SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Ra’isul Wasaare Geedi iyo wafdi uu hogaaminiyo oo ka dhoofay Garoonka Jowhar..

Nov 30, 2005

            Ra’isu Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Nov 30 ka ambabaxay Magaalada Jowhar, waxaana wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka C/llaashi Shiikh Ismaaciil, Wasiirka qorsheynta qaranka C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale.

            Ra’isul Wasaaraha ayaa dhowr maalmood ku sugnaan doona Magaalada Nairobi, kaddibna waxaa la sheegay in uu u duuli doono qaar ka mid ah wadamada Yurub, hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda ayaa isagu u kicitimi doona Magaalad Maka Al-Mukarama oo uu kaga qaybgali doono shirka wasiirada arrimaha dibadda ee Islaamka, wuxuuna u gogol-xaarayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu si rasmi ah uga qaybgalay shirka hogaamiyaasha Islaamka oo isagu ka furmi doona todobaadka soo socda Magaalad Maka Al-Mukarama. 

Dhoofkan dambe ka hore, Nov 27, 2005 ayey ahayd markii uu Cali Maxamed Geedi ku soo laabtay Jawhar. Xilligaas oo uu soo maray wadamo Yurub ah, Kenya iyo Itoobiya.


Isha Sawirka: Wargeyska dalka::

Dhanka safarkii Itoobiya, Sida laga soo xigtey shabakada internetka ee wasaaradda arrimaha dibedda dalka Ethiopia, waxaa ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu uga warbixiyay ra'iisul wasaare Zenawi xaaladda Soomaaliya iyo wadahadalkii uu dhowaan mas'uuliyiinta midowga yurub uu kula yeeshay magaalada Brussels.

Dowladda Federaalka oo heshiisyo la gashay wadamada Itoobiya iyo Kenya..

Nov 29, 2005

Waxa maalintii Nov 29, 2005ahayd xurunta Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar oo saldhig u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka heshiisyo ku kala saxiixday Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana heshiisyadaasi ay ahaayeen kuwo isugu jira mid dhaqaale, mid siyaasadee iyo mid nabadgelyo.

Haddii aan soo qaadano midkii ay kala Saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu dhigayaa in Dowladda Itoobiya ay istimcaali karto Dekedaha Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kale waxaa heshiiku dhigayaa in si wada jir ah looga shaqeeyo xuduuda dheer ee u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo isku gudubka ganacsiga.

Sidoo kale Dowladda Federaalka waxay heshiis la gashay Dowladda kenya waxa uuna heshiiskaasi dhigayaa in Labada Dowladood ay is dhaafsadaan arrimhaa ganacsiga iyo sidii looga shaqeyn lahaa dhinaca nabadgelyada, waxaana Soomaa-iya heshiiskaan u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil, waxaana Kenya u saxiixay danjiraha Soomaaliya u qaabilsan ee Max’ed Cabid Afey. Heshiiska Itoobiyana waxaa saxiixay Wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda ee Itoobiya, waxayna heshiisyadaani ku dhaceen jawi is afgarad ah. 


Dalka - (Midig) wasiirka arrimaha dibadda dalka Soomaaliya C/llaahi sheekh Ismaaciil  oo soomaaliy au saxiixay heshiiska yo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee wadanka Ethiopia mr. Alawe. Sawirka: Wargeyska dalka

Wufuud ka socota wadamada Kenya iyo.Itoobiya oo soo gaarey Jowhar.

Nov 28, 2005

            Wufuud ka kala socota wadamada kenya iyo Itoobiya ayaa shalay galabnimadii ka soo degay Magalada Jowhar oo xarun u ah qaar ka mid ah Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in wufuudaan ay ka qaybgalayaan kulan Nov 29 la furmaya Magalada Jowhar oo ay isugu imaanayaan Wasiiradaa arrimaha dibadda ee IGAd.

            Dowladda Kenya ayaa waxay soo diratay wakilkeeda u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey, sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa waxay soo diratay Wiisru dowlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaana shalay ka sugayay wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Uganda, Ereteriya, Jabuuti iyo Suudaan, hase yeeshee warar aanu helnay waxaa sheegayaan in wadamadaani aysan imaan doonin Magaalada Jowhar.

            Kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili wadamada ku bahoobay urur gobaleedak IGAD uu ka dhexeeyo khilaafyo isla markaana aysan isla fahamsaneyn xaaladda wadanka Soomaaliya.

            Kulankaani haddii uu furmo waa guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dowladda Federaalka, maadaama aan Soomaaliya wax shir ah lagu qaban 15-kii sano oo ay dagaalada sokeeye socdeen ha noqdeen kuwo heer caalami heer Gobal iyo heer Degmo.

Cali Maxamed Geeddi oo Ka Qayb Galay Shirka JNA (Joint Needs Assessment)

Nov 23, 2005


Sawirkan waa sawir ku soo baxay shabaka JNA ee hor dhaca loogu samaynayey barnaamijka lagu darsayo Horumarinta Soomaaliya (JNA) - Waa sawir Jaadka (Qaadka) u muujinaya wax qurux badan - iyadoo la ogyahay dhibatada dhaqaale iyo mujtamac ee Jaadku (Qaadku) ku hayo Soomaalida. [ Eeg halkan]

Shirka oo Nairobi ka furmay oo socdey muddo afar maalmood ah waxaa loogu talo galay in wax laga ogaado baahida Soomaaliya si loo horumariyo, waa sida laga soo xigtey ilo u dhowdhow ka qayb galayaasha shirka.

Maamul Gobaleedka Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi

Nov 16, 2005

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi oo ahaa in haddii la aqoonsado maamulka la magac baxay Soomaaliland ay Dowladdu aqoonsan doonto, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku hadalkaasi ku tilaamamay mid xadgudub ku ah sharciga iyo dastuurka Dowladda Federaalka.

“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.

Waxaa maalmahan dhaliil xoogani soo gaarsay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu sheegay in haddii la aqoonsado maamulka Somalilnad uu isna dhiniciisa uu aqoonsanayo taasoo shacabka Soomaaliyeed ku noqotay layaab iyo amakaag.

Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare Geedi waxaa uu ku xad gudbay..

Nov 15, 2005

            Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa shalay soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran, sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnaha Dowladda ay soo daabacdeen lacago been abuur ah oo doraad lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Dubai.

            Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu afkiisa kaga dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka Somaliland, haddii ay aqoonsi hesho taasoo Xasan Dhimbil ku tilmaamay mid jabineysa lahaanshihii dhuleed ee Soomaaliya iyo waliba midnimada ummaadda Soomaalieed, isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada Soomaaliyeed.

            Waxaa kaloo uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in ay baaritaan ku sameeyaan lacago been abuur ah oo ay soo daabacatay Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar laguna qabtay dalka Imaaraadka Carabta, lacagtaas oo uu sheegay in ay qaadi lahayd diyaarad lagu magacaabo Mudan una qaadi lahayd Magaalada Boosaaso.

            “Ma garan karo in Dowladdu ay leedahay iyo in Ganacsato leeyihiin, laakiin waxaan codsanayaa in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Xasan Dhimbil Warsame.       [War dheeraad ah oo lacagtaas ku saabsan ka akhri halkan]].

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo (NOV 13) ka ambabaxay Jowhar 

Nov 13, 2005

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxaana Ra’isul Wasaaruhu uu ku hagan doonaan dalka Itoobiya caasimaddiisa Adis-Ababa, waxaana la sheegay in uu halkaasi kulan kula yeelan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless Zinawi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Afrika, kaddib Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u safri doonaa dalka Biljam halkaas uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Ururka Midowga Yurub oo ay isla soo qaadi doonaan arimo la xiriria sidii Mdowga Yurub ay u dhameystiri lahaayeen howlaha dib u dhiska dalka Soomaaliya.

            Ra’isul Wasaraha ayaa la filayaa in uu qudbad ka jeediyo baarlamaanka Midowga Yurub, iyadoo dhawaan Ururka Midowga Yurub uu xogaa lacag ah soo gaarsiiyay Dowladda Federaalka oo ay ugu talagashay dib u dhiska Hay’adihii Qaranka,

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu u sii gudbi doono Wadanka Talyaaniga, waxaana Ra’isul Wasaaraha safarkiisa ku wehliya Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’isul Wasaare ku xigeen Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale.  {eeg halkan}

W/D AmiinYuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@otmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD