SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

ADIGU XABASHIGA MAXAAD DHAANTAA?

Proff. Wacdaan
Mustefe Guudoow Jimcale
Minneapolis, USA
wacdaan@yahoo.com

 
Waxaan goob makhaayada ah ugu soo galay laba kooxood oo kala taageersan Suudi Yalaxoow iyo Qanyare xaga diidmada dowladnimadana isku baheysta. Raggaasi waxaa ay lahaayeen hogaamiye kooxeedyada Muqdisho waa niman amxaarada diidan balse wixii somali dan u ah ogol. 

Maalin kadib ayaa balankii Qanyare ka baxay isaga oo ku eedeynaya in Dowlada ay u adeegto Xabashi, weligiisna uu xabashi u tanasuleyn, waxaana uu qanyare sheegtay in uu hubkiisa la tagayo meel kastaa cid uu aminayana ayan jirin. 

Kooxdii Suudi ayaa arintaa ka carootay, waxaana ay jecleysteen in arinta Qanyare hubsiimo la gesho, lagana warsuga halka ay wax ku dhammaadaan. Sida lagu yaqaan taageerayaasha Qanyare waxaa ay toobinka saareen xabashi iyo wixii laga sugaaba in ay tahay dhibaato, waxaase ay aragtidaasi badashay shucuurkii raggii danwadaaga ahaa ee xukuumada somaliyeed meesha uga soo wada horjeestay. 

Taageerayaashii Muse Sudi ayaa halmar afka furtay kalmadii ugu horeysay ay yiraahdeen ayaa aheyd Adiga xabashiga maxaad  dhaantaa, Waxaana ay aheyd kalmadaasi ama noqotay Turning Point ay ka dhalato dood aad u fool xun, iyo gocasho xumaan hore u dhacday, iyo taariikho aaanan dhagaha la siin karin. 

Taageera yaashii Suudi ayaa markiiba ku abtirsaday Cali Maxamed Gheedi, sheegayna in ay iyagu yihiin kuwo taladoodu cidna ayan ka hor imaan karin awoodna wax ku maquunin kara hadii loo baahdo, waxaana ay sheegeen in Qanyare uusan danaha somaliyeed hor istaagi karin. 

Waxaa yaab igu noqotay qofka danaha ummada somaliyeed hortaagan qofka uu yahay, iyo waxa uu hortaagan yahay. Dadweynaha somaliyeed gaar ahaan weliba gaar ahaan shacabka muqdisho ku dhaqan waxaa ay kala garan la,yihiin danta guud iyo mida gaarka ah. Dowlad la'aanta waxaa ay la wadaagaan ummada somaliyeed, balse waxaa iyaga u dheer magaca caasimada oo ceeb iyo dulmi casimad u noqotay. 

Ninka ku doodaya danaha somaliyeed baa la hortaagan yahay, waxaa ay ila tahay in uusan garaneyn danaha uu ka hadlayo, sababta oo ah waxa dhibku ku saaidka yahay waa isaga, waxa is ciilayana waa isaga, hadii uu runsheegyahay asagu dantiisa ha garto ileyn awood sare uga imaanesyo sida ciraaq ku dhacday oo kale ma jirto. 

Waxaan soo xasuustay kalmadii Mudane Cabdulqadir yaxye uu ku tilmaamay somalida Muqdisho ku sugan oo aheyd in ay yeesheen dhaqan yaab leh oo cid uu ka suuroobo ayan jirin marka laga reebo duurjoogta. 

Cabdulqadir yaxye Allaha u naxariistee waxaa uu sheegay in duurjoogu ay iska agtaagan tahay bahalkii shalay iyo maantaba laayay beri markuu gaajoodana usoo noqonaya, markuu dhargana agseexda, oo ay agtiisa daaqaan. 

Arintaa waxaa ii xaqiijiyey ereybixinta cusub ee ah beelaha aanan hubeysneyn oo baryahay internetka buuxshay dhibka lagu hayo, cid u hiilineysa ma jirto kuwo ka hiiliyo mooyee, waana nasiib daro heysata kuwa taageero raga dhibkaa aanan ka hadleyn ee meelfog tooshka ku haya.

Proff. Wacdaan
Mustefe Guudoow Jimcale
Minneapolis, USA
wacdaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005  


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD