SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Daabaco Boggan | Print
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 


Fadqalalladu ma samaan baa?

W/Q: Axmed Iid Aadan

Muranka ay kooxi ka abuurtay jawaabihii mudane Cali Maxamed Geeddi ee British Broadcasting Corporation laga sii daayey wuxuu muujinayaa in ay weli jiraan dad aamminsan fikradihii hore loo tijaabiyey ee shaqayn waayey. Dadkaasi sida ka muuqata ra'yigooda ma doonayaan in uu dhaco isbeddel waxtar leh, oo ay ummaddu degganaansho rasmi ah ku gaadho.

Hadallada dadkaa ka soo yeedhay marka aynu dhuuxno waxaa inoo muuqanaya labo arrimood: in aanay jawaabihii Geeddi dhuuxin ama fahminba; iyo in ay jirto hubsiimo-la'aan qabyaaladi ku qasan tahay. Labadaa arrimood middood ama iyagoo isku darsamay ayaa laga yaabaa in ay keeneen buuqa iyo cadhada lala sooyaamayo.

Haddaba mar kasta oo la doonayo in arrin ummadeed laga hadlo, waxaa door ah in deggenaan la muujiyo, dhinacyo badan wax laga eego, dadka arrinta garashada u lehna aan la horboodin. Haddiise jaahil ama burge kasta oo malabsanayaaba uu arrinta isku qaado waxba ma hagaagayaan, waxaana abuurmaysa fawdo. Dadna waxa ugu daran qof arrin uu sahal ku abbaari kari lahaa rako iskaga laala!
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji

In uu Geeddi sheegay in ay dawladdiisu la shaqayn doonto Somaliland haddii la aqoonsado iyo in ay jiraan Bulshooyin Soomaaliyeed oo wax ka dega dalal deriska ah qaarkood ayaa muranka gebigiisaba laga abuuray. Waxaase isweyddiin u baahan haddii aqoonsigaa la helo in ay wada-shaqayntu noqon doonto mid loo baahanayo, iyo inay noqonayso wax si caadi ah iskaga iman doona. Arrinta qaybaha kale ee soomaalidase ma dood baa ka taagan. Sowta la wada og yahay in aan marnaba sidii hore loo wajihi doonin. Maxaa mar walba asaraar aan faa'iido lahayn loogu daalaa?

Haddaba, haddii uu hadalka mudane Geeddi yahay mid uu isagu aamminsan yahay iyo haddii uu yahay mid culays saarani ka keenayba, waa mid xaqiiqo ah. Wuxuu ka turjumayaa dhabta lama-dhaafaanka ah ee ina hor-taalla. In kasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu ay hadalka marba si u dhigaan, oo aanay lahayn mabda' cad oo loogu soo hagaago, haddana waxaa habboon in aynaan durin marka ay xaqiiqada inoo sheegaan. Wax kasta oo gar ah in aynu ka qaadanno ayaa habboon. Mudane Geeddina arrintaa waa uu ku ammaanan yahay.

Waxaynu mar hore maqaal ku sheegnay in dhismaha bulsho habaysan oo xor ah, caddaaladna higsanaysaa uu ku toosnaanayo hab maamul oo la isla oggol yahay, iyo in sidii awel wax loo waday wax laga beddelo. Hababkii hore haddii laga dhaxlay burbur iyo guuldarrooyin waaweyn, laguna hanqaarmay, waxaa fiican in hab kale oo habboon la qaado si hayaanka nololeed hore loogu sii wado, fawdo dambena looga dheeraado. Hab aan ahayn labo maamul oo la kala yeesho – Somaliland oo mid ah iyo Soomaaliya inteeda kale oo mid ah – oo xasillooni dhammaystiran lagu gaadhi karo ilaa hadda lama hayo, ifafaalihiisuna ma muuqdo.

Soomaalida iyo Carabta markii loo fiirsaday waxaa la ogaaday in ay meelo badan iska shabbahaan, hal maamulna aanay si caadi ah isugu wada iman karayn. Carabtu arrintaas way garowsatay, hase ahaatee Soomaalidu waa ay ka meeraysataa. Wax ay ka meeraystoba mar uunbay runta dani tusi doontaa. Midnimaduna sideedaba marka ay hoog iyo khasaare keenayso midnimo ma aha ee waa aafo; aafona in laga dheeraado ayuu Soomaali oo dhan wanaaggeedu ku jiraa.

Haddaba dadka muranka wadaa ha ogaadaan in danta Soomaalidu ay ku jirto maamulladaas aan soo sheegnay oo hirgala. Sidoo kalena ha ogaadaan in falalkooda qaylada ahi ay fadqalallo yihiin, fadqalallano aanay samaan ahayn. Xalku waxa uu ku jiraa in la iska dhaafo fikradaha fadhiidka ah ee aan shaqaynayn, iyo aan xaqiiqada laga gabban ee la wajaho.

Axmed Iid Aadan
ahmediid@gmail.com
ahmediid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD