SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Barnaamijkii Radio Xoriyo
02 December. 2005 
  • Ciidamada Itoobiya oo qasab ku rarey dadwaynaha Barraajisle.
  •  
  • Shirar lagaga hadlayay xasuuqii oo ka dhacay Minesota iyo Finland.
  •  
  • Askar Itoobiyaan ah oo Eritereya isu dhiibay.
  •  
  • Madaxda mucaaradka ee xidhan oo deeq bixiyayaasha canbaareeyay.
  •  
  • Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Horaan uga tashanay)
 
 ====================== 
 
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qorraxey ayaa sheegaya in ciidammada gumeysiga Itoobiya ay sii wadaan bara-kicintii ay ku hayeen dadwaynaha Gobolka Qorraxey. Wararkii ugu denbeeyay ee gobolkaas ka yimid ayaa sheegaya in ciidammada nacabka ah ee gumayisga Itoobiya ay si qasab ah uga rareen dadwaynihii degganaa tuulada Barraajisle oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Qabridaharre markii ay bisha Nofember ahayd 29.
 
Warku wuxuu intaas ku darayaa in qaar ka mid ah dadwaynihii tuuladaas degganaa oo aad u diifaysani ay gaadheen magaalada Qabridaharre. Qaar badan oo dadkaas ka mid ah waxaa ku yaallay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaadhay jidhdilkii ay ciidammada gumaysigu u gaysteen. Waxaa la xaqiijinayaa in tuulada Barraajisle ayna cidi kaga hadhin dadwaynihii degganaa oo ciidammada gumaysigy ay dhammaantood qasab kaga rareen.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa beryahan denbe billaabay inay bara-kiciyaan dadwaynaha ku dhaqan tuulooyinka yaryar, iyagoo guud ahaanba gubaya tuulooyinka, isla markaana dadka deggan ka xaaqaya. Waxaana Barraajisle wax yar uun ka horraysay tuulada Fooljeex oo ciidammada gumaysigu ay gubeen 45 guri oo ku yaallay iyo raashiin badan oo dadwaynuhu lahaa.
 
Sargaalka ugu sarreeya ciidammada gobolka Qorraxey ayaa mar uu daba-yaaqadii bishii hore u hanjabayay dadwaynaha magaalada Qabridaharre sheegay in ciidammadu ay gubayaan tuulyin toban ah oo ay ka mid yihiin Galadiid, Farmadow, Garigo’an, Gabagabo, Dalaad iyo magaalo yar oo Jiica lagu magacaabo.
 
Shirar lagaga hadlayay xasuuqii oo ka dhacay Minesota iyo Finland.
 
Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa qabatay shir ballaadhan oo si wayn loo soo abaabulay, kaasoo oo 26-kii Nofember ka dhacay magaalada Minneapolis. Shirkan waxaa lagaga hadlayay xasuuqii ay ciidammada Wayaanuhu ka gaysteen magaalada Qabridaharre 15-kii Nofember iyo gubistii ay gubeen tuulada Fool-jeex.
 
Shirkan waxaa ka soo baxay go’aamo ay ka mid yihiin; In qoraallo dacwad iyo cabasho isugu jiro loo gudbiyo dawlada Maraykanka, heer gobol iyo heer dawlad dhexeba, in dacwado shakhsi ah lagu soo oogo keligii taliye Meles Zenawi iyo saraakiisha xasuuqan gaysatay, in la qabto bannaanbaxyo lagu diiddan yahay xadgudubyada uu taliska Addis Ababa u gaysto dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo in hiil iyo hooba la isla garab-taago Jabhadda xaq u dirirka ah ee JWXO.
 
Sidoo kale Jaaliyada Ogaadeenya ee Finland ayaa magaalada Helsinki ku qabatay shir wayn oo lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo xadgudubyada ay ciidammada gumaysigu u gaystaan dadwayanha Soomaalida Ogaadeen 27-kii Nofember.

Shirkan, oo ay ka soo qayb galeen dadwayne gaadhaya 200 oo qof, waxaa aad loogu canbaareeyay falalkii waxshinimada ahaa ee ciidammada Itoobiya ay ku xasuuqeen dadwaynaha magaalada Qabridaharre iyo maxaabiista iyo gubistii ay gubeen magaalada Fool-jeex, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay ka soo horjeedaan qiyamka iyo mabaadii’da xuquuqul insaanka.
 
Askar Itoobiyaan ah oo Eritereya isu dhiibay.
 
Siddeed askari oo Itoobiyaan ah oo tababar u joogay dalka Israa'iil ayaa isu dhiibay safaarada Eritereya ku leedahay waddanka Israa'iil, sidaas waxaa khamiistii sheegay Raadyo Israa’iil. Raardyuhu wuxuu sheegay in siddeedan askari ay tababar u joogeen dalka Israa’iil, hase yeeshee ay xeradoodii ka goosteen seddex maalmood ka hor.
 
Safiirka Eritereya u fadhiya dalka Israa’iil Tesfamariam Tekeste ayaa sheegay in askartani ay soo galeen gurigiisa, ka dibna ay magangelyo siyaasadeed Eritereya ka codsadeen, isla markaana dalbadeen in loo geeyo xubno qoysaskooda ka mid ah oo Eritereya ku dhaqan. Askartan ayaa maalintii arbacada ahayd diyaarad gaar ah loogu qaaday dalka Eritereya.
 
Wasaarada arrimaha dibada ee Israa’iil ayaa sheegtay in baxsashadan la yaabtay, isla markaana ayna sinaba lug ugu lahayn baxsashada askartan.
 
Dhinaca kale afar askari oo Itoobiyaan ah ayaa dhintay, seddex kalana way dhaawacmeen, ka dib markii ay miino la kacday baabuur ay wateen oo marayay dhulka millatariga ka caaggan ee dhinaca Itoobiya kaga dheraran xadka u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya, sidaas waxaa talaadadii sheegay ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey.
 
Askartan ayaa u kala safrayay markii miinadu la qaraxday magaalooyinka Sembel iyo Badme.
 
 
Madaxda mucaaradka ee xidhan oo deeq bixiyayaasha canbaareeyay.
 
Madaxda xisbiga mucaaradka ah ee CUD ee taliska Meles xabsiga dhigay ayaa canbaarayn u soo jeediyay dalalka deeqaha siiya xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo Itoobiya siiya caawimo gaadhaysa 1,9 bilyan oo doollar sannad walba.
 
Madaxda CUD ayaa sheegay in dalalka deeqahan bixiya ay ku guul darraysteen joojinta ama wax ka-qabashada dadka mucaaradka taageera ee taliska Zenawi sida wadarta ah u xidhxidho iyo suxufiyiinta uu jeelashada ka buuxiyay, si uu uga jawaabo kacdoonkii ka dhashay musuqmaasuqii doorashada.
 
Madaxda xisbiga mucaaradka ah ee CUD iyo suxufiyiinta xabsiga lagu hayo ayaa cuntada ka soomay, laga billaabo maalintii isniinta ahayd, iyagoo sheegay inay arrintaas kaga cabanayaan xabsiga sharci darrada ah ee lagu hayo. Madaxda mucaaradku waxay sheegeen inaanuu jirin wax denbi ah oo ay galeen.
 
“Wax denbi ah oon galnay ma jiro. Waxaan u xidhanahay oo kaliya mawqifka siyaasadeed een kaga duwanahay dawlada, sidaas waxaa yidhi Berhanu Neg, oo ka mid ah madaxda sarsare ee xisbiga CUD”.
 
Wuxuu kaloo intaas ku daray mar uu la hadlay suxufiyiin loo fasaxay inay la kulmaan inay go’aansadeen inay cuntada ka soomaan, laga billaabo isniinta. Waxaan qaadan doonaa buu yidhi “cabbitaan oo kaliya”.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa madaxda xisbiga CUD ku qasabtay inay suxufiyiinta la kulmaan, si ay u muujiso inaan madaxdaas jidhdil lagu samaynin, hase yeeshee madaxda CUD oon lo oggolaanin inay hadal dheer jeediyaan ayaa sheegay in 30 daqiiqo oo kaliya maalintiiba loo oggol yahay inay dibada uga soo baxaan qawlada yaree ay ku jiraan.
 
Radio Xoriyo
02 December. 2005
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ciidamada Itoobiya oo Gubey Tuulada Fooljeex
Ciidamada Xabashidu ayaa dab qabadsiiyey tuulo u dhow Qabridaharre.. Akhri halkan ama Dhegeyso halkan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD