SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Geeddi ma ka dhegaystey "British Brodcasting Corporation" wixii ka dhacay deegaanka Fooljeex ee Qorraxey waxse mayskabeddeleen gefkiisii qaawanaa? 

Maxammed Ibraahin  ws wr wb
deeq64_1@hotmail.com

Wakhti badani kama soo wareegin markii geeddi lahaa majiraan dal iyo dad soomaaliyeed oo la gumaystaa ka dib markii ciidammada Ethiopia ay dab qabadsiiyeen deegaan iska dhan iyagoo aan kala soocin maato iyo rag, dembiile iyo dembilaawe. 

Itoobiyaanku weligood maalin kama qadin xasuuqa iyo dilka dadka Soomaaliyeed laakiin tan waxaad moodaysey in ay jawaab degdeg ah Tikreegu siinayeen Geeddi oo ay lahaayeen Geeddi ha qaldamin waa jiraa dad Soomaaliyeed oo la gumaystaaye. 

Weligeedba waa jirey nin dhuuni qaate ah oo kula midab iyo af ah oo cadawgu adeegsado isagoo mansab ka raadinaya laakiin waxaan aad ulayaabay hadalkii geeddi ee nin kasta oo damiir leh anfariirka ku ridey ragga ku tilmaamay hadal geesinimo leh oo weliba cilmi ku qotoma( cajiib ), kuwaa waxaan ku tilmaamo ma garanayo oo aan ka ahayn dameeri dhaan raacday. 

Haddaba su’aashu waxay tahay Geeddi iyo kuwa la ra’yiga ahi hadda ma garwaaqsadeen gefkooda ka dib markay tusaale cad ka bixiyeen Itoobiyaanku Fooljeex/Qorraxey? 

Ugu dambayn waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegayaa in aynu nahay dad walaalo ah cid kastana iska xiga, waxaanan aamminsanahay in xitaa haddaynu toban ”Land” noqono oo mid kasta gooni loo ictiraafo aynaan meel kala tegayn oo aynu nahay dad aan wax kala teedayaa jirin.Taa waxaan uga jeedaa waar ha ku habsaamina S/weyn, S/land, P/land iwm  oo innagu aynu isu dambayno ee aan marka hore cadawga il qudha ku wada eegno(haddii tu sare timaaddo tu hoose laga teg). 

Maxammed Ibraahin  ws wr wb
deeq64_1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005  


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD