SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


GEFKII GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaaraha Dawladii Soomaalida loogu soo dhisay Kenya oo gumeysata NFD oo ah dhul Soomaaliyeed ayaa sheegay in NFD & SoomaaliGalbeed  aysan Gumaysi ku jirin, hadalkaas markii uu yiri safarkii ugu horeysey ee uu Jawhar kaga ambabaxo waxa uu u aadey Itoobiya oo Gumeysata SoomaaliGalbeed. Fikradaada ka dhiibo arintaas.. Haddii aad u baahatid emailka Geedi in aad koobi qoraalkaaga ah u dirtid Emailkiisu waa:
premiersom@wananchi.com  [DHEGEYSO HADALKII GEEDI]

HADALKII GEEDI OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA DHEGEYSO.....

DHEGEYSO::: Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD:

Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.

Tan iyo markii DKS lagu soo dhisay Kenya madaxweynana loogu doortay colonel C/llaahi Yusuf waxa soo badanaya hadalada meel ka dhac ku ah shucuubta dhibaataysan ee Ogaadeenya ama S/Galbeed iyo NFD. Hadaladaas oo ka imanaya labada musuul ee ugu saraysa DKS iyo inta aay isku fikrada yihiin.

C/llaahi yuusuf mar lagu eedeeyay in uu Ethiopia ka amar qaato, jawaabtiisii waxay noqotay in uu yiraahdo aniga ayaaba Ethiopian ah. Wuxuuna sheegaa in uu soo celinayo midnimadii & dowladnimadii soomaaliyeed, bal akhristoow is waafaji labadan eray e is burunaya kana soo wada yeeray iska af qura.

Mar kale wuxuu sheegay in aanu jirin dhul iyo dad soomaaliyeed oo maqan oo gumeeysiga xabashida ku hoos jira. Geedi oo ah nin Profesor ah wuxuu British Broadcasting Corporation ka sheegay in dhulka iyo dadka maqan aay ka mid yihin dowladaha xooga ku heesta taas oo macnaheedu yahay hadaan nahay Madaxwyne C/llahi yuusuf iyo Ra'iisal wasaare Geedi Ethiopia waan u xalaaleenay dhulka iyo dadka Soomaliyeed oo uu reer galbeedku u qacan qabteen Ethiopia.

15 sano ayaa  ka soo waregtay markii la waayay qaranimadii Soomaaliyeed, waxaa nasiib daro ah in markii la is lahaa hada ayaa la doogsanayaa in awooda DK ay gacanta u gasho kuwo iyagu  balan ku qaaday in aay ku abaal mariyaan Ethiopia xad gudubyada aay ku heeyso shucuubta Soomaaliyeed oo iyagu aan marnaba rabitaankoodu aheyn in aay Ethiopiyaan yihiin ama wax la wadaagaan Ethiopia oo aan aheyn darisnimo.  

Waxan jeclaan lahaa in aan xusuusiyo labadan mas'uul iyo kuwa la fikrada ah ba, in dadka Soomaaliyeed ee dhulkaa dagan aayna  waligood ogolaaneen in ay ka tirsan yihiin dad iyo dowlad aan tooda ahayn, (dunidan weey ka jiraan umado xoog lagu heesto) taasna waxaa u daliil ah halgamada hubeysan ee is daba yaala ilaa iyo maantadan oo aad adiga Jaale Madaxweyna ka mid ahayd saraakiishii Soomaaliyeed oo dhulkaa xoreeyay argagixintii waarso ka hor, xiligaana Ethiopian maadan aheyn.

Labadaasi mas'uul waxey sheegaan in Ethiopia is badashay talis cadaalada ka taliyo shucuubta Soomaaliyeedna xaqooda heestaan, taasi waxa beebinaya xaalada dhabta ah ee taagan  oo aay ugu danbeysay qasuusii ciidamada Ethiopianku aay shalay ka geesteen magaalada Q/Dahare.

Dhibaatooyinka taliska Tigreegu u geesto umadan ma aha wax halkan lagu soo koobi karo, waxa dareemi kara cida aay ku dhaceyso, bulshada caalamka ee cadaalada jecel iyo inta aay Soomaalinimadu ku jirto, waxaase in taa u sii dheer Soomaalida qaarkeed sida kuwa W/Galbeed  oo aay dawlidnimadu madaxmartay iyo labadiina mas'uul oo taageero nooc walba ah oo shuruud la'aana siiya cadawga kaliya ee aan ku leenahay dunidan .

Ethiopia waxay cadawkanaga noqotay markii aay ku darsantay gumestihii reer galbeedka ee ina kala qeybiyay, taariikhdana laguma hayo wadan African oo aan ka soo horjeesan nimankaa yurub ka soo duulay oo aan Ethiopia ka ahayn, waxaana la oran karnaa heshiis ayaa dhacay marka  aay ku laabato halkii ay ka timid sidii aay  guryahoodii ugu laabteen oo kale nimankii korka cadaa.  

Max'ed xaaji Ibraahim Cigaal ayuu ahaa ninkii saxiixay in NFD ay Kenya ka mid tahay xili uu hayay jagada aad heeyso oo kale Mr Geediyow ayada oo aanan arintaa baarlamaankii iyo qeybihii kale ee dowlada Soomaaliyeed ee xiligaa ka koobneed ama dadka dhulkooda la saxiixayay aan lagala tashan oo aan rabitaankooda la weydiin.

Hadaba waxa cadaatay siyaasadiina ku aadan dhulka loo yaqaano Ogaadeenya ama S/Galbeed  In aaysan jirin wax taageero ah nooceey rabto ha ahaatee oo la idinka sugayaa , waxaanse idankaga digayaa in aadan samaynin qaladkii uu sameeyay Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kale.

Ma jirto wax ka qiimo badan Xoriyada,waxaan idanka mudanahay in aad taageero nooc walba ah na siisaan hadii aad tihiin hogaanka Soomaaliya ee wakhtigan, hadii kale Qadiyadan waxay u taalaa dadka iyagu dhibaatada heeysate , waxan idan ka codsanayaa in eeydan noqon afhayeenka gumeestaha oo eeydan taariikhda meel xun ka gelin. Waxan aaminsanahay in shucuubtan xaqooda aay heli doonan dhawaa ama  dheeraatayaaba hadii Alle idmo.

By C/llaahi Max'ed
abdimoh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2005

###

Wararkii ugu dambeeyey ee Qabri Dahare......

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabri Dahare ayaa sheegaya in xaalada magaaladu aad u cakirantahay.

Warkii u dambeeyey ee naga soo gaadheyna wuxuu sheegayaa  inay saaka ciidamadii Tigregu dadka magaalada ku amreen in ay qodaan labaatan(20) xabaalood.

Kadib markii dadkii shacabka ahaa dhameeyeen 20kii xabaalood ayay ciidamada Tigregu u sheegeen dadka inay isaga dareeraan aaga xaabalaaha, iyagoo yidhi "anagaa ayaa aasayna maydadka e". Balse dadkii ayaa gaashaanka u daruurey oo diiday. Halkaasna waaa ka bilowdey in dadkii bilaabaan dhagaxtuur, nasiib daro waxaa rasaas ooda kaga qaadey dadkii shacabka ahaa ee qubuuraha tubnaa ciidamadii gumeysiga, iyagoo goobtaas ku dhaawacay dad aad u fara badan, dhimashadana naloogu soo sheegay hal wiil oo lagu magacaabo ina Axmed Khadar.

Dhinaca kale, waxaa naloo sheegay in ay Magaalada tagtey koox ka socota hay'ada laan qayrta cas (International Red Cross) si ay u soo baadhaan waxa dhacey, laakiin ciidamada Itoobiya ayaa u hanjabay kuna amrey in ay magaalada si deg-deg ah uga baxaan.


ISHA: Ogaden Online staff.


Cid aan aniga ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi... Guji... Nov 16

 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD