SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Aqoonyahan Xume, Siyaasi xume, Wadaadxume bal ila fiiriya Fuleynimo bey ina Barayaan

yusuf essa
yusufessa@gmail.com

Salaama Caleykum dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee markasta soo booqda websideka intaas kadib,

Salaaan kadib waxaa jira rag siyaasiin ah sida Galeydh,C. X.Xussen,Sifir iyo dhalinyaro kale oo isku tilmaama iney yahiin aqoonyahano sidaad ku aragto Magacyadooda Hortooda INj,Dr  iyo Wadaado sida Xassan Dahir,Indha cade Dadkaasu markasta Umada Somaliyeed waxey ushegaan in Ethiobia Tahay cadawgeena 1aad iney naqabsan rabto,iney nalayn rabto,balse waxaan aad ula yaabay Kartida iyo indheergaradnimada  ee kujira Qowmiyada Amxaarada kuwaas oo markasta maqlo waxey ku hamiyaan Inay qabsadaan Geeska Africa Hadaba waxaa isweydiin Mudan marka Hore Ethiobia dhulka la dheho yaa iska leh miyuusan aheyn Wadan ay degan yahiin Qowmiyado kala duwan kalana af ah,kalana Diin ah Dhinaca kale Ethiobia Muslinka iyo Masiixiyiinta ama dadka kale ee Diin lawayaasha yaa badan wey garan karaan Dadka usaaxibka ah Caqliga su'aalahan dulucdooda.

Marka maxaa sababay in maalinwalba Caruurteena iyo Dhalinyaradeena aan ku cabsiino Amxaaro oo dhehno wey naqabsaneysaa Su'aal kale waxa weeye Qawmiyada Amxaaro miyey ka badan tahay Qawmiyada Somali maxeynuse Wadanka Ethiobia ugu deeqeyna ama Ugu sharciyeynay Amxaaro,Maxaa inoo diidey ineynu isku deyno bal inaan Hormuud ka noqono Siyaasada Ethiobia ineynu dhexgalno ineynu ku fekerno ineynu qabsano Ethiobia siyaasad ahaan,dhaqaale ahaan ,diin ahaan,maxaa inoo diidey ineynu yeelano aragti fog oo markasta aynu ugelaynaa difaac iyo dhul baa la inaka qabsanayaa.

Hada kahor aniga oo jooga Sandiego,USA ayaan waxaan raacay Tabliiq aniga iyo dhowr nin oo kale baan ubaxnay Jawlo amase inaanu Fidino Diinta waxaanu utagnay Maqaaxi Somali oo Turub lagu Ciyaarayo markaa dhowrkeenaas qof waxaa noo Madax ahaa Nin Zair kayimi oo 5Sano Muslim ahaa waxaanu isku daynay bal in Xoogaa nala dhegeysto waad garaneysaa Odayaal turub ciyaaraya ninkii Zair ka ahaa ayaa wacdi bilaabay oday baa hadalkii lasoo boodey oo yiri Adeer balweydii horta Wadankooda imisaa Muslin ah isagoo aad isula qabweyna yacni raba inuu ninkaan niyad jebiyo waxuu ugu jawaabay inkayar 10% balse idinka oo Somali ah oo 100% muslin ah qiyaamaha alle SWT  idinka kala xisaabtami waayo dhul beynu wadaagnay oo Diinta lug baad nagu soo gaarsiin karteen teeda kale alle SWT Mareykan inuu kugu xujeeyo buu ku keenay adiguna Turub iyo ciyaar baad latimi.

Hadaba Walalayaal Diinta soow tii layiri Fidiya Goormaynu bilownay ineynu gurigeena kula cararnoI Wadanka Indonisa Yemen Ganacsato ah baa Muslimisay markey arkeen dhaqankooda wanaagsan iyo xadaaradooda.

 Daka Ethiobia Kunool waxey soo mareen Xukun adag oo Masiixi ah iyadoo badankood la kirshtaamiyey waxaa uga danbeeyey shuuci adag Marka maanta fursad beynu uhaysanaa waa ineynu dhexgalnaa meelkasta masajid ka dhisnaa Ganacsigeena ku fidinaa Siyaasadooda dhexgalnaa Ethiobia waa ineynu bedelnaa targetkeenu waa ineynu qabsanaa sida ninka Amxaarku ugu Fekerayo qawmiyada Ethiobia oo dhan inuu qabsado dabdeedna Somalia kusoo Darsado aniga sidan aminsanahay inakama IQ fiicna, inakama dhaqdhaqaaq badna ee dhibku waxuu kayimi only Aqoonyahankeena,odayaashan siyasiinta iyo wadaad xume dhamaantooda raba iney ka muuqdaan Masraxa siyaasda Somaliyeed ayaa afgobaadsi markey rabaan in wax mucaaradaan ina tusinaya Qabiil ,Ethiobia iyo waxyaabo kale oo danteena aheyn

Balfiiriya dadbadan oo Aqoonyahano iyo Siyaasiin ah waxaa Ku dhacay cudur Cabsi oo waxey markasta ku qarwaan Ethiobia marka ma garankaro ma Dawladan bey rabaan iney Umada Somaliyeed Kusoo jeediyaan oo dhacdo mise dhab bey katahay oo cabsidaas bey qabaan? waa su'aal aan rabo jawaabteeda

waxaan isleeyahay Maanta hadey Joogi lahayeen Axmed gurey, Seyid Maxamed iyo Ragii kale oo Muwaadiniinta ah in Maanta sidaan u fekerayo ay u fekeri lahaayeen waayo markaan u baahano dhulka Ethiobia iyagaa naga carari lahaa oo masoo haweysteen dhulkeena bal maanta Tigree miyuu weligaa ku fekeray Somalia baa ilaa xadkaa kaa cabsaneysa waxaa baqahaas iyo lidnimaad ina gaarsiiyey wa ragaas siyaasiinta inoo ah hadaad rabtaan inaad barataan soo booqda Webside ka www.somalitalk.com waayo dadka garan waayey maanta umada Somaliyeed dhibka ay ku jirto umayan hadaaqeen sida ay kusoo bandhigaan webside kaas miyeyan arkeyn in baddii sun lagu shubayo,miyeyan arkeyn in dad Masaakiin ah la qawracayo,miyeyan arkeyn in dhirtii la shidey oo wadankii nabaad guurey,miyeyan arkeyn in xoolahii dhamadeen,miyeyan arkeyn in dhulkii ay Hay'ado ku beeren Geedo U diida in geedaha kale iyo Beeruhuba baxaan(geed yahuudi),miyeyan arkeyn dhaca.Dilka Kufsiga,Documenti la'aanta,Waxbarasho la'aanta ,Caafimaad la'aanta

Hadaba soow maaha markaan u fekeri lahayn  Madaxweynaha ama nebcow ama jeclow dadka dawlada ku jira ama jeclow ama nebcow Masraxa siyaasada ama kamuuqo ama ka maqnow inaad ka maqnaato baad ku fiicneyde! bal inaad udaneyso Umada somaliyeed bal inta dhib aan kor kusoo sheegay iyo kuwa kabadan ay qebtood ka nastaan.

Ok Dawladan waxaa horbooda Ethiobia Tii Masar horboodi jirtey maxaa lagu nacay? Ok Wadaad xume Maxuu ula jirey Tii Carta ileyn Dastuur Islaami ah kuma socone Mise dad qeybtood oo kabaqaya In Mareykan ama Reer Eurobe Denbiyo uqabsadaan dartood baa hada loo mucaaradayaa waa yaab!

 hadey yahiin dadkaas masuul ama kuwo wax ugu fadhiya umada Somaliyeed umada ayey udaneyn lahayeen iyaguna meeshii ay ka cabsanayeen bey isu dhiibi lahayeen(midheeyn taasi ma dhacdo)
Balse waxaan uga digayaa Umada Somaliyeed yaan la idinku kacsan awrka nin aan waxba idiin tareyn akhiradiina na idin halaajiya Yuusan qabiil idiinku wacan!
waxii aan ku qaldamey alle SWT ha iga cafiyo anigu danta umada ayaan siaas u arkaa
w/Towfiiq

yusuf essa
yusufessa@gmail.com

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

GABAY COD AH OO KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)

»GABAY::: D a c w o - Waxaa tiriyey: Abwaan maxamed dhagaafe cilmi

»MAANSADA "GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD