SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

  • Nov 22, 2005: Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland oo u codeeyey in laga jawaabo hadalkii Geedi. Codaynta ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, kaddib markii arrintaas laga dooday ayaa xubinihii baarlamaanka Puntland badankoodu (Aqlabiyad) u codeeyey in jawaab lag abixiyo hadalkii Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaalida loogu soo dhisay Kenya. Baarlamaanka Puntland shaaca kama qaadin waqtiga jawaab sugan laga bixinayo hadalka Geedi.

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Gubey Tuulada Fooljeex oo 11km u jirta Magaalada Qabri Dahare..

HALKAN KA DHEGEYSO TUULADA LA GUBEY...

"Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, Gumeysina kuma jiraan" Geedi

DHEGEYSO SIDII LOO GUBEY TUULADA FOOLJEEX


"Haddii uu Geeddi inkiray dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta gumaysiga Itoobiya, su' aasha iswydiinta mudani waxay tahay Itoobiya ma nabad gelin doontaa dadka uu sheeganayo in uu Geeddi Ra' iisulwasaaraha u yahay ee ku nool gabollada laga taageersanyahay dowladda uu garwadeenka u yahay?" Sidaas waxaa yiri qoraa Soomaaaliyeed...
DHEGEYSO COD OOGOOS AH... Guji..

Nov 22, 2005: Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxey ayaa sheegaya in xasuuqii Ciidamada Itoobiya u geysteen Magaalada Qarbri Dahare bishan Nov 15, 2005 uu ku sii fidayo guud ahaan Gobolka Qoraxey.

Warku wuxuu sheegayaa in fal dambiyeedyadii ugu dambeeyey ee ay Ciidamada Gumeysigu kula kacaan shacabka Ogadeeniya ay ka dhacdey shalay oo taariikhdu ahayd Nov 21, 2005 tuulada FOOLJEEX oo 11 km u jirta Magaalada Qabri Dahare. Halkaas oo ay Ciidamada cadowga Itoobiya dab qabadsiiyeen dhamaan tuulada oo dhan.

Wariyaha Ogaden Online uga soo waramaya Gobolka Qoraxey ayaa shegaya in Tuulada Fooljeex ay taaley hanti aad u badan oo ah dalagii beeraha Gobolka Qoraxey ka soo go'ay sanadkan, sida Maracaato iyo Banka Qoraxey halkaas oo si daabul ah lagu keenay Fooljeex oo ku taala meel caro adeyg ah, iyadoo lagala soo cararey Roobabkii  dayrta iyo Daadad halis geliyey in ay la tagaan.


Ogaden Online Staff
staff@ogaden.com

Waraysigii Radio Xorriyo: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre
GABAY KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005  


Shir looga hadlayay Xuquuqul insaanka iyo xasuuqii Q/daharre oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Nov 15, 2005: Waxaa magaalada Qabridaharre ee dhulka Soomaalida xogga looga haysto lagu xasuuqay maxaabiis ku xirnaa magaaladaas iyo dad rayid ah. [Eeg halkan].. ama [HALKAN KA DHEGEYSO FOCUS ON AFRICA...]

Shir si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybqaleen ugaasyo, salaadiin, aqoonyahano iyo dhamaan qaybaha bulshada Sida Haweenka iyo dhalinyarada,iyo masuuliyin ka tirsan Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadeniya ayaa ka dhacay Xarunta wadanka Kenya magaalada Nairobi taariikhdu markay ahayd 20 Novembar 2005.

Shirkaas oo ku bilawday jawi aad u dagan ayaa waxa aayado qur’aan ah ku furay Sayid Xasan Cabdilaahi ,halka uu gabay Gubaabo ah ka so jeediyay Abwaanka weyn ee caanka ah Ahmed Sheekh Cali (Heelaale) gabaygaas oo ka hadlayay soyaalkii taarikheed ee halganka Ogadeniya iyo dhibaatoyinkii loo soomaray halganka Ogadeniya ka socda .

Gabaygaas oo kasoo qaybgalayaashii shirka dareenkooda aad usoo jiitay aadna u qiira galiyay ayaa dadka wajiyadooda waxaa ka muuqday Murugo aan laqiyaasi Karin.

Kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Suldaan Aden yuusuf (Taani) oo kamid ah xubnaha Golaha dhexe ee JWXO ahna ku xigeenka Hay’ada daba galka ee JWXO.
Suldaanku wuxu ka warbixiyay xaalada uu halganku marayo. Iyo xalada guud ee ay ku sugantahay Itoobiya.

Wuxuu kaloo ka hadlay xasuuqi loo gaystay Dadkii rayadka ahaa ee 15kii bishan November 2005 lagu xasuuqay xarunta gobolka Qoraxay ee Qabridahare wuxuna cadeeyay in uusan ahayn markii kowbaad iyo markii u danbaysay ee cidamada Itoobiya ay xasuuqaan dad aan waxba galabsan markasta.
Wuxu xusay Suldaanku xasuuqii shilaabo ee dadkii BBC-da dhagaysanayay lagu laayay kii Farmadow ee 26 bishii October lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan oo isugu jiray dumar iyo rag aan wax danbi ah galin iyo 23 bishii October oo Daakhato lagu xasuuqay dad farabadan.

Waxaa uuna shegay in ay joogta yihiin falalka noocaan ah ee ay cidamada gumaysiga Itoobiya kula kacaan shacabka Ogadeniya .

Ugu dambayntiina wuxuu Suldaanku tacsi u diray dhamaan shacabka Ogadeniya gaar ahaan ehelada iyo qarabada ay ka tageen shuhadadii lagu xasuuqay dhamaan goobahaas uu shegay. Gaar ahaana midii Qabridahar ee dadkii shicibka ahaa sida naxariis darada ah xabada loogu furay.

Waxaa hadalkii la wareegay Ugaas Cabdulahi Cabdi Aar ( Laba qayad).
Ugaasku wuxu ugu horaynba tacsi u diray dhamaan shacabka ogadeniya gaar ahaan ehelada ay ka ka tageen shuhadada lagu xasuqay Qabridahare.
Isaga oo muujiyey Ugaasku sida u uga xunyahay falka waxshinimada leh ee lagula kacay maxaabiista iyo dadka rayadka ah ee aan waxba galabsan.

Ugaasku isaga oo aad u xanaaqsanaa wuxu canaan usoo jeediyay Guud ahaan dadka reer Ogadeniya ee ku dhaqan dalka Kenya isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin dad Fulayaal ah oo aan dareenkooda muujin karin wuxuuna yidhi Ugaasku sidan:
Ma aha inta aan Guri isugu nimaadno aan ku wada had-hadalo ee waa in aan boodhadh qaadano oo aan isu soo baxno oo aan ku mudaaharaadno banaanada si aan caalamka ula socodsiino dhibaatada uu shacabka Ogadeniya ku hayo taliska Addis ababa waxaa kale oo ugaasku si gaar ah u canaantay ganacsatada Reer Ogadeniya ee ku dhaqan Kenya isaga oo sheegay in aysan jirin cid ka hanti badan isla markaana tilmaamay sida ay uga jiifaan taagerada Halganka wuxuna ku tilmaamay in ay yihin Dad kaligood noolayaal ah oo anan dhibka la qaybsan dadkooda
Gabagabadi hadalka waxa uu ugaasku eed dusha kaga tuuray beesha caalamka isaga oo shegay in ay ku guul daraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada iyo xasuuqa isirsifaynta ah ee gumaysiga itoobiya ku hayo dadka Rer Ogaadeniya.
Ugu danbayn wuxu ugaasku besha caalmaka iyo Hay’adaha xuquuqul insaankaba ugu baaqay in ay so faragaliyaan arimaha ka dhacayaa Ogadeniya.


Kadib waxaa hadalka qaatay suldaan Cabdilaahi Gabaabe (Suldaanka beesha Garaha) suldaanka oo kasoo qayb qaatay halgankan kii ka horeeyay ee 77(Ogadenwar) wuxuna si kooban uga hadlay Soyaalka taariikheed ee dalka Ogadeniya wuxuna ugu baaqay dadka Ogadeniya in ayna ka caajisin Halganka isaga oo shegay in uusan dhamaan Gumaysigii hase ahatee uu haatan ugu daranyahay wuxuuna Soomaalida Ogadeniya ugu baaqay in ay umidoobaan cadawgooda.

Suldaan gabaabe wuxuu tilmaamay in uu dhibka iyo cadaadiskuba wada saameeyay Guud ahaan dadka ku dhaqan gobalka isaga oo tusaale usoo qaatay xasuuq ka dhacay badhtamihi sanakdan Tuulada Areero ee dagmada Mooyaale ee gobalka Liibaan halkaas oo ay cidamada wayanuhu kudileen dad kabadan 70 qof oo u badan dumar iyo caruur waxaa kale oo uu suldaanku ku nuuxnuuxsaday inaanu magaca Ogadeniya qabiil ahayn isaga oo sheegay inuu lamid yahay magacyada Kenya Jibouti Somalia ee ay gumaysatayaashu bixiyeen waxaanu nasiib daro ku tilmaamay inay wali jiraan dad sidaa aaminsan.

Waxaa isna hadalgaaban kasoo jeediyey madasha shirka suldaan C/llaahi M. Askar suldaanku wuxxu kahadlay halganka 100ka sano inkabadan kasocday wadanka iyo dadaalka ay jabhaduhu samaynayen iyo sida markasataba uu halganku uga dhutinayo dhanka shacabka waxaanu ku dhaliilay shacabka iyo ganacsatada inay gabeen taageerada halganka islamarkaana wuxuu ugu baaqay inay taageeraan halganka xaqa ah ee ay jwxo hormuudka katahay.
Dhinaca hooyooyinka waxaa iyana kahadashay shirka Cibado Daahir oo kucanaanatay salaadiinta iyo odayaal dhaqameedyada inay gabeen kaalitoodii hogaaminimo iyo abaabulkii bulshada halgankuna uu dhinacadooda kajiifo. Waxayan ku dhiri galisay in ay boodhka iska jafaan dalkooda iyo dadkodana xil iska saaraan.

Waxaa hadal gabo gabo ah kusoo xidhay shirka Suldaan Aadan Yuusuf (Taani) waxaanu ooga waramay dadka xaalada ay haatan kusugan tahay siyaasada Itoobiya iyo inay bur bur ku dhawdahay waxaanu ugu baaqay inay udiyaar garoobaan siday uhanan lahaayeen wadankooda.
Gaba gabadi shirka oo lagu soo khatimay gabay uu meesha ka tiriyay Abwaanka caanka ah ee Axmed Shekh Cali (Heelaale) ayay ahayeen Go’aamadii kasoo baxay shirka kuwan:

1: In taageero buuxda lala garab istaago halganka Hubaysan ee kasocda Ogadeniya ee ay hormuudka ka tahay JWXO.

2: In besha caalamku si dag dag ah wax uga qabato Gabood falada Hadh iyo habeen ay lasoo tagantahay Itoobiya.

3: In dhacdadii Xuusuqa ahayd ee dhawaan ka dhacday Qabridaharre beesha caalamku kula xisaabtanto Itoobiya wixii ku haboona ay la kulanto Itoobiya.

4: In la sameeyo banan baxyo ka dhaca meel walba laguna muujiyo xasuuqyada Itoobiya ka gaysatay Ogadeniya.

5: In hay’adaha xuquuul insaanku si dag dag ah uga hawlgaan Ogadeniya si ay usoo xaqiijiyaan dadka marwalba lagu laayo Ogadeniya.

6: In reer Waqooyigu ka waantoobaan Dhibka ay ku hayaan shacabka Ogadeniya ee walaalahooda ah ee ay marwalba ku dhibayaan Hargaysa iyo Burco soona daayaan dhalin yarada sida xaqdarada ah ugu xidhan jeelka Hargaysa hadi kale dhibku si socon doono

Haguulaysto Halganka Ogadeniya.
Haguulaystaan Shabka Ogadeniya ee ma dalayasha ah.

Jaaliyadda Ogadenya ee Wadanka Kenya
Nairobi

###

Shir lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre oo ka dhacay Wadanka Denmark

Jaaliyadda Ogadenya ee wadanka Denmark ayaa shir dagdag ah isugu timid maalinimadii Sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 19-11-05.

Shirkaas oo ka dhacay xarunta jaaliyada ee caasimada Copenhagen ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark oo ay ka dhex muuqdeen madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

Waxaa kaloo shirka kasoo qayb galay shacabweynaha Ogadenya ee ku nool Denmark oo ay wajiyadoodu ka muuqatay cadho aan la qiyaasi Karin.

Shirkan oo lagaga hadlayay xasuuqii foosha xumaa ee ciidamada gumaysiga wayaanuhu ku xasuuqeen maxaabiistii iyo shacabkii magaalada Qabridahare ayay madaxda jabhada ee ka qabygashay shirkaas siiyeey dadweynihii wararkii ugu dambeeyey ee kusaabsanaa xasuuqaas iyo siday wax u dhaceenba.

Dadweynaha kasoo qayb galay shirkaas oo aad wajigooda ka akhrisan kartay siday uga xumaayeen xasuuqaa iyo cadhada ay u qabeen gumaysiga itoobiya ayaa wacad isku marsaday inay hiil iyo hooba la garab sitaagaan jabhada wadaniga xoraynta ogadenya,waxaa kaloo kasoo qaybgalayaashii shirka ay si buuxda iskugu raaceen inay gurmad dagdag ah u fidiyaan maxaabiista inta dhaawaca ah,intii la xasuuqay eheladoodii iyo weliba shacabkii ku wax yeeloobay xasuuqaas.

Waxay kaloo isku afgarteen kasoo qayb galayaashii shirka inay sida ugu dagdaga badan u qabtaan banaanbax lagaga soo horjeedo gumaadka iyo xasuuqa ciidamada wayaanuhu ku hayaan shacabka Soomaalida Ogadenya.

Cirro
Denmark

###

Shirka Birmingham, UK
Saturday 19 November 2005

Malintii sabtida ahayd ee 19/11/2005 waxaa magaalda Birmingham, cariga ingiriiska kadhacay shir aad u balaadhan ,Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dad fara badan oo matalahayey ururada bulshada. Siyaasada, aqoonyahanada iyo cuqaasha Ogaden kuwaas oo kakala yimid magaalooyinka Birmingham, Northhampton iyo Coventry. Shirkaas waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Ogaden ee Birmingham.

Arimo farabadan oon halkan lagusoo wada koobi karin ayaa shirka lagu qaadaa dhigay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gumaadka iyo xasuuqa joogtada ah ee uu gumaysiga Ethiopia ka wado Ogaden. Sidoo kale, wuxuu shirku falanqeeyay walaacna ka muujiyay sida naxariis darada ah ee ay maleeshiyada Hargeysa u xidh xidho ama cadawga ugu dhiibto dadka Ogaden.

Ugu danbayntiina wuxuu shirku soo saaray gu’aamadan iyo baaqyadan hoos kuxusan:-

1. In Cadho iyo diidmo laga muujiyo gumaadka iyo xasuuqa joogtada ah ee Gumaysiga Ethiopia kawado Ogaden. Tusaale ahaan, Qabridahare, Farmadow iyo Shilaabo …..iwm ayaa ahaa dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee uu gumaysigu kulaayo dadwaynaha rayadka ah ee Ogaden.

2. In la taageero, bogaadiyo lana dhiirigalo dadwaynaha Ogaden ee kugacansaydhay qafaalka iyo raafka uu taliska Tigeegu kawado Ogaden. Taas oo ay ujeedada kadanbaysa tahay in uu ciidan ku uruursado; si uu uga horgeeyo dagaalka uu kula jiro wadanka Eritrea kaas oo khatar galinaya guud ahaan nabadgaliya Geeska Afrika oo awalba qasnayd.

Si labadaas qodob ee kor kuxusan ficil loogu muujiyeyo, wuxuu shirku ugu baaqayaa dhamaan jaaliyadaha Ogaden ee kadhisan aduunka dacaladiisa in ay hawlgalo kala gadisan bilaabaan kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan Gumaystaha Ethiopia ee ay maleeshiyada Tigreegu horkacayso. Waxaa si gooni ah shirku u carabaabay:-

a) Kubanaanbixida safaaradaha gumaysigu kuleeyahay meelkasta oo aduunka kamid ah, sidoo kale dhaamaan masuuliyiinta Gumaysiga ee boqanaya wadamada dibada. Wuxuu shirku jaaliyadaha kacodsanhayaa in qodobkan sida ugu dhakhsahabadan loo hirgaliyo.

b) In Qoraalo iyo warbixino saxaafadeed laga soosaaro Xasuuqa iyo Qafaalka Gumaysigu kawado Ogaden, iyada oo la adeegsanhayo qalabka warbaahinta aduunka ee kala gadisan.

c) Aruurinta magacyada dadka wax yeelada naf iyo hantiba lahi ay ka soogaadhay Gumaadka iyo xasuuqa gumaysiga siloogu gudbiyo ururada udooda xuquuqul insaanka sida Amnesty International.

d) In Waraaqo iyo dhanbaalo isdaba joog ah uu qofwaliba udiro Xubinta Baarlamaanka ee xaafadiisa/dagmadiisa (MP) iyo wasaarada arimaha dibada (Ministry of Foreign Affairs) ee dalka uu ku noolyahay. Kuwaas oo lagu qeexahayo falalka bani aadam’nimada kabaxsan ee uu Gumaysigu kawado Ogaden. Waana in aan cadayno in ay dhibaatadaasu na taabanayso. Sidoo kale, ka codsano in Gumaysiga culays dhinaca diblamaasiyada ah lasaaro, si uu uga waantoomo xumaynta iyo dulaysiga Shacabka Rayadka ah ee Ogaden.

3. In la canbaareeyo maleeshiyada Hargaysa ku amartaaglaysa kuwaas oo si dulmi ah u xidhxidha ama gumaysiga udhiiba dadka udhashay Ogaden.

4. In loo mahadnaqo dadwaynaha Ogaden ee dibada/qurbaha kunool kuwaas oo taageero hiil iyo hooba leh lagarabtaagan dadkooda gudaha kunool iyo guud ahaan arimaha khuseeya qadiyada Ogaden. Sidoo kale, waxaa mahad naq mudan dadwaynaha Ogaden ee degaankii kusugan kuwaas oo dulqaad iyo adkaysi badan muujiyey dhulkoodiina kufara adaygay.

5. Si loo qiimeeyo wixii qabsoomay hawshana loo sii balaadhiyo wuxuu shirku ugu danbayntii go’aamiyey in la’isugu soolaabto shirwayne danbe kaas oo la’isku afgartay in uu ka dhici doona magaalada Northampton bisha December/2005.

Gudidii qabanqaabada shirwaynaha soosocdana waa lamaqacaabay, waxaana lagala soo xidhiidhi karaa hiinraag@yahoo.co.uk

Shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada Ogadeenya ee ku dhaaqn wadanka koonfur

Afrika taariikhdu maarkay ahayd 19/11/05 ayay shir isugu yimaadeen dhalinyarada Ogaadeenya ee Ku dhaqan nawaaxiga magalaad Johannesburg shirkan oo aad loosoo agaasimay ayaa
waxaa soo qaban qaabiyaya unugta Johannesburg waxaana isugu yimad dhalin yaro
aad u xamaasadaysaan kana tiiraanyasan xasuuqii kadhacay magalaada q/darahe 15
bishan ee loo gaystay maxaabiistii sida sharci darada ah ugu xidhnayd xabsiga
dhexe ee Q/dahare iyo bulshada rayadka.

dhalinyaradu waxay tacsi u direen dhamaan umada Ogaaadeenya gaar ahaan eheladii iyo asaxaabtii ay marxuumiintu ka tageen waxayna illahay uga baryeen in uu unaaxriisto intii geeriyootay inta dhaawaca ahna caafimaad iyo xoriyadoodii oo u soo noqota dhalinyaradu waxay canbaarayn usoo jeediyeen taliska wayaanaha ee dhiigyacabka ah iyagoo ku
tilmaamay arintani in ay tahay mid si fiican uga markhaati kacaysa ujeedada
itoobiya ee ku salaaysan dad cunimada iyo dulimi ku noolaanshaha.

dhalin yaradu waxay beesha caalamka iyo hay'adaha u dooda xuquuqul insaankaba ka codsadeen in la cambaareeyo dawlada itoobiya ee caadayastay ku tumashada xuquuda daadka ay gumaysato dhalinyaradu waxaa kale oo ay taageertaay baaqa ay JWXO kasoo saartay dhacadadan naxdinta leh waxayna Amaan usoo jeediyeen dhalinyaradu Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya oo si hufan isaga xilsaartay ilaalinta iyo ka danqashada shacabka Ogaadeenya ee gumaysigu daashaday ugu daambaystii dhalin yaradu waxay balan qaaday in ay si waafi ah isu garab tagayaan halagnkooda xaqa ah iyagoo sii wadi doona kulamadooda si ay u buuxiyaan kaalinta kaga Aadaan hawlaah halagnka hadii eebe idmo waxayna u soo jeediyeen dhamaan dhalinyarada Ogaadeenya meel ay joogaanba inay isu taagaan una dhiidhiyaan gobanimadooda waxay xuseen inay dhalinyaradu tahay udub dhexaadka bulsho waliba leedahay ee ay ku dhaadato sidaas darteed loobaahan yahay ina ay dhalinyaradu ka muuqato
kaalinteeda si dag gad ahna loo aas aaso urur dhalinyaro oo isku xidhan

Raxmaad keenadiid Johannesburg

ISHA:: Wararka Radio Xorriyo...


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD