SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

FOOLJEEXEY SIDEE TAHAY
Maax Ibrahin
 
Marka  hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waxaan doonayaa in aan halkan idiinku soo bandhigo Tuuladda lagu magacaabo Fooljeex oo dhanka koonfureed kata beegana Magaaladda Q/Dahare.
 
Qarnigan maanta lagu jiro waa qarnin qofna uu ku haminayo hormar & barwaaqo qofna uu halkuu eebe ku abuuray uu ku seexanayo cabsi & walwal taas oo uusan garanaynin haduu gabalku u dhoco in uu waagu u baryi & inkale.
 
Umad dagaalanta hadaad aragto waxaa jira wax ay saluugan yihiin ama ay diidan yihiin, sidaan qoraalkaygii hore ku xusay xukuumadda Itoobiya waxay xoog ku haystaan dhamaan dhulka Ogaadeenya oo ay mudo dheer xoog ku jogaan kuna bahdilaan umadii u dhalay dhulkaas.
 
Hadii aan sawir yar ka bixiyo Ogaadeenya, waa dhul balaadhan oo barwaaqo ah waxaana ku nool xoolo aad u badan badan, waxaakale oo aad uga baxa Xabagta, dhulku wuxuu u kala qaybsan yahay dhulka dibirka loo yaqaano ama caro adayga oo ah dhulka inta badan laga helo Xabagta, Malabka, Madheed Cadaad, iwm. Dhulna waxaa loo yaqaanaa Suubaanka, waa dhulka inta badan laga helo Midhaha sida Ciidka, Hohobta, Gomashaha, Gobka, Gob, Madheedh, iwm. Waa dhul markuu qofka ku nool xoolaha raaco uu soo hoyanayo isagoo dharagsan. Waxaa kale oo laga cunaa sida Damanyulugda & Likaha oo ku hoos jirta dhulka hoostiisa markay soo baxayso dhulka ayaa dil-dilaaca waana lagaran in ay halkaas ku jirto. Qoraal kuma soo koobi karo waxa laga helo dhulka oo ah dhul aad barwaaqo u ah shakina kuma jiro hadii ay dadku xor u noqon lahaa dhul caan ah oo caalamka oo dhan ay xiiseeyaan.
 
Akhristoow waxaan u daadagayaa dulucda qoraalkayga oo aan doonayaa in aan sawir yar ka biyo Tuuladda Fooljeex oo ah Tuulo aan xili badan la daganayn waxaana ladagay tuladan 1991 waxayna ku talaa meel aad ugu haboon in tuulo laga dhigo, waxay isku xidhaa magaalooyinka Q/Dahare & Shilaabo, marka aad dhanka Q/Dahare ka timadid waxaad soo maraysaa banka weyn ee looyaqaana Banka Qorahay oo ah ban aad u balaadhan barwaaqana ah, markad banka aftintiida (Fiidiisa) soo gashid waxaad arkaysaa hadii uu xili roob yahay xoolo aad u balaadhan oo daaqaya bankan dhexdiisa, waxaad soo mari oo kale Qalcadda uu daganaan jiray Halyaygii Sayid M Cabdile Xassan ood arkayso markaad baabuurka saran tahay waxayna ku taala halka loo yaqaano Malka Af-weyn waana marka aad buundada talaabayso oo toga Faafaneed aad gudbayso.
 
Waxaa banka hareerihiisa & dhexdiisaba laga beertaa raashinka Masagadda oo uu caan ku yahay banka Qorahay.
 
Dadka dagan Tuuladda waxay inta badan ku xidhan yihiin ama ay aad u yimaadaan Magaalada Q/Dahare oo u ah halka ay ka adeegtaan waxayna tuuladau leedahay Makhaayado dhowr ah oo inta badan ay wax ka gataan dadka u kala socda labada Magaalo waa Q/Dahare & Shilaabo waxaa kale oo ay Tuuladuu leedahay Bakhaarada raashinka lagu kaydiyo oo markuu qofku u go’a raashinka ayuu Tuulooyinka ku hareeraysan Banka Qorahay ay geyaan oo ooga raqiisan Magaaladda Q/Dahare. Hadii uu qofku u go raashin dhan 20 Jawaan wuxuu siinayaa 2 Jawaan oo uu bakhaarlugu kiro u haysan hayo waana nadaam lagaga dhaqmo halkaas.
 
Xaqmiyaa in Fooljeex gabi ahaanba lagubo oo dadka ku dhaqanaa ay maanta gabi ahaanba ay guri la’aan yihiin, waa arinaad murugu u leh waana arin ay taarikhdu marnaba iloobi doonin maxaa yeelelay lama garanayo ilaa hadda sababta dhabta ah ee loo gubay Fooljeex, waxaa lagu gubay Fooljeex 6000 oo kintaal raashin masago ah oo ay kayd u haysteen dadkii halkaas daganaa waana raashin ay xoogooda ku berteen sugayeena mudo shan 2 bilood, waxayna ku abuureen gacantoodo mana jirto qalab caawiya oo ay haystaan dadkas waxaana u diiday gumaysiga oo qofka u dhashay degaankaas hadii uu damco in uu hormar ka sameeyo shulkiisa waxaa loo arkayaan in uu yahay qof hormarinayo sidaas daraadeed horumarinta waddankaas waa ka mamnuc dhanka xukuumadda mulatariga ah een cidna ka amar qaadanin.
 
Dhulku wuxuu caanku yahay horu marin la’anta waxaadna arkaysaa markaad Magaalooyinka fiirisid dhibaatada ka haysata dhanwalba oo uu qofka bani aadamka ah u baahan yahay, Q/Dahare waxay kamid tahay magaalooyinka waa weyn markii ay 15 Nov, 2005 ay cidanka mulatarigu ku xasuuqeen magaaladda dadkii daganaa kuna laayeen dad u badan Maxaabiistii ay haysteen waxaa dhaawac xun soo gaadhay gabadh la dhoho Sahra Cabdi Haybe oo markii loo waayay dhiig joojin waxaa losii qaaday Magaaladda Jig-Jiga waxaana halkaa lagaga gooyay lugtedii markii Jig-Jigana looga waayay dhakhtar xaaladeeda wax ka qabta ama lodiiday in xaga Adiis losii qaado.
 

·        Gidigeed Aduunyada kaloo Guul u mohonaysa,

·        Gidigeed Aduunyada kaloo Gama’san oo Jiifta,

·        Gidigeed Aduunyada kaloo Nabad u Geedwaaban,

·        Aduunyadoon wax guur-guuri jirin oo Gadaandhaba ah,

·        Aduunyadoon wax goomani ka jirin amse Gaajaysan,

·        Ogaadeenya Goortii walbana waa un Galilye.

****************

Dadkanagu Gadaaf & Dhibuu gooniduyahaye,

·        Gumac labu shabaaxaa bartiyo Gawrac Joogta ahe,

·        Kol horaba guriyo wayqabee Gowra & Layne,

·        Dadkanagu Gadaaf & dhibuu gooniduu yahaye,

·        Maantana biyaa ugu galay god & Meeldheere,

 
Akhristoow dadku waxay ku jiraan laba dhagax dhexdood waxaana waajib ah inaan u fikiro oon dhibaatada walaalaheen loo gaysto ee ah dhanwalba aan ka danqano, waxaana ku talin lahaa dhacdooyinka uu gumaysigi ka gaysanayo Ogaadeenay waa mid taariikh ah, waxaana ku soo food leh Tuulooyin kale oon cidna u baahnayn oo is anfacay in lagubi doono waxaana keenaya gumaysiga oo u jeedadiisu tahay in dadka la gumaado oo lagu sameeyo dhaqan badan dhanwalba ah. Waxaan aragnay in layiri ma aasi kartaan dadkii ay ku laayeen magaaladda Q/Daher & Magaalooyin ban oo kamida Ogaadeenya.
 
Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan Fooljeex hadaan laga danqanin in ay kuwo kale oo badan ku xigi donaan, dadka maanta ku bara kacay Fooljeex dadka ay garab ka sugayana ay yihiin inaga waxaana alleh ka baryayaa in uu duliga ka dulqaado umadda Soomaaliyeed meel ay joogaamba mideeyana codkooda oo ay fahmaan dhibaatadda dadkooday haysata waxaana rajaynayaa in ay Fooljeex caadi ku soo boqoto.
 
Maax Ibrahin

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD