SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.


C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....


DHEGEYSO COD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...
Waraysigii Radio Xorriyo: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre
GABAY KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)


GEEDDI IYO GEF-TAARIIKHEEDKIISA:::

»Ogaadeenya oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay | maax
»Maansada "GARBADUUB": Gabay ku socda Geeddi II
»Maansada "GARBADUUB": Gabay ku socda Cali Geeddi II | M.A.C/lla
»DABARKA IYO HOGAANKA AYAA U GO’AY KUWII SL KA HOR JEEDAY
»LA MOOD CIYAAR GOROYO | A. M. Yusuf
»C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Max'ud Sifiri waa Siyaasiyiin jecel midnimada
»FOOLJEEXEY SIDEE TAHAY | Maax

»
Shirar lagaga hadlayay xasuuqii oo ka dhacay Minesota iyo Finland

»Gubida Tuuladda Fool Jeex ee Gobalka Qoraxeey
»CODAD GOOGOOS AH::: GEFKII DR. GEEDDI  - DHEGEYSO
»Golaha Midnimada iyo Badbaadada ka soo horjeestey hadalkii Geeddi

»Baaq:  kalsooni kala noqosho Xukuumada Madax-weyne C/lahi Yusuf
»GABAY: DACWO- Gabay ku socda C/Lahi Yusuf | Dhagaafe

»Geeddi ma dhegaystey wixii ka dhacay deegaanka Fooljeex ee Qorraxey
»ADIGU XABASHIGA MAXAAD DHAANTAA? |
Proff. Wacdaan
»
Meded: Saarkii nacaybkow soo deg | Cige

»GEEDIYOW LAGU MOOD NOQONSE WEYDAY | Axmed
»Somalidu ma heshiin kartaa ?? | Ducaale
»
MARKII CADAWGU INOO TALIYAY! | Khaliil
»Ma La Soo Gaadhay Xilligii Maamulka Hargeysa Runta Isu sheegi Lahaa?. | Asad
»Fadqalalladu ma samaan baa? | Axmed Iid
»
XUSUUSIN: XIRIIRKA TAARIIKHEED EE SOOMAALIYA iyo XABASHA
»
Waan baahanahay Baqtiga looma Cuno  | Mutafa
»FAHAD YAASIIN TALO IGA HOO | Jama Abdilahi Suleiman
»
Geeddi: Haddii Somaliland Go’do waxba kama Qabno..| C/waaxid
»Tiisa daryeela tu kale ku dara!  | Ikraam
»Jawaabihii Prof. Geedi dad bay jinni waalan ku rideen !! | Ducaale
»
Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi & Ra'iisal Wasaare Geedi | C/lahi
»CAR WAA NINKA AASSA MEYDKA (QABRIDAHARE) | Hereri
»QABRIDAHAR : MAGAALO LABA CADOW LEH, KEEBAY LA DARISTAA
»Jawaabta ninka sida sawiradda habla dhabanka u haysta Fahad Yaasiin
»GEEDIYOOW SOOMAALI GEFBAAD KA GASHAY | Hereri
»Fahadow: Geeddi ma Zenaawi baa Eryi Kara Mise Cabdillaahi Yuusuf? | Cabdi
»Maxammed Ibraahin: Geedi in lagaga Mudaharaado Belgium
»
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa | C/Waaxid
»Jufada Jawhar Markay Jaahwareenaan Maxay Itobiya ugu Cararaan
»Madaxweyne C/Laahi  Xilka Ka Qaado Cali Max'ed Geedi  fahad


WARAR:::

Dec 6, 2005: Cali Maxamed Geedi waxa uu kusoo laabtay Jawhar kadib markii uu safar ku tegey Maali caasimadiisa Bamako halkaas oo kaga qayb galay shir Afrika. Waxana uu safarkaas maray Nairobi iyo Jabuuti.

Nov 30, 2005:  Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Geedi, ayaa ka dhoofay Jawhar... [Eeg halkan...]

Nov 29, 2005: Waxaa magaalada jawhar heshiis ku kala saxiixday Itoobiya iyo Soomaaliya, heshiiskaasi wuxuu dhigayaa in Dowladda Itoobiya ay istimcaali karto Dekedaha Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo... [Eeg halkan...]

Nov 27, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa ku soo laabtay magaalada Jawhar, Soomaaliya. Intii uu dalka ka maqnaa waxa uu la soo kulmay Ra'iisul wasaaraha daalka Itoobiya. Warbaahinta looma sheegin in Geedi uu Zenawi kala hadlay xasuuqii Qabridarre iyo tuulada Fooljeex ee ay gubeen ciidamada Itoobiya, maadaama uu Geedi hore u sheegay in haddii dadka Soomaaliyeed (ee sida uu sheegay aan gumeysiga ku jirin ee ku hoos nool Itobiya iyo Kenya) in haddii la dhibaateyo uu dawladahaas (Kenya & Itoobiya) kala hadli doono. [Eeg halkan...]

Nov 23, 2005: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Geedi, ayaa Nairobi waxa uu kaga qayb galay shir loogu magac daray JNA.. [Eeg halkan...]

Nov 23, 2005:  Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac, oo u waramayey idaacad ka soo hadasha Australia, isagoo ka jawaabayey hadalkii Geedi, waxa uu yiri: Prime Minister-ku (Ra'iisul wasaarahu) wuu khaldanaa, Charterka (Dastuurka) Federaalka Soomaaliya qodobada ku qoran waxaa ka mid ah in midnimada Soomaaliya ay muqaddas tahay, Siyaasada Dawlada Federaalkuna waxay ku shaqayneysaa midnimada iyo isu keenida dawladii Burburtay, marka laba siyaabood ayuu u khaldamay Ra'iisul wasaaruhu, mid waxaa weeye Charterkii uu ku shaqaynayey wixii ku qoraa wuu khilaafay, tan labaadna waxaa weeye siyaasadii dawladiisa Federaalku ay ku soconeysey wuu khilaafay, Arrintaasi waxay u taalaa dawlada Federaalka, gaar ahaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, xaggayaga baarlamaankayaga ayey  hadda hor taala waana ka tashanayaan. Marka Arrin khaldan ayey ahayd si khaldan ayey uga baxsadatay, taasna meeshii ku shaqada leh ayaa kula xisaabtameysa. [Dhegeyso halkan...]

Nov 22, 2005: Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland oo u codeeyey in laga jawaabo hadalkii Geedi. Codaynta ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, kaddib markii arrintaas laga dooday ayaa xubinihii baarlamaanka Puntland badankoodu (Aqlabiyad) u codeeyey in jawaab lag abixiyo hadalkii Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaalida loogu soo dhisay Kenya. Baarlamaanka Puntland shaaca kama qaadin waqtiga jawaab sugan laga bixinayo hadalka Geedi.

Nov 21, 2005: Ciidamada Itoobiya ayaa dab qabadsiiyey tuulada Fooljeex oo u dhow magaalada Qabridaharre. Ciidamada Itoobiya waxa ay dab qabad siiyeen ugu yaraan 40 guri. [Eeg halkan] | [Dhegeyso sida loo gubey tuulada Fooljeex]

Nov 21, 2005: Cali maxamed Geedi ayaa soo gaarey Nairobi, kaddib markii uu soo maray magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, safarkiisii talyaaniga iyo Belgium ka dib.

Nov 19, 2005: Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi... [Eeg halkan]

Nov 19, 2005: Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Hotel Saxafi ku yeeshay kulan lagu soo dhisay guddi ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah Shariif Saalax, Avv. Xasan Dhimbil, Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) & C/fataax Rashiid kaddib markii kulankaas laga akhriyey warqad lag asoo daabacay SomaliTalk oo ah tii uu Fahad Yaasiin u diray Madaxweynaha DFKMG, warqadaas oo kaga ilmaysiisay qaar kamid ah xildhibaanada... [Eeg halkan]

Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa gaarey dalka Talyaaniga, isagoo kasoo kicitimay Belgium. Markii uu gaarey magaalada Roma waxa uu dad la kulmay u sheegay in wax iska bedeleen socdaalkii u qorshaysnaa ee ahaa in uu Talyaaniga booqasho ku joogi lahaa dhawr maalmood, laakiin uu war degdeg ah ka helay Jawhar ah in uu dhaqso ugu laabto, sida uu sheegay si uu uga qayb galo dib u heshiisiinta ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku imanayaan magaalada Jawhar.

Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geedi oo jooga Belgium ayaa yiri: “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.” [Eeg halkan]

Nov 16, 2005: Cali M. Geedi oo gaarey Belgium oo su'aal laga weydiiyey kala hadalka isaga iyo madaxweynaha ayaa yiri: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. [Eeg halkan]

Nov 16, 2005: Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. waxana uu yiri “Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo. [Eeg halkan].

Nov 16, 2005: Wafti ka socdey dawladda Itoobiya oo maalmahaas joogey magaalada Jawhar ayaa heshiisyo kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya.

Nov 15, 2005: Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka (muqdisho) Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran - isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada Soomaaliyeed. [Eeg halkan..]

Nov 15, 2005: Waxaa magaalada Qabridaharre ee dhulka Soomaalida xogga looga haysto lagu xasuuqay maxaabiis ku xirnaa magaaladaas iyo dad rayid ah. [Eeg halkan].. ama [HALKAN KA DHEGEYSO FOCUS ON AFRICA...]

Nov 15, 2005: Waftigii uu hoggaaminayey Cali Maxamed Geedi ayaa gaarey dalka Talyaaniga, iyagoo uga sii ambabixi doona Belgium [Eeg halkan]

Nov 13, 2005:  Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa  ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxan uu u duulay Addis Ababa si uu ula sii kulmo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless Zinawi, intii aan Geedi usii ambabixin dalka Belgium. [Eeg halkan..]

NOV 11, 2005: Cali Maxamed Geedi ayaa yiri "Dadka iyo Dalalka Soomaaliyeed waxay maqnaan jireen waagii gobanimo doonka, laakiin sidii gobannida dalku u qaatay, dalalka deriska iyaguna gobanimo ayey qaateen.... Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, gumeysina kuma hoos jiraan..." [HALKAN KA DHEGEYSO]


 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD