SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Aqoonsiga Somaliland ayaa Fure Unoqonkara Nabad Kadhalata Koonfurta Soomaaliya.
 
Faallo: Aadan yusuf qodax hargaysa Somaliland
 
Waxaa laga yaabaa in bahwaynta akhrisata shabakadaha internetka ay todobaadkii tagay siweyn ulasocdeen doodaha iyo fikradaha kala duwan ee laga bixiyay hadalkii raiisal wasaaraha dawlada kumeel gaadhka ah ee somaliya prof. cali maxamed geedi, kaga jawaabay su,aalihii laga waydiiyay aqoonsiga somaliland.

 Hadaba jawaabta prof. geedi waxay farxad galisay guud ahaan dadka somaliland oo imika aaminsan in c/laahi yuusuf  iyo raiisal wasaarihiisu ogolyihiin in somaliland la aqoonsado, iyadoo dhinaca kalena c/laahi yuusuf laga  maqlay tibaaxo sheegaya in uu kuwargaliyay itoobiya iyo midawga Africa in uu raali kayahay hadii ay aqoonsadaan somaliland .

Waxaa sidoo kale hadalada raiisal wasaare geedi kacadhaysiiyay dadka u ololeeya midnimada somaliya oo qaarkood dalbadeenba in prof.geedi shaqada laga eryo.

"Dadweynaha ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag ,Haylaan yo Cayn run ahaantii hadalkaasi waxa uu ku noqday Hadal aanay ka filayn mas’uul sida Geeddi oo kale ah oo xil qaran  haya, waxayna la yaabeen ugu horayn waxa lagu magacaabo Somaliland goobta uu u yaqaano, ma waxa uu u yaqaanaa, Burco iyo hargeysa, mise wuxuu sheegayaa dhulkii ingiriisku gumaysan jiray midowga ka hor."
Asad (Laascaanood)... Guji...

Marka hadaba akhriste arinka loo dhabo galo waxaa cad in hogaanka dawladii lagusoo dhisay nairoobi garwaaqsaday in Somaliland buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo iyo somaliya oo wali taagan halkii ay taagnayd 1991kii oo ay tahay in somaliland loo oglolaado waxaa ay uqalanto oo ah wakhtigii lafasixi lahaa kolhadii aanay jirin wax astaan dawladnimo ah oo koonfurta kasoo naaso cad.

Waxaase cad in iyadoo hogaankii dawlada kumeelgaadhka ahi si rasmi ah ugu dhawaaqin aqooniga somaliland ay hadana lakulmeen durba cadho xoog leh taas oo laga yaabo in xataa hadii ay aqoonsi hamigooda kujiray ay candhuuftooda dib uliqayaan , inkastoo raga udhuundaloolaa siyaasada c/laahi yuusuf sheegaan in hadii uu wax damco aanu cidna ujoojin.

Marka akhriste aynu dhinaca kale eegno hadii la-isberber dhigo somaliland iyo somaliya waa kaaf iyo kala dheeri ,mana noqon karaan gobolo laisla sugo si markale loo mideeyo waayo waxaa cad in somaliland ay kahorayso koonfurta somaliya 15 sanno suurto galna aanay ahayn in laisla sugo.

Waxaa somaliland laga hirgaliyay nabad cago adag kutaagan in taa kabacdina waxaa laga hirgaliyay dooroshooyin xor ah , waxaa shaqaynaya goleyaal deegaan oo ladoortay ,madaxweyne ladoortay , iyo baarlamaan oo dhawaan ladhaarindoono ,balse akhriste maskax caafimaad qabta ku milicso dhinca koonfurta , intaasi oo horumar ahi maka hirgashay? , iskadaa doorasho oo nabad galyadii waad lasocotaan , magaalo walba waxaa kataliya in kabadan lix hogaamiye kooxeed oo mdi waliba midka kale iska eegayo, hadaba xalku mawaxaa uu kujiraa dawlad lagusoo dhiso dhul shisheeye oo ladul keeno somaliya , inagoo og inta maamul lasoo macmalay fashilmay oo kii udanbeeyay aynu imika arkayno.

Hadaba maxaa xal u ah nebed kadhalata koonfurta somaliya ?, somalidu iyadaa is aftaqaan oo is dhaqantaqaan  , nebed kahalata koonfurtuna waxay kujirta gacmaha somaliland , iyadoo taas macneheeku tahay in somaliland uga faaiidayso khibradii ay kadhaxashay nabadayntii iyo dhismihii somaliland , balse waxay xukuumada somaliland ku xidhay in marka hore reer koonfureedku aqoonsadaan somaliland , taas oo aynu odhankarno imika waxaa taagan ifafaaleheedii,, waxaanay taasi keeni kartaa aqoonsiga kadib in xukuumada somaliland marti galiso iskuguna yeedho dhamaan raga kuhirdamaya siyaasada koonfurta somaliya.

Ugu danbayntii waxaa faaladanai talo kubixinaysaa in hogaamiyeyaasha koonfurtu ay garwaaqsadaan in xalkoodii halkan yaalo oo ay huraan wax kasta oo xalkoodu kujiro si loosoo gebogebeeyo 15 sanno oo dhiig sokeeye kudaadanayay koonfurta somaliya .

     Allaa mahad leh

   Faaladii : aadan yuusuf qodax
Hargaysa somaliland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD