SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
DHEGEYSO CODAD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

Qabridahare waa in laguu aara. Waadna leedahay Awood kuu aarta

Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan saxaafada Soomaaliyeed waxaa kale oon si gaar ah u salaamayaa inta jecel Soomaalinimada, kana diiraysa walaalahooda lagu bahdilayo Ogaadeenya ee uu gumaysiga dhiigyacaba halkaas ku bahdilayo.

Waxaan doonayaa in aan qormadan idiin soo gudbiyo kaas oo igu reebtay xasuus. 15, Nov 2005 waa maalin anan iloobi Karin oo kamida maalmaha marwalba markaan xasuuto qalbigaygu si noqonayo. Waxaa Magaala Q/Dahare ee xarunta gobalka Qorahay lagu laayay dad shacad ah oon waxba galabsanin & kuwo uu Gumaysiga Itoobiya ku jidhdilayay xerada Mulatariga ee loo yaqaano Dhuuma-Dhuumaadka.

Akhristoow waagii cusuba war leh aniga oo aad u tiiraanyaysay oo ka xun dhacdada bahalnimad leh ee uu gumaysigu u gaysatay dad weynaha aan waxba galbsanin, ayaan booqday webka Qorahay Online, waxaana ugu tahay qoraal cod ah oo markay ishaydu ku dhacday oo markiiba furay cinwaankuna wuxuu ahaa sidan Anu waaban mayee, Wacad waxaan ku marayaa ama aniga laywaa ama waasan kuu bari. Markaan furay waxaa ka soo baxay cod aad qalbigaygu u lulay oo ka turjumayaa dhacdad dhacaday waxaan markiiba garwaaqsaday in aan khiyaali ku noolahay waajibna ay tahay in aan u guntado sidii aan dulmiga uga qaadi lahaa dadkayga. Waxaan horaan ahaa qof dantiisa iska raaca waa 3 sano kahor oon waxna diidin xilna isa saarin waxaanse ogaaday in ay tahay waxaan ku noolahay oodhan wax aan ii cuntamaynin ilaa aan gar-gaar siiyo dhamaan inta u dagaalamaysa in ay dulmiga lagu hayo iska kiciyaan.

»Baaq  ay soo Saareen Aqoonyahanno Soomaaliyeed

Akhristoow waxaad Ogaataa Aduunkan aan maanta ku noolahay wuxuu soo maray gumaysi & isku dul noolaadho, waxaadna arkaysa ama ay taariikhdu ina bartay in Gumaysiga shayga kali ah ee lagaga bixi karo in uu yahay dadka la gumaysan haya oo arin meel isla dhiga taas oo ah in ay muujiyaan Midnimadooda & In ay isku tashadaan taas markii la helo waxaan shaki ku jirin inta doonaysa in ay wax gumaysato in aynan helaynin qaab ay wax ku gumaytaan.

Hadii aan wax yar Jaleeco Taariikhda Ogaadeenya, waa waddanka kali ah een xabadiisu joogsanin dadkiisuna aan wali isdhiibin, Qowmiyadda gumaysata Ogaadeenya ee Abasiinya waxay caan ku tahay in ay wax gumaysato gumaysiguna wuxuu ka soo bilowday ayaga dhexdooda, Boqor tootooyinkii iska dhaxli jiray xukuumadda Itoobiya midwalba midkii ka horeeyay isaga ayaa dilay, Xayle Salaase xoog ayuu ku qabsaday, Xayle Maryan sidoo kale Meles xoog ayuu ku qabsaday, Hadaba ma waxaad filaysaa in ay adigi kuu naxayaan dadka dadkodii sidaas u galaya. Dagaalkii ay ururadii ladagaalamayay Mingiste waxay aheed ama ay u adkaysan wayee sida uu Mingiste u gumaadayo qowmiyadihii kale ee Itoobiya ku dhaqnaa sida Ururkii TPLF oo Tigree ahaa madaxna uu u ahaa Meles Zenawi waxaan arki jiray Diyaaradaha Garaaci jiray baadiyaha caasimadda Tigree ee Maqala ayaga oo soo duqeeya reeraha baadiyaha yaala ee Tigree, waxaana maanta arkaynaa kuwii sidaa loo gali jiran in ay maantana Q/Dahare ku qawracayaan shacabka Ogaadeenya ee u ooman Xoriyadda siday iyaguba u rabeen.

Waxaa shacabka Ogaadeenya la gudboon in ay ku dhaqaaqaan sidii ay uga hoosbixi lahaayeen Gumaysiga taas oo ah in ay u guntadaan sidii ay shacabkoodo u gaadhsiin lahaayeen in ay aayahooda ka tashadaan, Umad walbiba Aayaheeda Inay garato iyadaa leh Umadwalba waxaa dadkooda xoriyadda gaadhsiiya waa dhalin yarada, kuwaas oo abaabula ama sameeya ururo sida Ururka Dhalinyarda oo marwalba u horseeda aaya ka talinta Umadiisa. Waxaan shaki ku jirin in ay maanta waa jibkeedii Gudatay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ama ONLF, Ujeedadii loo aas aasan ururkan waa midka uu maanta ku taagan yahay waana mida maanta meeynaya Umadda Soomaaliyeed ee mudada ku soo jiray gumaysiga, Akhristoowa Dagaaladii badnaa ee lagu xoraynaya dhulka Ogaadeenya xagay ku danbeeyeen yaase burburiyay? Waxaan filayaa in uu jawaabta qof walba garan karo, waxayna tahay ujeedada uu markaas huwanaa dagaalkaasu & kan maanta ah aad ayay u kala duwan yihiin.

Dagaalkii 1977-98 Waxaa waday Dawladii Soomaaliya iyaga ayaana maamulayay siday rabaana ka yeelanay markii ay siyaasada Itoobiya ee caalamka ku guulaysatay maalin cad ayaa dhulkii la xoreeyay laga dareeray ee ay Umaddii Soomaaliyeed ku burburtay waxaana look ala tagay Xabaal & Ninkeed. Itoobiya oo cadhaysan & shacabkii Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ayaa look ala tagay waxaana ka dhacay xasuuq kii ugu xumaa waana mida keentay in ay dadkii qaxootinimo ku yimaadaan waddaka Soomaaliya.

Hadaba arintaas mayaa markale lagu dayi karaa waa maya jawaabtu, maxaayeelay cudud looma waayin ay dawladii Soomaaliya ku kixiso Ciidankii Mingiste ee waxaa ka hiiliyay isuna kaashaday caalamka oo dhan waana mida ay Itoobiya ku doodaysay ee ahaa in waddakii Itoobiya soo weerantay Soomaaliya, waana mida keentay in Soomaaliya ama lagu siiyo in ay ka baxdo.

Ururka maanta taladda dadka haye ee ONLF wax garadkii markaas usha u hayay waxay arkeen in aynan marnaba sedan ku xoroobi Karin mar hadii dadka wadanka xoraynaya loo arko in ay Jamhuuridda Soomaaliya dad ka yihid, waxayna aas aaseen 1984 Ururka ONLF oo ah ururka maanta dagaalka kulu kula jira Dawladda Itoobiya hadii ay helaan awooda wadankoodana lama dhihi kara ka baxa lakiin waxay noqonaysaa in wadda hada la galo lana waydiiyo waxay doonayaa oo ah in ay ka G'oaan Itoobiya.

Waxaan dhacabka Ogaadeenya kala talin lahaa in ay Taageero buuxda la garab istaagaan umadooda una guntadaan sidii ay waddankooda u hanan lahaayeen shaki kuma jiro in ay Itoobiya goor aan fogayn in ay burburi doonto sidii dhacday 1991 oo ay ka faaiidaysteen intii xooga Milatari lahaa sida Tigree & Eretariya, Maxaa inaga inoo diiday in aan ka faaiidaysano. Maanta waxaan arkaynaa ururka ONLF cududiisa & 6 sano kahor siduu ahaa markaad siyaasto ayaad garan farqiga u dhexeeya waa aqood lagu xisaabtami karo laguna tashan karo waa in aan garab istaagnaa dhanaan umadda Soomaalida Ogaadeenya.

Aniga oo u arki jiray in ay ONLF tahay niman u badan qurbaha oo dacaayad uun wada oo markaan webka fiiriyo waxaan ku arki jiran waxaan gubnay 6 gaadhi oo ciidan ah waxbana kama bixin ayaan dhihi jiray war nimanku been badanaa lakiin waxaan indhahayga ku soo arkay Awooda ay leeyihiin & sida ay waddanka u maamulayaan waana mida igu kaliftay in aan Taageero shuruud laaan ah siiyo waxaana arkay in ay yihiin cudud lagu faani karo oo maanta hadii ay Itoobiya burburto qabsan kara waddanka Ogaadeenya.

Waxaan maqaalkayga ku soo gaba gabaynaa Qabri-Dahare way leedahay awood u aarta wiilashii lagu xasuuqay halkaas umana ciilqabo oo waxaan hubaa in ay ONLF Jawaab ku filan ka bixin doonto dhacdadaas.

Maax Ibrahim

maaxbadan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD