SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Somalidu ma heshiin kartaa ??

Waad salaaman tihiin saaxiibada Webka iyo Netka.

Hordhac :

Qormadan waxa ay ka tahay qayb dood na dhex martay qaar ka tirsan saaxiibada Webka iyo Netka oo ku saabsan siyaasadda DFKM ee ku wajahan aqoonsiga JSL. Waxa si gaar ah loo xusahayaa magacyo gaar ah oo ay ka mid yihiin Mr. Jaamac oo ku magac dheer ( Baasuuke ) iyo Mr. Cali Warsame oo uu qoruhu ku hal qabsaday.

Weligeedba hadalka hore la iskuma afgarto inta aan hadalo kale la is dhaafsan sidaas darteed hadalada danbe ee ka soo yeeray saaxibada kuwii igu dhaliilay gooni-isu-taagga JSL waxa uu ka qurux badan yahay kii hore ka dib is-qancin dheer oo na dhex martay. Mahadsanid.

Haddii loo soo noqdo inta yar ee lagu kala afkaar duwan yahay aqoonsiga JSL waxa muuqata in aanay xumayn in ay dadku kala afkaar noqdaan. Waayo wiil yar oo dhegaystay AAbahiis iyo Hooyadiis oo murmahaya waxa u qiray in dadku fikirka ku kala duwanaan karo LAAKIIN se marka danbe ay tahay in hal meel lagu guddonsado. Wiilkaas waxa uu u dhabbo kalay waxa uu murankoodu ku saabsan yahay AAbahiis iyo Hooyadiis oo uu muran xoog lihi dhexmaray. Waxa uu soo oogaaday wiilka yari in uu muranku ku saabsan yahay ariga reerku dhaqanahayay in uu bato oo odayaga iyo habartu midba rabo in uu qaab u gooni ah u adeegsado. Odaygu waxa uu rabay in ariga sekada laga bixiyo, in martida laga sooro oo loo qalo, in sadaqadda laga bixiyo oo tolka loo qaaraamo iwm oo markaas uu arigu sidaas ku barakoobo oo uu bahal cuna iyo baylah ba ka badbaado oo uu ka nabad galo in uu lumo ama uu cudur u dabar go'o sidaasna uu ku tarmo oo uu ku bato.

Hooyadu waxa ay rabtay in qaab kale oo ka odayaga ka soo horjeeda loo adeegsado taranka ariga. Taas oo ah in aan neef qura xerada laga saarin. Mid la qalo, mid la bixiyo iyo mid seko laga bixyo toona uusan jirin. Sidaas na uu arigu ku tarmo oo neefkii xerada laga saari lahaa aan laga saarin si midkii xerada laga sari lahaa uu mid kale uu u dhalo markaas na uu arigu sidas ku tarmo oo ku bato.

Wiilkii yaraa waxa u muuqatay in labada ra'yiba yihiin kuwo macquul ah oo sax noqon kara. Sidaas darteed ayuu wiilkii yaraa waxa uu soo jeediyay in labada ra'yi midba mar la tijaabiyo oo fikradda ficil loo rogo si looga war keeno halka ay faa'iidadu ku jirto.

Tusaalaha aynu soo akhrinay waxa uu ina barayaa in 40 sanadood oo ay midnimo-ku-sheeg jirtay laga joogo khasaare iyo fara madow dhinaca hor-u-marka, akhlaaqda iyo nolosha qaybaheeda kala duwan. Hadaba maxaa diiday in fursadda fikradda kuwa kale wqatigooda la siiyo in lagu raaco gooni isu-taaga JSL oo  hadaba la arkay in ay ka faa'iido badan tahay sidii hore iyada oo aan weli la gaadrin aqoonsi siyaasadeed oo buuxa. Midda kale midnimo iyo midnimo la'aan waa laba magac iyo shicaar, astaan ama summad la isku garto ee meesha waxa loo baahan yahay waxa ay tahay in la adeegsado datriiqada hadba kii nafac leh ee nolosha loo maro wax na ka tarahaya.

»MARKII CADAWGU INOO TALIYAY! | Khaliil

Qabaa'ilka ku ku nool JSL dhammaan waxa ay raali ku yihiin maanta oo ay qaateen fikradda ah gooni-isu-taagga JSL oo aan dib loogu noqon maamul ka dhaxeeya Somaliya oo la isku tun-go'ay marka laga reebo in yar oo ka tirsan qabiilka dega Gobolka Sool oo aan badankoodu degaan ku lahayn JSL oo fikrad qaran qabiil ka doortay. Iyada muran kama taagna sohdinta iyo qaranimada JSL meesha ay tahay caalami ahaan. Mana aha arrintu goosasho ee waa kala noqosho xiili iyo xaalad ku yimid. Somalinimadu waa shey muqaddas ah oo lama diidi karo magacuna ninna kama hari karo waana dad wada dhashay LAAKIIN maamulka waa lala kala jeesan karaa. Wax dhib kale ah oo meesha taal ma jirto aan ka ahayn iyada oo aan isku si loo wada oolin. Waxa dhaqankeenna reer guuraaga ka mid ah in reeruhu marna kala guuraan mar kalena soo wada degaan. Hadba sida ay dantu ku jirto and nothing else !   

JSL madax-bannaanideeda ha isku maamulsho iyo shantaba ha la isku maamulo wax muran la geliyo ma ah. Waxa haboon marba kii shaqayn kara in la qaato. Waayo waqtigu waa qaali. 45 sano oo midnimo la raadiyay ayaan wax faa'iido ah laga gaarin. dad iyo xoolo badanna lagu waayay. Labadii xiisaha isula yimidna ay haatan kala xiiso dhaceen. Jabuutina waa tan albaabka hoosta ka soo xiratay. Kuwii kalena waa kuwa hoos sii galay oo aanay muuqan soo na dhoweyn meel lagaga bilaabo raadintooda. Hadaba ma xuma in ay weli sii jirto riyadii Somaliweyn LAAKIIN xaqiiqo ma aha in arrinta maanta laga dhabayn karo. Waxa laga hayaa Boqor Xaylasalase " Isbedelku waa jiraa " waa markii uu inqilaabka ku qabsaday mid ka mid ah waardiyihiisii - Mengisto.

»Ma La Soo Gaadhay Xilligii Maamulka Hargeysa Runta Isu sheegi Lahaa? Waxaan shaki ku jirin in la soo gaadhay xilligii ay dadyowga ku dhaqan Hargeysa iyo Burco runta isu sheegi lahaayeen Guji| Asad
 

Si kastaba ha ahaato waxa ay maanta dantu ku jirtaa oo la doorbidahayaa fikradda ah in shacbiga JSL uu dhammaan taageero gooni-isu-tagga JSL oo xaq ah. Shacbiga Somaliyana aqoonsado. Maxaa yeelay 40 sanadood wax lagu baran waayay weligedna lagu baran mahayo. Dhibta haysta Somalia iyo deganaansha la'aanta siyaasadda qayb ayay ka tahay aqoonsi la'aanta JSL. Maxaa yeeelay Md. Sifr, Md. Cismaan Jaamac, Md. Buubaa iwm ayaa sababay in siyaasadda Somalia ay qaado cudurka loo yaqaan sal-ka-dheele iyo wax aan sugnayn. Wax aan sugnayn dabcan waxba lama saaran karo. Mid kalena waa jirta oo marka laba fikradood la iskala hor yimaad waxa jirta wax lagu kala baxo oo codbixin loo yaqaan ( vote ). Waa dimoqraadiyad iyo sida uu caalamku ku kala baxo.

Hadaba qof ay wax idinka dhaxeeyaan marka uu diido in uu xilladdaada cayaarta ku guro ama uu doorkaaga fursadda ku siiyo in la qaato soo jeedintaada ama fikradaada mar haddii aad doorkiisii kan kale hore u siiyay. Marka uu diido in cod lagu kala baxay uu ogolaan waayo ee uu u hogaansami waayo. Taas markaas macnaheedu soo ma ahan in madaxa la isla galo iyo waxa maanta ka taagan Somalia.

Waxa aan qabaa saxiibayaal hadalkan oo ay inala wadaagahayaan saaxiibo kale oo la isku dan yahay waxa aan kaga baxahaya in la iska dhaafo muranka, indho-caddaynta, madax adayga, cinaadka kii Ibliis oo kale ah ee aan cilmiga ku dhisnayn, werwerka iyo yabaalka ku salaysan waa lagaa tiro badan yahay oo minority ayaad noqonaysaa JSL oo qolo ayaa ku xukumahaysa iwm ee khuraafaadka ah.

Haddii la is-weydiiyo JSL maanta waa ayo cidda kala tirada badan ee la tartansiinayo? Yaa tiro isku raacsan oo wada socota. Waxaas waa dhaqankii hore ee duurka iyo fikraddii qabiilka ku salaysnayd waana laga gudbay. Waxa la gaaray cod-bixin oo ah wax qaali ah oo soo afjartay yabaal oo dhan. Tusaale : Madaxweynaha JSL ee maanta kursiga ku fadhiya ma waxa la oran karahayaa waxa uu ku helay madaxnimda qoladiisa oo badan? Waa maya. Waxa uu ku helay cod iyo dimoqraadiyad xor ah iyo rabitaan dadweyne. Mucaarad iyo muxaafad labadaba isaga ayaa Madaxweyne u ah. Sidaas ma la garan karaa, ma la fahmi karaa oo dhandhan ma idiin leedahay. Mise aragtidu weli ma dhaafsana Madaxweynuhu qolayada ma ah? Ama qolo anagga ah ayaa Somaliya joogta oo aan la dawlad noqonayaa !!

Hadaba ninka diidan afkaarta la soo sheegay waxa laga rabaa in uu keeno afkaartiisa oo qeexan in dadka ay wax ka dhexeeyaan uu qanciyo ee aanu wax walbo is-hortaagin inkiraad iyo indho-caddayn aan wax tarahayn uusan meel la soo is-taagnaan. Midda kale ee la idiinku darahayaa waxa ay tahay shalay ( 1960 ) ciddii ka danbaysay fikradda midnimada Somalia lala midoobahayay waxa ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda degaanka bari ee JSL waana lagu raacay fikradda midnimada iyo rajada Somaliweyn iyada oo la qadarinahayo fikirkooda ay xaqa u leeyihiin in ay shacbigooda u soo jediyaan. Waayo waxa ay ahayd fikrad ugub ah oo xilligaas qurux badnayd LAAKIIN se aan markaas la ogayn khasaaraha ka imaan karahayay. Laba qaawani isma qaado. 40 sano ka bacdi waxa la arkay natiijada iyo waxa ay ku danbaysay oo ay ugu khasaaro badan yihiin kuwii keenay fikrada iyada ah.

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji

Su'aal : Somalidu ma heshiin kartaa ??

Jawaab : Haa. Waa heshiin kartaa haddii si miyirka qabta loo wada hadlo isla markaasna nin walba inta loo badbaadiyo lagu xaq-dhowro qardhaastiisa gaarka ah ee uu xiran yahay. Taas oo loola jeedo in nin walbo loo aqoonsado meesha ay ka haysato laguna tixgeliyo oo weliba lagu xaqdhowro. Mid waxay ka haysataa Ina Cabdalla Xassan Darwiish buu ahaa oo ingiriis ayuu la dagaalay. waa in loo daayo oo lagu tixgeliyo. Waayo intaas ayuu aakhiro iyo aduunba ka hayaa oo ay ka qabsatay! Mid kale waxa ay ka haysataa goofkayga. Kaasna waa in goofkiisa loo daayo! Mid kale waxa ay ka haysataa aniga ayuun baa wax ah. Kaasna haddii aan loo shidahayn saaladiisa oo aan si fiican looga cuudinahayn wuu is-galay waa in loo aqoonsado! Mid kale waxa ay ka haystaa Somaliba ma ihi haddii aan helayo dhoof! Kaasna ha la dhoofiyo! Mid kale waxa ay ka haystaa suuq madow iyo xoolo aruurs! Kaasna waa kan ugu daran ee aan dalkana dan ka lahayn ee ha loo  daayo daasadahiisa uu aruursdaday! Mid kale waxa ay ka haystaa in aan la dhihin waa lagaa tiro badan yahay! Kaasna qabiili dhaha oo gabdhaha ka guursada! Anigana kolley waxa ay iga haysataa JSL oo madaxbannaani siyaasadeed gaartay oo kelideed is-maamulshay!! Taasna hambalyo iyo  hanii'an dhaha! Iyada ayay wax waliba ku dhan yihiin....

Aragtidii Dadweynaha ee Sool/Sanaag ee 2001

Waxa aan ku soo gebogebaynayaa sheekada si wax loo kala faa'iidaysto in laga fogaado wixii keenahaya khilaaf loo kasay oo loo bareerahayo. Waxa aan idinka ilaabay in aan idiin sheego oo aan idiinku bushaareeyo in la hayo sirtii ugu danbaysay ee laga helay Madaxda dawladda FKMG ee Somalia muwaafaqo iyo in ay diyaar u yihin wada jir aqoonsiga JSL iyaga oo raaligooda ah.....Yaan lagaaga dheerayn dirista kaarka hambalyada " Greeting Cards" . Inshaa Allaah.

Mahadsanid.

Ducaale Hadal-wanaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005

 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD