SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
DHEGEYSO CODAD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

  • Ciidamada Itoobiya oo gubay tuulada Fool-Jeex. 
  • Shir xasuuq Qabridaharre ku saabsan oo ka dhacay Nayroobi. 
  • Ciidammo Itoobiyaan ah oo galay dhulka millatariga ka caaggan. 
  • Madaxwaynaha Kenya oo dawladiisii kala diray. 
  • Barnaamijkii Xog-Warran (Hal Gawracan Geedo Kama Leexato)
 ======================   
 
Shir xasuuq Qabridaharre ku saabsan oo ka dhacay Nayroobi.
 
Shir si wayn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya markii ay taariikhdu ahayd 20/11/05, kaasoo lagaga hadlayay xasuuqii dhawaan ka dhacay magaalada Qabridaharre iyo guud ahaan arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Ogaadeenya.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay dhammaanba qaybaha bulshada iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
Masuuliyiintii Jabhadda ee shirkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Suldaan Aaden Yuusuf Muxumed Suldaan oo ah guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hantidhawrka ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, kaasoo shirka u jeediyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee sii murgaysa ee ka jirta gumaysiga Itoobiya iyo horumarka uu ku tallaabsaday halganka Ogaadeenya ee JWXO ay hormuudka ka tahay.
 
Wuxuu kaloo ka hadlay xasuuqii loo gaystay dadkii rayadka ahaa ee 15kii bishan November 2005 lagu xasuuqay xarunta gobolka Qorraxay ee Qabridaharre, wuxuuna caddeeyay inaysan ahayn markii kowaad iyo markii u danbaysay ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ay xasuuqaan dad rayad ah oon waxba galabsan, isagoo xusay xasuuqyadii kan ka horreeyay, sida midkii Shilaabo iyo dadkii lagu laayay magaalooyinka Farmadow iyo Daakhato bishii Oktober dabayaaqadeedii.

Suldaanku wuxuu tacsi u diray dhamaan shacabka Ogadeniya, gaar ahaan ehelada iyo qarabada ay ka tageen dadka lagu xasuuqay dhamaan goobahaas kor ku xusan. Gaar ahaana midii Qabridaharre ee dadkii shicibka ahaa sida naxariis darada ah xabada loogu furay.

Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay madax dhaqameedyo badan iyo dad kale oo bulshada dhexdeeda mudnaan gooni ah ku leh. Waxaa sidoo kale shirkaas gabayo aad u qiiro badan ka soo jeediyay Abwaan Axmed Sh Cali Heellaale.
 
Shirkan waxaa lagu go’aamiyay; In taageero buuxda lala garab istaago halganka hubaysan ee ka socda Ogadenya ee JWXO hormuudka ka tahay. In besha caalamka loogu baaqo inay si dagdag ah wax uga qabato Gabood-fallada hadh iyo habayn ay Itoobiya kula kacdo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo in la sameeyo bannaanbaxyo gabood-falladaas lagu diiddan yahay, isla markaana lagu taageerayo halganka Ogaadeenya.
 
 
DHEGEYSO CODAD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...
Wararka ka imanaya magaalada Qabridaharee ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay dab qabadsiiyeen guryihii tuulada Fool-jeex 33 kilo mitir u jirta Qabridaharre, isla markaana u dhexaysa magaalooyinka Qabridaharre iyo Shilaabo.

Ugu yaraan 45 guri oo isugu jira  goobo ganacsi iyo guryo hooy ahaa ayay ciidammada Wayaanuhu dab qabadsiiyeen oo halkaas ku gubeen. Waxay sidoo kale raashiin aad u fara badan oo ah dalaggii Beeraha ka soo go’ay.
 
Dadwaynihii magaaladaas ku noolaa oo duullaanka ku so maqan ka sii war-helay ayaa intooda badani ay magaalada ka baxeen intii ayna ciidammada Wayaanuhu soo gaadhin, hase yeeshee waxaa loogu yimid dadwayne maxas u badan. Wararku waxay intaas ku darayaan inay jiraan dadwayne aan tiradooda la haynin oo tuulada Fool-jeex laga soo qaqabtay, kuwaasoo hadda ku xidhxidhan magaalada Qabridaharre.
 
Ciidammada Wayaanaha ayaa ku gadooday tuulada Fool-jeex, ka dib markii tuuladaas dusheeda lagaga gubay afar baabuur oo ah kuwa ciidammadu adeegsadaan, iyadoo baabuurtaas mid ka mid ah uu saarnaa Qoriga Zuuga loo yaqaano ee lidka diyaaradaha. Iyadoo weerarka baabuurtaas lagu gubat uu khasaare ba’an u gaystay ciidammada Wayaanaha.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo galay dhulka millatariga ka caaggan.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa galay dhulka millatariga ka caaggan ee ku yaalla dhinaca Eritereya eek u dheraran xuduudda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya, sidaas waxaa sheegay ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Itoobiya iyo Eritereya.
 
Afhayeen u hadashay ciidammada nabad ilaalinta u jooga xadka Itoobiya iyo Eritereya ayaa sheegtay in ciidammo Itoobiyaan ahi ay maalintii sabtida ahayd soo galeen dhulka millatariga ka caaggan ee xuduudda kaga dheraran dhinaca Eritereya, isla markaana ay halkaas joogeen ilaa iyo maalintii arbacada ahayd.
 
Afhayeenkani waxay kaloo sheegtay in ciidammada Itoobiya ay aaggaas ka baxeen, ka dib markii ay Qaramada Midoobey ka dalabtay inay ka baxaan.
 
Qaramada Midoobey ayaa arrintan ku tilmaantay inay sii calwinayso xaaladdii xuduudda oo markii horaba aad u kacsanayd, isla markaana ay xadgudub cad ku tahay heshiiskii nabadda ee Eritereya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen markii la joojiyay dagaalkii labada dal dhex maray sannadkii 2000. 
 
Maalintii arbacada ahayd wuxuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu hanjabay labada dale e Itoobiya iyo Eritereya inuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogayo haddii ay isku dayaan inay khilaafka xuduudda dagaal ku xalliyaan.
 
Qaraar uu Golaha Ammaanku arbacadii soo saaray wuxuu xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay oggolaato go’aankii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee lagu dhammaynayay khilaafka labada dal udhexeeya. Wuxuu sidoo kale Eritereya ka dalbay inay ka noqoto go’aankeedii ay ku mamnuucday duullimaadka diyaaradaha ay ciidammada nabad ilaalintu adeegsan jireen.
 
Dalka Eritereya ayaa qaraarka Golaha Ammaanka ku tilmaamay mid laga xumaado, wuxuuna sheegay in qaraarkani uu ka turjumayo dhaqanka danaysiga ah ee quwadaha waawayn ee adduunku ku can-baxeen.
 
Madaxwaynaha Kenya oo dawladiisii kala diray.
 
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa kala diray golihii wasiirrada ee dawaldiisa, hal maalin ka dib markii uu ku guul darraystay aftidii dadwayne ee loo qaaday dastuurka cusub ee Kenya, kaasoo ay diideen 58% dadwaynaha Kenya.
 
Madaxwayne Kibaki ayaa ballanqaaday inuu muddo labo toddbaad ah dawlad cusub ku soo dhisi doono, isagoo tilmaamay in dastuurka cusub ee la diiday uu Kenya u horseedi lahaa inay qaado tallaabooyin xilliga la socda.
 
Hase yeeshee xisbiyada mucaaradka ah ayaa madaxwayne Kibaki ku eedaynaya inuu ka baxay ballanqaadaydii uu horay u galay ee ahaa inuu qaybo awooddiisa ka mid ah ku wareejinayo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalku yeelanayo.
 
Radio Xoriyo
25 November. 2005
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD