SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

DABARKA IYO HOGAANKA AYAA U GO’AY KUWII SOMALILAND KA HOR JEEDAY

ama abdilahi suleiman
Cigaal215@hotmail.com

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

 

Kuwa Cadawga U Ah Somaliland Oo Weli La Suuxsan Hadalkii Ka Soo Yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi Ee Uu Ku Sheegay In Hadii Caalamku Somaliland Aqoonsado In Aanay Waxba Ka Qabin Ayaa Waxaa U Sii Raacayday Madaxweynaha Somaliya Cabdilahi Yuusuf Axmed  Oo Isna La Socodsiiyey Ururka Midawga Afrika Iyo Dawlada Ithiopia In Hada Laga Bilaabo Somaliland Ay Aqoonsan Karaan Ninkii Maydku Ka Dhacay Wuxuu Yidhi Haduu Si Go’ay Ma Hadhin Hadal Lays Yidhaahdaa Waxaa Ka Dhacday Afku Salax Ku Dheg Hadalkaa Danbe Ee Cabdilahi Yuusuf Ayaana U Sii Quus Gooyey Kuwii Ka Hadaaqi Jiray Meelahaas Waxayna Beryahaas Bilaabeen In Ay Qabuuraha Ka Ducaystaan Oo Oday Sula Geeryooday Baryaan Iyo In Ay Isku Maaweeliyaan Riyooyin Aan Waxba Ka Jirin Oo Ay Ka Dhiganayaan Waxti Isku Dhaafis  Rag Badan Oo Kuwaas Ka Mida Ayaa Riyooday Todobaadyadii Ugu Danbaysay Waxay Qaarkood Ku Riyoodeen Iyadoo Ifka Dib Loogu Arkay Odaygii Maxamed Siyaad Barre Oo Talinaya Halka Qaar Kalena Ku Riyoodeen Iyadoo Cabdilahi Yuusuf Gacanta Ku Dhigay Magaalada Muqdisho Kana Adkaaday Kuwii Ka Soo Hor Jeeday Oo Uu Dhamaantood Ka Dhigay Wax La Dilay Wax La Qabtay Iyo Wax Cagaha Wax Ka Deyey Isla Markaana Degay Madaxtooyadii Muqdisho Si Dhaqsaha Ahna U Furay Garoonka Diyaaradaha Iyo Dekeda Muqdisho Oo Labaduba Mudo Dheer Xidhnaa Warkaas Farxada Leh Ayaa Waxaa Soo Dhaweeyey Boqolaal Soomaali Ah Oo Qaxooti Ku Ahaa Daafaha Aduunka 15 Sano Ee Ugu Danbeeyey Waxaana Kuwaas Ka Mid Ahaa Ragii Xilalka Ha Hayn Jiray Xukuumadii Dhacday Ee Siyaad Barre Qaar Badan Ayaa Telefoono Soo Diray Qaar Kalena Waxay La Soo Xidhiidheen Dad Ay Isu Dhaw Yihiin Cabdilahi Yuusuf Waxayna Dalbadeen In Lagu Daro Dawlada Cusub Madaxna  Laga Dhigo Meelaha Bartilmaameedka Ahaa Waxaa Ka Mida Safaaradaha Soomaaliya Debeda Ku Leedahay Iyadoo Qaar Badani Lahaayeen Waxaanu Nahay Kuwii Bararkaaga Naagnaa Cabdilaahiyoow Ee Hana Iloobin Waxaadna Noo Magcowdaa Safaarad Hebla  Iyo Safaarad Hebla  Qaar Badan Oo Kale Waxay Codsanayeen In Dekeda Iyo Garoonka Muqdisho Shaqo Laga Siiyo Qaar Badanina Waxay Codsanayeen In Ay Iyagu Xaq Gaara U Leeyihiin In Ay Qaataan Qandaraasyada Dib Loogu Dhisayo Dalka Qaar Kale Waxay Codsnayeen In Baananka Madax Looga Dhigo Halka Kuwo Kalena Lahaayeen Wixii Ilo Dhaqaale Ah Waxaa Mudan In Laga Fuudh Yeelo Beesha Cabdilaahi Nin Waliba Halkii U Darayd Ayuu Ka Hadlay Qaar Ayaa Codsaday In Madax Looga Dhigo Xafiiska Sirdoonka Nnsta Kuwaas Oo Cabdilahi Ka Xanaaqay Kuna Tilmaamay Kuwo Xususuusinaya Waayihii Siyaad Barre Ee Uu Ka Dagaalamay Waxaa Buuxsamay Madaxtooyadii Muqdisho Wajahadeeda Iyadoo Dadka Qaar Ku Qaylinayeen Waa In Awoodii Aanu Muqdisho Iyo Koonfur Ku Lahayn Soo Noqotaa Saacadba Saacada Ka Danbaysa Waxaa  Soo Kordhayey  Dadka Doonaya In La Meeleeyo Waxaase Ugu Yaab Badnaa Markii Dhawr Boqol Oo Qof Ay Codsadeen In Mid Waliba Doonayo Inuu Noqdo Weriyaha Khaaska Ah Ee Madaxweynaha Soomaaliya
Madaxweyne Cabdilahi Yuusuf Ayaa Wuxuu U Xil Saaray Gudi Gaara Oo Soo Doora Ninka Weriyaha Madaxweynaha Noqonaya Gudidii Ayaa Waxay Hool Weyn Iskugu Geeyeen Dadkii U Tartamayey Jagadaas Waxaana La Weydiiyey Aqoontooda Iyo Waaya Aragnimadooda Shaqo Waxay U Badnaayeen Dad Aan Wax Xirfad Ah U Lahayn Saxaafada Laakiin Burburkii Soomaaliya Ka Dib Duruuftu Ku Khasabtay In Ay Siyaabo Kala Duwan Ugu Xoogsadaan Mihnada Saxaafada Mid Waliba Sidii Ugu Fiicnayd Ee Uu Is Lahaa Shaqo Ayaad Ku Helaysaa Ayuu Ku Dhuftay Anigu Waxaan Aqaan Sida Madaxda Loo Amaano Waxaan Kor U Soo Qaadi Doonaa Magaca Qabiilkayaga Hadii Xilkaas Lay Doorto Ayaa Qaar Badani Ku Jawaabeen Qaar Kalena Waxay Yidhaahdeen Anigu Waxaan Aqaan Sida Loo Diyaarayo Wararka Macaan Ee Madaxweynuhu Ku Raaxayso Isagu Wuxuu Nagu Yaqaanay Waagii Puntland Markaa Anagaa Mudan In Naloo Doorto Qaar Kalena Waxay Yidhaahdeen Waxaan Si Fiican U Kala Aqaan Saxaafada Muqdisho Iyo Weriyayaasheeda Markaa Kuwaas Ayaan Odayga Ka Difaacayaa Kii Ugu Yaabna Badnaa Ayaa Wuxuu Yidhi Anigu Waxaan Doonaa Keliya In Aan Mar Keliya  Raadyoow Muqdisho Ka Hadlo Oo Idhaahdo Anigoo Ah Hebel- Hebel Ahna Weriyaha Khaaska Ah Ee Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed Intaas Ayaa Igu Filan Intaas Ayaana Codsanayaa In Layga Aqbalo.

Iyadoo Riyadii Halkaas La Jibaaxayso  Ayaa Waxay Maqleen Waxaa Is Haysta Baarlamaankii Somaliland Markaasay Intii U Noqotay Xanuun Bi’in (Anti Pain) Waxayna Ka Soo Kaceen Hurdadii Waxay Is Ogaadeen In Caawoo Dhan Waxay La Joogeen Iyo Waxay Isu Geeyeen Ay Ahaayeen Humaag Been Ah Waxayna Ku Diirsadeen Wixii Ka Dhex Dhacay Baarlamaanka Somaliland Iyagoo Qaarkood Lahaa Ma Iyagaa Wax Qabsan Kara Ayaamo Markay Ku Naaloonayeen In Xaaladu La Mid Noqon Karto Ta Muqdisho Ka Taagan Ayaa Kama Danbaystii Golaha Guurtidu Ku Dhawaaqay Goaankii Lagu Diirsadey Ee Soo Af Jaray Xurguftii Baarlamaanka Somaliland Soo Kala Dhex Galay Xiligii Doorshada Shir Gudoonka November 29, 2005 Waxaana Go’aanka Guurtidu Ku Noqday Waran Si Toosa U Tumaatiyey Kuwa Ka Soo Hor Jeeda Somaliland Ka Dib Markii Shacabka Somaliland Mucaarid Iyo Muxaafidba Si Wayn Loo Soo Dhaweeyey .
Umad Waliba Waxay Leedahay Cid Ay Ku Dhaadato Oo Loo Irkado Waqtiyaga Xaaladuhu Adkaadaan Golaha Guurtida Somaliland Waxay Mudan Yihiin In Lagu Hambalyeeyo Wixii Ay Qabteen Waxayna U Quus Gooyeen Cadowga Somaliland Dhanka Kalena Waxay Baal Dahaba Ka Galeen Taariikhda Taas Oo Xusi Doonta Waxqabadkooda Maalinba Awar Ayaa Dhaama Oo Lagu Samata Baxaa  Ee Waxay Ahayd Maalintoodii Sideediina Waa Uga Soo Baxeen Talona Waxay Noqotay Toodii Waxaan Ku Soo Gaabinayaa Heestii Hadraawi Ee Hooyo Ee Baydadkeeda Ay Ka Mid Ahaayeen MARKAAD NIN HOOGIYO KA HOR TAGA DAGAALKAA GARTA HUBIN YAQAANO XAQA HOOS U EEGO HALISTIYO COLAADAHA DABKA HURA BAQTIIYOO KU HAGOOGTA DHIIGOO DADKA KALA HAGAAJOO KALA HAGE DHASHAABA HOOYO LAGU XUSUUSTAA
Goaankaas Golaha Guurtidu Ku Dhawaaqday Maanta Oo Taariikhdu Tahay December 5, 2005 Ee Ay Ku Soo Af Jareen Xurguftii Golaha Baarlamaanka Markii La Shaaciyey Ee Uu Meel Walba Ka Dhacay Ayaa Waxaa Hurdadoodii Ku Noqday Kuwii Aan Ka Soo Sheekeeyey Waxaynu La Socon Doonaa Maqaalada Danbe Hadba Waxa Ka Soo Kordha Riyadoodan Danbe


Jama abdilahi suleiman
Cigaal215@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

GABAY COD AH OO KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)

»GABAY::: D a c w o - Waxaa tiriyey: Abwaan maxamed dhagaafe cilmi

»MAANSADA "GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD