SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

MAANSADA "GURMAD"

Gabay ku socda Cali Geeddi (GURMAD)

11/22/2005
Maxamuud Axmed Cabdalla
Email: abdalle9@hotmail.com
 

Hordhac:

Dhammaanba ummadda soomaaliyeed meel kastoo aad joogtaan salaan iga guddooma. Mar aan dhowaan dhegaha u raariciyey waraysi laga qaaday ra’iisal wasaaraha ku meel-gaadhka ah—ayaa wuxu igu noqday amankaag iyo layaab. Waxan filayaa inaanay aniga gaar tani ii ahayn ee dadweyne fara badani ka gadoodeen hadalkii Cali Maxamed Geeddii British Broadcasting Corporation u sheegay kaasoo odhanayay in dawladda uu hoggaanka u yahay ictiraafi doonto Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland—haddii caalamka kale aqoonsado. Sidoo kale, wuxu sheegay inaanay jirin dad soomaaliyeed oo la gumaysto haba yaraatee. Waxan is weydiiyey, malaha Mr. Geeddii wuxu rabaa inuu taariikhda soomaaliya dib u qoro.

"Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, Gumeysina kuma jiraan" Geedi

DHEGEYSO SIDII LOO GUBEY TUULADA FOOLJEEX

Gebagebadii, qoraallo fara badan oo lagaga ficishamayo dhacdadan ayaan akhriyey. Si kasta ha ahaatee aniga aragtidayda suugaaneed ayaan rabaa inaan kaga qayb qaato, maansadan la magac baxday “GURMAD” waxan ka tiriyey hadalkii naxdinta lahaa ee PM Geeddi ka soo faruurmay. Fadlan ha loo gudbiyo tixdan isagiyo madaxweynaha C/lahi Yuusuf. Akhris wanaagsan, wixii faallo ah ku soo hagaaji emailka kor ku qoran: 

  1. Gabay waanigii daayay oo gaabso doorbidaye
  2. Godolkiisii waayadan ma libin iyo ganuunkiise
  3. Aan gorfeeyo waataan ahaa gogol dhiggiisiiye
     
  4. Cali geeddiyoow xaajadaad goobta kala yeedhay
  5. Gacalloow malaayiin daday gaadhay qayladiye
  6. Gocashiyo xusuustii qalbigu ila guhaadoowye
     
  7. Soomaaliland goosta tiri garashadaadiiye
  8. Garabyadii maqnaa tiri amxaar haydin guursado’e
  9. Ma gabbaatibaa ciiddu waa dhaxal ma guuraane
     
  10. Walaalow gef waa laga ordaa godobta qaarkeede
  11. Gashi iyo mag waa laga baxshaa aano goonniyahe
  12. Kala geynta qaran waa midaan gari ahaanaynee
     
  13. Gabtay oo hoggaankii caloow waakan gaasiraye
  14. Xilkii giiji lagu yidhi haddaad gudo aqoon weydey
  15. ma geydide u dhiib shacabkii way kugu gedoodeene
     
  16. Afartaa garsooraye mid kale gocanayaa mooyi
  17. Nin gujaa murtida lagu yiqiin waan ka gaagaxaye
  18. Aan giraangirshee mawlahaan iga gulaalayne
     
  19. Hal gawdiidda gubadkoo harraad gooha ololaysa
  20. Oo gabannadeedii l’edeen gaajo kala qaartay
  21. Gacan midigle kuma aammineen inuu la guulaaye
     
  22. Gunta hadalku madaxweynuhuu gaar u sii yahaye
  23. Garoommada inuu kaa dhigaan talo ku gaadhsiine
  24. Goolaaftan maahee runtaan geedka ka caddayne
     
  25. Weli guul kamaad hoyn xilkaa guudka kuu sudhane
  26. Indha gabadhsi bay kuu ahayd maalin gelinkeede
  27. In lagaa gabbaanayday adaa goob xunta is dhigaye
     
  28. Guclahaagii kama badan inaad nacab garbaysaaye
  29. Gadhwadeen Zinaawaa tihiyo goosatiyo tuuge
  30. Adigiyo intii kula guntani waad ku geleysaane
     
  31. Goblamaan ka diirayn dhibtaa guriga noo taale
  32. Galaayuuska maatada kolkaad gawda maqashiisay
  33. Guullaa u maqan Fahad horuu kuugu guud maraye
     
  34. Afartaana ganay oo horaan uga gudabaayaaye
  35. Gobol aan tilmaan ugu noqdaan kugu garwaaqsiine
  36. Caliyoow garaadkaa kolley gob’odu waa meele
     
  37. Geyigaa aad kala geyn rag baw go’ay daraaddiise
  38. Gubniyaa godka u galay markii laysu soo galaye
  39. Gurey iyo darwiishkii u hure gebi naftoodiiye
     
  40. Geeridiisi xalanaan ilmada gob’o ka siiyaaye
  41. Gabayguu tirshey timacaddaan gama’ la diidaaye
  42. Geddii faarax uun baan niyada gocanayaa mooyi
     
  43. Waxaan gole ka maagiyo afkaan gawsaha u giijay
  44. Gorod rogadka socodkayga iyo gaanannimadaydu
  45. Gunnimaan ka fiigaa inaan laygu gooddiyine
     
  46. Waxa geesi lagu gawracee iilka lagu gaabshey
  47. Ee lagu gembiyey ciidda ee aakhira u gooshay
  48. Ee godolka maandeeq ka qaday gocanayaa mooyi
     
  49. Galda’aagii caliyoow haddaan gaadh lagaa qabanin
  50. Gar loo gubay haddii aanay noqon gubiyo xaalkeeda
  51. Is gunaanad gobanimiyo sharaf ma aha gaankaaye!

 Maxamuud Axmed Cabdalla
Email: abdalle9@hotmail.com

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

GABAY COD AH OO KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD