SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

Meded: Saarkii nacaybkow soo deg

Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK
email:
edleh@hotmail.com

22 Nov. 2005


Akhriste haddii aad ka dhalatay quruumo kale oo aan Soomaali ku abtirsan se fursad u heshay barashada afka Soomaaliga, sidaas darteed aad akhriyikarto maqaalkan ama aad ka soo hayaantay cirjiidhaha sare oo booqashadaadu tahay barashada aadamaha ku uumman koonka islamarkaana si lamafilaan ah qoraalka ishaadu ugu dhacday, ku soo dhowow saacaddii nacaybka Somaliland soo degijiray. 

SAMSAM::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

Waxa aad u dulqaadataa caaddifadda dadka qaarkood la madax maranyihiin, sababta oo ah waa saacaddii “saarka”.  

Saarkani wuxuu soo degaa sannadkiiba mar, mararka qaarkoodna dhawr jeer buu sannadkii soo noqnoqdaa. Waa iska caadi, maaha wax laga naxo, waa saar u saamaxa ummad dhan in ay nefisto oo ku dhereg dhacsato dad kale oo ay leeyihiin wax baannu isu nahay haddana “hor ilaahay” in ay masaxmaan oo boodhkii la afuufay noqdaan baannu jecellahay. 

Sabab? Way hawl badanyihiin. Sidee? Doorashada ayaa ku badan. Dhankee? Dhinaca waxa ay doonayaan. Oo ah? Jihada ay u dhaqaaqayaan? Oo xaggee ah? Meesha ay markaas doonayaan. 

Waan ogahay in ay tahay arrin lagu dhakafaaro, bal se nolosha iyo aayaheeda oo dhan ayaa dhakafaarkaas ah. 

Ismaaciil Mire wuxuu ahaa nin reer miyi ah, wuxuu u egaa nin daacad ah, wuxuu si mukhlisnimo ah u rumaystay nin waalan oo weyso sita oo yidhi wixii aan Ustaad igu odhan waa gaalo dhiiggoodu ii bannaanyahay. 

Si hagar la’aan ah buu Ismaaciil ugu hiiliyay ninkaas waalan iyo barnaamijkiisii siyaasadeed. Wakhtigii ay gaadhay in taariikhda ninkaas waalani dhammaato ayaa Ismaaciil oo wax badani u caddaadeen, islamarkaasna weli rumaysan in halganku sax ahaa wuxuu yidhi;  

“Kaakici wadaadkii dagaal; Laguna kaalmeeye

“Kuman iyo lag wada duub cad buu; Keenay Beerdhiga’e

“Waxse kadabkii go’ay maalintuu; Kariyay reer Khayre”. 

Ismaaciil wuxuu tilmaamay in odayga kawkabluhu go’ay saacaddii “saarkii” nacaybka ee uu tujinayay cidwalba oo kale soo dhaafay ee soo gaadhay jifadii reer abtigii. 

Bal ka warran ninka tixraaciisa aqoomeed yahay taariikhda ninkaas waalani dhigay ee u haysta in Maxamed Cabdille Xasan xitaa risaalada diinta Islaamka isagu keenay dhulka Soomaalidu degto.  

Ka warran ninkan kale. Wuxuu rumaysanyahay in cawadarantii ku habsatay Mudug iyo Nugaal ee Khaliif(Eebbe ha u naxariistee) ka yeedhsiisay:- 

“Wiilyahow madluun baan ahaa; Maalin iyo leyle” ay ahayd sheeko khiyaali ah oo odaygii Siyaad Barre uu ahaa weli soo daahiray. 

Bal indhaha isku yara qabo. Iska dhaaf Burco, Hargeysa  iyo Berbera iyo cabashadooda joogtada ah iyo wax baa nalagu sameeyay. Ka feker Siyaad Barre iyo khudbaddiisii taariikhiga ahayd ee uu kaga baxay diinta Islaamka.  

Aaah? Miyaan maqlay adiga oo igu leh been baad sheegaysaa? Haddii beeninta aayadaha Quraanka ah aan diinta lagaga baxayn ii sheeg meesha lagu tegayo? 

Bal ka warran ninka rumaysan taariikhda uu dhigay ninka sidaas ahaa ee ku leh “dunidu waxa ay ajar laga shaqaysto lahayd maalintii Fircoon ku amar ku taaglaynayay”. 

Goorma ayuu xaqu xaq yahay? Goorma ayay gardarro gardarro tahay? Goorma ayaa hiil kuu bannaanyahay?  

In saarka nacaybka Somaliland soo degaa waxa ay beryihii hore ku xidhnaanjirtay fal Somaliland samayso, ama lagu tuhmo in ay samaysay, ama la yidhaahdo waxa la yidhi waxa lagu tuhunsanyahay in ay samayndoonto. Waxyaabaha saarka dabinkiisa duulinjiray ee had iyo jeer lagu garanjiray waxa ka mid ahaanjirtay, dayuurad libaax ku sawiranyahay oo Hargeysa fadhiisatay, niman qoryo kuwa wax dila ah lagu qabtay oo xabsi la geeyay, markab Berbera ku soo xidhay oo inuu Itoobiya caawimo u sido, inuu shaah madow iibinayo iyo inuu sibidh soo rogayo loo kala garanwaayay. 

Mid ka mid ah astaamahaas marka la arko ayaa waxa caado ah in aad aragto ummad dhan oo mar qudha hindhiso ku waalatay; “Somaliqif, landqif, muqaddisqif, qarandumisqif, goosashoqif iwm”.  

Bisha Noofambar 11keedii sannadka 2005 ayaa madaxa wasiirrada ee dawladda KMG XV aad ee Soomaaliyeed, Mudane Cali M. Geeddi wuxuu waraysi idaacadda BBC-da (British Broadcasting Corporation) laanta af Soomaaliga uu siiyay ku tiraabay “in haddii Somaliland la aqoonsado aanu waxba ka qabin”. 

Iyada oo aan hadalkii Geeddi weli ka wada bixin waayirradii ka soo qaaday telefoonkii uu afka ku hayay ayaa “saarkii” oo malaha hore ugu talagalay inuu iska soo dego degdeg loogu arkay meelwalba. 

Mid baa ku baaqay in Geeddi maxkamad la saaro, mid kale ayaa yidhi waa inuu iscasilaa, mid baa yidhi Cabdillaahi Yuusuf xiniinyaha ha ka saaro, midna wuxuu sheegay inuu isagu gacantiisa shaqo kaga qabanayo. Gabadh baa tidhi anigu toban sannadood baan daba-soconayaa oo aanan ka hadhayn ilaa uu haraaryo u dhinto. 

Geeddi muxuu dhimay bay weydiinta meesha taal noqonaysaa? Erayga uu yidhi ee ah, “haddii Somaliland la aqoonsado waxba kama qabo” maxaa madaxwareer iyo colaad looga qaadayaa?  

Muxuu Geeddi Jabbuuti u aqoonsanyahay ee loo doonayaa in aanu aqoonsiga Somaliland raalli uga noqon? Maxa loo doonayaa Soomaali Galbeed oo Ogaadeeniya loo bixiyay inuu ugu hiiliyo ee loogu diidayaa inuu Somaliland u hiiliyo? 

Jawaabaha oo dhammi waxa ay ku aroorayaan gardarro. Waxba yaan aayado Qur’aan ah iyo salaad foodda la dhigo la isugu gabbannin, Maxamed Siyaad intuu yidhi, “Aayadaha Qur’aanku waa wax gaboobay oo laga baxay” oo wadaaddadii kula yaabay dhegta dhiigga u daray, ayuu weli Muslin sheeganayay oo weli rag iyo dumar ku taageersanyihiin oo ku nalloonayaan kalgacalkiisii iyo wanaaggiisii.  

seydikaQoraalkii Maxamed Xasan "Kancaan"... Guji...

Maxamed Cabdille Xasan intuu aayado daliiliyo ayuu haddana ubadka solayga saarijiray, markaasaa dadka lagu khasbay in ay taariikhdiisii dhiigga ku dhoobatay oo la qurxiyay sandulle ku bartaan, rag iyo dumarna maanta ayay u haystaan in ay Nebi Maxamed(NNKHA) habrawadaag ahaayeen oo aanu dembi ifka ka gelin. 

Saarka nacaybka Somaliland ee kolba sidii weedhka dhinaca ka soo burqanaya ee maantana Geeddi loogu gabbanayaa waa mid ka qoto dheer dhulku yaanu kala go’in. 

Kaama raalli ah in aad noolaato, sandaqaddaada in aan kaa qaado oo meesha ay ka dhisantahay daar ka dhisto, ayaa ka roon in la isu kaa bihinbihiyo oo iyada oo lagula damacsanyahay dabargoyn laguugu soo gabbado diin, diir iyo dal aan cidi muraad ka lahayn. 

Mudane Cali Maxamed Geeddi waa geesi u badheedhay runtu halka ay fadhido, ninkii iyo gabadhii arrintaasi yaab ku noqotay ee ka naxayna naftooda uun bay been u sheegayaan ee waxa habboon in ay toos u badheedhaan oo ka soo baxaan galka ay sidii diinka isku qarinayaan. 

Cadhadu haddii aanad iska keenin way ku dishaa, ku dhinta cadhadiinna sidii diinta Eebbe(SWT) ku sheegay.

Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK
email: edleh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005  


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD