SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 


BAAQ

Baaq  ay soo Saareen Aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Nov 22, 2005

Annagoo ah xubnaha magacyadoodu hoos ku saxiixan yihiin waxaan halkaan ummadda Soomaaliyeed ugu soo gudbinaynaa dareenkanaga iyo dhiiladda ay nagu reebtay hadal uu wasiirka koowaad ee dowladda federaalka ku-meelgaarka ah Dr. Cali Maxamed Geeddi dhawaan ka sheegay idaacadda BBC-da (British Broadcasting Corporation) mar uu wareysi siinayey 11kii November 2005.

Mudane Dr. Cali Maxamed Geeddi, wuxuu yiri waan aqoonsanaynaa Soomaaliland (gooni isku-taaga waqooyiga Soomaaliaya) goosashadeeda haddii ay aqoonsadaan qaar ka mid ah dalalka shisheeye. 

Haddaba kulamo aan yeelanay ayaan kaga niqaashnay kuna falanqeynay hadalkaas aan loo meeldeyin ee wasiirka koowaad. Waxaanna ka soo saarnay qodobbadan:  

  1. Waxaan ka codsanynaa marka ugu horeysa  in wasiirka koowaad ee dowladda federaalka ku-meelgaarka ah Dr Cali Maxamed Geeddi, uu si cad uga noqdo hadalkii uu yiri 11kii November 2005 ee uu ka yiri BBC-da, oo ah “waan aqoonsanaynaa Soomaaliland (gooni isku-taaga waqooyiga Soomaaliaya) goosashadeeda haddii ay aqoonsadaan qaar ka mid ah dalalka shisheeye”
     
  1. In midnimada ummadda Soomaaliyeed muqaddas tahay waxaa lagu xardhay axdiga ku-meelgaarkaa.. Dr Cali Maxamed Geeddi oo noqday wasiirka koowaad ee ugu horreeyey  oo ka raallinoqday kala-goynta waddanka Soomaaliya tan iyo intay xornimada ka qaateen gumeystayaashii, ayada oo aan afti laqaadin, lagana qaadin soomaali oo idil, ay mujinayso tixgalin la’aan axdiga soomaaliyeed oo ka dhan ah wasiirka koowaad ee Dowladda Federaalka ku-meelgaarka ah Dr Cali Maxamed Geeddi,
     
  2. Waxaan u soo jeedineynaa xubnaha labada Gole iney gutaan waajibkooda qaran ayna ka soo baxaan xilkii loo dhaariyey; waxaan halkan ku xuseynaa in hadal uu yiri mudane Dr Cali Maxamed Geeddi ay tahay sharci dhaaf, ayna si aad ah wax u yeeleynayso jiritaanka iyo xuduuda cayiman ee dalka Soomaaliyeed, isla markaana waxaan ka codsanaynaa xubnaha labada Gole, si xilnima ah in ay u su’aalan wasiirka koowaad mudane Dr Cali Maxamed Geeddi, xubnaha labada Gole waa in ay xilkooda gutaan, xilkaas oo ka saarnaa ummadda Soomaaliyeed ee xuduuda cayiman ee dalka Soomaaliyeed inaan la kala qaybin.
     
  3. Waxaan codsanaynaa in Mudane Dr Cali Maxamed Geeddi uu san jaahwareerin ummadda Soomaaliyeed, sababta oo ah waxaa si cad isku diidan  axdigi iyo fikirkiisa siyasadeed ee khaaska ah , oo mujisay tixgalin la’anta ku aadan kala goynta dalka Soomaaliyeed, ama horseedida kala goynta dalka Soomaaliyeed iyo xilka wasiirka Koowaad oo ah midaynta iyo ilaalinta ummadda Soomaaliyeed ee ku jira xuduuda cayiman ee dalka Soomaaliyeed.
     
  4. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed  meel kasta ay joogaanba inay mowqif mid ah iska taagaan ka-soo-horjeedka hadallada kasoo yeeray ra`iisul-wasaare Geeddi oo ah arrin ku cusub siyaasadda Soomaaliya, ahna mid baraarujinaysa waddo cusub oo lagu kala goynayo jamhuuriyadda Soomaaliya.
     
  5. Waa in beesha caalamka iyo dhamaan inta daneysa arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Uruka Islaamka, Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, Jaamacdda Carabta, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub aysan ku kadsoomin hadalka kasoo yeeray ra`iisul-wasaare Geeddi oo ah hadal khilaafsan rabitaanka bulsho weynta Soomaaliyeed iyo axdiga ku-meelgaarka ah ee ay ku heshiiyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeybgashay shirkii dib-u-heshisiinta qaran ee ka dhacay dalka Kenya. Waxaa shirkaas ka qeybgalay ergo badan oo ka soo jeedday  gobollada Waqooyi Galbeed kana mid noqday xubnaha labada gole. Waxaanna ku ammanaynaa ururradaas caalamiga ah mowqifkooodii hore ee ay ku taageereen midnimadda dhulka Soomaaliyeed. Waxaana si weyn u cambaareyneynaa dowladaha iyo shaqsiyaadka si toos ah iyo si dadbanba ugu ol’oleynaya kala googa`a Soomaaliya ayadoo waddamo badani dib u middoobeen sida Jarmalka.
     
  6. Waxaan mudan in la xuso isla markaana ku ammaaneyna madaxweynaha Soomaaliyeed C/hi Yuusuf sida cad ee uu usheegay inaan loo kala goynkarin Soomaaliya Waqooyi iyo Koonfur ee ay tahay hal waddan.
     
Waxaa baaqa wadajir u soo saaray:

Cawaale Cali Kullane Uk

C/Rashiid Maxamuud Ciise Uk
Cabdi Xayi Cusmaan Garaad
Asad Caddaani Ibraahim Soomaaliya
C/waaxid Cabdullaahi Khaliif Uk
Maxamed Khayr Macalin Biljem
C/shakuur Cali Mire Uk
C/casiis Maxamed Shire Uk
Maxamed Mukhtaar Uk
Saciid Cawil Ixaaq Uk
Cabdullaahi Maxamed Barre USA
Xuseen Abdi nuur Cilmi Denmark
Maxamed  Sh C/qaadir  Uk
Xasan A Shirwac  Uk
Mursal Xasan Cali Kenya
C/raxmaan Ismaaciil Shire USA
Sharmaarke Maxamud Cali USA 

Jawaab iyo talo bixin la xiriira Baaqan waxaa lagu hagaajin karaa:
Awale Ali Kullane | awale@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005

 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD