SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI

Barnaamijkii Radio Xoriyo
29 November. 2005
 
  • Shirar lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo gubidii Fooljeex oo ka kala dhacay Toronto iyo Musawac.
  •  
  • Jaaliyaddaha Ogadenya oo banaanbaxyo kuhorqabanaya safaaradaha Itoobiya.
  •  
  • Fiiq oo lagu xidhay arday wax ka barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha.
  •   
  • Waraysi ku saabsan dareenka jaaliyada Ogadenya ee magaalada Sandiego(Xasuuqii Q/daharre & Fooljeex)
 
 ====================== 
 
Shir lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo gubidii tuulada fooljeex ayaa ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Kanada malintii sabtida ahayd ee bisha Nofember ku aadanayd 26, waxaana shirkaas isugu yimid xubnaha  Jaaliyadda Somalida Ogaadeenya ee magaaloyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Kanada.
 
Shirkaas waxaa ka soo qayb galay wafti ballaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka HADJ ee JWXO Mudane Maxamed Macalin iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Somalida Ogaadeeniya ee ku nool labadaas magaalo.

Waxaana shirkaas warbixin dheer  oo taabanaysay taariikh halgameedka JWXO  iyo xasuuqii loo gaystay maxaabiistii magaalada Q/daharre iyo gudibii ay ciidamada gumaysiga Itoobiya gubeen Fooljeex kasoo jeediyey Kuxigeenka HADJ Mudane maxamed Macalin.
 
Gabagabadiina wuxuu G/kuxigeenku u sheegay dadweynihii ka soo qayb galay shirkaas in loo baahan yahay taageero joogta ah oo halganka loo fidiyo, si loo soo afjaro dhibaatada lagu hayo shacabka somalida Ogaadeeniya. Sidoo kale waxaa shirkaas ka hadlay Abdirahman Suldaan Olol-diinle oo isaguna si qiimo badan uga warbixiyey taariikhda halganka Soomaalida Ogaadeenya.

Waxayna dadweynihii shirkaas iskugu yimid go'aamiyeen in canbaareyn loo soo jeediyo taliska gumaysiga tigreega laguna sameeyo banaanbax safaaraxda Itoobiya bisha Dec 5, 2005 iyo in taageero dagdag ah loo fidiyo JWXO.
 
Dhinaca kale:Jaaliyadda Ogadenya ee wadanka Eretariya ayaa shir balaadhan ku qabatay hoolka shirarka ee magaalada Musawac 25-11-05.
 
Shirkaas oo lagaga hadlayay horumarinta halganka Ogadenya iyo dacatiga ay ciidamada gumaysigu ku hayaan shabaka Ogadenya ayaa waxaa kasoo qayb galay  gudoomiya hay.ada Hanti dhowrka iyo kormeerka ee JWXO Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane).
 
Mudane Diirane ayaa si qota dheer uga warbixiyey halganka ay JWXO kula jirto gumaysiga Itoobiya xiligii uu bilowday iyo siduu ku bilowday ilaa heerka manta uu marayo oo uu ku tilmaamay mid uu ku farxayo qofka jecel inay xoroobaan somalida Ogadenya,wuxuu kaloo Mudane Diirane ka hadlay Xasuuqii foosha xumaa ee ay  ciidamada gumaysiga Itoobiya u gaysteen Qabridahrre iyo Fooljeex.
 
Ugu dambayntiina waxay kasoo qayb-galayaashii balan ku qaadeen inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan jwxo. 
 
Jaaliyaddaha Ogadenya oo banaanbaxyo kuhorqabanaya safaaradaha Itoobiya.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira dalalka kala duwan ee adduunka ayaa horraanta bisha soo socota ee Disember bannaanbaxyo waawayn ku samayn doona safaaradaha uu gumaysiga Itoobiya ku leeyaha wadammada kala duwan ee adduunka.
 
Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Ingiriiska ayaa bannaanbax wayn ku samayn doonta ka so horjeeda safaarada gumaysiga Itoobiya ay ku leeyaha magaalada London maalinta isniinta ah ee taariikhdu ku beegan tahay 05 Disember 2005. Bannaanbaxayaasha ayaa halkaas tubnaan doona inta u dhaxaysa 12:00 duhurnimo ilaa iyo 16:00 galabnimo.
 
Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalalka Denmarka, Norway, Swedan iyo Filand ayaa iyaguna si wadajir ah bannaanbax ugu samayn doona ka soo horjeedka safaaradda gumaysigu ku leeyaha magaalada Stockholm ee dalka Swedan maalinta isniinta ah ee taariikhdu tahay 05 Dismber 2005. Bannaanbaxaasi wuxuu dhacayaa inta u dhaxaysa 10.00 aroornimo iyo ilaa iyo 14.00 duhurnimo.
 
Jaaliyadda Ogaadeenya Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa iyaduna bannaanbax kuwaas la mid ah qaban doonta maalinta khamiista ah ee bisha Disember tahay 08, waxaana bannaanbaxaas lagu qaban doonaa barxadda Aqalka laga xukumo MN. Wuxuuna socon doonaa banaanbaxaas inta u dhaxaysa 12.00 duhurnimo ilaa iyo 15.00 galabnimo.
 
Dhinaca kale: Jaaliyadaha Ogadenya ee wadanka K/Afrika ayaa iyadu aroornimadii saaka banaanbax weyn ku hor qabatay aqalka baarlamaanka Afrika (Pan African Parliament) ee ku yaala magaalada Johansburg.
 
Wargaysyada kasoo baxa wadankaas K/afrika ayaa qoray inay  tahay markii ugu horeysay iyo jaaliyadii ugu horeysay ee banaanbax ku hor qabata xarunta barlamaanka Afrika,banaanbaxaas ayaa ku saabsanaa xasuuqyadii ugu dambeeyay iyo dacatiga joogtada ah ee  uu gumaysiga itoobiya ku hayo shacabka Ogadenya. Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalkaas Koonfur Afrika ayaa maanta si wadajira ah u soo wada-diyaariyay bannaanbaxan, oo si wayn looga qabgalay.
 
Haddaba Axmed Gaal-eri ayaa saaka khadka tilifoonka kula xidhiidhay Maxamed Amiin oo ah suxufi madaxbannaan, wuxuuna waydiiyay sidii uu bannaanbaxaasi u dhacay;
 
Fiiq oo lagu xidhay arday wax ka barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha.
 
Wararka naga soo gaadhaya  magaala madaxda gobolka Nogob ee Fiiq ayaa sheegaya in ciidamada gumaysiga itoobiya ay magaaladaas ku xidh-xidheen arday qiyaastii gaadhaysa 13 oo isugu jira arday wax ka barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha.
 
Xidhayga ardaydan ayaa loo aanaynayaa inuu ku sal leeyahay xasuuqii lagu hayay dhalinyarada Ogadenya ee la doonayay in loo daabulo dhinaca xadka itoobiya iyo Eretariya,ilaa iyo hada warar faah-faahsan lagama hayo xaalada ardaydaas.
 
 
Radio Xoriyo
29 November. 2005
C/nuur Sheekh Maxamed
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2005 

»GABAY: DACWO- Gabay ku socda C/Lahi Yusuf | Dhagaafe
»MAANSADA "GURMAD": Gabay ku socda Cali Geeddi


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD