SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS


Norm Coleman - United States Senator - Minnesota
 Senator Norm Coleman (MN)
Ambassador Jendayi Frazer
 Ambassador Jendayi Frazer
Dr Elmi Duale
Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale
Dr Galaydh
Prof. Ali Khaliif Galaydh
Daabaco Boggan | Print
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 



GalaydhCali Khaliif Galayr: Itoobiya Ma Rabto Inay Aragto Nidaam Dawlad Soomaaliyeed

Galaydh oo eedayn Kulul u soo Jeediyey Itoobiya

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Dec 8, 2005

Ra'iisul wasaarihii Dawladii hore ee Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa eedayn kulul u soo jeediyey Itoobiya, mar uu xalay (Dec 7) ka hadlayey Jaamacada Minnesota oo lagu qabtay kulan aad u ballaaran oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan.

Kulankaas oo lagu casumey in ay ka hadlaan Senator Norm Coleman oo ah Senator laga soo doorto Gobolka Minnesota-USA, Kal-kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Africa Ambassador Jendayi Frazer, Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale iyo Prof. Ali Khaliif Galaydh oo ah macallin ka ah Jaamaacada Minnesota oo ah halka shirka lagu qabtay. Shirka oo u qaabaysnaa nidaam Soomaalida lagu tusayo in wada hadal arrimaha lagu dhamayn karo.

Waxaa shirka hordhac looga dhigay in Gobolka Minnesota ay ku nool yihiin 60,000 oo Soomaali ah oo ah tirada ugu badan Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka ee hal gobol deggan.


Ambassador Jendayi Frazer

Dr. Elmi Ahmed Duale

Prof. Cali Khaliif Galayr

Senator Norm Coleman

Markii shirka la furay waxaa durbadiiba magarafoonka lagu soo dhoweeyey Ambassador Jendayi Frazer, waxana ay sheegtay sida Maraykunku uu hadda muhiimad weyn u siinayo arrimaha Soomaaliya. Waxa ay xustay in ay Soomaaliya muhiimad sare siinayaan madaxweyne Bush, xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Condoleezza Rice iyo Senator Norm Coleman.

Muhiimada Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya waxa ay ku muujisay in ay ugu horeyso si aan Soomaaliya u noqon "goob ay ku kobcaan argagxisadu" iyo "arrimo la xiriira bini'aadamino".

Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale, waxana uu u mahad celiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota sidii ay u soo dhoweeyey. Kaddib waxa uu xusay inta jeer ee Soomaaliya la isku deyey in la nabadeeyo oo 13 jeer isku day ah ay wax ka soo bixi waayeen. Waxa kale oo uu xusay sida gebi ahaanba dhulka Soomaaliya uu u burburay, nidaamkii waxbarashadana uu burburay. Waxana uu sheegay sida uu Maraykanku hadda diyaarka ugu yahay in uu Soomaaliya caawiyo. "Marka aad ilmo yar tahay ma ordi kartid" ayuu yiri, waxana uu raaciyey in dawlada Soomaaliya u baahan tahay caawin.

Waxaa markaas magarafoonka lagu wareejiyey Prof. Cali Khaliif Galayr. Waxana uu markii hore xusay "Qabqablayasha Dagaalka Soomaaliya" ee loo yaqaan "Warlords" iyo raadka ay ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya. Kaddib waxa uu sheegay in Itoobiya aysan rabin in ay aragto dawlad Soomaaliyeed hal maalina. Waxana uu intaas raaciyey in ay Itoobiya lug ku lahayd soo xulidii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo uu xusay taageerada Itoobiya ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: Itoobiya waxaa dhici karta inay taageerto qof ama shakhsi, laakiin ma rabto nidaam dawladeed oo dhisan oo Soomaaliyeed oo shaqaynaya.

Qaybsanaanta dawlada Soomaaliya, Cali Khaliif waxa uu ka yiri: in ay tahay in la eego oo xal loo helo qodobo ka mid ah Axdiga Qaranka DFKMG, qodobadaas oo uu yiri waa: Qodobka 44aad, 45aad, 48aad, 25aad, 33aad, 36aad, iyo 38aad.

Kaddib waxaa magarafoonka lagu wareejiyey Senator Norm Coleman oo ugu horay isagoo qabowga (barafka) Minnesota xusaya waxa uu Soomaalida kula kaftamay in 'Sababta ay Minnesota u yimaadeen ay tahay in ay jecel yihiin ka kalluumaysiga barafka dhexdiisa ee loo yaqaan Ice-Fishing". Waxana uu intaas raaciyey in websitekiisu uu yahay kan keliya ee uu leeyahay Senator Maraykan ah oo lagu tarjumey AfSoomaali. [Eeg halkan].

Senator Coleman oo ka hadlaya Soomaaliya waxa uu xusay xaaladii "dimoqraadiyada ee Soomaaliya ku sugnayd sanadihii 1960 ilaa 1969". Waxana uu sheegay sida hadda Soomaalida loogaga baahan yahay wadahadal iyo isku duubni. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay muhiimada uu Maraykanku siinayo Soomaaliya in ay tahay mid la xiriirta arrin ah si aan Soomaaliya u noqon meel ay "argagixisadu ku dhuuntaan ama wado u ah" iyo arrin "la xiriirta mid bini'aadamino".

Senator Coleman waxa uu xusay sida ay u haboon tahay in madaxweyne Bush uu Soomaaliya u magacaabo egey gaar ah. Soomaalidii madasha joogteyna waxa uu ku yiri "ha rajo dhigina".

Senator Coleman waxaa reer Minnesota ku xusuustaan sidii uu uga qayb qaatay soo deyntii Fartuun Sheikh oo ah 5-jir Soomaaliyeed oo Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Kenya ay xabsi u taxaabeen bishii September ee sannadkan 2005.

Sidaas ayaa khudbadihii mid kasta loogu talo galay 10 daqiiqo ku dhamaadeen, kaddibna waxaa la weydiiyey su'aalo ay dadweynuhu waraaqo kusoo qoreen.

Su'aal la weydiiyey Cali Khaliif ayaa ahayd Maraykanaka iyo Shiinaha iyo danta ay ka leeyhiin Soomaaliya. Isagoo taas ka jawaabayana waxa uu xusay in Soomaalidu is weydiiso waxa uu Maraykanku u soo qaaday oo intaas oo Soomaali ah u soo dejiyey Maraykan, waxana uu xusay in lagu macneeyo arrimo ay kamid yihiin Oil oo la yiraahdo in uu Maraykanku rabo in uu lug ku yeesho, arrimo la xisiira in dadkaan la sooqaaday ay ka soo bixi doonaan hoggaankii berrito ee Soomaaliya iyo arrimo la xiriira Cristianka (tan oo uu yiri waa tan ugu xoog yar ama ugu diciifsan).

Ambassador Dr. Elmi Ahmed oo ka jawaabayey su'aal la xiriirtay "Qabqablayaasha dagaalka" waxa uu yiri hadda kuwaas waxaa loogu yeeraa "hoggaamiyayaal" waana sida ka dhalatay dib u heshiisiintii, waana in ay aqbalaan dib u heshiisiinta, ayuu yiri.

Ambassador Jendayi Frazer oo su'aal ka jawaabeysey waxa ay xustay in Maraykanku taageersan yahay cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogtey Soomaaliya.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka qayb galay shirka ayaa SomaliTalk.com waxa uu u sheegay in hadalka Prof. Cali Khaliif ee ahaa "in Itoobiya aysan rabin dawlad Soomaaliyeed hal maalina" uu ahaa kii looga baahnaa mas'uul Soomaaliyeed in uu si toos ah Maraykanka iyo addunka oo dhan u sheego in aan mar dambe Itoobiya wax looga weydiin arrima Soomaalida, maadaama sida uu Galaydh caddeeyey aysan Itoobiya u rabin Dawlad shaqayneysa oo Soomaaliyeed, dal aan dawladaada rabin adanahaaga waxba lagama weydiin karo.

Waxaa la xusuustaa in dhowaan uu Prof. Cali Maxamed Geedi sheegay in aysan jirin Soomaali ku hoos nool gumeysiga Kenya iyo Itoobiya, hadalkaas oo ahaa kii Itoobiya, ayuu yiri aqoonyahankaas Soomaaliyeed, oo intaas ku daray in ay weli Soomaalida ku hareen dad hadalkooda cadaysan kara, Itoobiyana adduunka ku baraarujin kara waxa ay tahay.

Intii khudbaduhu socdeen dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa aad u sacbinayey, qaarna ay lulayeen tabeelayaal (waraaqo qoraalo lagu qoray sida VIVA SOMALIA, iwm) - Nin dadkii madasha joogey ayaa yiri: "war heedhe waxaa la idin barayaa in lawada hadli karo ee sacabka naga daaya", dabcan inta u dhow keliya ayaa maqleysey maadaama sacabku uu aad u xoog weynaa.

Sidaas ayaa shirkii kusoo gabagaboobey, shirkaas oo ahaa mid aad loo soo qaban qaabiyey, aadna loo soo camiray. [Eeg qabanqaabadii shirkan].

SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota, USA | Dec 8, 2005 

Sawiradii Shirka::

 
  
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD