SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

Ururka Dhallinyada Sool, Sanag, iyo Caynhawd oo ku baaqay  kalsooni kala noqosho Xukuumada Madax-weyne C/laahi Yusuf, Hadalkii uu Yiri Ra'iisul Wasaare Geedi Awgeed...

Ra'iisal wasaare Mudane Cali Maxamed Geedi, jawaabtii uu laanta af-soomaliga ee British Broadcasting Corporation ka sheegay ayaa waxay dadka degaanka u cadaysay in aanay ka mid ahayn dadka ay u dhalatay Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaaliyeed maadaama uu mawqifkiisa ku cadeeyey Saxaafada in aanu waxba ka qabin go'tiaanka Maamulka hargeysa......


Ku-Xukumada Federaalka  Kumeelgaarka ah ee Somalia..............Jawhar

Ku-Maamul Goboleedka Puntland ...........................................Garowe
Ku-Saxaafada Madaxa banaan...............................................Fadhigooda
Ku-Waxgaradka Soomaaliyeed...............................................Fadhigooda
Ku-Hay,adda UNDP Xafiiska Somalia........................................Nairobi Kenya
Ku-Madax dhaqameedka Somaliyeed.......................................Fadhigooda
Og-Hay,adda Xaquuqda aadanaha Dr.Ismacil Jimcale..................Mugadisho
 
Ujeeddo-: Baaq kalsooni kala noqosho Xukuumada Madax-weyne C/laahi Yusuf Axmad,
 
Anaga  oo ka soo jeedna isla markaasina ah Dhalinyarada Degaanada Sool, Sanaag iyo Caynhawd Soomalia waxaan Goobaha Qoraalkani ku socdo halkan ugu soo gudbinaynaa Baaq ka turjumada mawqifka dhalinyarada Degaanada aan kor ku xusnay,in aanu maanta oo taariikhda tahay(26/11/2005)dib ugala laabanay Kalsoonidii aanu u hayney Xukuumada uu madaxa ka yahay (Mudane C/laahi yusuf axmed iyo Pro.Cali maxamed Geeddi,) anaga oo u sababaynay arimahan hoos ku cad, 
  • MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED... "ha mucaaradin ilaa aad aragto wax aad mucaaradi kartid" Guji... Oct 2004
    URURKA DDP OO TAAGEERO IYO HAMBALYO U DIRAY MADAXWYNAAH CUSUB::: "Waxaan kugu bogaadineynaa in aad ummadda wax u qabatid, midnimadeedana soo celisid, sidaas oo keliya ayaad magac iyo maamuus ku heli kartaa." Guji Oct 2004
    Waxaanu codsanaynaa in ay dowladan cusub noqoto mid ku dadaasha cadaalada, sinaanta iyo in ay si xoog ah ula dagaalanto kala sareenta quursiga, takoorka, dhaca, iwm. Taas oo ay ku dhibaataysnaayeen muwaadiniin fara badan kuna waayay xuquuqdii ay ku lahaayeen dhulkoodii hooyo .. Guji... Oct 2004
    waan soo dhoweynayaa dhammaan madaxweynaha iyo xildhibaanada sharafta leh ee baarlamaanka soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa guul iyo horumar weyn. Soomaalida waxay si dhab ahaantii ugu ooman yihiin nabad iyo dowlad caaddil ah, cunugii dhashay billowgii dagaallada sokeeya maanta waa qaangaar"... Guji... Oct 2004
    Dadka ku dhaqan isla markaasina ku abtirsada Degaanada Sool, Sanaag iyo Caynhawd, waxay mudadii buruburka Soomalia ku soo jireen dhibaatooyin badan,sida Colaado,iyo abaaro,kuwaas oo naafeeyey inta badan adeegyadii bulshada,iyo nolosha,iyada oo taasi jirto hadana dadka degaanku waxay taas ka muujiyeen bisayl iyo wadaniyad jacayl dheeri ah
     
  • Ka dib dhalashadii Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaaliyeed waxay siiyeen Kalsooni buuxda iyaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba isla markaasina ay ka muuqatay yididiilo ay ku filayeen in ay soo laabatay midnimadii Soomaaliyeed ee ay sugayeen Mudada dheer ee dhamayd (15.Sano)
     
  • Mudada (15.sano) dhan degaanka Sool, Sanaag,Iyo Caynhawd hay,adaha Samafalka UNka iyo kuwa kale marka laga reebo (NPA, iyo Marcy US)oo aan wax badan qaban ama sidii la rabey aan ugu hagar bixin , degaanku kama helin xaqii uu u lahaa in la caawiyo,qaramada midoobayna ma garowsan qoraalada iyo qayla dhaanta degaanka ka timaada,wayna dheyelsadeen,waxayna ku maaweeliyeen in ay dhaqaalihii loogu talo galay raaciyeen dhinaca  Maamulka Hargeysa oo degaanka ku ah duulaan isla markaasina dhaqaalihii loogu tala galay degaanadaas waxay u adeegsadeen Saanada iyo Ciidan oo ay ku qabsadaan degaanada Sool,Sanaag iyo Caynhawd,
     
  • Anaga oo ah Dhalinyarada degaanka Sool,Sanaag iyo Caynhawd waxaay qaramada midoobay gaadhsiinay qoraalo cadaynaya dhaqaalihii ay ugu talo galeen degaanadaas ee loogu talo galay hawlaha (Biniaadaminomo) in loo adeegsado wax ka soo hor jeeda qawaaniinta caalamiga ah iyo Xaquuqda aadanaha,iyada oo dhaqaalahaas loogu talo galay degaanadaas wax badan lagala hadlay Madaxda UNka ee Somalia hadana way ka indha qarsadeen in ay ka hadlaan ama ka run sheegaan isla markaasina muujiyaan xaqa degaanadaasi ay ku leeyihiin Kaalamada ay siiso Soomalia Qaramada midoobay iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah,
     
  • Anaga oo ah Dhalinyarada Degaanka Sool, Sanaag, iyo Caynhawd ee Degan Wadanka Kenya isla markaasina og dhibaatada ka taagan Degaanka aan ka dhalanay sida Amiga, Caafimaadka, wax-barashada,iyo Hawlaha Bini'aadamino ee ay u baahan yihiin ayaa Xukuumada Federaalka Soomalia ka indha qarsatay Degaankaas,taas oo aanay cadayn ilaa hadana dhaqaalaha la qaybiyey meesha loogu daray degaaanadaas Xukuumaduna ka meermeertay in ay cadayso,
     
  • Ra'iisal wasaare Mudane Cali Maxamed Geedi, jawaabtii uu laanta af-soomaliga ee British Broadcasting Corporation ka sheegay ayaa waxay dadka degaanka u cadaysay in aanay ka mid ahayn dadka ay u dhalatay Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaaliyeed maadaama uu mawqifkiisa ku cadeeyey Saxaafada in aanu waxba ka qabin go,tiaanka Maamulka hargeysa,
     
  • Anaga oo ah Dhalinyarada Degaanka Sool,Sanaag,iyo Caynhawd ee Soomaliyeed  degana Wadanka Kenya anaga oo ku hadlayna Magaca Dadka degaankaas meel kasta oo ay joogaan waxaan Kalsoonidii aanu u hayney si aan gabasho lahayn ugala noqonay Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaliyeed,isla markaasina waxaan cayanaynaa in aanay metelin Beesha raga ku jira Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaliya,
darwiishUrurka Dhalinyarada Sool, Sanag, iyo Caynhawd Somalia
 
Gudoomiyaha Ururka
 
Maxamed Maxamuud Gutaale
 
Tel: 254.722-840181

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005 

»GABAY: DACWO- Gabay ku socda C/Lahi Yusuf | Dhagaafe
»MAANSADA "GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD