SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
DHEGEYSO CODAD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

BAYAAN.
 
BAYAAN AY SOO SAARTAY
JAALIYADDA ABSAME EE KOONFUR AFRIKA.
 
Thursday, 24 November 2005.
 
Ayadoo lala wada socdo dhibaatada dhabta ah ee ka jirta gobolka ay Soomaalidu degto ee Itoobiya gumaysato (Ogaden/Soomali-galbeed), balse adduunku uu indhaha ka qarsanayo, ayaa haddana waxaa maalmahan danbe soo ban-baxay in ciidamada gumaysigu ay  ku wadaan xasuuq arxan la’aan ah ummadda ku dhaqan gobokaas, dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ummadda gobolkaas ku reebtay raad aan marnaba go’aynin, ayaa waxay kala ahaayeen dilkii waxashnimada ahaa ee loo gaystay maxaabiistii ku xidh-xidhnayd xabsiga Qabri-Dahare 15/11/2005, kuwaasoo si ula kac ah loo laayay, falkaasoo weliba cadaynaya xad-gudubka joogtada ah ee gumaystuhu kula kaco ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaas, waxaa taa soo raacay, naxdintii murugada lahayd ee gubista tuulada Fool-Jeex 21/11/2005 ee lagu waayay in ka badan 45guri iyo dalagii soo baxay ee lagu uruuriyay tuuladaa, taasoo  dhinaca Bari ka xigta magaalada Q/dahare ayay taasi waxay  ku tusinaysaa sida waxshinimada ah ee ay ciidamada gumaystuhu ula dhaqmayaan shacbiga degan gobolka.
 
Sidaa daraadeed waxay Jaaliayaddu Ilaaheey uga baryaysaa in uu Alle u naxariisto dhamaan dadkii ku geeriyooday xasuuqyadii kala duwana iyo gaar ahaan kuwoodii ugu danbeeyayba, Allena uu sabar iyo iimaan ka siiyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladoodii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeenba.
 

Haddaba

 
Ayadoo og Jaaliayaddu dhibka lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ee degan gobolka.
Ayadoo og Jaaliyaddu in ay tanina ka mid tahay qaababka uu gumaysigu adeegsado isagoo ku wiiqaya shucuubta uu gumaysto.
Ayadoo og Jaaliyaddu in gumaystuhu uusan wax raali gelin ah ka bixinin falalkiisii gumaadka ku salaysnaa.
Ayadoo og Jaaliyaddu in xukuumad goboleedku aysan wax talaabo ah ka qaadin ilaa iyo hadda dhacdooyinkaas asal goynta ku salaysan iyo sal kicintaba.
 
Ayay Jaaliyaddu waxay talooyinka hoos ku qoran u soo jeedinaysaa ummadda Soomaaliyeed ee gumaystuhu ku amar ku taaglaynaayo guud ahaan gobolka Qoraxeey, gaar ahaanna magaalada Qabri-dahare iyo tuulooyinka ku dhow dhow sida degaanka Fool-Jeex.
 
  1. in ay ku dadaalaan cabsida Eebbe isagana ku xidhnaadaan.
  2. in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, gaar ahaan deegaanka ay waxyeelada ba’ani hadda soo gaadheen ay isku dardaarmaan sidii ay ugu nagaan lahaayeen goobahooda iyaguna isugu tashan lahaayeen, isla markaana ay dib u dhistaan guryihii laga gubay, koleey ku tahay in ay balbalo ka taagtaan oo ay cadceeda ka galaan, taasina waxay ka tarjumaysaa sida dhabta ah ee ay dadku ugu diyaarka yihiin in dhulkooda ku gaajoodaan doog iyo diraacba.
  3. in ay gacmaha is qabsadaan kuna dadaalaan midnimada meel kastooy joogaan, ayagoo u doodaya xuquuqdooda bini’aadinimo iyo tooda aasaasiga ahba.
  4. in ay ku dadaalaan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen dhibaatadooda, ururada u dooda xuquuqaha dadyawga tabaalaysan ee la gumaysto, iyo waliba inay gudbiyaan hadal midaysan, kolka ay u yimaadaan ururada hawlahaasoo kale ku jidha.
Haddaba waxay Jaaliyadda Absame ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika ku dhiiri-gelinaysaa, dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasa oo ka joogo adduunka in uu cambaareyn u soo jeediyo falalka foolxumada ah ee lagula dhaqmayo shacabka Soomaali Galbeed, gaar ahaan waxay Jaaliyaddu u soo jeedinaysaa Jaaliyadaha Soomaali Galbeed iyo kuwa Absameba ee ku dhaqan wadanka dibadiisa iyo gudahiisaba, inay iyaguna si hagar la’aan ah ugu soo jeedinyaan cambaareeyn kulul gumaystaha fashiistiga ah.
 
Ugu danbayn waxay Jaaliyadu ka codsanaysaa ururada iyo dadka samafalka jecelba in ay gar-gaar deg-deg ah la gaadhaan  goobahaas ay wax-yeelada ba’an ee mood iyo maalba lahi ay soo gaadhsiiyeen ciidamada gumaystaha.
 
Wuxuu ka soo baxay
Xafiiska Arimaha Xidhiidhka Dibadda ee Jaaliyadda Absame.
Koonfur Afrika.
absameilink@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD