SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI


Daabaco Boggan | Print
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi ee ku saabsanaa Somaliland Ictiraafkeeda… Waraysi dhinacyo badan.

".... waxaa qof walba uu ka fikarayo waa sidii loo soo celin lahaa 5tii Soomaaliyeed..." Dr. Sifir

"...Waxaa la isku hayaa waa kuraas iyo Awood, laakiin la iskuma haysto caqiido iyo wax kale..." Dr. Sifir

 
Waxaa Waraystay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali mar uu ku sugnaa Mudane Sifir Magaalada London isagoo ka yimid Dalka Maraykanka.
 

Dr. Sifir iyo Ridwaan Xaaji

21.11.2005 

 
Ridwaan: Su’aasha koobaad ee aan jeclahay in aan ku waydiiyo ayaa waxaa ay tahay sida aad la socoto waxaa jirta in siyaabo kala duwan loo arkay Jawaab uu Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geedi ka bixiyay BBCda (British Broadcasting Corporation) oo ku saabsanayd Ictiraafka Somaliland oo uu sheegay in hadii caalamku aqoonsanayo uu soo dhoweynayo, hadaba sidee ayaad u argtaa arintaasi?
 
Max’ud Sifir: Axdi qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn sidaasi daraadeed waxaan u arkaa hadalkii kasoo yeeray Ra’isul wasaare Geedi in uu yahay mid dhibaato uun u horseedaya ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan , waana arin Axdiga ka hor imanaysa oo aan loo baahnayn in qof masu'uul ah uu ka hadlo.
 
Ridwaan: Adiga Fikir noocee ah ayaad ka qabtaa in la gaaro Midnimo Soomaaliyeed , gaar ahaana marka laga hadlayo Somaliland oo sheegatay in ay ka go’day Somaliya inteeda kale tan iyo 1991? 
 
Max’ud Sifir: Waxaan qabaa anigu in Somaliland lala galo dib u heshiisiin ku saabsan midnamadeena Soomaaliyeed , waxaana wax lagu badali karaa oo kaliya waxa ay Soomaalidu ku heshiiyaan mar hadii Midnamada dalku ay tahay  arin aasaasi ah oo danta ummadda ku jirta, mana ahan in la yiraahdo waan ictiraafayaa hadii Caalamku Ictiraafo Somaliland, Aduunka iima yaalo , waxay soomaali ku heshiiso ayaa ii yaala, Somali ayay u taalaa oo kaliya, Waa in la wada hadlo, inta kale ayaanba wali baadi goobaynaa , waxaa inaga dhaxeeyay midnamadeena soomaaliyeed , Soomaalida Kenya , Soomaalida Ethiopia iyo jabuuti waxay doonayaan laftooda waa in la dhagaysto oo waxaa qof walba uu ka fikarayo waa sidii loo soo celin lahaa 5tii Soomaaliyeed.
 
Ridwaan: Waxaa Maalmahan soo ifbaxaya in ay jiraan dib u heshiisiin laga dhex wado Xubnaha Dawladda ee Jowhar iyo Muqdisho ee ku kala aragti duwan qaabka ay Dawladdu uga shaqaynayso gudaha Soomaaliya. Marka ma is leedahay waa la heshiin doonaa?
 

Maxamuud Cabdullahi Jaamac  (Dr. Sifir)
Max’ud Sifir: Waxaa la isku hayaa waa kuraas iyo Awood, laakiin la iskuma haysto caqiido iyo wax kale , wada hadal cilmi ah in la galo ayaa loo baahanyahay ee looma baahna arimo kale oo khilaafka uun sii abuuraya , waxaan qabaa waa in la heshiiyaa oo danta ummada Soomaaliyeed xooga la saaro oo Soomaalidu ay isku filaato.
 
Ridwaan: Waxaad moodaa in Dhinaca Jowhar ay dhaqaale ka helayaan Caalamka ama loo balan qaadayba , laakiin idinku aad wali dhutinaysaan?
 
Max’ud Sifir: Ma jiro Caalam dhaqaale siinaya Dawladda oo khilaafkeedu uu jiro, inkasta oo ay jiraan kuwo gaar ah oo docfaruur ku wada arimaha Soomaaliya hase yeeshee waxaa xaqiiq ah oo aan kuu sheegayaa in aysan jirin dhaqaale si gaar ah loo siinayo cidna hadii aan la isku iman. Waa ay ogyihiin Caalamku in iyadoo khilaaf jiro hadii dhaqaale cid gaar ah la siiyo ay dhibaato ka dhalan karto.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD