SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?

Daabaco Boggan | Print
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 


Ogaadeenya oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay.
 
Maax Ibrahim
 
Marka hore waxaan salaamayaa umadda Soomaaliyeed ee Soomaalinimadda Jecel marwalbana jecel in ay haybadii & sharaftii Soomaaliya  soo noqoto.
 
Waxaan halkan ku diyaarinayaa Qormo aan siiya cinwaanka ah Ogaadeenya oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay, markaan saas leyahay waxaan doonayaa in aan sababta keentay  u ifiyo umadda Soomaaliyeed ee jecel ama u ooman in ay helaan walaalahooda ku hoos jira Gumaysiga in ay aayahooda ka tashadaan.
 
Qarni walba wanagiisa & xumaantiisa ayuu wataa waxaan ku aqliyay sanay dhamaan umadda Soomaaliyeed oo hal cod ah ama hal ujeedo ah wadda huwan waana midi keentay in ay labadii dawladood ee xaqa u yeeshay in ay Gumaysigii haystay ka hoosbaxaan  maalin midoobaan oo ay yeeshaan hal dawlad ah sida Waqooyi Galbeed & Koonfur Soomaaliya.
 
Waxay umadda Soomaaliyeed markaas raadinaysay ama ay u oomanaayeen in ay Soomaali meel ay joogtaba aynan sharaf ku noolaanaynin inta uu walaalkood Gumaysi ku jiro nolashiisuna aynan hagaagaynin ilaa uu ka saaro dhibatadda walaakiisa ku hadhay gumaysiga oo ka hoos baxayo cadawga ku habsaday ee dhulkiisa qabsaday.
 
Xiligii hore Soomaalidu waxay arki jireen in ay hal cadaw leeyihiin kaas oo ah midka Xabashida oo dhulsoomaaliyeed mudo dheer xoog kuhaysatay walina haysata.
 
Aan u soo daadago ujeedada qoraalkayga. Umad markay dhibaato qabsato waxay kaga bixi kartaa oo kali ah in ay isku tashato oo naf & maalba ay dhigaan si ay u helaan waxay higsanayaan oo ah xoriyad. Shacabka Ogaadeenya sidaan horaanba qormadii tan ka horaysay aan ku cabiray waxay mudoo dheer geed gaaban & mid dheerba u fuuleen in ay helaan waxa ka maqan oo ah in ay dadkoodo ayagu u tashadaan taas oo manta inoo soo udgaysa ama soo carfaysa Xoriyadii waxaana daliil aan ka dhiganayaa dhowr arimood.
 
  • Dadka  Soomaaliyeed ee  Ogaadeenya oo ku baraarugay in ay xaqooda raadsadaan iskana celiyaan cadawga qabiilka ku samaysan ee dhulkooda hooyo haysata.
 
  • Caalamka oo maanta ilgaar ah ku fiirinaya xaaladda xun ee ka taagan Ogaadeenya & siduu aduunku u iloobay umadaas qarniyaalka aduunka ka danbeeya oo aadan Ogaadeenya ka helaynin waxa daruuriga ah ee uu bani aadmku u baahan yahay.
 
  • Itoobiya oo qiraysa in ay halkaas (Ogaadeenya) ka jirto quwad aan la loodin Karin in wadda hadal lagu dayo moyaanee taas oon oganahay, Hadalkii Melez ee ahaa ONLF waan la hadlaya gobwalba & meelwaba ooy doonaan iyagu taas oo Melez ay  ka keentay saraakiisha maalin & Habeenba ciida Ogaadeenya ku dhimanaya Wayaanaha soo doolay ee doonaya in uu shacabka gumaysto oo kali ah.
 
  • Intii saluuganayd ama u arkaysay in uu ururkan yahay urur ay dadgaar ah samaysteen oo xaqiiqadii fahantay sida umaduu Soomaaliyeed ee xadka lawadaagi jiray Oromada markii dhulkodii lagu daray dhulka Oramada oo ay maanta kamidka yihiin dhulka Oramada ayga oo xaqiiqada fahmay in ay Itoobiya doonayso dhulbalaadhsi ayada oo marwalba ka xaglisa umadda Soomaaliyeed.
 
  • Dadkii Soomaaliyeed ee aan walaalaha ahayn isku dantana ahayn oo in badan oo kamida ay fahmeen dhibaatada ay Itoobiya ku hayso dhamaan shacabka Soomaaliyeed ama hajoogo Soomaalida xorta ah ama Ogaadeenya ha jogee, waana mida keentay in maanta ONLF meel walba laga soo dhaweeyo oo waxay rabaan lagu siiyo.
 
  • Mudaaharaadyo bilaabmay oon horaan la arki jirin sida Mudaaharaadkii balaadhnaa ee ay Jaaliyadda Soomaaliyeed & Midda Ogaadeenya ay ku dhigeen 29/11/2005 taas ay  ka hordhigeen Baarlamaanka Afrika ayaga oo halkaas qiiro ku muujiya &   sida ay uga go’an tahay in ay xaqooda helaan waxaana kamid ahaa gulihii ka soo baxay.
 
Dadkii mudaaharaaday oo codkooda gaadh siiyay Caalamka waxaana TV wadankaas & Joornaalada ka soo baxa aad uga hadlayeen waxay Ogaadeenya tahay waxaana laga waraysatay qaar kamida MP yadii Baarlamaanka halka ay qireen in ay dhibaato ka jirto Ogaadeenya loona baahan yahay in ilgaar ah lagu fiiriyo.
 
  • Jaaliyada Ogaadeenya ee Caalamka oo maalin qudha ah mudaaharaad kaas oo kale ah ka dhigay Caalamka Sida Urub, Amerika, Australia,kenya iwm waxayna taas ku tusinayaa sida ay dadku u fahmeen xaqooda mudadda laduudsinaya.
 
  • Guddaha Ogaadeenya oo ay kacdoon shacab ka jirto taas oo calaamadihii kacdoonka qaar kamida la arkay sida in ay shacabkii soo istaagaan mayeelayno oo aynan horaan dhihi jirin waana mida keenaysa in Tuulooyinkii ay u dhasheen  dab la qabadsiiyo taas oo ay Ciidanka Itoobiya ula jeedaan ha cabsadaan lakiin ay keentay in dadkii oo dhan in ay isu rogaan in ay yihiin ONLF waana mida ay markii ay ciidanka Itoobiye ee ka howlgala Magaaladda Q/Dahare intay soo shiriyeen dhaman dadkii halkaa daganaa ayay ku dheheen waxaad tihiin dhamaantiin ONLF oo waan ognahay anaga unbaad been noo seegaysaan.
 
Hadaba Akhritoow in taas oo  dhan miyayna ku tusinaynin in ay Tubtii Xoriyadda Cagta saartay Ogaadeenya? Waa jawaab u taala akhristaha.
 
Talalo ku socota dadka dulaman ee gumaysiga ku jira & Shacabka Soomaaliyeed ee xorta ah.
 
Dhibaatadu markay kobocda ama ay isdul fuusho heer waxay gaadhaysaa uu qofku rajo beelo oo ay u muuqto in uusan waxba ka qaban Karin hadii aad fiiriso qowmidda ay Ogaadeenya la dagaalamayso waxaad arkaysaa in uu kuba rajo tiro qofka Soomaaliyeed eed ka filaysay in uu mooraalka kuu dhiso oo uu ku dhoho waad ka guulaysan ee halkaa kasii wad halka ay ku dhahayaan shacabka dulmay ma Itoobiyaad iska celin kartaa & erayo lamid ah taas waxaa og qofka kunool Ogaadeenya in ay Itoobiya ku ladi la dahay ama ay ku raaxaysan la dahay dagaalka ka socda Ogaadeenya waxaana daliil kuu ah 94 ayuu dagaalku bilaabmay ilaa hadana wuu socdaa may qaqabato haday yihiin koox ama wax yar waxaan shaki ku jirin in uu dagaalku aad u balaadhan yahay Itoobiyana ay ogtahay.
 
Hadba  taladaydu waxay tahay Xoriyadda inoo muuqata waa in aan sidii aan ku hanan lahayn aan falankeeda galaa khiyaaligana ka baxno oo aan wacyigalin balaadhan abuurno Dawaladan dhalan doontana aan u diyaar garoowno, hadii aan diyaar nahay way hagaagi. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba waxaan ku boorin lahaa in aygarab istaagaan walaalohooda u taagan in ay ka hoosbaxaan gumaysiga qayrkood kareebay ee u diidan in ay noolaadaan. Halkaas maantana ha inoo joogto.
 
Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD