leeyahay inuu goobjoog ahaado isla markaana yeesho wakiil.

c. Natiijjada baaritaanka waa in xeer laga soo saaraa iyadoo lagu ansaxinayo cod ugu yaraan seddex meelood labo meel xubnaha Golaha Shacbiga

d. Go’aankaas wuxuu yeelan doonaa awood uu madaxweynaha xilka looga qaadayo laga bilaabo maalinta go’aanka la gudibiyo.

QODOBKA 45.0

AWOODA IYO SHAQADA MADAXWEYNAHA

1. Shaqada Dowladda : Madaxweynuhu wuxuu qaban doonaa waajibaadka fulinta soo socda:

1. Furitaanka Golaha Shacabka kasta oo cusub

2. Wuxuu ka hadlayaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sannadkiiba mar

3. Wuxuu ka hadli karaa Golaha Shacabka markasta oo kale

4. Madaxweynuhu wuxuu magacaabi doonaa Madaxa Maxkamadda Sare iyo Saraakiisha Garsoorka ayadoo ay soo jeedinayaan Golaha Wasiirada

5. Madaxweynuhu wuxuu magacaabi doonaa jagooyinka sare ee xukuumadda iyo madaxda hay’adaha dawladda ka dib markii ay ansaxiyaan Golaha Wasiiradda

6. Madaxweynuhu wuxuu magacaabi doonaa jagooyinka – Danjirayaasha, Qunsiliyadaha, Wakiilada aadaya dalalka dibedda ayadoo ay soo jeedinayaan Golaha Wasiiradda.

7. Madaxweynuhu wuxuu qaabilayaa siyaasiinta shisheeyaha iyo wakiilada qunsuliyadaha

8. Wuxuu qabanayaa marti sharafyada xukuumadda aydoo soo jeedinayaan golaha wasiirada.

QODOBKA 46.0

DHAARASHADA MADAXWEYNAHA

Madaxweynuhu wuxuu inta uusan xilka qaban marayaa dhaarta ah; 

Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan u guto xilkayga, si daacad ah oo danta dadku ku jirto, dhawrana Axdiga iyo shuruucda dalka” 

QODOBKA 47.0

MAQNAASHAHA XILKA

Haddii xilka madaxeynaha banaanaado sababo ay mid yihiin; ruqsasho, geeri ama curyaanimo joogto ah darteed Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si dhaqso ah ula wareegayaa waajibaadka, isla markaana Golaha Shacabka waa in ay kulmaan ayna soo doortaan Madaxweyne cusub soddon (30) maalmood gudahood. 

III. WASIIRKA KOOWAAD IYO SEDDEXDA KU XIGEENO EE WASIIRKA KOOWAAD

QODOBKA 48.0

WASIIRKA KOOWAAD

Wasiirka Koowaad wuxuu noqonayaa hogaamiyaha Golaha Wasiiradda, isla markaasna shir guddoonka Golaha.

Wasiir ku xigeenada

1. Waxaa la magacaabi doonaa seddex wasiir ku xigeen, wasiiro iyo wasiir ku xigeeno

2. Ku xigeenada Wasiirka Koowaad, wuxuu lahaanayaa xil wasaaradeed wuxuuna kormeerayaa wasaarado kala duwan sida siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha. Waajibaadkooda gaarka ah waxaa qeexi doonaa xeer

3. Waajibaadka gaarka ah ee ku xigeenada Wasiirka Koowaad, wasiirada iyo wasiir ku xigeenada waxaa qeexi doonaa xeer.

QODOBKA 49.0

SHURUUDAHA WASIIRKA KOOWAAD IYO KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD

1. Wasiirka Koowaad, Ku xigeenada Wasiirka Koowaad, Wasiiradda iyo Wasiir Ku Xigeenada, waa inay ka soo baxaan shuruudaha soo socda.

2. Inuu Noqdo Jinsiyada Soomaali

3. Da’da Wasiirka Koowaad inay noqoto afartan (40) sanno, wasiiradda iyo wasiir ku xigeenada ay ahaadaan soddon iyo shan 35 jir.

4. Wasiirka Koowaad, Ku Xigeenada Wasiirka Koowaad waa inay lahaadaan tayo hoggaan iyo khibrad siyaasadeed.

QODOBKA 50.0

WAAJIBAADKA WASIIRKA KOOWAAD

1. Inuu/inay magacaabo seddex (3) ku xigeen Wasiirka Koowaad

2. Inuu/inay magacaabo wasiiro

3. Inuu/inay noqdo shir guddoonka Golaha Wasiiradda

4. Mas’uul ka noqdo horumarinta, isu duwidda iyo maareynta siyaasadda xukuumadda iyo guud ahaan maamulka.

5. Isagoo/iyadoo la kaashanaya wasiir mudan saxiixaa xeer hoosaadyada, dhaqamada iyo shuruucyada Golaha Wasiirada ansaxiyey.

4. Wasiirka Koowaad, isagoo raacaya soo jeedinta Golaha Wasiiradda, wuxuu u dhiibaya mas’uuliyadda fulinta and maamulka sharci kasta oo Baarlamaanka Ku Xigeenada Wasiirka Koowaad, Wasiiradda iyo Ku Xigeenadda Wasiiradda.

5. Wasiirka Koowaad, Ku Xigeenada Wasiirka Koowaad iyo xubnaha kale ee Golaha Wasiirada waxay ka fulin doonaan Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah, howlaha soo socda:

1. Horumarinta iyo Dhaqan Gelinta Siyaasadda iyo Miisaaniyadda Qaranka

2. Diyaarinta iyo hal abuuridda xeerarka Dowladda si loo horkeeno Golaha Shacabka

3. Meel marinta iyo maamulka Go’aanada Golaha Shacabka

4. Isku-duwidda howlaha wasiiradda iyo waaxyaha, iyo

5. Fulinta, howlaha kale lagu qeexay Axdiga ama xeer Gole Shacbi, aan ka ahayn kuwa loo xilsaaray madaxweynaha.

QODOBKA 51.0

MUDDADA XILKA WASIIRKA KOOWAAD

1. Qof waliba oo xilka Wasiirka Koowaad loo magacaabo, ka dib marka Golaha Shacabka uu ansaxiyo wuxuu qaban doonaa xilka Wasiirka Koowaad isla markaana waa in uu dhaartaa ama xaqiijiyaa daacadnimada u yahay dadka iyo Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya, iyo adeecidda Axdiga.

2. Muddada xilka Wasiirka Koowaad wuxuu soconayaa ilaa iyo inta:

1. Wasiirka Koowaad geeriyoodo, shaqada ka tago ama xafiiska laga casilo, ama

2. Ilaa iyo qofka kale loo magacaabay Wasiirka Koowaad doorasho guud ka dib gabto xilka

QODOBKA 52.0

SHAQO KA TEGIDDA WASIIRKA KOOWAAD/KU XIGEENADA WASIIRKA KOOWAAD

1. Wasiirka Koowaad iyo Ku Xigeenada Wasiirka Koowaad way ka ruqseysan karaan xilka ayagoo u keenaya qoraal shaqo ka fariisi ah Madaxweynaha

2. Shaqo ka fariisiga lagu qeexay qodobka (1) wuxuu bilaabmayaa maalinta iyo saacadda lagu qeexay warqadda ruqsada.

QODOBKA 53.0

SHAQO KA ERYIDDA WASIIRKA KOOWAAD/KU XIGEENADDA WASIIRKA KOOWAAD

1. Haddii uu Golaha Shacabka, cod ay taageersan yihiin in ka badan boqolkiiba konton xubanaha golaha, ay gudbiyaan mooshin kalsooni daro ah oo Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu wuxuu kala dirayaa Wasiirka Koowaad, iyo xubnaha kale ee Golaha Wasiiradda.

2. Madaxweynaha ma kala diri karo Wasiirka Koowaad, Ku Xigeenada Wasiirka Koowaad, si kasta ha ahaato, aan ka ahayn qodobka (1)

 

QODOBKA 54.0

GOLAHA WASIIRADDA

1. Wasiirka Koowaad wuxuu magacaabayaa inta ka dhiman Golaha Wasiiradda ayadoo Golaha Shacabka uu ku ansaxinayo cod majooriti ah.

2. Golaha Wasiiradda waa inay ahaadaan jinsi Soomaali matela dadka Somalida guud ahaan iyo inay haystaan ugu yaraan shahaadada iyo aqoon Dugsiga Sare, leh khibrad, asluub wanaagsan, aan ka yareyn 35 sanno, maskax fiyow, iyo inaan maxkamad ku soo oogin fal dembi.

3. Haddii uu Golaha Shacabka, cod ay taageersan yihiin in ka badan boqolkiiba konton xubanaha golaha, ay gudbiyaan mooshin kalsooni daro ah xubin ka mid ah Golaha Wasiiradda aan ka ahayn Wasiirka Koowaad iyo Ku Xigeenadda Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaadayaa xubinkaas.

3. Qof walba oo loo magacaabo Ku Xigeen Wasiir Koowaad, Wasiir ama Wasiir Ku Xigeen :-

1. Wuxuu qabanayaa xilka isagoo ku dhaaranaya magaca Illaah isagoo u dhaaranaya Jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana adeecaaya Axdiga

2. Shaqada wuu ka tegi karaa isagoo warqad qoraal ah oo shaqo ka tegid ah u gudbinaya Wasiirka Koowaad iyo Madaxweynaha.

3. Wuu wadayaa xilka ilaa qofka ku timaado geeri, shaqada ka tago ama laga eryo, ama ilaa inta qofka kale ee loo magacaabay xilka, doorasho guud ka dib, la wareegayo xilka.

QODOBKA 55.0

DOORKA GOLAHA WASIIRADDA

1. Haddii aan si kale loo caddeyn, go’aanadda Golaha Wasiiradda waa inay ahaadaan qoraal

2. Ku Xigeenadda Wasiirka Koowaad iyo Golaha Wasiiradda waxay kaalmaynayaan talana siinayaan Wasiirka Koowaad

3. Golaha Wasiiradda waxay si wadar ah mas’uul noqon doonaan, iyadoo la tixraacayo mabda’a mas’uuliyadda wadarta, shakhsiyadeed, wax walba oo loo diro Golaha Shacabka ka mid noqdaan:-

1. Fulinta awoodooda iyo meelmarinta waajibaadkooda

2. Maareynta iyo dhaqan-gelinta shuruucda loo xilsaaray

4. Seddexda (3) ku Xigeenada Wasiirka Koowaad, Wasiiradda iyo Wasiir ku Xigeenadda waxay si shakhsi ah mas’uul ugu yihiin Wasiirka Koowaad fulinta awoodaha iyo waajibaadka sida qaarka ah loogu xilsaaray

5. Wasiir waliba wuxuu horimaanayaa Golaha Shacabka ama guddi Golaha Shacabka marka loo baahdo, kana jawaabo su’aal waliba saameeysa arrimaha loo xilsaaray wasiirkaas iyo wasaaradiisa.

6. Golaha Wasiiradda wuxuu mas’uul ka noqon doonaa, arrimaha dibedda, maamulka madaniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadanimada.

7. Golaha Wasiiradda waxay dejin doonaan siyaasadda guud ee Xukuumadda Federalka iyo Goboladda ayagoo waafaqsan Axdiga iyo Xeerarka wadanka.

Qaybta 7aad... halkan ka akhri... GUJI

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad | 7aad | 8aad | 9aad | 10aad  | 11-12aad  | schedule.1

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD