SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



MARKII CADAWGU INOO TALIYAY! 

Ismail A. Hassan(khaliil)
London, U.K.

khaliilha484@hotmail.com

“Waxaa la ii magacaabi doonaa jagada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waayo waxaa i wadata Itoobiya” 

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka mid yahay shucuubta adduunka kuwa ayaan darrada ugu weyni ka soo gaadhay gumaystayaashii reer Yurub ee miiska korkiisa ku kala qaybsaday quruumaha adduunka ee ay ka itaalka roonaayeen. 

Inta ay gumaysteen ka dib xornimadooda may siin ee qaybo muhiim ah oo dhulka Soomaaliyeed ka mid ayay u gacan geliyeen wadamada deriska ee Itoobiya iyo Kenya iyadoon shacabka dhulkaas waxba laga weydiin rabitaankooda. 

Dhalashadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka dib siyaasadda dawladdihii kala dambeeayay ee xukunka soo qabtay, waxay ahayd in la raadiyo sidii ay dadka Soomaaliyeed ee gacanta wadamada deriska ku jiraa ay aayahooda uga tashan lahaayeen. 

Siyaasaddaasi waxay ahayd mid ka tajumaysa dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo himiladooda in la helo qaran Soomaaliyeed oo ay ku midaysanyihiin shantii gobol ee gumaystayaashu Soomaaliya u kala qoqbeen, taasi oo ay astaan u tahay xiddigta shangeesta ah ee badhtamaha kaga taal calanka Soomaaliya. 

Hadaba cadaawadda iyo dagaalada u dhexeeyay Soomaaliya iyo wadamada la deriska ah siiba Itoobiya ma ahayn kuwa la bilaabmay dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse waa kuwo soo taxnaa muddo dheer  ayna saldhig u ahaayeen siyaasadihii dhul balaadhsiga ee Boqortooyadii Abasiiniyiinta. 

Sida ay taariikhdu ina barayso masiixiyiinta Itoobiya oo ay taageerayaan saancaddaalayaashii reer Yurub, waxay ahaayeen kuwa markasta ku hamiya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen guud ahaanba dhulka Soomaaliyeed ayna u hoos keeni lahaayeen xukunka Boqortooyadooda. 

Soomaalida oo horseed u ahaa Muslimiinta geeska Afrika ayaa iyagu mar walba sutida u hayay dhul ballaadhsiga Xabashida. Heshiisyo qarsoodi ah oo dhex maray Gumaystayaashii reer Yurub siiba Ingiriiska iyo Boqortooyadii xabashida ayaa ugu dambeystii Itoobiyaanka u suurto geliyay inay gacata ku dhigaan qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. 

Hadaba shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumysiga Itoobiya iyagoo taageero hiil iyo hooba ah ka helaya walaaalahooda Soomaaliyeed ee xornimadooda hantay ayay halkii ka sii amba qaadeen halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed, waligoodna isumay arag inay yihiin qayb ka mid ah dhulka Itoobiya balse waxay ahaayeen shacab la gumaysto. 

Jamhuriyadda Soomaaliya oo ahayd dawlad haybad iyo awood ku leh mandiqadda geeska Afrika ayaa mar walba u arki jirtay in uu waajib muqaddas ahi ka saaranayahay taageeridda dhaqdhaqaayada Xornimodoon ee ay ku jiraan Soomaalida la gumaystaa, halka ay Itoobiyaankuna dhankooda ka aaminsanaayeen in sida keliya ee ay dhulkaas ku sii haysan karaan ay tahay in la burburiyo qaranka Soomaaliyeed uuna noqdo mid ay iyagu u arimiyaan. 

Hadaba Itoobiyaanku waxay guushii ugu weyneyd gaadheen ka dib markii ay heleen shakhsiyaad Soomaaliyeed oo iyagu diyaar u ah in ay hawsha burburinta qaranimada Soomaaliya horseed u noqdaan. 

Kooxihii kala duwaanaa ee Itoobiyaanku u deegsadeen burburinta Soomaaliya sida SSDF,SNM.USC iyo SPM ayaa ahaa kooxo ay hamigooda xukun jacayl iyo qabyaaladdu ka indhasaabtay khatarta ay u horseedi karaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

Guushii kooxahan ayaa dhanka kale waxay ahayd dhammaadkii Soomaaliya xor ah oo laga haybaysto. Khudbaddii uu keligii taliye Mingiste Xayle Maryam u jeediyay shacabka Itoobiya dharaarihii ugu dambeysay xukunkiisa ayaa si cad inoogu muujinaysa ujeedooyinkii uu ka lahaa taageeridda waxii loogu yeedhi jiray xoogagga mucaaridka hubaysan ee Soomaaliyeed. 

Hadaladii uu ugu manno sheeganayay shacabka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa inuu burburiyay cadawgii ugu weynaa ee Itoobiya! 

Dhanka kale dawladda Kenya ayaa iyana weligeedba waxay Istiraatajiyo midaysan ka lahaayeen Itoobiyaanka marka  ay noqoto siyaasadaha ku jihaysan Soomaaliya. 

Hadaba arinta isweydiinta mudan ayaa waxay tahay suurto gal ma tahay in cadawgaagii oo aad burbirisay dib isugu soo noolayso? 

Waxaan filayaa in arintaas jawaabteedu iska caddahay, waxaanan si fiican uga dheehan karnaa hadaladii madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi  oo mar uu booqanay dalka Maraykanka xiligii uu socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenaya sheegay in Kenya iyo Itoobiya aanay rabin in mar kale ay dawlad Soomaaliyeed dhalato. 

Hadaba hogaamiyayaasha horbooda siyaasadda Soomaalida ayaa iyagu ahaa kuwo meel kasta oo looga baaqo in shir dib u heshiineed loogu samaynayo Soomaalida iska xaadiriya, iyagoon isla markaana dhanka kale isweydiin siyaasaddaha dawaladahaas ka leeyihiin Soomaaliya. 

Dawladda Itoobiya oo iyadu faraha kula jirtay siyaasadda Soomaaliya tan iyo intii ay ka burburtay dawladda Soomaaliyeed, ayaa ahayd midda saamaynta ugu weyn ku leh hogaamiyayaasha Soomaaliyeed. 

Waxay mudadaas wadanka si deeqsinimo leh ugu soo daldalaysay hub fara badan taasi oo qayb weyn ka ahayd sii hurinta colaadda iyo dagaalada Soomaaliya ka taagnaa. Waxay hadba taageero u fulinaysay hogaamiyihii u dhaga nugul amaradeeda iyadoo isla markaana abaabushay isbahaysiyo iyada ka talo qaata.

Waxay Itoobiyaanku si cad uga horyimaadeen dawladdii Carta maadaama aanay ahayn dawladdaasi mid ay madaxdeeda iyagu soo magacawdeen, taasoo ay fashiliyeen ugu dambeystii iyagoo adeegsanaya dagaal oogayaasha ka amar qaadan jiray. 

Shirkii Kenya ayaa waxa uu noqday fursad ay Itoobiya muddo dheer sugaysay si ay talada Soomaaliya faraha ugu geliso wakiilo iyada ka amar qaata. 

Hadaba markii ugu horeysay taariikhda ayaa qof Soomaaliyeed oo mas’uuliyad sheeganayaa dafiray in ay jiraan Soomaali qarnigan 21aad ku hoos jira gacanta gumaystayaasha. 

Hadaladii uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ka yidhi British Brodcasting Corporation 11kii bishan November ayaa ahaa kuwa aan la yaab ku noqonayn Soomaali badan, marka aad fiiriso shakhsiyaadka hogaamiya Dawladda FKMG Soomaaliya iyo sida ay mansabkaas ku heleen. 

Cali Maxamed Geeddi oo siyaasadda Soomaaliya daaqadda ka soo galay xilli uu gabagabo marayay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya, ayaa u muuqda nin ay karti darro iyo waayo aragnimo la’aan siyaasaddeed isu biirsadeen. 

Markii Col. Cabdilaahi Yuusuf oo Itoobiyaanku taageerayeen loo doortay Madaxweynaha dawladda FKMG Soomaaliya, ayaa dadku aad isu weydinayeen cidda uu u magacaabi doono jagada Ra’iisal Wasaarenimada oo dagaal oogayaal badan hunguri ka hayay. 

Waxaa magaca Cali Maxamed Geeddi iigu horeysay maqalkiisa war aan ka akhriyay mid ka mid ah websiteyada  Soomaaliyeed oo inta badan wuxuu qoro aanan rumaysan. Waxay soo qoreen in nin la yidhaa Cali Maxamed Geeddi oo aan xubin ka ahayn Baarlamaanka uu sheegtay in isaga loo magacaabi doono jagada Ra’iisal Wasaaranimada Soomaaliya. 

Sababta magacaabiddiisa waxa uu ku sheegay hal qodob,  qodobkaasi :  

  • Ma ahayn in uu yahay aqoonyahan Soomaaliyeed oo aan ka qayb qaadan dagaalada sokeeye.
  • Ma ahayn in uu yahay nin kalsooni ka haysta xubnaha Baarlamaanka iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed.
  • Ma ahayn inuu yahay nin karti iyo waayo aragnimo leh oo Soomaalida ka saari kara dhibta iyo dawlad la’aanta ay ku suganyihiin.
  • Ma ahayn in uu yahay nin taageero ka haysta beesha caalamka siiba dawladaha waaweyn oo ay adduunyadu wax la qaban doonto xukuumaddiisa. Ma ahayn ….ma ahayn…

Sababta xilkaas loogu magacaabayo ayaa waxa uu ku sheegay oo keliya in uu yahay “nin ay Itoobiya wadato”!. Waa astaanta(qualification) ugu xun ee siyaasi Soomaaliyeed ku kasban karo jagada Ra’iisal Wasaaranimada iyo masuuliyad kasta oo qaran heerkay doonto ha ahaatee iyo masalo nin damiir lihi in uu afkiisa soo mariyo aan laga filayn. 

Maalmo ka dib arintii sidii la sheegay bay arintii u dhacday. Si jidka loogu sii xaadho magacaabistiisa ayaa Maxamed dheere oo ay isku beel yihiin kana mid ah dagaal oogayaasha gacansaarka la leh Itoobiya u banneeyay xubinimadiisii Baarlamaaka. 

Hadaba ninka xilka sidaas ku helay ma lala yaabi karaa in uu ku hadaaqo hadaladii runta ka fogaa ee uu ka sheegay British Broadcasting Corporation laanteeda Soomaaliga? 

Waxaan shaki lahayn in maanta Jigjiga iyo Jawhar aanay waxba ku kala duwanayn maadaama ay labada meeloodba ka taliyaan wakiilada Males Zanawi, Itoobiyana ay gaadhay ujeeddooyinkeedii ay mudada dheer ku taamaysay ee ku aaddan Soomaaliya. 

Hadaba shacabka Soomaali Galbeed iyagoo abaal weyn u haya walaalahooda Soomaaliyeed aqoonsannaa dadaalkii naf iyo maalba lahaa ee ay u soo galeen sidii ay heeryada gumaysiga uga dul qaadi lahaayeen guud ahaanba Soomaalida gacanta shisheeyaha ku jirta, ayaa hadana mawqifka dawladda Soomaaliyeed oo is bedelaa aanu waxba ka bedeli doonin xaqa ay u leeyihiin in  ay aayahooda ka tashashadaan dagaal iyo nabad mid kii la doonaba ha lagu gaadhee. 

Ismail A. Hassan(khaliil)
London, U.K.

khaliilha484@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD