SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

"HADALKA GEEDI WAA MID AANAN LAGA SUGAYNIN QOF MASUUL AH."

Wararysi: Asad Caddaani Ibraahim | SomaliTalk.com | Nov 25, 2005

  • ... waxaa la yaabay ugu horayn (Geedi) waxa lagu magacaabo Somaliland goobta uu u yaqaano, ma waxa uu u yaqaanaa, Burco iyo Hargeysa, mise wuxuu sheegayaa dhulkii ingiriisku gumaysan jiray midowga ka hor...

Waxaa noo suurta gashay in aanu waraysi la yeelano suxufiga iyo qoraaga Asad Caddaani Ibraahim, oo ah suxufi aad loga yaqaano Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana gobollada Puntland siiba Sool. 

Waxa uu Asad Agaasime kayahay website-ka Radiossc.net, xaruntiisa soomaaliya oo xafiiskiisu yahay magaalada Laascaanood, waxaana wax ka weydiinay arrimo badan oo ku  saabsan xaaladda guud ee gobolada Puntland iyo tan magaalada Laascaanood iyo sida dadweynaha gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn u arkaan hadalkii uu dhawaan sheegay Raysal wasaare Cali Maxmed geedi. 

Su’aal: Asad Caddaani waxaad nooga warantaa xaaladda guud ee Puntland?. 

Jawaab. Xaaladda guud ee Puntland marka loo eego gobollada kale ee Soomaaliya waxaa kuu soo baxaysa in ay degan tahay, oo nabad galyadu hawgu horaysee xasiloon tahay, inkasta oo ay jiraan arrimo badan oo muddooyinkan danbe ku soo kordhayey siiba muddooyinkii ugu danbeeyey oo dhalin yaro lagu magacaabo fay Cali soo baxeen, dhaqaalaha oo muddooyinkan danbe aad u liitayna waxa uu keenay in ay soo baxaan cabashooyin badan oo dhinaca mushaharka ah.. 

Su’aal. Waxaa jirtay in ay muddo hada laga joogo sanad duleedka magaalada Laascaanood dagaal ku dhex maray ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland , xaaladdaasi waa sidee? Maxayse kudanbeysay?. 

Jawaab. Xaaladda jiidaasi guud ahaan xilligan wey degan tahay, walina labadii ciidan sidii ayey isu hor fadhiyaan, in kasta oo labada dhinacba aad ugu dadaalayaan in ay isbadel ku sameeyaan goobaha ay joogan, haddana xilligan wax dhaqdhaqaaq ahi ma jiro, halkii ay hore u kala joogeen xilligii dagaalka ayey joogaan. 

Su’aal. Waxaa jiray maxaabiis lakala qabsaday, iyagu xaalkoodu halkee ku danbeeyey, mise u badan tahay in la sii daayo?.

Jawaab. Run ahaantii arrinta maxaabiista waxaad moodaa labada dhinacba in ay ka mideysan yihiin in isbadel lagu sameeyo, oo la sii daayo, dhawaan mar aan waraysi la yeelanay madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac oo aanu arrinta maxaabiista la kala haysto wax ka weydiinay, waxa uu noo sheegay in aanay dhinaca Puntland wax dhibaata ku hayn, oo ay u arkaan dad Soomaaliya oo dhiig iyo dhalashaba la wadaago, waxa loo sii hayaana ayba qalad tahay, xilliyadan danbena waxaaba soo baxaya in labada dhinac ee Puntland iyo maamulka Hargeysa ay magacaabeen laba guddi oo sidii loo sii deynlahaa u kuur gasha, ilo xog-ogaal ahina waxayba sheegyaan in dhawaan la siideyn doono, hasa yeeshee goobtii laysku weydaarsn lahaa hadda laysweydiinayo. 

Su’aal. Markaad eegtid dhinaca horumarka magaalada Laascaanood maxaa ku soo kordhay, waayo Soomaaliya dawladii dhexe markii ay ka dhacday waxa gobol waliba ku dadaalay in ay dadkiisu wax qabsadaan, Laascaanood maxaa u qabsoomay?. 

Jawaab. Waa su’aal wanaagsan, run ahaantii magaalada Laascaanood muddooyinkii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya jirtay , siday ahayd iyo xilligan marka lays dhinaca dhigo waxaad odhan kartaa waxa ay ka mid tahay Laascaanood magaalooyinka kobcay 80%, sababta oo ah intii ay markii hore ahayd dhisme ahaan way ka baladhatay, dhinaca, dhaqaalaha way ka kobocday, isgaadhsiinta waxay la jaan qaaday gobollada kale ee Soomaaliya waxaana ka hawgala afar shirkadood oo isgaadhsiiinta ah, dhinaca Dugsiyada waxa laga dhigtaa dhamaan marxaladaha kala duwan ee waxbarashada, dhawaana waxaaba laga furay jaamacad lagu magacaabo Nugaal, hasa yeeshee magaaladu waxaa jira intii ay sidaasi u kobcaysa in aan dhinaca caafimaadka xil laysa saarin, waxaana ku yaala Cisbitaal aad u weyn oo aan sidii loo baahnaa u shaqayn, marka  laga reebo dhinaca caafimaadka horumar aad u muuqda ayey magaaladu gaadhay. 

Su’aal. Dhawaan waxa uu sheegay raysal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi in ay Somaliland aqoonsanayaan, haddii aduunku aqoonsado, sidee looga arkay hadalkaas gobolada Sool,Sanaag iyo cayn?.

"Hadaba jawaabta prof. geedi waxay farxad galisay guud ahaan dadka somaliland oo imika aaminsan in c/laahi yuusuf  iyo ra'iisal wasaarihiisu ogolyihiin in somaliland la aqoonsado, iyadoo dhinaca kalena c/laahi yuusuf laga  maqlay tibaaxo sheegaya in uu kuwargaliyay itoobiya iyo midawga Africa in uu raali kayahay hadii ay aqoonsadaan somaliland."
Qodax (Hargeysa).. Guji..

Jawaab. Dadweynaha ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn run ahaantii hadalkaasi waxa uu ku noqday Hadal aanay ka filayn mas’uul sida Geeddi oo kale ah oo xil qaran  haya, waxayna la yaabeen ugu horayn waxa lagu magacaabo Somaliland goobta uu u yaqaano, ma waxa uu u yaqaanaa, Burco iyo hargeysa, mise wuxuu sheegayaa dhulkii ingiriisku gumaysan jiray midowga ka hor. 

Dhamaan dadweynaha ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn waxa ay ka soo saareen qoraalo ay ku canbaaraynayaan hadalka geeddi, isla markaana ay ku cadaynayaan in ay gowsdanbeedka ku haystaan midnnimada ummaadda soomaliyeed, Geeddina loo baahan yahay in talaabo sharciya laga qaado, maadaama uu si badheedh ah ugu xadgudbay axdi qarameedkii, waxaana loo arkay hadalkiisa mid uu ku shukaan sanayo dadka aaminsan fikirka goni goosadka, laakin aan marnaba la aqabali Karin, hadalkan Issimada, madaxda puntland oo uu ugu sareeyo Xasan Daahir afqudhac ayaa ka hadlay, ururada bulshada dhamaantoodna way canbaareeyeen hadalka ka soo yeedhay Geedi. 

Su’aal. Adiga had iyo jeer qoraaladaadu waxay u badan yihiin in aad ka hadashid in aanay jirin wax la yidhaahdo Somaliland, miyaan la odhan Karin waad ku talaxtagtaa ka hadalka arrinkaas?. 

Jawaab. Waa su’aal wanaagsan, horta goobta ay bulshadan Sool, Sanaag Hayland iyo Cayn ilaahay ku beeray ayaa ah halbawle qiime weyn ugu fadhiya midnnimada Soomaaliya, markaa bulshada deegaankan waa lagama maarmaan in la maqlo codkeeda, si loo ogaado halka ay ka taagan yihiin midnnimada Soomaaliya, karaamada iyo sharafta marnnaba aan shaki la galin Karin, markaa taas ayaa keenaysa in la cadeeyo mab-da’a, muqadaska ah ee midnnimada Soomaaliya, run ahaantiina bulshada deegaankani waxay aaminsan yihiin in ay dhiig badan u soo daadyeen xilli Soomaali inteeda kale aanay ku baraarugsanayn dhibaatada gumaysiga.

Waxaa waraysatay Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD