SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Amxaaro oo dibir la dhigtay A/lahi Yusuf &Gedi - Ceebteed maaha ee waa caadadeed 
abdullahi YusufC/llaahi Yuusuf oo ka carooday Safaaradda Itoobay ay..

Maanta ayay Shacabka Soomaaliyeed ku baraarugeen Ethiopia oo safiir heer sare ah u soo dirsatay Hargeysa!.

Qaar baa moodayey Amxaaro inay saaxiibo la tahay A/laahi Yusuf  oo ay jeceshahay ee xagge ka bus kucisay?  Qaar baa u haystay Ethiopia dal tixgeliya deriskiisa oo la aamini karo. Horta fiiri kuwa ku hoos nool 
Maanta ayaan xoogaa rumaystay in aan baarlamaan leeyahay ka dib markii aan dhegaystay xildhibaano si kulul Gedi u weeraraya safiirka Ethiopia ee Hargeysa awgeed.  Xambuulba is qaaday!  Baarlamaanka Soomaaliya ciida ayuu iska jafay.
 
Haddii ay dawlad goboleedyo la soo doortay dhisaan oo arrintana ka dhiidhiyaan waa guul dhaxal gal ah oo u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed DFKSoomaaliyeedna waa ka fiicnaan doontaa tii Carta.
 
Shacabka Soomaaliyeed ee Xamar Degan iyo Baydhabo iyo dibaddaba waxaa la gudboon inay banaabax ku muujiyaan dareenkooda safiirka hargeysa oo hadday ogolaadaan ethiopia ku korsocon doonto.
 
Soomaalida degan Addis Ababa na wax dhintay baa maxay uga banaan bixi waayeen xafiiska African Union arrintan.
 
Ethiopia ma necbayn Siad Barre mana jeclayn jabhadihii ay adeegsatay ee SSDF SPM SNM USC waa ku dangaaraysay
 
Wiirsiga Ethiopia ee Abdilaahi Yusuf waa sidan:
 
Durdurkii markuu gurey
Daaqsiintii la sahan saday
dabayluhu ku qaadeen
dib u noqo haddad tiri
kuu dulqaadanmaayeen
ha igu daalin aniguye
 
Doraad dhiiranaydaa
shalay diricsanaydaa
Maantana ku dabartoo
danbaa kuu runsheegtee
Ethiopia waa ka dabayshatay Abdilaahi oo waxay aaday Hargeysa iyo Dagaal oogayaasha Xamar dagaalka ka bilaabay oo weli fulinya danta Ethiopia.
Amxaaro:  Maqrib dumay sidii sii Abdilaahi xeryaha ma u madoobeeyey!

hassan warankulule
warankulule@yahoo.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006

Saraakiil Mareykan ah oo wax kama jiraan ka soo qaaday hadalkii Geeddi....

Apr 20, 2006

Sarakiil Maraykan ah ayaa beeniyey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedde ee uu Talaadadii sheegay in Soomaaliya ay heshiis la gashay dawlada Maraykanka heshiiskaas oo uu yiri in ciidamada Maraykanku ay burcadda ka ilaalinayaan xeebaha Soomaaliya. Warkaas oo saraakiisha maraykanku ka soo qaadeen mid aan jirin.

Cali Maxamed Geeddi waxa uu warfidiyeenada u sheegay in maraakiib Maraykan ah oo joogey Baxreyn ay usoo dhaqaaqeen badaha Soomaaliya si ay uga waardiyeeyaan burcadda. Laakiin saraakisha Maraykanku waxa ay yiraahdeen "ma jiraan wax heshiis ah oo ku saabsan ilaalinta badaha Soomaaliya oo  lala galay Soomaaliya.", sidoo kale sarkaal u hadlay ciidanka Maraykanka ee aagga Baxreyn ayaa arrintaas beeniyey..

Cali Maxamed Geeddii beenintaas ka dib weli war kala arrinta kama soo saarin. {Isha: News Search}


AP oo Saxday War ay Hore u sheegtay::

April 14, 2006

Wakaaladda wararka ee AP (Associated Press) ayaa ka laabatay warkii ahaa in Sarakaal Maraykan ah uu sheegay in Maraykanku ay taageerayaan maleysiyada Soomaaliyeed ee la dagaalamaya Islaamka Xagjira, waa sida warku u dhigay'e, oo ku dagaalamaya gacan ku haynta Caasimada Wadanka aan Sharcigu ka jirin. Waxana ay wakaaladda AP sheegtay in ay warbixintaas si khalad ah usoo werisey, warkaas oo ay markii hore daabacday April 9, 2006, waxa ay saxday April 12, 2006.  Waxana ay wakaaladda AP tiri: XAQIIQADII, Sarkaalku waxa uu yiri waxa keliya oo Maraykanku la kulmay waa hoggaamiyayaal Soomaaliyeed oo aad u kala duwan si la isugu dayo in dalka lagala dagaalamo Argagixisada Caalamig ah... Qoraalkii AP ay arrintaas ku saxday hoos ka akhri isagoo af ingiriisi ah iyo isha warka. [Eeg halkan]


VICTORY FOR MOHAMED: Deportation to Somalia stayed minutes before departure (canada)


C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....


DHEGEYSO COD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...
Waraysigii Radio Xorriyo: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre
GABAY KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)



Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 29:30

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


SSI: You were quoted as saying if the international community recognizes Somaliland we don’t have a problem, we will accept them. If that is right and if the international community comes to recognize Somaliland as a separate entity, what would be the outlook of your government?

P.M. A Gedi: First of all, the decision and destiny is in the hands of the Somali people not in the hands of the international community. The international community operates through the charter of the United Nations and International Organizations. And in nowhere in that charter is a separation and division of nations possible, so the recognition must come from the Somali people through referendum, through acceptance and through willingness. That was the process of the unity from the beginning and it needs the same process. No country, no international organization can recognize them.

SSI: If Somaliland calls for a referendum, would you support that, to see whether the people would opt for unity or separation?

P.M. A Gedi -A referendum must include all Somali people, not part of the Somali people. This is not an easy task. It is not like local administration, it is the destiny of the whole nation. So it must be all-inclusive and it must express all of Somalia, if a referendum is deemed necessary for the restoration of the reunification.

Read More......


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD