SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Miless Zanawi oo sheegay in ay wada shaqeyn xoog u dhaxayso Dowladiisa iyo Dowlada Federaalka

Ra’siul Wasaaraha wadanka Itoobiya Miless Zanawi oo u waramayay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee Ena aya waxa uu sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay u dhexeyso Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Miless Zanawi waxa uu sheegay in ay si aad ah u daneynayaan in Soomaaliya ay hesho Dowlad si ay shacabku uga baxaan dhibaatada, waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn ugu fadhido wadamada geeska Afrika.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay isla soo qaadeen isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa ama loo sii adkeyn lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna beeniyay in Dowladda Itoobiya ay hub siisay Dowladda Federaalka. “Wadamada IGAD hadafkoodu waa sidiii Soomaaliya hub ka dhigis loogu sameyn lahaa, anagu taa ayaan taageerasan nahay” ayuu yiri Miless Zanawi.

Dhawaan Magaalada Jowhar waxaa heshiis ku kala sixiixday mas’uuliyiin ka socday Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna heshiis-kaasi dhigayay in la iska kaashado arrimaha dhaqaalaha siyaasadda iyo nabadgelyada.   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005 


Nov 23, 2005:  Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac, oo u waramayey idaacad ka soo hadasha Australia, isagoo ka jawaabayey hadalkii Geedi, waxa uu yiri: Prime Minister-ku (Ra'iisul wasaarahu) wuu khaldanaa, Charterka (Dastuurka) Federaalka Soomaaliya qodobada ku qoran waxaa ka mid ah in midnimada Soomaaliya ay muqaddas tahay, Siyaasada Dawlada Federaalkuna waxay ku shaqayneysaa midnimada iyo isu keenida dawladii Burburtay, marka laba siyaabood ayuu u khaldamay Ra'iisul wasaaruhu, mid waxaa weeye Charterkii uu ku shaqaynayey wixii ku qoraa wuu khilaafay, tan labaadna waxaa weeye siyaasadii dawladiisa Federaalku ay ku soconeysey wuu khilaafay, Arrintaasi waxay u taalaa dawlada Federaalka, gaar ahaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, xaggayaga baarlamaankayaga ayey  hadda hor taala waana ka tashanayaan. Marka Arrin khaldan ayey ahayd si khaldan ayey uga baxsadatay, taasna meeshii ku shaqada leh ayaa kula xisaabtameysa. [Dhegeyso halkan...]

Nov 22, 2005: Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland oo u codeeyey in laga jawaabo hadalkii Geedi. Codaynta ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, kaddib markii arrintaas laga dooday ayaa xubinihii baarlamaanka Puntland badankoodu (Aqlabiyad) u codeeyey in jawaab lag abixiyo hadalkii Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaalida loogu soo dhisay Kenya. Baarlamaanka Puntland shaaca kama qaadin waqtiga jawaab sugan laga bixinayo hadalka Geedi.

Nov 21, 2005: Ciidamada Itoobiya ayaa dab qabadsiiyey tuulada Fooljeex oo u dhow magaalada Qabridaharre. Ciidamada Itoobiya waxa ay dab qabad siiyeen ugu yaraan 40 guri. [Eeg halkan] | [Dhegeyso sida loo gubey tuulada Fooljeex]

Nov 21, 2005: Cali maxamed Geedi ayaa soo gaarey Nairobi, kaddib markii uu soo maray magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, safarkiisii talyaaniga iyo Belgium ka dib.

Nov 19, 2005: Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi... [Eeg halkan]

Nov 19, 2005: Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Hotel Saxafi ku yeeshay kulan lagu soo dhisay guddi ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah Shariif Saalax, Avv. Xasan Dhimbil, Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) & C/fataax Rashiid kaddib markii kulankaas laga akhriyey warqad lag asoo daabacay SomaliTalk oo ah tii uu Fahad Yaasiin u diray Madaxweynaha DFKMG, warqadaas oo kaga ilmaysiisay qaar kamid ah xildhibaanada... [Eeg halkan]

Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa gaarey dalka Talyaaniga, isagoo kasoo kicitimay Belgium. Markii uu gaarey magaalada Roma waxa uu dad la kulmay u sheegay in wax iska bedeleen socdaalkii u qorshaysnaa ee ahaa in uu Talyaaniga booqasho ku joogi lahaa dhawr maalmood, laakiin uu war degdeg ah ka helay Jawhar ah in uu dhaqso ugu laabto, sida uu sheegay si uu uga qayb galo dib u heshiisiinta ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku imanayaan magaalada Jawhar.

Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geedi oo jooga Belgium ayaa yiri: “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.” [Eeg halkan]

Nov 16, 2005: Cali M. Geedi oo gaarey Belgium oo su'aal laga weydiiyey kala hadalka isaga iyo madaxweynaha ayaa yiri: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. [Eeg halkan]

Nov 16, 2005: Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. waxana uu yiri “Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo. [Eeg halkan].

Nov 16, 2005: Wafti ka socdey dawladda Itoobiya oo maalmahaas joogey magaalada Jawhar ayaa heshiisyo kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya.

Nov 15, 2005: Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka (muqdisho) Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran - isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada Soomaaliyeed. [Eeg halkan..]

Nov 15, 2005: Waxaa magaalada Qabridaharre ee dhulka Soomaalida xogga looga haysto lagu xasuuqay maxaabiis ku xirnaa magaaladaas iyo dad rayid ah. [Eeg halkan].. ama [HALKAN KA DHEGEYSO FOCUS ON AFRICA...]

Nov 15, 2005: Waftigii uu hoggaaminayey Cali Maxamed Geedi ayaa gaarey dalka Talyaaniga, iyagoo uga sii ambabixi doona Belgium [Eeg halkan]

Nov 13, 2005:  Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa  ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxan uu u duulay Addis Ababa si uu ula sii kulmo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless Zinawi, intii aan Geedi usii ambabixin dalka Belgium. [Eeg halkan..]

NOV 11, 2005: Cali Maxamed Geedi ayaa yiri "Dadka iyo Dalalka Soomaaliyeed waxay maqnaan jireen waagii gobanimo doonka, laakiin sidii gobannida dalku u qaatay, dalalka deriska iyaguna gobanimo ayey qaateen.... Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, gumeysina kuma hoos jiraan..." [HALKAN KA DHEGEYSO]


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD