SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI
Daabaco Boggan | Print
 
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji
 


Geeddi: Wed Qaran

A. M. Yusuf
wayeel@operamail.com


CABDULQAADIR XIRSI SIYAAD,YAMYAM (1945-2005), waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan dowladdii — (lagu soo dhisay Carte, Jabuuti) — Cabdiqaasim Salaad Xasan (Agoosto 27 2000—Oktoobar 14, 2004) uu Madaxweynaha ka ahaan jiray. Siyaasadda Baarlamaanka iyo Golayaashu meesha ay ku hayn jireen waagaas, ayuu Yamyam ku tilmaamay saddexda sadar ee hoose[i]:

Ninkii maal rabay ka hodon
Ninkii magac rabay ka waa
Midnnimo kii rabay hungoow


SSI: You were quoted as saying if the international community recognizes Somaliland we don’t have a problem, we will accept them. If that is right and if the international community comes to recognize Somaliland as a separate entity, what would be the outlook of your government?

P.M. A Gedi: First of all, the decision and destiny is in the hands of the Somali people not in the hands of the international community. The international community operates through the charter of the United Nations and International Organizations. And in nowhere in that charter is a separation and division of nations possible, so the recognition must come from the Somali people through referendum, through acceptance and through willingness. That was the process of the unity from the beginning and it needs the same process. No country, no international organization can recognize them.

SSI: If Somaliland calls for a referendum, would you support that, to see whether the people would opt for unity or separation?

P.M. A Gedi -A referendum must include all Somali people, not part of the Somali people. This is not an easy task. It is not like local administration, it is the destiny of the whole nation. So it must be all-inclusive and it must express all of Somalia, if a referendum is deemed necessary for the restoration of the reunification.

Read More......


C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa....
Guji....

Aan "maantooleys"[ii] gaaban la kaashada arrinta ku saabsan wareysiyadii Md Cali Maxamed Geeddii uu kala siiyay British Broadcasting Corporation iyo wargeyska la yiraahdo Sub Saharan Informer. Maantooleys isku toli kara — ku na saabsan wareysigii idaacadda British Broadcasting Corporation iyo wareysigii wargeyska SSI — halka wararkiisii ay weli iska qaban la' yihiin.

Oday Ugaas ahaan jiray ayaa meel madal ahayd, war ka sheegay. Wiil uu adeer u ahaa ayuu xaggiisii eegay, sow ku yeen:

"Maandhow, gabadhayda Carro ah ayaan kuu dhisahayaa!"
"Adeerow, kaa guddoomay, gabadha Carro ah!"
" Maandhow,  arooskiinnu waa gu'ga iman doona!"

Golihii sacab, mashxarad iyo reynreyn ayaa ekeeyay. Dadka oo idil, waa loo wada guuxay.

La joog, la dhowr oo hadda na la dhowr. Gu' gii na yimi. Warkii Ugaasku na, isma soo tarin. Maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu wiilkii, oday garyaqaan ahaa, kala tashaday sheekadii guurka ee raagtay. Waanadii uu waayeelka ka helay isaga oo madaxa ku sii haya, ayuu wiilkii la daleeyay adeerkii:

"Adeerow, See wax u jiraan? Mee warkaagii? Meeye' guurkii? Meedey Carro? "
"Maandhe, war illeyn warmoog baad ahayd! Halakan guur kuugu ma hayo! Carro sow ta ku diidday!"

Wiilkii ayaa dabadeed codsaday: Isla madashii warka laga sheegay kalhore, in Ugaasku mar kale ka sheego in gabadhiisii Carro ahayd ay diidday guurkii.

Adeer Ugaas na warkiisii "… dhaayda iyo karuurka kala macaanaaye, misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii[iii] …" loo guuxay. Sidii wiilku codsaday ayuu Ugaaskii na, warkii madal ka naadshay.

Golihii sacab, mashxarad iyo reynreyn ayaa ekeeyay. Dadka oo idil, waa loo wada guuxay.

Md Geeddi, shaki kuma jiro in, hadalkii uu yiri kala xaraaraaday murdud[iv] la walaaqay oo kale. Gefkiisii na, uu dib u kohay. Af qalaad warkii uu ku sheegay, tirada ku ma jiro. Afka qaranka Soomaaliyeed warkii uu ku baahiyay, ayaa weli loogu hayaa kaydka. Madashii, Laanta Af Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation, mar kale dib ha u beegsado. Loo joogi doonee, la dhowri doonee oo hadda na la dhowri doonee.

CALI MOHAMED GEEDDI (Cali[v]), waa aqoonyahan jahil ka ah taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Waa qowsaar[vi] aan markeedii hore ba, lagu gardaadin siyaasadda. Arday okoban in wax la baro, hadda na, diid in uu noqdo[vii]. Odayaal ay ka mid yihiin Dr. Ali M. Hirabe, Cali Mahdi Maxamed, Xuseen Maxamed Bood, Xaaji Omar Cadaan iyo Faarax Weheliye Caddow (Sindiko) ayaa ka gadooday magacxumida uu u soo hooyn lahaa — guud ahaan beeshiisa — gaar ahaan na Jufadiisa Guurti badan ayaa rumeysan, Cabdilaahi Yuusuf in uu doonaayo si uu waxyeello ugu geysto beelaha uu ka soo jeedo Geedi. Meesha qura ee uu uga soo dusi kara na ay tahay jagada Ra'iisal Wasaaraha. Md Cali Maxamed Geeddi, miyuu badbaadin karayaa jiritaanka Soomaaliya, marka aan uu badbaadin kari waayay caasimaddii dalka — magaalo, isaga weli gaar ahaan, ay xudduntiisu ku duugan tahay?

MUDANE GEEDDI WAXA laga filanayay in hawshiisa ama hawraartiisu ba ay noqoto wax waafaqsan — Axdiga Ummadda Soomaaliyeed. Garasho iyo xilkasnimadii laga dhowraayay, mid na ba, haatan weli lagu ma hayo. Maalinkii uu ka hadlay British Broadcasting Corporation — Jimce, Nofeembar 11, 2005 — dadyow badan oo Soomaaliyeed ayuu warkiisu uga sii darnaa, hubka cadowgu ku gumaado jiritaankooda. Geeddi waxa uu sheegay in waayadii gobannimodoonka uu dhacay gabbalkoodii. Soomaali badan ayaa warkiisii ka carootay. Aqoonyahanno, gabyaa, qoraa, siyaasiyiin iyo shacabka guud ee Soomaaliyeed, ayaa ka codsaday in uu ka noqdo warkii uu ka sheegay British Broadcasting Corporation; haddii kale na uu iska ba wareejiyo xilka. Illaayo haatan wax cudurdaar ah, wax raalligelin ah, wax tixgelin ah ama wax gareysi ah laga ma helin — xaggii eedeysane Cali Maxamed Geeddi.

Haddii uu is oranaayo, habeenka ayaa daahi doona gefafkaagii, sidaas awgeed na, cidi ma arki doonto; haddii uu is oranaayo, in iftiinka waaberi na hareyn doono, xaqa Soomaalida ee u muuqda sida xiddiguhu ay uga dhex muuqanayaan: "gudcur aan cadda ba jirin"[viii], ha ogaado, sheekada aan weligii, har iyo habeen ba, qarsoomi doonin in ay tahay — taariikhda. "Illoobi meyso Taariikhdu"[ix]. Dad aqoon soke u leh Ra'iisal Wasaaraha Cali Maxmed Geeddi, ayaa ku tilmaamay in uu yahay: nin aan weligii garqaadan doonin. "Arintaan waa mid aad loo wada garanyo raisal wasaaraha madax adag, islamarkaana xanaaqsan inta badan[x]…." Xiriirkii isaga iyo shacabka Soomaaliyeed u dhexeysay waa ay sii weynaatay. Dillaaca sameysmay na, ka qara weyn, ma na aha mid uu isagu isku toli kari doono.

WARGEYSKA SUB SAHARAN INFORMER (SSI) — Isniin, Nofeembar 28, 2005 — waraysi[xi] uu siiyay wargeyskaan ayaa ku soo xigay. RW Geeddi waxa uu u hadlay si ka duwan sidii wareysigii uu hore u la soo yeeshay laanta af Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation. Waraysigaan dambe waxa uu ku qeexay: In go'aanka iyo aayatiinku ba ay yihiin wax ku jira gacanta ummadda Soomaaliyeed, oo aysan aheyn wax ku jira gacanta Bulshada Caalamka. In Bulshada Caalamku ay taabbageliso xeerarka Qaramada Midoobay iyo Ururada Caalamiga ah. In aan ay xeerkaas meel na uga oollin wax suurtagelinaaya goosasho ama qeybsanaan. Aqoonsiga Somaliland, sidii isutaggii hore oo kale, waxa uu ku imaan kari doono, in ay tahay wax ku xiran, afti laga qaado dadweynaha Soomaaliya oo idil — oggolaashahooda iyo rabitaankooda. Dal iyo Urur Caalami ah ee aqoonsan karaa na, in aan uu jiri karin, ayuu diirka ka caddeeyay. Afkiisa, run lagu qabay.

Ma jiro reer Soomaaliyeed ee ka qadday shahiidnimada nafta loogu huray dhulka Soomaaliyeed ee ka kooban shanta waaxyood. Dalka Soomaaliyeed ee aan xitaa loogu yeerin magac Amxaar iyo mid Sawaaxili, toona, — NFD iyo Galbeed (Ogaden) — Md Geeddi dib u ma aan soo hadalqaadin. Aan adeegsado weedhaha reer magaalku ku tibaaxo, gooraha ay wax u dhacayaan tabtaas oo kale: 'Waa ka dhigtay', 'waa ka maquurtay'. Sidii RW-hii Soomaaliyeed ee hore, Md Cabdirasaaq Xaji Xuseen uu ku la talshay na, ma ahan ninka sameeyay. Hadda ba, dad badan waxa ay haatan rumeysteen in RW Cali Maxamed Geeddi, "kalmadd'uu lahaa"[xii], aan ay kama' uga imaan ee uu u yiri si kas ah. Guuldarrida uu u geystay shacabka Soomaaliyeed nin u qoolmi kara in uu yahay, isu ma ba haysto. Dadka uu nabarrada xanuunka leh kuu jiiday, maxuu u maqli la' yahay goohooda baxaya? Md Geeddii waxa haatan laga codsanayo ma ahan shaahiidnimo; waxa laga rabo waa in uu ku qanciyo, Xabashiga iyo Sawaaxiliga, Soomaalida lagu wada habay — 'tuludda maandeeq' ahayd —  in aan ay abidkood ka hari doonin, oo ay ka daba dhiman doonaan.

Weligaa ishaadu ma qabatay Galuus (istantiibo) lagu dul sawiray calanka Soomaaliyeed ee Md Geeddi koodhkiisa uga qodban wadnaha korkiisa?  Xiddigtaas weyn ee cad ee meesha ka bidhaameysa, miyuu moog yahay in laashin (aftahan) Soomaaliyeed uu ugu duceeyay, ducada aan gaboobin weligeed — "Cadceedda sideeda caan noqo"[xiii]. Xidigtaas cad ayaa runta shaacin doonta, xidigtaas ayaa been kasta oo hadasha — shibin doonta, xiddigtaas ayaa dood oo dhan looga kaaftoomi doonaa: Galbeed (Ogaden) iyo NFD — Soomaali baa iska leh. Amxaarka iyo Afyuubka ba waa ay og yihiin in aan ay lahayn ee, maxuu arlada Soomaalieed uga oggolaanayaa in ay boobaan? Maxuu RW Geeddi guriga Soomaalida ugu dhaxalwareejinayaa nacbkooda?

Md Geeddi waxa laga doonayaa, arladii Soomaalida ee uu isagu lumiyay, in uu British Broadcasting Corporation dib uga baafiyo, ama ba uu ummadda uga tacsiyeeyo,...

Geeridu, dabayaaqada dambe, waxa ay u murugootaa u na oohinmirataa dadkii dunida uga jiitay awgeed, ayaa la yiraahdaa. "Geerid'oon wax dilin ee ninkii go'ay u booyeysa"[xiv] . Waryee, muu inta uu 'diirnax iyo xeebad' u yeesho sida wedka oo kale, inoo baroorto? Md Geeddi waxa laga doonayaa, arladii Soomaalida ee uu isagu lumiyay, in uu British Broadcasting Corporation dib uga baafiyo, ama ba uu ummadda uga tacsiyeeyo, ama se, waa xaqoodiiye, uu ummadda ku soo hambalyeeyo.

Ninku u ma muuqdo xilka ummadda Soomaaliyeed uu u hayo, qofka u ba qalma. Arbaco, Nofeembar 20, 2005, ayaa la weydiiyay Cali Maxamed Geeddi su’aashaan hoose[xv]:

«Dr Geeddi, waxaad dhowaan ka dhawaajisay inaad ku tala-jirto inaad xil-ka-qaadis ku sameyso Wasiirro ka tirsan dowladdaada. Miyeysan habboonayn inaadan ku degdegin xil-ka-qaadis maadaama dowladdaadu tahay mid dib u heshiisiineed?»

«Tallaabadaas (xil-ka-qaadista) waan ku tala-jiraa, waxaana fulinayaa marka waqtigu ii saamaxo. Hal sano kaddib cidna lama sugayo. Dadka aan magacaabay waxaan iri xilalka ku shaqeeya ee ma dhihin sidaad rabtaan ka yeela. Uguma dhiibin jagooyinka inay annaga nagula soo jeestaan. Waxaanse kuu sheegayaa inaan xilka ka qaado kuma degdegaayo. Waddooyin kale ayaa jiri doona. »

Waddooyin kale? Ereyga, waddooyin, waxa uu u sanqadhayaa sida garmaqaate waran — eebo laba-afle ah. Colaad iyo daandaansi mooyee wax kale ee u ereygaas xambaarsanaan karo, miyaa jira? Xildhibaannada uu u gooddinayaa ayaa ay yihiin, run ahaan? Waa wada sidii Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo kale; weli ba, kuwo aan isaga kursiga uga kici lahayn — waa dagaaloogeyaal! Rag markeedii hore ba aan ay jirin cid dooratay; afaryatoban sano, niman iskooda madax u soo ahaan jiray. Xilka uu sheegayo in uu duulka ka xayuubin doono, Soomaali badan ayaa u aragta in taas, RW Geeddi, aan ay wax dan ah ugu jiri doonin. Xilka ayaa ba  dabar oo kale ka dhigan; haddii jagooyinka ay hayaan laga qaado, waa iyada oo laga furay seeto dabraysay oo kale — yey[xvi]oodda laga qaaday ayaa ay soo bixi doonaan. Weli allaa la wada xusuusan yahay sida yeydu ay gelgelinta uga dhigtay magaaladii Xamar ahaan jirtay — sida degmooyinkii, daarihii, dariiqyadii, derbiyadii, dugsiyada, dukaamadii, dadkii iyo duunyadii ba ay u ciireen. Dagaal sokeeye oo dambe, Soomaalidu dooni ay meyso. War hooy, ar maan bahalladaas mareegta laga furin! "Allahayow kuwaan caqli sii; ama aniga caqliga iga qaad," ayuu yiri, Faarax Xaayow, oday laga codsaday kulankii reer tolkii, in uu duco ku khatimo.  Kala dooro, Md Geeddiyow, in aad dagaaloogha la mid noqotid, oo awalba Xamar oo xumaa, aad hadda na xoonka cunsiisid; iyo in xilka aad adigu iska wareejisid, eeddu na ha raacdo, dagaaloogaha. Soomaali badan ayaa na u aragta in xalka dambe uu kuugu jiri lahaa sharaf weyn, hadii aad iyaga dartood, hoos uga dhaadhici lahayd — jagadaas sare ee aad uga korreyso Soomaalida oo idil!

«Dowladda Itoobiya ayaa ballan ugu qaaday Cabdillhi Yussuf iyo Raâiisalwasaare Geeddi in dalka Soomaaliya gacanta loo galin doono, laguna taageeri doono sidii loo xasilin lahaa …. Haddii ay oofiyaan balamadii ay galeen ee ku saabsanaa Aqoonsiga Somaliland iyo arimaha nabadgelyada ee Gobolka[xvii]

Dhaaw yar ayaan jeclaan lahaa in aan halkaan uga tebiyo, dadweynaha Soomaaliya iyo dagaaloogeyaasha.

Hoggaamiye guuleystay, haddii aad maqasheen, ma aan uu ahayn rag ummaddiisa kala geeyay ee waxa uu ahaa — halyaay dulqaad u yeeshay dhib kasta ee uu kala kulmaayay, si u demiyo colaadda ka dhex aloosnayd qarankiisa; waa waalid kala sabaaleeyay dhiillooyinkooda, kalataggoodii na isutag u rogay; waayeel mideeyay codkooda; abbaanduuliye abaabulay halgankooda, duq suurtageliyay wadajirkooda; garsoore aan xeerka mar na joojin, mar na jiifin, qola na goonni eexa uga gelin — geesi nabad iyo nolol, guri[xviii] iyo gobannimo dadkiisa u horseeday.

Sidii Xaaji Maxamed Axmed Liibaan — halkudhegyadiisii la qaadi jiray waayadii Leegada (SYL) — ayaan ku qiirogelinayaa Soomalida meel kasta oo ay ku sugan tahay. Halgaankii gobannimodoon weli waa qabyo.  Ila dhaha:

 "Soomaaliyeey noolow, nin nacaa qabaa ha naxee!"

 "Dhulka kiin ah dhaxloo, nin dhumaa ka dhacshoo
  Dhogortiinna madow, dhowra yaa wadhanii!.

EOF

F.G. >>> Waa in la sii wado qoraallada, gabayda iyo olelaha  illaayo inta uu ruux Soomaali ah oo dulman, uu dunida guudkeeda ku nool yahay. Waa guudkii waxa aad aragteen; dhiiqadu waxa ay ceegaagtaa — gunta hoose. La soco qeybaha soo socda …

[i] Maxamed Cusmaan Ducaale: Geeridii Yamyam: Afar Hal oo u Gaar ah ayaan Gocanayaa.
Booqo: Halkan.....

[ii] Maantooleys: maalin too ahayd, maalintoo; sheeko; sheekoyinka lagu billaabo oo kale: beri baa waxa jiri jiray; sheeko xariiro, beri hore waxa jiri jiray Oday la yiraahdo Oday Biiqe …

[iii] Ismaaciil Mire, Ragow Kibirka waa lagu Kufaa.

[iv] Murdud: Waabaay xaraar (qadhaadh) badan. Reer koofurku waxa ay ku yiraahdaan qofka ay inkaarayaan: 'Murdud ha laguu qasee!'

[v] Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch), Geediyow Garowe Goof ma kuugu Yaal.
Booqo: Halkan........

[vi] Qowsaar: doobbi, geeljir, lo'jir; nin xooloyahan ah, cudurkooda na, dabiibi yaqaan. F. G. Xifaale ahaan ayaan u adeegsaday erygaan, aniga oo ka geleya in, Md Geeddi, uu yahay nin Cilmiga Xoolaha ku xeeldheer. Ereyga na sidaas ayaan ugu kaftamayaa.

[vii] Hussein Abdi-karim Gendsich, ibid (isla meesha gudaheeda).

[viii] Maxamed Ibraahim (Hadrrawi), Gudcur aan Cadaba Jirin. Hees ka mid ahayd ruwaayaddii "Aqoon iyo Afgarad"

[ix] Cabdi Muxummad Amiin, Illoobi mayso Taariikhdu. Hees uu qaaday maalintii af Soomaaliga la qoray.

[x] Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch), Geedi Gartiisa ha qaato.
Booqo:  Halkan....

[xii] Ismaaciil Mire, Ragow Kibirka waa lagu Kufaa.

"Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye …"

[xiii] Cabdullaahi Qarshi: Qoloba Calankeedu waa Cayn.

[xiv] Kulan Xasan Cilmi (Af-Jurun): Ninkii Garanayow Sheega:  Gabay halxiraale ahaa.     

[xv] Wareysigii Maxamed Xaaji (Ingiriis). Booqo: Halkan....

[xvi] Yey: waa xayawaan duurjoog ah, eyga oo kale ah. Maxamed Siyaad Barre, ereygaan ayuu si aflagaaddo ah ugu misaalay: jabhaddii USC ee isaga ka caggajisay magaalomadaxii Muqdisho. Runtu se waxa ay tahay, USC in ay Xamr digada ka dhigtay, oo ay bililiqeysatay na hantidii qaranka. Qabqableyaahu waxa ay ku soo caanbaxeen belaayo iyo hoog — waxa ay ku nool yihiin meel lagu jabay. Colaadda ayay ba ka doorbidayaan, nabadda.

[xvii] Osman Abdillahi Sool, Cabdillahi Yussuf oo ku Wargaliyey in la Aqoonsado Somaliland.
Booqo: Halkan.....

[xviii] guri: waa erey iskudhigitaan, iskudhihitaan, hase yeeshe kala mane duwan. Cudurkaas guri baan ka ahay, macneheedu waa: mar ayuu igu dhacay, mar dambe na igu dhicimaayo; dhisme, aqal; waxa ereygaan kol u dhigmi jiri ereyga: dal, koofurta Soomaaliya waxa la maqlaa: guri Abgaal, guri Xawaadle, guri Duduble, guri koofureed, guri waqooyi … iwm. Halkaan waxa aan ula jeedaa ereyga guri: godin b iyo caafimaad.

___________________
A. M. Yusuf
wayeel@operamail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2005


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....sept 2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD