SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 29:30

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

D a c w o

Abwaan maxamed dhagaafe cilmi
Email: m_dhagaafe@hotmail.com
Mbale, Uganda
_____________
__________
____


Maxamed Dhagaafe Cilmi

Maansadan waxaa curiyay Abwaan maxamed dhagaafe cilmi Oo ku nool magaalada Mbale ee dalka Uganda. Maansadan waxa Aay soo baxday 26ka November 2005.

Maansadan waxa aan uga dacwoonayaa Haddalkii kasoo yeeray raisal wasaaraha dawladda kumeel gaarka ah Ee soomaaliya, haddalkaas oo uu ku sheegay in aysan jirin dad soomaaliyeed Oo la adoon sado  oo ku jira gacan gumaysi  asaga oo intaas kuma ekaane yiri Waxaan aqoon sanayaa Somaliland haddii aduunku aqoon sado, malaha markii Uu saad u hadlaayay odaygu maba eegin xilka uu u hayo ummadda Soomaaliyeed Iyo culayska uu xanbaar san yahay, waxaan isku dayay inaan u dacwoodo madaxweyanaha Soomaaliya mudane c/laahi yusuf axmed  inleen asagaa horay u magacaabaye....  akhris wacan akhyaarreey:

   Dacwo!! 

  1. Inkastoonan deelleey

  2. Marka damacu ii galo

  3. Aanan daal kamudanoon

  4. Sida geel darloo dhigay

  5. Wiillal doorra shubayaan

  6. Aan dardaro wadaantoon

  7. Daadwararac kaga dhigo

  8. Misna kuma dagdago oo

  9. Madeeysaa anoo laan

  10. Haddba daalacdaayoo

  11. Daymada ku eeggaa

  12. Xaajo aan ladayn Karin

  13. Dagdag baan u doontaa

  14. Qalikiyo dawaaddoo

  15. Dabadeed dantaydaan

  16. Daaha kaga iftiinshaa.!

  17.  

  18. Afartaas cirda`ay iyo

  19. Doog iyo xareed warran

  20. Arar diiran weeyaan

  21. Afarkalana doorkaan

  22. Dareenkii ikiciyiyo

  23. Dantii gabayga weeyaan!

  24.  

  25. Damac lala xishoodiyo

  26. Warku daah ku wacanaa

  27. Haddalkaan duxfiicnayn

  28. Dadku kugu amaanayn

  29. Ka dal doorso roonaa!

  30. Ninna door hadduu yahay

  31. Ama duub u xidhan yahay

  32. Dagdag kuma haboonee

  33. Dib u fiirso wacanaa!

  34.  

  35. Maah maah da`waynbaa

  36. Duul hore wuxuu yiri

  37. Dherigaan dabool culus

  38. Dusha uga hadeysneyn

  39. Dhakhso daadi fuudkiis.

  40.  

  41. Duni yaabbab badaneey

  42. Duhurka iyo fiidkaad

  43. Midba xaal ladaris tahay!

  44.  

  45. Doog iyo Abaar laay

  46. Dib jir iyo nin maallaay

  47. Deeqsi iyo bakhayl laay

  48. Doqon aan xil gudan iyo

  49. Daacad iyo kidaab laay

  50. Nabad iyo dagaal laay

  51. Markii xaalku doorsamo

  52. Xabad la isku dabar jaro

  53. Abwaan doona nabaddoo

  54. U damqada dadkiisiyo

  55. Mid dagaal ka huriyoo

  56. Shar u duuban leeyeey!!

  57.  

  58. Intaan daa`in abid jiro

  59. Waxa xumo dushaadiyo

  60. Mindhaa dacar ma fiiqsado

  61. Waana kaa dig toonahay!!

  62.  

  63. Afartaas kadaba tuur

  64. Arartii daboolleyd

  65. Ka dag awrka diihaal

  66. Darantiyo ugbaad kiyo

  67. Daaculaha ha daaqee!!

  68.  

  69. Haddii geel dibood yahay

  70. Kuray laguma daayoo

  71. Diihaalka oonkiyo

  72. Diyow gaa u halisee

  73. Dalkeennii lahaystiyo

  74. Dadkeennii la duud siyay

  75. Nin kaan doorka moodnoo

  76. Shalay duubka loo xiray

  77. Hadduu dayrshay oo yiri

  78. Duulkaas xorweeyaan

  79. Dariskeena weeyaan

  80. Ayagaana door biday

  81. Dadka ay la joogaan!!

  82.  

  83. In difeeto gaadhiyo

  84. Duud sina warkiis daa!

  85. Anna doorka maantaya

  86. Waxba dood kamaan qabo

  87. Caku darajadiisee

  88. Dadkiisii ma eeddeen?!!

  89. Yaanu uga dacwoonaa

  90. Ninkii duubi gii iyo

  91. Daqaydiiba feentaa

  92. Lagga loogu darayaa

  93. Dul mi iyo dhib badanaa!

  94.  

  95. Hadduu dogob harleeyahay

  96. Dadku ugama leexdeen

  97. Daraciyo quraan yada

  98. Waxaan uga danleeyahay

  99. In amxaarro daran tahay

  100. Dad inoogu neceb tahay

  101.  Waa tii doraadtaba

  102. Qabri daharre lagu dilay

  103. Dumarkiyo ciyaallada!!

  104.  

  105. Ineey Kenya digif tahay

  106. Dadkeenii xasuuqeen

  107. Ninka diiddan oo yiri

  108. Wax dukheeyay lama arag

  109. Yaanu uga dacwoonnaa?

  110. Duqii aaway ina yeey?

  111.  

  112. Hadduu diiday waa hore

  113. In goldogob amxaar dago

  114. Muuka diiro maantana

  115. Mise ruux dantiis helay

  116. Dadkaleeto uma naxo?!!

  117.  

  118. Ninka yiri madiidani

  119.  Kuwa doc isku taaggiyo

  120. Doonaaya goosmada

  121. Dunidaan aqoon sane

  122. Haddii dowlad loo qiro

  123. Waxba doodad kama qabo!!

  124. War yaan uga dacwoonaa?

  125. Duqii aaway ina yeey

  126. Geedi ina ka daayoo

  127. Rag dareen wadani loo

  128. Uusan dowrin maankiyo

  129. Aynu duubno odayaal

  130. Darsa xaaladdaha jira

  131. Ama duubka noo dhigga

  132. Aannu duul damqaayiyo

  133. Dad aqoonle saarnee…

  Dhamaad

Abwaan maxamed dhagaafe cilmi
Mbale,uganda email: m_dhagaafe@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005 

MAANSADA "GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD